Wariye Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Hargeysa Oo Wali Dawo La’aan U Jiifa

Weriye Maxamed Haaruun
Hargaysa (Somaliland.org) – Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lagu soo weeraray Somaliland 29-kii bishii October ee 2008, ayaa wali dhaawacyadoodii ay u jiifaan qaar ka mida dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay oo aad u badnaa.
Maxamed Haaruun oo ah suxufi u dhashay Somaliland ayaa dhaacawyo culisi ka soo gaadheen qaraxyadaas lala beegsaday caasimadda Somaliland.
Wariye Maxamed Haaruun oo dhaawac halis ah ka qaba labada lugood, oo lug kastaaba ay ka jabantahay dhawr meelood, ayaa haatan jiifa cisbitaalka Guud ee magaalada Hargaysa, waxaana xaaladiisa caafimaad u baahantahay dhakhtar maadaama sida ay sheegeen dhakhaatiirtu ay adagtahay in dalka gudihiisa wax lagaga qabto.
Ciddii awoodi karta inay kaalmo dhaqaale ka gaysato xaalada caafimaad ee suxufigan, fadlan qaadhaankooda ha ugu soo hagaajiyaan Akoonka lanbarkiisu yahay:
