Dhacdooyinkii Komishanka Iyo Ragaadinta Geeddi Socodka Dimoqraadiyadda

Kaartada Gacma Daaliska ee KDQ - UDUB


2009


9 March 2009

Ismaaciil Muuse Nuur ayaa laga wareejiyay xilka guddoomiyenimada Guddida Diiwaangelinta waxa loo dhiibay Xasan Maxamed Cumar (Looshade). Ismaaciil ahaa sheegay in hay’adda shisheeyaha ah ee Interpeace ay gacanta ku hayso xogta diiwaangelinta qaranka.


7 March 2009

Fadeexado Iyo Fashilaadii Ugu Weynayd Oo La Soo Deristay Komishanka Doorashooyinka – Tirooyinkii ay hore u sheegeen oo gobolada qaarna la dhimay qaarna lagu daray iyo iyaga oo aan jawaab u haynin. Waa markii labaad ee tirooyin khaldan ay komishanku soo bandhigaan.


5 March 2009

Xisbida UCID ayaa go’aan ka soo saaray mowqifkiisa ku aaddan marka muddada M. Riyaale loo kordhiyay dhamaato 6 April 2009


3 March 2009

Xisbiga KULMIYE ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin doorashada oo ku dhacda inta ka horaysa 6 april, laakiin aanay oggolaandoonin muddo kordhin dambe


24 February 2009

Komishanka ayaa dibudhaca dhinacooda u aaneeyay weerarkii bishii October ee 2008


10 February 200910 February 2009

Saddexda xisbi iyo Komishanka oo heshiis wada saxeexday – Silanyo iyo Guddoomiye ku xigeenka UCID ayaa ku celiyay mar kale in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo


2 February 2009

Komishanka ayaa magacaabay Jaamac Cumar (Sweden) guddoomiye inkasta oo uu ahaa xubinta ku lugta lahayd muranka xooggan ee komishanka ka dhex aloosnaa


1 February 2009

Muse Bixi ayaa ku celiyay mowqifka xisbiga KULMIYE ee wakhtiga doorashadu dhacayso


11 January 2009

Guddoomiyihii hore ee Komishankii Riyaale kala diray, Mudane Cadami ayaa shaqaaqadii Buuhoodle ku eedeeyay maamul xumada Komishanka


20 January 2009

Xisbiyada mucaaridka ayaa mar kale Komishanka ugu baaqay inay Maxamed Baaruud Cali (oo ahaa xubintii ku guulaysatay jagada Agaasimaha Xafiiska Guud ee xogta diwaangelinta qaranka) u oggolaadaan inuu shaqadiisa bilaabo. Riyale ayaa si badheedh muwaadinkan isaga hortaagay inuu xilka la wareeg. Xisbiyada mucaaridku waxay sheegeen haddii Komishanku u oggolaanwaayo muwaadinkaas inuu shaqadiisa bilaabo ay u qaadan doonaan inay Riyaale kula socdaan go’aankaas.


8 January 2009

Waxa la soo afjaray diiwaangelinta gobolka Sool


2008


31 December 2008

waa maalin hore loogu ballansanaa in doorashada Madaxtooyadu dhacdo hase yeeshee sidii caadada ahayd dib loo dhigay mar kale


30 December 2008

Komishanka ayaa ku dhawaaqay tirada hordhaca ah ee Sanaag.


30 December 2008

Gudd. Komishanka ayaa sheegay inay dabagal ku samayn doonaan cidda ka dambaysay tirada is-beddeshay ee gobolka Awdal – laakiin wax jawaab ah wali lagama hayo


29 December 2008

Waxa la soo gebagebeeyay diiwaangelinta gobolka Sanaag shaqaalihii waxa loo wareejiyay magaalada Burco


24 December 2008

Ismaaciil Muuse Nuur oo ah Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta ayaa sheegay in Gobolka Awdal ay iska diiwaangeliyeen 180,000 oo qof oo 51 kun ka badan tiradii ay hore u sheegeen in ay gobolka iska diiwaangeliyeen oo ahayd 133,000


19 December 2008

Komishanka ayaa ku dhawaaqay tirada hordhaca ah ee gobolka Togdheer


3 December 2008

Gudd. Komishanka M. Kabaweyne ayaa iska difaacay eedaymo hanti lunsi ah ($17,000)


30 November 2008

Interpeace ayaa si cadho leh u codsatay in loo soo gudbiyo xisaabxidh – waxay muujinaysaa qorshe la’aanta Komishanka in hawl laga sugayay ay Interpeace tirraba dhawrjeer ku celceliyaan codsigeeda taasoo dhaawici karta kaalmooyinka dhinaca dimoqraadiyadda ah ee Somaliland hesho. Xubnaha Komishanka ayaa hadallo is-dhaafsan kaga jawaabay


24 November 2008

Shaqaalihii Hindida ahaa ee dalka ka baxay kadib qaraxyadii ayaa bil kadib dalka dib ugu soo noqday


1 November 2008

Komishanka ayaa hakiyay diiwaangelinta muddo 10 maalmood ah, taas oo ka bilaabmi lahayd gobolka Maroodijeex. Sababteeda waxay dusha ka saareen weerarkii aragaggixsada ee 29 Octoober Hargeysa lala beegsaday. Ismaaciil Muuse Nuur ayaa isna ku celiyay mar kale inaan dhacdadaasi waxba ka beddelayn wakhtigii loo qabtay doorashada oo ah 29 March 2009


4 October 2008

Xisbiyada mucaaridka ayaa soo kala dhexgalay khilaaf ka dhex qarxay Komishanka, iskuna dayay inay guddoomiyaha ka badbaadiyaan xil ka qaadis


17 September 2008

Qaybo ka mida qalabka diiwaangelinta ayaa dalka soo gaadhay  – diiwaangelinta ayaa bilaabmaysa  14-ka bisha Octoober


12 September 2008

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Xirsi Cali X. Xasan ayaa sheegay in muddo bil ah uu u xidhnaa amar uu bixiyay wasiirka daakhiliga ee Riyaale Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro). Cirro ayaa si qayr-masuul ah ugu eedeeyay in Xirsi xidhiidh la lahaa Al-Shabab. Muddadaa uu u xidhnaa wax maxkamad ah lama horgayn.


31 August 2008

Waxay ahayd taariikh kale oo loo ballansanaa in doorashada madaxweynuhu dalka ka dhacdo, heshiis la kala saxeexday bishii October 2007 ayaa lagu qaatay 4 qoddob, hase ahaatee dhamaantood beenoobay:

  1. In Diiwaangelinta lagu dhammeeyo 10ka June 2008
  2. In doorashada Deegaanka la qabto 01da July 2008
  3. In Doorashada Madaxtooyada la qabto 31ka August 2008
  4. In wixii inaga horyimaadda ee khuseeya hawlaha kor ku xusan lagu dhammeeyo wadatashi.

1 July 2008

- Doorashooyinka Degaandaoo heshiis hore loogu galay ayaa iyaduna beenowday


18 June 2008

Xubnaha komishanka ayaa ka soo noqday Nairobi, kadib kulan ay la yeeshaan deeqbixiyeyaasha


10 June 2008

- Dhamaystirka Diiwaangelinta oo loo ballansanaa in maanta la soo gebagebeeyo ayaa beenowday


29 May 2008

Cali Maxamed Cabdulle (Cali Biikolo) ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka Komishanka. Wuxuu beddelay Xirsi Cali X. Xasan oo xilka iska casilay.


28 May 2008


17 May 2008

Riyale oo muddadii sharciga ahayd ka dhamaatay ayaa golaha wakiilada u gudbiyay magacyada laba xubnood oo lagu beddelayo xubnaha iska casilay – Cali Maxamed Cabdulle (Cali Biikole) wuxuu beddelay Xirsi Cali X. Xasan, iyo Axmed Maxamed X. Daahir (Bidaar) wuxuu beddelay xubin hore isu casilay Riyale. Xubnahaan ayaa markii la ansixiyay lagu dhaariyay madaxtooyada taasoo ururka QARAN aad u cambaareeyay


15 May 2008

Waxa dhamaaday madaxnimadii sharciga ahayd ee Riyaale – Riyaale iyo Guurtida ayaa mid waliba ka kale u kordhiyay muddada. Laga bilaabo maanta hay’adda qudha ee dalka ka jirta ee dimoqraadiga ahi waa Golaha Wakiilada. Riyaale wuxuu Guurtida u gudbiyay muddo korodhsiga uu doonayay waxana u ansixiyay Guurti iyada laf ahaanteedu ku joogta nidaam aan waafaqsanayn dastuurka oo Riyaale ugu kordhiyay muddada.


