Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay qorshaheeda Cudurka Hargab-Doofaarka oo maraya Itoobiya
Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa shalay markii ugu horraysay ka hadashay Cudurka Hargab-doofaarka oo dalal badan oo dalka la deriska ah ee Itoobiya ka mid yahay lagu arkay, kaas oo Hay’adda Caafimaadka Dunidu ay u aqoonsatay in uu yahay mid dilaa ah.
Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda WHO ee Caafimaadka Dunida, ayaa si wada-jir ah u shaaciyay dhibta Cudurkan, tirada ugu dhimatay Dunida ama u jiifa iyo sidoo qorshaha ku-talo-galka ee Cudurkan ay ku wajahayso Somaliland iyo waxyaabaha uga meel yaalaba. “Cudurka la yidhaahdo hargab Doofaarka inta la ogyahay hadda soo gaadhay qaar ka mid ah wadamada Jaarka inala ah sida Itoobiya iyo Kiiniya, oo tirada uu ku dhacay dunida ay imika marayso 7893 qof, dhimashadiisa ilaa hadda la xaqiijiyay waa 311 qof. Marka aad eegto Goboladeena inta ay Gobolka Galbeedka Midhatareeniyaanka, inta uu ku dhacay waa 313, dhimashana malaha Gobolka aynu ka midka nahay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Cabdi Haybe oo isaga, Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa Hargeysa u fadhiya Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay si wada-jir ah shalay Shir-jaraa’id ugu qabteen Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa. Waxaanu Wasiirku kaga warbixiyay Shirka-Jaraa’id Xanuunka Hargab-Doofaarka, Calaamadaha lagu garto iyo sida ay Xukuumad ahaan uga gaashaanteen ama ugu diyaar garoobeen haddiiba lagu arko Somaliland.
Wasiirka Caafimaadku wuxuu sheegay in ay tababaro ku saabsan Cudurka Hargab-doofaarka loo furay Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka. “Waxaanu maanta shirkan nagala soo qaybgalay Hay’addda Caafimaadka Adduunka WHO, taasoo markii ugu horeysey ee cudurkan dunida lagu arkay aanu ka codsanay inay Shaqaalaha Laababka Somaliland iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadkaba tababbar xanuunkaas ku saabsan ay soo siiso, Shaqaalahaasi tababbarkaas way soo qaateen, Macluumaadka sidii loo baadhi lahaa iyo sidii looga hortagi lahaaba waanu haynaa, WHO-na dawadii la siinayay dadka lagu arko ama cudurkaas loo isticmaalayay way keentay oo way inoo taalaa.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu sheegay in ay Wasaarad ahaan aanay haynin Shaybaadhkii lagu baadhi lahaa qofka Cudurkan laga baadhayo, hase ahaatee, dhiigga laga qaado loo diri doono Dunida. “Haddii la arko dad leh astaamaha xanuunkan waxa dheecaada laga qaado loo dirayaa adduunka, waayo dawadii Hay’adda WHO way keentay balse waxa aan diyaar ahayn qalabkii wax lagu baadhayay, waana la keeni doonaa haddii alle yidhaahdo,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
Cabdi Haybe wuxuu sheegay in la sameeyay guddi ka hawl-gasha ka hortagga iyo la-dagaallanka cudurkan, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi,“Innagu Somaliland ahaan waxaynu xuduud la leenahay dhawr wadan, Siyaasad ahaanna Wasaaraddu waxay samaysay Guddi la socota hadba xaaladda iyo inta uu inoo jiro Cudurkani. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Caafimaadka, WHO, Wasaaradda Duulist iyo Hawada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidamada Booliska iyo Dekadaha, Xuduudaha sidii looga hortagi lahaa dhammaan cidda dalka diyaarad ku imanaysa, cidda gaadhi ku soo galaysa, cidda Dekad ka soo galaysa iyo cid kasta oo xanuunkaas looga shakiyo.”
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Anwar Maxamed Cige, oo isaguna shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay calaamadaha lagu garan karo Cudurka Hargab-Doofaarka iyo sidoo kale qaabka loo kala qaadi karo ama qofka qabaa uu cid aan qabin ugu gudbin karo. “Waxa lagu garan karaa xanuunkaas oo uu leeyahay Xumad fara badan, Cuna-xanuun, Shuban iyo Matag, waana xanuun sambabada ku dhaca, kana xumad badan Hargabkii caadiga ahaa ee aynu naqaanay. Waxyaabaha lagu kala qaadana waxa ka mid ah, Salaanta, Dhunkashada, Neefta, hal weel oo wax lagu wado cuno, qufaca, taabashada iyo wixii la mid ah.” ayuu yidhi Anwar.
Sidoo kale, waxa halkaa ka Aasiya Cismaan oo Madax ka ah Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Xafiiskeeda Hargeysa, waxaanay sheegtay in ay Wasaaradda Caafimaadka iyo HWO ay iska kaashadeen sidii dad gaar ah loogu soo tababari lahaa, isla markaana looga diyaargaroobi lahaa wax kasta oo lagaga hortagi karo ama wax lagaga qaban karo cidda xanuunkaa lagu arko. “29-kii bisha June dadka uu saameeyay waxay marayeen 7893, 311 ayaa dhintay, dalalka Gobollo ayaa loo qaybiyay..Waxaanu xanuunkani ka yimi Doofaarka, ka dib dadkii ayuu u soo gudbay, sidoo kale waa xanuun si fudud loo kala qaado oo calaamadahaa uu Agaasimuhu sheegay ayaa lagu kala qaadaa..” ayay tidhi marwo Aasiya, waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Ilaahay inooma keenee haddii uu xanuunkan lagu arko Somaliland waxa dheecaanka loo qaadi doonaa dibada si loogu soo baadho inta la keenayo qalabkii lagu shay-baadhi lahaa balse ay diyaar yihiin shaqaalihii oo la soo tababaray. Waxaan soo jeedinayaa in Wasaarada caafimaadka iyo WHO ay yeeshaan xidhiidh joogto ah iyo isku xidhnaan la xidhiidha isha ku haynta xanuunkan”
Somalilland.Org
Hargeisa News Desk
