War Deg Deg Ah: Golahii Guurtida Oo Mudo Lix Bilood Ah Ugu Kordhiyay In Madaxweyne Riyaale Sii Hayo Dalka.
Mooshin ku saabsan muddo-kordhin la doonayo in xukuumadda madaxweyne Rayaale xilka loogu kordhiyo lix bilood oo kale, ayaa manta golaha guurtida cod loogu qaaday. Fadhiga golaha guurtida, ayaa laga akhriyey waraaq qoraal ah oo uu madaxweyne Rayaale golaha guurtida kaga codsanayo inay muddo-kordhin sameyaan. Ka dibna waxaa loo gudo galay cod qaadista, mooshinka mudo kordhinta.
Waxaana halkaa ku sadex cod ku dheeraaday xubnihii mudo kordhinta Riyaale u codeeyay oo 42 noqday, halka kuwa diidanaa noqdeen 35, midna ka aamusay, guduumiyahuna ma codayn. Halkaana waxaa mudado lix bilood loogu daray xukumadii Riyaale, oo markaa sii haynaysa talada dalka ilaa Oct 29 2009. Wixii faah faahina ee la xidhiidha arintan dib ayaanu idinkula soo socod siin doonaa.

Axmed Saleebaan Dhuxul

Liibaan Maaweel Shire
