Xuska 26ka June & Soo Dhaweenta Hogaanka UCID oo ka dhacaya Riyadh KSA

Waxaa laagu bushahaareenayaa dhamaan dadweenaha jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Sacuudi Arabiya gaar ahaan magalo madaxdiisa Riyadh in uu uruka dhalin yarta reer Somaliland ee Sacuudi Arabiya SSYO usoo diyaariyay soo dhaweenta iyo qaabilaada Hogaanka xisbi qaranka Cadalada iyo daryeelka ee UCID oo kale ah Eng. Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga ahna Musharaxa jagada Madaxweenaha ee doorashooyinka sanadkan 2009, waxaa isna ku waheliya safarkan Prof. Maxamad Rashiid Sh. Xasan oo ah musharaxa madaxweene ku xigeenka xisbiga ee doorashooyinka sanadkan 2009, markii ugu horaysa aay la kulmaan Jaaliyada reer Somaliland ee Sacuudi Arabiya.

Hadaba Kulankaas sharafta leh ayaa waxuu ku soo beegmay diyaar garowga reer riyadh aay ugu diyar garoobayaan udabaal daga xuska maalinta qaranka ee 26ka June, sidaas darteed waxaay Janis u yeesheen dadka Jaaliyada reer somaliland ee Sacuudi Arabiya in aay Goob kaliya ka wada helaan soo dheenta madaxda dalkooda iyo barnaamij xiiso badan leh oo aay soo diyaariyeen dhalinyarada reer Riyadh. Waxaana halkan looga sheegayaa dhamaan dadweenaha reer somaliland ee ku dhaqan cariga Sacuudi Arabiya in aay u diyaar garoobaan kasoo qeeb galka Xafalda xuska 26ka June iyo waliba soo dhaweenta martida qaaliga ah ee inala joogta.

Waxii faah faahi ah waxaaydu kala soo xidhiidh kartaan Qabanqaabiyaasha.

Axmad Xuseen : +966504598840

Axmad Owliyo : +966509500640


TOP