Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah oo ka hadlay sababta ay M/weyne Rayaale ula kulmi waayeen

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wefti ka socday Deeq-bixiyayaasha Caalamiga oo booqasho dalka ku yimi, ayaa dedafeeyay Warar ay baahiyeen Warbaahinta maxalliga ah qaarkood, kuwaas oo sheegayay in Xubnaha Weftigani ay diideen inay la kulmaan Madaxweyne Rayaale. Waxaanay ka warbixiyeen sababta ay ula kulmi waayeen Madaxweyne Rayaale.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha guddida kormeerka Barnaamijka Dimuqraadiyadaynta Somaliland Mr. Richard Hands, Weftigani markii ay dalka yimaadeen waxa si wada-jir ah ula kulmeen saddexda Xisbi Qaran. Waxaana War-saxaafadeedkaas lagu sheegay in aanay jirin wax iska bedelay qorsihii ay hore ugu heshiiyeen Komishanka, Weftigani markii ay dalka yimaadeen waxa si wada-jir ah ula kulmeen saddexda Xisbi Qaran. Waxaana War-saxaafadeedkaas lagu sheegay in aanay jirin wax iska bedelay qorsihii ay hore ugu heshiiyeen Komishanka, Dawladda, Axsaabta iyo Deeq-bixiyayaashu.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Qoraal lagu baahiyay Wargeyska Jamhuuriya 30-kii June 2009 (shalay) oo ku saabsanaa Weftiga Deeq-bixiyayaasha ee Hargeysa yimi 29-June-2009. Deeq-bixiyayaashu waxay doonayaan inay caddeeyaan arrimahan soo socda;

Deeq-bixiyayaashu may diidin inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu lahaa ballamo kale, sidaa darteed wuxuu u xilsaaray in uu kulanka Weftiga u metelo Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Jadwelkii hore ee Weftiga waxa ku jiray kulamo ay la yeeshaan Komishanka Doorashooyinka iyo cid kale. Hase ahaatee, Cimilada xun hadda ee Hargeysa darteed, Diyaaraddii sidday Weftiga ee ka soo kicitintay Nairobi, waxay u leexatay dhinaca Berbera, taas oo keentay inay Hargeysa soo gaadhaan Weftigu saddex saacadood ka dib waqtigii ballanku ahaa. Markaa dib-u-dhacan Weftigu wuxuu si cad u soo koobo Barnaamijkaas, laakiin, si kastaba ha ahaatee, waxay maareeyeen (Weftigu) inay si wada-jir ah ula kulmaan saddexda Xisbi Siyaasi.

Marka laga hadlayo taageerada dhaqaale ee Deeq-bixiyayaasha ee Doorashada Madaxtooyadu, halkii ay hore uga wada-hadleen Deeq-bixiyayaasha, Komishanka Doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasadda iyo Dawladdu, waxba iskamay bedelin.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com


TOP