Doorashada Diiwaangelin-la’aan ma lagu galayaa haddii natiijada Diiwaangelintu xumaato?
Hargeysa (Somaliland.Org)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay tallaabada ay qaadayaan haddiiba ay natiijada Diiwaangelintu ansax noqon waydo. Waxaanay sheegeen in ay bilaabayaan hawlihii Doorashadaoo ay qaadanayaan shaqaale tiradoodu gaadhayso 12,000 oo qof.
Xubnaha Komishanka Doorashada oo maanta Shir-Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn ka warbixiyay socdaalkoodii u dambeeyay ee ay ku tageen dalka Kenya. “Saddexdii safar ee aanu ku maqnayn (Itoobiya iyo Kenya), waxaanu ku raadinaynay sidii aanu u heli lahayn taageeradii iyo kalsoonidii dadka Doorashada inaga caawinayay. Safarkayagii Nairobi si wacan ayuu noogu soo dhammaaday oo Khuburadii Server-ka eegaysay warbixintoodii way noo keeneen, deeq-bixiyayaashiina waanu kala kulanay tallaabooyinka aynu qaadayno ee loo baahan yahay, waxaanay inoo ballan-qaadeen inay wax inala qabanayaan oo ay taageero buuxda ina siinayaan wax alla waxa Doorashada ku saabsan ee macquul ah.” sidaa waxa yidhi Afhayeenka Komishanka Axmed Maxamed (Geelle).
Mr. Geelle ayaa mar uu ka hadlayay qorshaha sida ay u bilaabayaan hawlaha Doorashada iyo diyaar-garowgooda, wuxuu sheegay inay qaadan doonaan 12,000 oo shaqaale ah oo ay baahin doonaan. Mar uu arrimahaa ka hadlayay wuxuu yidhi, “Waxaanu imika heshiis cusub la gelaynaa qoladii Server-ka ka shaqaysiinaysay, waxaananu rejaynaynaa Insha Allah in bisha January gudaheeda ay bilaabanto ka shaqaysiintii Server-ka. Waxaana taa xigta hawshii Doorashada u diyaar-garowgeed oo ileen Server uun ka shaqayn mayno ee waynu dhinac wadaynaa diyaar-garowga Doorashada. Waxa imika u horreeya ee aanu ku dhaqaaqaynaa waxa weeye in tayada iyo tirada Xafiis Komishan ahaan ay dhisnaato, sababtoo ah, culayska ku dhici doona, khilaafaadka iyo buuqa iman doona in uu iska xejiyo qaab-dhismeedka Xafiisku ayaa loogu talo-galay. Shaqaalaha aanu Xafiiska ugu nimi waad ogaydeen oo inyar buu ahaa, Nin Agaasime guud ah, Xoghaynta iyo dhawr Xisaabiye ayay ahaayeen, markaa in aanu xoojino ayaanu ku talo-galnay oo aanu shaqada qorno dad badan oo kale oo aanu shaqadaas xayaysiinteeda aad ka arki doontaan Jaraa’idka.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Isla markaa waxay noqonaysaa in aanu Gobollada u dhaqaaqno oo aanu samayno guddiyadii Doorashada ee Komishanka oo aanu dhawaan gobollada u baxno. Waxa kale oo jiraya in aanu u sii diyaar-garowno goobihii Doorashada, waxaana jirta oo kale in ay shaqaaluhu u sii kala bixi doonaan laba qaybood; kuwo joogto ah oo ugu yaraan sanad wixii ka badan shaqayn doona, kuwo ku-meel-gaadh ah oo bilo shaqaynaya iyo kuwo maalintaa Doorashada uun shaqaynaya. Markaa qoladii Xisbiyada metelayay ayaa jira, wacyi-gelintii dadweynaha ayaa iyana jiraysa oo ay Warbaahintu door wayn ka qaadan doonto. Waxaas oo dhan oo isku noqonaya ilaa 12,000 oo qof ayaa tababar u baahan oo la tababarayaa, waxaana loo baahan yahay halkii lagu tababarayay. Hawshaas baaxadda leh oo dhan baanu galaynaa Insha Allah wixii toddobaadkan ka dambeeya oo aad nagu ogaanaysaan.”
Intaa ka dib qaar ka mid ah su’aalo la waydiiyay iyo jawaabihii ay ka bixiyeen waxay u dhaceen sidan;
S: Haddii Server-ka ay wax lagu qancaa ka soo bixi waayaan, ma qaadanaysaan go’aan ah in Diiwaangelin la’aan lagu galo Doorashada? Ta kale, masuuliyadda Server-ka yaa leh?
J: Horta, Diiwaangelin laga quusanayaa oo la tuurayaa ma jirto, sababtoo ah waxaad ogtihiin saddexda Xisbi qaran heshiiskii ay Bulshada Caalamku dhexdhexaadisay waxa la qoray in Diiwaangelin lagu galo Dooorashadan iyo kuwa mustaqbalkaba, markaa diiwaangelin la’aani meesha ma taalo. Waxa laysla waafaqay in Diiwaangelintii la saxo ilaa iyo inta la sixi karo, waayo lama heli karo Liis 100% Caalamka wada sax ah, laakiin intii la sixi karo, kharashka lagu saxayana ay Bulshada Caalamku bixiso ayaa lagu heshiiyay. Waxa kale oo aan umadda u sheegaynaa in laga bilaabo maanta ay masuuliyadii Serverka iyo xogtii Diiwaangelintu ay ku soo wareegtay Komishanka oo aanu masuul ka nahay, sidaas ayaanu ku soo heshiinay. Waxaanay noo sheegeen in Xogtii la geeyay Nairobi ee laynaga qaaday ay hayeen oo waxay yidhaahdeen markii khilaafku dhacay, ayaanu idiin haynay si aanay u lumin. Waxaan idiinku bushaaraynayaa in Xogtaad Nairobi loo qaaday Komishanka lagu soo wareejiyay oo aanu gacanta ku hayno oo ay Interpeace ka soo wareegtay.
S: Had iyo jeer markaad safar u baxaysaan 7-diina xubnood waad is-wada raacdaan, yaad kaga sii tagtaan shaqada?
J: Dee horta, markaanu baxno Xafiiskii qaab-dhismeed ayuu leeyahay oo Agaasime iyo shaqaale kale ayaa jooga oo sii wata shaqadooda, anaguna in aanu is-raacno waa muhiim oo Komishan ahaan bay masuuliyaddu noo saaran tahay oo meel kasta oo aanu go’aan ka gaadhayno aanu wada-jir u gaadhnaa, sababtoo ah safarkii u dambeeyay oo kale anaga oo maqan baa loo baahnaa in aanu go’aan gaadhno, markaa sidaas ayaanu isku raacaynay.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
wararkasomaliland@gmail.com