1 May 2008

Madaxweyne ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday inay oggolaadeen in doorashada laga soo hormariyo ta degaanada lana qabto 31ka December, 2008, kadib markii ay in dhawaydba hortaagnaayeen


14 April 2008

Doorashadii Madaxtooyadaoo ay ahayd inay dalka ka dhacdo 14 April ama ka hor, ayaa noqotay riyo been ah iyo wax lagu hungoobay


12 April 2008

Urrurada mucaaridka ah ayaa ku gacansadhay go’aan sharciga baalmarsan oo muddo kordhin ah oo golaha Guurtidu u meelmariyay Daahir Riyaale


12 April 2008

Komishanka Doorashooyinka oo Caddeeyey inay ixtiraamayaan, kuna dhaqmayaan Heshiiskii ay la gaadheen Saddexda Xisbi. Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka Somaliland iyo saddexda xisbi qaran waxay ku heshiiyeen dariiq shaxaysan (Road Map) — kuwaas oo dhamaantood beenoobay:

  1. Diiwaangelinta Codbixiyayaashu maalinta ay dhammaanayso 05 October 2008
  2. Doorashada hore maalinta la qabanayo 06 October 2008
  3. Doorashada labaad maalinta la qabanayo 31 December 2008

7 April 2008

Komishanka doorashooyinka ayaa laalay dhamaan magacyadii xubnihii loo magacaabay komishanka gobolada dalka oo dhan kadib markii Riyaale is hortaagay. Xirsi Cali X. Xasan ayaa sheegay inuu ka fadhiisan doono isaga oo ka biyo diiday sida hawsha yar ee xubnaha guddidu u laaleen hawsha muddada lagu soo jiray. Guddoomiyaha Ismaaciil Nuur ayaa isaguna Xirsi dhiniciisa eedeeyay. Waxa soo baxay dildillaacii ugu horreeyay ee khatar geliya hawsha komishanka


5 April 2008

Xirsi Cali X. Xasan ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay faragelin ku hayso Komishanka (Xirsi oo ugu dambaynta iska casili doonna xila, waxa xukuumadda Riyaale ugu abaalgudi doontaa xadhig bil ah iyo inay ku eedayso inuu xidhiidh la leeyahay Al-Shabaab). Axmed Maxamed X. Daahir ayaa isna ku eedeeyay xukuumadda Riyaale inay faraha kula jirto Komishanka


22 March 2008

Xilkii guddoomiyenimo ee uu iska casilay Maxamed Yuusuf Axmed ayaa loo magacaabay Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne). Guddoomiyaha hore wuxuu xilka hayay muddo ka yar sannad.


20 March 2008

Guddoomiyaha Komishanka Maxamed Yuusuf Axmed ayaa idaacadda afka Soomaaliga ee VOA u sheegay hadal aanuu hore ula wadaagin ururada mucaaridka oo ah inaan laga baydhi karin in dib loo dhigo doorashada — “Hadday u badato waa bil ama laba bilood”. Waxa axsaabta iyo dadweynaha layaab ku noqotay hadalkaas inaanuu marka hore ogaysiin xisbiyada mucaaridka uu idaacad caalami ah ka baahiyo — Riyaale ayaa kulanno gaargaar ah la yeelanaya xubno ka tirsan guurtida si uu ugu gogolxaadho muddo korodhsigiisa.


20 March 2008

Riyaale ayaa is hortaagay go’aan lagu xalliyey khilaaf ka dhashay magacaabisa komishanka gobolada galbeedka


8 March 2008

Waxa la magacaabay guddiyada Doorashooyinka ee Gobolka Maroodi Jeex


25 February 2008

Guddoomiye ku xigeenka oo beeninay inuu walaac ka muujiyay dibu dhac diiwaangelinta ku yimaadda


24 February 2008

Furitaanka Xafiisyada Komishanka ee Gobolada


14 February 2008

Riyaale oo muddaba xanibayay qorshada diiwaangelinta loo dejiyay ayaa imika oggolyahay


2007


22 December 2007

Komishanka ayaa lagu marti qaaday doorashooyinka Kenya


11 October 2007

Saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashooyinka ayaa madal markhaati leh ku kala saxeexay qoddobadan

  1. In Diiwaangelinta lagu dhammeeyo 10ka June 2008
  2. In doorashada Deegaanka la qabto 01da July 2008
  3. In Doorashada Madaxtooyada la qabto 31ka August 2008
  4. In wixii inaga horyimaadda ee khuseeya hawlaha kor ku xusan lagu dhammeeyo wadatashi.

TOP