Archive for March, 2009
Tuesday, March 31st, 2009 Comments Off
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa cambaareeyay go’aankii golaha Guurtida ee wakhtiga xukuumadda Daahir Rayaale ku kordhiyay muddo lix bilood ah marka u xilligeedu dhamaado 6 bisha April.
Tuesday, March 31st, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ayaa noo sheegay in habeenimadii xalay ciidamada boolisku ay kala baxeen Hoteel uu degenaa oo ku yaala magaalada Hargaysa nin lagu magacaabo Axmed Faahiye Mire, ninkaasi oo u sharaxnaa in loo caleemo saaro Suldaan.
Saalax Guure Camale oo ka mid ah xildhibaanada [...]
Tuesday, March 31st, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Masuuliyiinta dawladda Hoose ee xaafadda Maxamed Mooge oo ka tirsan degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa, ayaa shir ay galabta isug yeedheen dadwaynaha ku dhaqan xaafadda Maxamed Mooge ku wargeliyay in dhulka banana ee ay degenyihiin ay ka bixiyaan cashuur lagu soo rogay, dadkaasi oo u badan dad danyara oo ah dadkii dib [...]
Tuesday, March 31st, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in go’aankii muddo kordhinta Madaxwayne Riyeele ee golaha guurtidu uu yahay mid baal-marsan sharciga iyo distoorka daka, isla markaana aanay jirin duruuf muddada xilka loogu kordhiyo xukuumadda wakhtigeedii gabaabsiga yahay.
Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE waxa uu sidaasi ku sheegay [...]
Monday, March 30th, 2009 Comments Off
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanu Golaha Guurtidu awood u lahayn muddo-kordhintaa iyo inuu waqti u qabto qabsoomida doorashada, isla markaana uu aaminsan yahay in doorashada Madaxtooyadu ku dhacdo 31 May 2009. Faysal Cali Waraabe oo shalay u waramay Laanta afka-Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu ka hadlay sida looga bixi karo murugan siyaasaddeed ee dalku galay.
Monday, March 30th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Ansixiyey odoroska Miisaaniyada Dawlada ee Sanadka 2009.
Fadhiga Golaha Wakiillada ee maanta oo uu guddoominayay guddoomiyaha golaha mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa ka soo xaadiray 47 xildhibaan, kuwaasi oo 40 ka mid ahi ogolaadeen miisaaniyadda, halka ay laba xubnood ka diideen, afar kalena ay ka aamuseen.
Odoroska Miisaaniyaddan oo [...]
Monday, March 30th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul oo muddo sadex maalmood ah ku xidhnaa Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa maanta la sii daayey.
Wariye Dhuxul oo saaka Subaxnimadii hore xukuumadu geysay Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa waxa la sii daayey Galinkii danbe ee maanta ka dib markii Canbaareyn culus Xukuumada lagu jeediyey tacadiyada ka dhanka ah xoriyatul [...]
Monday, March 30th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Garabka Haweenka ee KULMIYE ayaa maanta shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Xisbigaasi ee Magaalada Hargeysa waxa ay ku canbaareeyeen Go’aanka Golaha Guurtidu markii kale muddada ugu dheereyey Madaxweyne Rayaale, islamarkaana waxa ay sheegeen in Xukuumada xilkeedu ku eg-yahay 6-da bisha Apr. wixii ka danbeeyana loo baahan-yahay in qaranku talo midaysan ka [...]
Monday, March 30th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Xisbiga UCID ayaa si adag u naqdiyey go’aanka Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyay Madaxtooyada.
Xisbiga UCID oo shalay warsaxaafadeed ka soo saaray arrintan waxa ay sheegeen arragti ahaan in ay aaminsanyihiin in aan Golaha Guurtidu meela ka soo galin mudaynta waqtiga doorashada, isla markaana uu mawqifkoodu yahay in doorashada Madaxtooyadu ku dhacdo, [...]
Monday, March 30th, 2009 Comments Off
“Waxaan Is Lahaa Wadanku Uu Ka Soo Raynayaa, Waxaanse Hadda U Biyeystay Inaan Iskaga Tahriibo Waayo” Arday Dhigta Jaamacadda
Hargeysa March 30 2009 (Haatuf) – Dadweynaha ku dhacan caasimada Hargeysa ayay lama filaan ku noqotay muddo kordhinta ay golaha guurtidu muddo 6 bilood ah ugu kordhiyeen Rayaale iyo Ku xigeenkiisa inay sii hayaan xilka, taas [...]
Monday, March 30th, 2009 Comments Off
Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh
Wax badan ayaa dad badani odhan jireen xisbiyada mucaaradku ha daayaan hadalada dhaliilaha xukuumadda, wax badan ayaa shacabka la lahaa KULMIYE yaanu nabadgelyada xumaynin ee iska jira, wax badan ayaa shacabka lagu lahaa komishankaa doorashooyinka masuul ka ah oo dibna u dhigi, horena u dhigi kara, wax badan ayey [...]
Sunday, March 29th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa caawa habeenkii labaad u hoyday saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa oo uu ku xidhan yahay, kadib markii ciidanka Boolisku ka qabteen shalay isaga oo ku guda jira hawshiisa Saxafinimo xarunta Baarlamaanka, halkaas oo ay golaha guurtida ka socotay dood la xidhiidhay muddada xilka Madaxwayne Riyaale iyo ku xigeenkiisa.
Wariye [...]
