Madaxweyne-xigeenka oo ka hadlay falkii Madaxda Kulmiye loogu diiday gelitaanka Madaarka Hargeysa
Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in uu ka cadhooday tallaabadii shalay Madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye loogu diiday inay galaan Madaarka Hargeysa, kuwaas oo qorshuhu ahaa inay halkaa ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha Kulmiye Axmed-Siilaanyo oo shalay dalka ku soo laabtay.
Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Warbaahinta qaarkood la hadlay, wuxuu sheegay in markii uu maqlay tallaabada lagaga horjoogsaday Madaxda iyo taageerayaasha Kulmiye Madaarka uu la hadlay Taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi Dubbad, isla markaana uu ku wargeliyay in dhammaan Madaxda oo dhan. Waxaanu Dawladda ugu baaqay in la ilaaliyo karaamada iyo sharafta Madaxda, gaar ahaan Murashaxiinta mansabka Madaxweynenimo. “Horta markii aan maqlay waan la hadlay Taliyaha Booliska, waa nin (Siilaanyo) u sharaxan Mansab Madaxweynenimo, dawladda waxa waajib ku ah in la ilaaliyo naftiisa, waana mid saaran Qaranka.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku, waxaanu sheegay in uu ka xanaaqay tallaabadaas. ‘Laakiin, Anigu waan ka xanaaqay markii arrinkaa lay sheegay, waxaanan ku idhi (Taliyaha Booliska) ha la sii daayo Masuuliyiinta oo dhan, waanan ka war dooni doonaa arrintaas.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Tallaabadan shalay Xukuumaddu kaga horjoogsatay madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye gelitaanka Madaarka Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa cambaareeyay madax iyo masuuliyiin ka kala tirsan Xisbiga UCID iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Kuwaas oo ku tilmaamay arrin kali-talisnimo ah.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
