DALJIRE: Beeni raadweynaa
DALJIRE
Beeni raadweynaa
“The step….White step Sir.”
By A. Geeljire
Dubbe:Wallaahi dadkeenaan la yaabay siday wax u ilaabaan degdegeeda. Waxa la yidhi ninbaa dhakhtar u tegey markaasuu ku yidhi. “Dhakhtar waxa laygu salliday cudur illowshiiyo la yidhaahdo oo aanan waxba xusuusanayn.” Markaasuu Digtoorkii su’aal weydiiyay oo yidhi. “intee buu cuduurkaasi ku hayay?” markaasuu yidhi. “cudurkee?” cudurkuu ka cabanayay ayuu intuu labada hadal u dhaxaysay illaabay.
Doolaal:Dee nin waalan baad ka sheekaynaysaa
Dubbe:Oo haddaynaan waalayn ma Ina Rayaale ayuumbaa ina hortaagnaan lahaa oo kolba beentuu toban jeer ooh ore inoo sheegay inagu wadi lahaa uun. Ma waxaynu aqbali lahayn inuu yidhaahdo anigaa dhulkii danta guud iibsaday oo sharci baa ii fasaxaya isla markaa xisaabta dawladda ku dhici mayso. Doorashadu waqtigeedii bay dhacaysaa iyo haddana lacagteedii intuu xukuumadda ku hagaagtay bixin mayo. Waar iminka sidaynu nahay? Laba baloodh baaba ku fillan gebigeedaba eh muu iska bixiyo.
Doolaal:Waar lacagta waa la bixinaya way yar raagaysaa uune maxaad leeday.
Dubbe:Waxaan leeyahay maahmaadii la odhan jiray “beeni raad ma leh” waxa beeniyay oo ka dambaysay “beeni raad weynaa.”
Dooal:sidee yacnii? Maxaad u jeeddaa?
Dubbe:waxaan u jeedaa haddaan 19 beenood oo Ina Rayaale inoo sheegay raadkoodii ku tuso maxaa bixinaysaa?
Doolaal:Waar waxaasi ma jiraane afkaaga hagaajiso oo Madaxweynaha been buu sheegay lama yidhaahdo. Ballan buu fulin waayay baa la yidhaahdaa oo u suura geli waayay. Waa ku sidee?
Dubbe:Raadka ugu horreeya aan ku tusee askarigan geedka horteena ku hoos qayilayaa derejo ma ku aragtaa? Imisa goor buu yidhi derejo ayaan siinayaa? Yartaa caagadda biyaha sidata ee arooraysa iday hawd ku nooshahay ma aragtaa? Imisa goor buu yidhi biyo ayaan soo gelinayaa magaalada?Dhagxaantan Berbera tuulan ee aad Sheekh ka soo arkaysaa ma yihiin kuwii uu iska dhigay ee yidhi waxbaan ka dhisayaa? Ma raad kuwaa ka waaweyn baa jira? Miyaan wadaa uun?
Doolaal:Waar mayee adeer iska qayil oo waxaa naga daa haddaba. Ninkii Yusuf Tallaabo horta si sharaf leh ayuu yeelay markuu yidhi Wallaweyntu aniga i damiinan mayso ee dalkaygii dib iigu mustaafuriya.
Dubbe:Waardee ninku hayska waallaadee waa mujaahid uun. Mar hadduu ninku mujaahidnimo soo maray inuumbay meel wax kaga liqaansan yihiin. Waxaanse ka helay markuu fiisaha Ingriiska doontay sheekadii isaga iyo kii Ingriiska ahaa dhex martay.
Doolaal:haye. Haye. Maxuu yidhi.
Dubbe:ma wada hayo ee mid baa ka sheekaynayay oo firixdaasa iga dhamaatay.
Doolaal:muxuu yidhi?bal intaad hayso uun sheeg.
Dubbe: Wuxuu yidhi waxaan u raacay gaalkii waraysiga fiisaha ka qaadayay. Hay turjumin buu yidhi illayn waa nin macallin ahaan jiray intii aanu SNMta ku biirine. Laakiin nasiib darro ingiriisidii baa dug ka noqotay oo haddana kolba waan u toosinayay. Sidan bay u dhacday:
Gaalkii:Good morning. Please have a seat(subax wanaagsan. Fadhiiso min fadlak)
Tallaabo:Good morning Sir. Thank you. (subax wanaagsan. Mahadsanid)
Gaalkii:What is your name?(magacaa?)
Tallaabo: Yusuf- the –step. The white-step. the son of mad Issa(Yusuf Tallabo. Tallabo cadde ayaa lay yiraahdaa. Ina Ciise waal))
Gaalkii :Oh my God!. This is going to be a very long day.I mean your legal name. Full name Sir.(Allah ha sahlo.waxaan u jeedaa magacaaga oo saddexan)
Tallaabo:Yusuf Issa Mohamed sir. My father’s name same like Jesus. Sir. I love Christians sir specially English. Because. Muse Arreh, Ishak Arreh, Ismail Arreh and English Arreh all brothers Sir. Iam Ismail Arreh, sub Clan the”big Beards” the mad Mullah said in a poem. “oh ye the Big Beards do not side with Christians against me and thus Islam.” But we did not listened. We had sided with the English. Are you English sir? Also my name is better than Dualeh. All Dualeh are liars. Awil Dualeh, Abdillahi Dualeh, Abdirahman Dualeh. They cut me a leg Sir. May Allah cut their legs(magaco waa yusuf ciise maxamed. Eeg awowgay magacii nebi ciise ayuu leeyahay. Jecliyaa Ingriiska. Muse carre,isaxaaq Carre,Ismacil carre dhamaan waa walaalo. Anigu nin Gadhweyna ayaan ahay. Wuxuu ina C/le Xasan yidhi“nimanyow Gadhweyn Gaalo hayga raacina eh” oo yaa ka dhegeystay. Ingriiskii baanu iska raacnay. Adigu ma Ingriis baad tahay? Magacayguna magaca Ducaale wuu ka fiican yahay. Ducaale oo dhammi waa beenaale. Cawil Ducaale,C/lahi Ducale A/raxman Ducale. Way isoo lug gooyeen Alla ha lug gooyee.
Gaalkii:No. I’m a British Jew. Tell me your date of birth(maya. Anigu Yuhuudi baan ahay. Goormaad dhalay?)
Tallaabo:No problem. Still English. (waxba ma leh. Weli Ingriish Carre ayuumbaad tahay.)
Gaalkii:what is your date of birth?
Tallaabo:Only Allah is older than me. I was born during the battle when the men covered their faces. (Ilaahay ayuumbaa iga weyn dee. Waxaan dhashay dagaalkii hagoogane.)
Gaalkii:Pardon me? (waar maxaad tidhi ball ku celi?)
la soco. Waa inoo qaybta labaad haddii Eebe idmo…
- Geeljire
