Golaha Wakiilada oo Madaxtooyada dib ugu celiyay soo-jeedintii bedellaadda Xubnaha Komishanka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dib ugu celiyay Xukuumadda soo-jeedin ay Madaxtooyadu u soo gudbisay Golaha oo la xidhiidha bedelka laba xubnood oo Guddiga Doorashooyinka ka tirsan.

Sababaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilladu u cuskadeen dib-u-celintaa, waxa ayaa sida aanu ka soo xiganay Wargeyska Ogaal, la sheegay inay la xidhiidho dhinaca Shuruucda loo baahan yahay in soo-jeedintaas oo kale la soo waafajiyo oo kala dhiman.

Warku wuxuu intaa ku daray, in xubinta Komishanka Doorashada marka la doonayo in kalsoonida xil-ka-qaadista loo waydiiyo Golaha Wakiillada uu nidaamku yahay, in marka hore Xukuumaddu guddi-baadhiseed u saarto si ay u hubiyaan jiritaanka eedaha loo soo jeediyay xubinta la doonayo in la bedelo. Sidaa aawadeed, ilahaasi waxay tibaaxeen, in labadan xubnood (Maxamed Yuusuf Axmed iyo Axmed Maxamed Xaaji Bidaar) ee soo-jeedinta bedelaadooda la horkeenay Golaha Wakiillada aanay Xukuumaddu guddi sida Sharcigu dhigayo Golaha ka hor soo baadha waxyaabaha lagu eedeeyay. Ilahaasi waxa kale oo ay tibaaxeen, in xilliga uu soo baxay qoraalka soo-jeedinta ee Golaha la horkeenay soo bixidiisu ay ku taariikhaysan tahay bisha waqti aan la gaadhin oo ah September 2009, taasoo iyana in dib loo saxo u baahan. Isla markaana waxa kale oo la sheegay in qoraalka soo-jeedinta ee Madaxweynuhu uu Golaha u soo gudbiyay aanay ku lifaaqnayn eedayntii xubnaha kale ee Komishanku u soo jeediyeen labadaa xubnod ee ay ku saleeyeen bedelaadooda. “Waxa kale oo sababaha aanu u celinay ka mid ah, xubinta lagu eedeeyay Caafimaad-daro hawsha u gudan wayday Dhakhaatiirta ay tixraaceen caddayntooda nalooma keenin, markaa waa inay Dhakhaatiirtii caddaysay inuu sababtaa darteed hawsha u gudan waayay ay noo keenaan. Markaa, celin maahee arrimahaa soo saxa oo noo keena ayaanu nidhi, Guddi ahaana Shirguddoonkayaga ayaanu u gudbinay.” Sidaa waxa yidhi xubin ka tirsan Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada. Ma kala cadda in Shirguddoonku maanta Golaha horkeeni doono talo-bixinta Guddiga iyo inuu toos ugu celin doono Madaxtooyada.

 

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com


TOP