SOCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE

OCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE
WAR-SAXAAFADEED – JULY 29, 2009
Xisbiga KULMIYE isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee ka saaran hagaajinta xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada caalamka; arkayna in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo Maraykanku uu imika soo kale dhexgalay isafgaranwaa culus, sida ka muuqatay hadaladii ay is dhaafsadeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Afrika uu qaabilsan Kongaress ka Maraykanka, wuxuu go’aansadey xisbigu inuu ka shaqeeyo sidii xidhiidhka Somaliland la wadaagto dawladda Mareykanka loo hagaajin lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye , oo mrtiqaad ka heley Congress-ka Mareykanka ayaa socdaal ku tagay dalkaas . Dr. Maxamed wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay magaalo madaxda Mareykanka ee Washington DC Mudane Donald Payne, Guddoomiyaha Guddiga Baarlmaanka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika.
Gudoomiye Donald Payne waa nin miisaan wayn ku leh siyaasadda Maraykanka ee Afrika, wuxuuna ahaa xildhibankii soo bandhigaya mooshinkii nambarkiisu ahaa 20, ee laga ansixiyaya Kongaress ka Maraykanka taariikhdu markay ahayd Febuary20, 1999. Nuxurka mooshinkaasi wuxuu ku baaqaye in Somaliland la siiyo gargaar dhaqaale iyo taakulo bini’aadanimo, waxaanu ahaa mooshinka kaliya ee Kongarayska Maraykanka laga soo saaray ee taageero loogu fidinayay Somaliland. Gudoomiye Payne waa xildhibaanka keliya ee ka tirsan Kongaresska Maraykanka ee yimi Somaliland, waana xildhibaankii u suurto geliyay in Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Madaxwayne Mohamed Haji Ibrahim Cigaal, loogu sameeyo casho sharaf Kongaresska Maraykanka oo ay ka soo qayb galeen xildhibaano badan. Gudoomiye Payne waa Kongaressman-ka keliya ee la kulmay Madawayne Rayale markii uu yimi Maraykanka. Waxa uu Gudoomiye Payne taageero joogto ah la garab taagan yahay shacabka iyo dawlada Somaliland. Shirkii ugu dambeeyay ee uu ku qabtay Washington wuxu ugu talo galay in Somaliland ay ka hesho taageero dhaqaale oo lagu sugo amaanka. Gudoomiye Payne wuxuu madax ka yahay guddi barlamaan oo qaabilsan soo jeedinta iyo ansixinta taageerada iyo hawlgalada xukuumadda Maraykanku ka fuliso Afrika. Wuxuu gacan wayn ku leeyahya samaynta qawaaniinta iyo hindisayaasha siyaasadeedd ee saamaynta ku leh qaaradda Afrika. Wuxuu kaloo wax ka go’aamiyaa dakhliga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku baxa waddamada Africa.
Wuxuu socdaalka Xoghayuhu Dr. Maxamed xaqiijiyay in Gudoomiye Payne yahay saaxiibka ugu wayn ee Somaliland ku leedahay barlamaanka Maraykanka iyo in isfagaran waaga culus ee soo kale dhex galay labada geesoodna uu maanta gaadhsiisan yahay heer uu joogsaday wada hadalkii iyo xidhiidhkii labada dal. Taasi oo dhaawac wayn gaadhsiinaysa dantii qaranka Somaliland. Xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiyewaxa loo sheegay in dawlada Dahir Rayaale ay martiqaad qoraal ah ka heshay xafiiska Gudoomiye Payne, xukuumada Dahir Rayale-na ay jawaab qoraal ah oo ay ku aqbashay inay ka soo qayb gasho shirka u soo dirtay xafiiska Gudoomiye Payne. Muddo yar ka hor xiligii shirka bilowgiisa waxa maamulka Rayale ay go’aansadeen in aanay shirka ka soo qayb gelin, inkastoo wakiilka xukuumada Rayale ee Maraykana Dr. Saad Noor uu yimi oo uu soo fadhiistay madashii shirku ka dhacay. Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in laga wada hadlo arrimaha saameeya nabad gelyada gobolka iyo sidii ay dawlada Maraykanku taageero uga gaysan lahayd. Taageeraadaasi oo Gudoomiye Payne oo masuul uga yahay barlamaanka Maraynkanka.
Xukuumada Riyaale waxay ula dhaqantay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Guddidd Arrimaha Africa ee barlmaanka Maraykanka iyo khaasatan xidhiidhkii Gudoomiye Payne si aad iyo aad u fool xun oo wax u dhimaysa danaha aasaasiga ee shacabka Somaliland. Taasuna waa mid tusaale wayn u ah sida xukuumada Riyaale u maamusho xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka. Safarka Dr. Maxamed Cabdillahi wuxu ka halwgalay sidii loo soo noolayn lahaa xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalka Mareykanka iyo Guddoomiye Donald Payne oo madax ka ah guddi barlamaan aad ugu mihiima qadiyada Somaliland. Gudoomiye Payne wuxu ogolaaday in uu kulan kula yeesho xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye xarunta barlamaanka maraykanka ee Capital Hill. Kulankaasi oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha 27-kii iyo 28-kii bishii July. Kulankaasi waxaa lagu lafaguray arrimo fara badan oo khuseeya nabadgelyada, dimuqraadiyadda, xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland iyo arrimo la xidhiidha doorashada madaxtooyada Somaliland. Wuxuuna Guddoomiye Donald Payne ugu hambalyeeyay shacabka Somaliland dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta nabadgalyada iyo kobcinta dimuqraadiyada . Waxaanu ugu baaqay in Somaliland qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda xiligii loogu talo galay. Waxaanu muujiyay walaac uu ka qabo khatar soo gaadha nabadgelyada Somaliland iyo inuu diyaar u yahay inuu Somaliland la shaqeeyo oo ka caawiyo sidii looga hor tagi lahaa khatarahaasi. Waxaa kaloo shirlka lagaga wada hadlay go’aanka uu maanta madaxwayne Rayaale ka qaatay natiijadii diiwaangalinta codbixiyayaha dalka iyo saamaynta ay ku yeelan karto nabadgalyada dalka. Dr. Maxamed iyo Gudoomiye Payne waxay is la qaateen in si joogto ah ay uga wada shaqeeyaan balaadhinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.
Hussein Cabdi Ducaale,
Gudoomiyaha Woqooyiga Amerika ee Xisbiga KULMIYE
![]()
![]()

