Ogaysiis: Shirweynihii Xisbiga UCID oo lagu qabanayo Bristol

(UCID WAA ISBDEL DHAB AH, U CODEE UCID, U CODEE SOMALILAND)

Jaaliyada reer Somaliland ee Bristol waxay iyada oo ku faraxsan Marti galinyasaa Shirweynaha Xisbiga UCID oo lagu qaban doono Magaalada Bristol taariikhdu markay tahay 19/12/2009.  Shirkan waxaa kasoo qayb gali doonaa madax kala duwan oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka UCID. Eng. Faysal Cali Waraabe.

Shirkan waxaa lagu soo bandhigi doonaa Siyaasada cad ee Xisbiga UCID iyo qorshaha u degsan ee  uu ugu talogalay inuu dalka ku hogaamiyo hadii uu ku guulaysto doorashooyinka madaxtinimada ee ka dhici doonta Somaliland, waxaa kale oo uu Xisbiga UCID bulshada ku dhaqan UK  us oo bandhigi doonaa sababta ay ugu qalmaan in dadweynaha Somaliland  ay taageeraan una codeeyaan Xisbiga UCID , iyada oo sidoo kale xisbigu uu faahfaahin ka bixin doono waxa uu kaga duwan yahay labada Xisbi ee kale ee KULMIYE iyo UDUB.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna si faahfaahsan uga warbixin doonaa kaalintii saliimka  ahayd ee uu Xisbigiisu ka qaatay deminta xiisadihii siyaasadeed ee uu dalku soo maray, sidoo kale waxa uu gudoomiye Faysal dadweynaha uga jawaabi doonaa su’aal kasta oo ay tabanayaan inay ka waydiiyaan siyaasada xisbiga UCID.

Hadaba hadii aad doonayso inaad wax ka ogaato Siyaasada Xisbiga UCID, ama aad rabto inaad Xisbiga UCID ku soo biirto ka soo qaybgal shirkan oo ay kuugu diyaar yihiin masuuliyiinta Xisbiga UCID ee heer Gobol, Degmo iyo Qaranaba kuwaasoo kaa shaafiyi doona siyaasada Xisbiga.

Hal-hayskeena shirku waa  (UCID WAA ISBDEL DHAB AH, U CODEE UCID, U CODEE SOMALILAND)

Faahfaahinta Shirka:

Taariikhda: Sabti 19/12/2009

Saacada: 1:30PM- 4PM       ( Kulanka Dadweynaha)

Saacada: 4Pm-6PM               (Kulanka Laamaha UCID UK)

Goobta Shirka : The Trinity Centre, Trinity Road Bristol, Avon, BS2 0NW ( waa kasoo horjeedta rugta boliska ee Trinity Police Station) Map:  <<Mapka madasha shirka.gif>>

Wixii Faahfaahin ah kala xidhiidh Kaysar Cabdilaahi 07769970314 ama Khadar Xuseen 07943422909


TOP