Guddoomiyaha Guurtida oo sheegay in la xalliyay khilaaf Golaha u dhaxeeyay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha Guurtida Somaliland oo maalmihii la soo dhaafay kulan albaabadu u xidhan yihiin oo Saxaafaddu dibedda ka joogtay ku lahaa Xaruntooda Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay heshiiyeen, isla markaana ay xalliyeen khilaafaadyo u dhexeeyay, kuwaas oo uu ka mid ahaa muran ka dhashay muddo-kordhintii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka oo ay ku kala qaybsameen Goluhu.

Shirarkan Albaabadu u xidhan yihiin oo labadii maalmood ee laga soo gudbnay Golaha uga socday Hoolka shirarka ee Guurtida, ayaa markii ay shalay ka soo dareereen kulankoodii labaad ee ay arrintan ka yeeshaan oo ay shalay isugu yimaadeen Mudanayaashu Goluhu mar kale, ayaa mar ay Saxaafaddu Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan wax ka waydiisay natiijadii shirarkan iyo wixii lagaga wada hadlay, wuxuu yidhi, “Waar yaadhaheen (Saxaafadda) Rikoodhadiinan i hoos dhiga ama ha i hoos dhigina, Golaha labadii fadhi ee ugu horeeyey kalfadhigan 38-aad-ba waad joogteen, fadhigii shalayna (dorraad) waanu ballanay uune’e waxba kamaanu hadlin. Waxa sababay waad ogeydeen khilaafaad kalena ma jirin ee cabashooyin ayaa ka muuqmuuqday, waxaanu ka hadlaynaynay wanaaga iyo wada shaqeynta.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir oo ka mid ahaa Mudaneyaasha ay aadka isku hayeen Guddoomiyaha ee khilaafku u dhaxeeyey oo isna shalay Saxaafaddu wax ka waydisay waxa lagaga hadlay kulamadan iyo in ay ku shifoobeen kulankaa turxaan-bixinta ah, ayaa wuxuu yidhi, “Heshiis wanaagsan ayaa ka soo baxay, kaas oo la xidhiidha in khilaafaadkii Golaha ka jiray la aaso oo wanaag iyo wada jir lagu waddo shaqeeyo.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Wax kale oo aan ku soo qaadnay wacyigelinta nabadgelyada iyo xoojinteeda”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

 

 


TOP
kaariye104

Barkhad Kaariye

kaariye104 has blogged 1095 posts.
Website: http://www.somaliland.org