GUURTIYEEY WAXAD KA BADBAADEEN DAAWO BUKOOTAY MAXA LAGU DABIIBAA?
Waa hubaal, in Golaha Guurtida Somaliland door muhiim ah ka soo qaatay bud-dhigii, midayntii Shacbiga iyo horumarinta dalkeenan Somaliland, balse tan iyo intii Somaliland ku talaabsatay nidaamka doorashooyinka ee Xisbiyada badan, dhex- dhexaadnimada Golaha Guurtida far ayaa ku godnayd, mugdi ayaana galay kaalintii
Golaha Guurtidu kaga jirtay Somaliland.
Haddaba, Waxaan u arkaa in Golaha Guurtidu yahay daaweeye caqabadaha adag ee Somaliland ka horyimaada, nooc kasta oo ay yihiinba, in kasta oo markaan dhagaystay doodii Golaha Guurtida ee ku saabsanayd muddo kordhinta xilka Madaxweynaha iyo go?aankii shacbiga intiisa badani ka filaayey, ay in yar kaga badbaaday Guurtidu
inay noqoto DAAWO BUKOOTAY, MAXA LAGU DABIIBAA?
25 September, 2009, waa maalintii Golaha Guurtida Somaliland soo saareen go?aanka raali geliyey Xisbiyada Qaranka iyo dhammaan shacbiga Somaliland mucaarid iyo muxaafidba, kaas oo lagaga badbaaday werwer badan oo uu shacbigu ka qabay halka arrimuhu ku danbayn doonaan.
Ugu danbayntii, Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shacbiga Somaliland, Goleyaasha Qaranka, gaar ahaana Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, anigoo ugu hambalyeynaya go?aankii ay ka qaateen khilaafkii siyaasadeed ee ku saabsanaa doorashooyinka iyo dhammaadka xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Waxan Golaha Guurtida u soo jeedinayaa inay halkaa ka wadaan go?aankooda ku salaysan, midnimada shacbiga iyo dhex-dhexaadnimada tartamayaasha doorashooyinka, isa markaana ka foggaadaan ku milanka Xisbiyada Qaranka.
Mawliid Maxamed Xaashi
Hargeysa