Sunday, March 29th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa caddeeyay mawqifka xisbigiisa ee ku wajahan muddada golaha guurtidu xilka ugu kordhisay Madaxwayne Riyaale iyo ku xigeenkiisa shalay Sabtidii, waxaanu sheegay in aanu marnaba aqbalayn muddo kordhintaasi oo ah todoba bilood.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Guurtidu aanay xaq u [...]
Sunday, March 29th, 2009 Comments Off
“Dabcan, waa go’aan Guurti, laakiin waxaanu u arkaa inuu gabal-dhac ku yahay geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland oo uu waxyeelo’aan…” Axmed Siilaanyo
Hargeysa (Ogaal)- “Waxaan u arkaa go’aan ayaan-daro ah. Dabcan, waa go’aan Guurti, laakiin waxaanu u arkaa inuu gabal-dhac ku yahay geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland oo uu waxyeelo’aan laga soo waaqsanayn u geysanayo horumarkii dalka, kuna bilaabay jidkii [...]
Sunday, March 29th, 2009 Comments Off
Burco (Somaliland)-Haa waa suura gal inaad ku faraxdo ama ka naxdo natiijada ka soo baxday kulankii golaha odayaasha Somaliland ay gacmaha kor ugu taageen in uu Mudo lix bilood ah bilaa Shuruur Xilka Madaxweynenimo ugu Sii hayo Dalka Madaxweynaha Mudo-kordhinta ku Mamay ee Daahir Riyaale Kaahi.
Hasa yeeshee Akhriste xusuusnow in aanad wax damaanad ah u [...]
Sunday, March 29th, 2009 Comments Off
Taariikh:27/03/2009
Summad: SSE10127032009
Baaq
Baaq la xidhiidha doorashada iyo duruufaha ku xeeran
Ururka isku xidha jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) waxa uu muujinayaa dareenka xooggan ee uu ka qabo xaaladda uu hadda waddanku ku suganyahay. Kulanweynihii ururka SSE uu ku yeeshay waddanka Sweden (Uppsala 20-22kii Maaris 2009), kaasoo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala socdey 10 waddan [...]
Saturday, March 28th, 2009 Comments Off
Warbaahinta ay Xukuumaddu maamusho waxa maalmahan ugu dambeeyey ay mas’uuliyiin Xukuumadda ka tirsani ka jeedinayeen arrimo nuxurka ay xambaarsanyihiin yahay xaalad abuur iyo nabadgelyo darro ay Xukuumaddu ujeedooyin gaar ah ka leedahay.
Saturday, March 28th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay afar wariye oo ka tirsan saxaafadda Madaxa-banaan, waxaana wariyayaashaasi la xidhay saddex ka mid ah la qabtay habeenkii xalay, kuwaasi oo kala ahaa Liibaan Maaweel Shire, Cabdi Abokor iyo Ducaale Maxamed.
Saturday, March 28th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo lix bilooda u kordhiyay xukuumadda Madaxwayne Riyaale oo muddadii sharciga ahayd ee la doortay iyo sannadkii hore guurtidu u kordhisay dhamaadeen iyada oo aan la qaban doorashadii Madaxtootada.
Saturday, March 28th, 2009 Comments Off
Dhinaca kale, waxaa ilaa iminka ku xildhan saldhiga weyn ee Hargeisa, labada wariye ee iyagu u kala shaqeeya Idaacada Horyaal iyo shabakada Somalilandfuture, Ahmed Saleebaan Dhuxul iyo Liibaan Maaweel Shire. Lamana garanayo sababaha wariyayaashan loo xidhay, wixiise faah faahina dib ayaanu idinku soo sheegi doonaa.
Saturday, March 28th, 2009 Comments Off
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo si gaar ah ugu waramayay Idaacada iyo Taleefishanka dawladu gacanta ku hayso, ayaan kala cadaynin cida abaabulaysa mudaharaadyada ee dadweyanaha u kicinaysa, hase ahaatee, waxa uu sheegay inay jiraan Boodhadh ama Hal-ku-dhegyo la sameeyay
Friday, March 27th, 2009 Comments Off
Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay in uu dhawaan digreeto Madaxwayne ku soo saaray maalinta komishanku doorashada madaxtooyada u cayimay in ay dalka ka qabsoonto oo ku beegan 31ka May 2009. -- by Jamaal Madar
Wednesday, March 25th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Fadhigii golaha guurtid Somaliland ee maanta ayaa loo qaybiyay mudanayaasha qoraalkii komishanku ay muddeeyeen waqtiga doorashada Madaxtooyada ee ay uga guureen 29-ka March, kaas oo ah 31-ka bisha May ee sannadkan 2009.
Golaha Guurtida oo fadhigii saaka ay ka muuqatay xasaasiyad xoog leh ayaa markii mudanayaasha loo qaybiyay qoraalada waxa uu guddoomiyaha goluhu ku [...]
Wednesday, March 25th, 2009 Comments Off
Arrintaas Kulmiye mawqif cad ayuu iska taagay, inaan korodhsiimo danbe dhicin. Wuxuna aaminsan yahay inay khalad tahay in Udub iyo xukuumadda Riyaale lagu abaal mariyo xilgudasho la’aanta iyo fadhiidnimada ay ku sifoobeen. Loona baahan yahay in golayaasha qaranku ka talo bixiyeen ciddii umadda gaadhsiin lahayd doorashada.