Guddoomiyayaasha Mucaaradka oo beri isu-soo-bax degdeg ah ugu baaqay shacabka
Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID ayaa caawa shacabweynaha ugu baaqay inay isu-soo-bax isugu yimaadaan Golaha Baarlamaanka hortiisa, si looga hortego muddo-kordhin ay damacsan yihiin Mudanayaasha Xukuumadda taageersan ee Guurtidu. Waxaanay sheegeen in haddii Xukuumadda loo kordhiyo ay Mucaarad ahaan dhisayaan Dawlad.
Labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin labadaa Xisbi ka tirsan, ayaa shir-jaraa’id oo ay caawa ku qabteen Hutel Imperial ee Hargeysa ugu baaqay shacabweynaha Hargeysa ku dhaqan inay isugu yimaadaan isu-soo-bax ay sheegeen in lagaga hortegayo in Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiso Madaxtooyada. “Madaxweynuhu wuxuu maanta qasbay Golaha Guurtida qayb ka mid ah oo uu doonayay inay u kordhiyaan..Waxaanu doonaynaa inay umaddu isu-soo-baxdo oo ay diido, sidii ay horeba u diidi jirtay oo ay Golaha Guurtida isugu hor yimaadaan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilaanyo.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaa ka hadlay, ayaa eedayn u jeediyay Madaxweyne Rayaale. Waxaanu baaq u diray Qoysaska saddex Mudane oo ka tirsan Shirguddoonka iyo Golaha Guurtida. “Dad jilicsan oo haddii la taabto Naftu ka raacayso ayaa jira’e, waxaan u jeedinayaa Qoysaska saddexda Oday ee X. Cabdi-waraabe, Sh. Axmed Furre (Guddoomiye-xigeenka 1aad) iyio Siciid (Guddoomiye-xigeenka 2aad) inay joojiyaan beri.”
Inkasta oo labada Xisbi Mucaarad ay diideen in Su’aalo la waydiiyo, haddana waxay halkaa ka akhriyeen Warsaxaafadeed u dhignaa sidan;
“QORSHAHA GUURTIDA QAYB KA MID AH EE MUDDO KORDHINTA XILKA MADAXTOOYADA:
1-Digniin ku wajahan talaabada guracan ee qayb ka mid ah Golaha Guurtidu go’aansadeen in barito oo Jimce ah oo taariikhdu tahay 25 September, 2009 ay isugu yimaadaan fadhi ay ku doonayaan muddo kordhin ay u samaynayaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa xilkoodii dhammaanayo 29 October, 2009, kaasoo sharciga baalmarsan, layskuna waafaqsanayn, lidna ku ah aqbalaadii 6-dii qodob ee beesha caalamku u soo jeediyeen saddexda Xisbi Qaran, kuwaas oo ay aqbaleen saddexda Xisbiba.
2-Sidoo kale, ayaa looga digayaa Madaxweynaha, Xukuumadiisa, iyo Xisbigiisa UDUB ee u tafaxaytay meel-marinta mooshinkaas muddo kordhinta ee aan la isku raacsanayn, isla markaana ka hor-imanaya shuruucda iyo heshiisyadii ay wada galeen saddexda Xisbi Qaran., kaasoo dalka u horseedaya qalalaase iyo burbur.
3-Waxaanu ku wargelinaynaa Shacab weynaha Somaliland gudde iyo dibedba iyo Guddiyadii kala duwanaa ee isku xilsaaray dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka oogan dalka inuu dhabarjebiyey Xisbiga talada hayaa ee uu Guddoomiyaha ka yahay Daahir Riyaale Kaahin, isagoo horena horseed ka ahaa muranka siyaasadeed ee ka oogan dalka.
4-Sidoo kale, waxaanu ku wargelinaynaa beesha caalamka ee daneeya Somaliland iyo wadamada aynu saaxiibka nahay ee deriska ah, muddadana ku hawlanaa xal-u-helida khilaafyada siyaasadeed iyo kuwa sharciyeed ee dalka ka jira in xukuumadda Riyaale ay hortaagan tahay dedaalkii iyo gunaanadkii iyo soo ururintii qodobada saldhiga u noqonaya heshiis waara oo dhex mara saddexda Xisbi Qaran, una horseeda qabsoomidda doorasho xor oo xalaal ah.
Waxa nasiib darro ah, in Xisbigii shalay ogolaaday tallo bixintii beesha caalamka, inuu maantana si badheedh ah gaashaanka ugu dhuftay, diidayna hir-gelintiisa, una diga-rogtay muddo kordhin khasab ah, oo aan raali laga wada ahayn, isla markaana u horseedaysa dalka burbur, halisna gelinaysa jiritaanka Somaliland.
Waxay labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE ugu baaqayaan dadweynaha Somaliland inuu galbaday hanaankii doorasho, mugdina uu galay midnimadii shacabweynaha Somaliland, iyada oo ay Guurtidu abaalmarin uga dhigayso Madaxweyne Riyaale iyo ku xigeenkiisa muddo kordhin aan sharciga waafaqsanayn, ka dib markii ay ku guuldaraysteen mas’uuliyadii ka saarnayn gudashada waajibaadkooda Qaran, isla markaana suurta-gelin waayey qabsoomida doorashooyin ka hirgala dalka wakhtigii loogu talo galay.
Sidaas awgeed, Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay ugu baaqayaan dadweynaha Somaliland iyo bulshada Caalamka inay ka hortagaan qalalaasaha la abuurayo ee saamaynaya Somaliland iyo dalalka aynu deriska nahay.
Haddaba, waxay labada Xisbi Qaran ku boorinayaan muwaadiniinta Somaliland inay kaalintooda ka qaataan badbaadinta iyo samata-bixinta Qaranka haadaanta ka laalaada, waxaanay u arkaan in halistaasi soo foodsaartay dalka lagu badbaadin karo kacdoon shacbi oo ka qabsooma dalka oo dhan.
Ugu danbayntii, waxay labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE xusuusinayaan ciidanka booliska inay waajibaadkooda nabadgalyo gutaan, hase yeeshee ka taxadiraan ku xad-gudubka xuquuqda muwaadinka.”
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
