Archive for February, 2009
Saturday, February 28th, 2009 Comments Off
Hargays (Somaliland.org)- Maxkamada gobolka Hargaysa ayaa maanta dib u dhigtay dhagaysiga dacwad loo haysto tafatiraha wargayska Yool oo ka soo baxa magaalada Hargaysa Maxamed Cabdi Curad oo dhawaan xabsiga loo taxaabay.
Saxafigan ayaa xidhan maalintii saddexaad iyada oo aan illaa hadda la ogayn sababta xadhigiisa.
Suxufigan oo markii hore laga hawl galay sidii damiin loogu sii dayn [...]
Saturday, February 28th, 2009 Comments Off
Hargays (Somaliland.org)- Kalfadhigii Golaha Wakiilada oo maatna ku eekaa ayaa muddo bil ah kalfadhigan dhamaaday lagu daray, kadib markii Wasiirka Maaliyada Somaliland Cawil Cali Ducaale uu golaha soo ogaysiiyay in maalinta Axada oo berri ah uu golaha hor keenayo miisaaniyada qaranka ee 2009, oo sharciyan ahayd in xukuumaddu ay miisaaniyadda hor keenta bishii October ee [...]
Saturday, February 28th, 2009 Comments Off
Hargays (Somaliland.org)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Saaxil ee xisbiga UCID, ayaa si xooga u cambaareeyay shir dhawaan lagu qabtay tuulada Laalays oo ka mid ah degmada Berbera, kana qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.
Mudane Qabile waxa uu sheegay in ay nasiib darro tahay [...]
Saturday, February 28th, 2009 Comments Off
“Cabdinaadir Cali Cumar allaha ka ajir siiyo abaalka iyo waxtarka uu geysatay, mana ahan deeqdii ugu horeysay oo wax kheryi ah ku bixiyay balse hore ayuu deeqo sidaan oo kale ah usoo diray oo gacan ka geystay waxyaabo kheyri ah oo gobalka laga hirgalinayay, walaalaha kalena waxaan ugu baaqayaa inay lasoo saftaan Cabdinaasir oo gacan naxariisi ku dheehan tahay soo fidiyaan” ayuu yiri Cabdiqaadir Aadan Nuur.
Saturday, February 28th, 2009 Comments Off
Somaliland Societies in Europe(SSE) Annual General Meeting. In cooperation with our host organisation Somaliland National Association in Sweden we are planning to hold a Conference to discuss the current political developments in Somaliland and the role of the Diaspora organisations. Concurrently, we are planning the convene SSE’s Annual General Meeting.
Saturday, February 28th, 2009 Comments Off
Warbixin shaaca ka qaaday meeqaamka hirgelida doorashadu gaadhsiin karto Somaliland
Nairobi (The Economist/Ogaal)- Maqaal uu shalay daabacay wargeyska The Economist ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ka dib 18-kii sannadood ee la soo dhaafay xaaladihii Soomaaliya ay yartahay fursada Madaxweynaha cusub ee dalkaas iyo Madaxweynaha Maraykanku ay u haystaan inay talaabooyin [...]
Friday, February 27th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno wasiiro ah oo xukuumada madaxwayne Riyaale ka tirsan ayaa shalay tuulada Laalays oo u dhaxaysa magaalooyinka Berbera iyo Sheekh kaga qayb galay xaflad xukuumaddu halkaas ugu qabatay koox isugu jirta Cuqaal iyo Odayaal oo ka soo jeeda qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan [...]
Friday, February 27th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Saddex ruux ayaa ku geeriyooday afar kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad hubaysan oo shalay laba beelood ku dhex maray meesha lagu magacaabo Cagaare oo 60 km koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Warkaasi oo aanu ka helnay dad goobjoog ah oo ku sugan deegaankaasi waxa uu intaa ku daray [...]
Thursday, February 26th, 2009 Comments Off
“Muddo-kordhinta loo bartay waa in laga gudbo, distoorkana labada qodob ee ku saabsan kordhinta Madaxweynaha iyo Wakiillada halaga saaro”Waraysi khaas ah – Garyaqaan Ibraahim Xaashi
XEERARKA DOORASHOOYINKA SOMALILAND – Buug Cusub oo Xilligan loo BaahnaaLondon (Jam)- Buug cusub oo lagu soo ururiyay dhammaanba xeerarka doorashooyinka iyo kuwa kale ee la xidhiidha ama saamaynta ku leh [...]
Thursday, February 26th, 2009 Comments Off
Anagoo ah aqoonyahano iyo Waxgarad Beesha Muse Cabdalle (Habar-Yonis) ee qurba joogta ah, waxaanu halkan ku naqdiyaynaa qoraal been abuura oo soo noqnoqonaya oo lagu faafiyay qaar ka mid ah Shabakadaha internetka.
Qoraalkaasi oo nuxurkiisu ahaa, mid lagu marin habaabinayo taageerada beesha Muuse Cabadala dad u dhashay ay siiyeen xisbiga KULMIYE, shirkii lagu qabtay Berbera ee [...]
Thursday, February 26th, 2009 Comments Off
First, we have to try to help those regions which are comparatively stable and do not shelter extremists and terrorists in order that the relative peace they enjoy is maintained and even strengthened. Those that can be mentioned in this regard are the regions known as Somaliland and Puntland. In the spirit of damage limitation and to assist these regions maintain their stability, it is necessary that the links be strengthened in such areas as trade, transport and the like in the interest of our country and the people inhabiting the region.
Thursday, February 26th, 2009 Comments Off
Wafdi uu hogaaminayo Dr. Mohamed-Rashiid oo u sharaxan jagaada madaxweyn-xigeen ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID oo malmahanba joogay magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa u kacitamay magaalo maxda Ottawa ee dalka Kanada ka dib markay heleen martiqaad rasmi ah.
Thursday, February 26th, 2009 Comments Off
Xukuumaddani waxay shaki ku abuurtay deeqbixiyayaasha, Komishankii ilaa hadda ma keenin Sever-kii lagu kala saari lahaa diiwaangalinta, miisaaniyaddii sannadka lama horgeyn Golaha Wakiillada, markaad arrimahaas oo dhan eegtana waxay muujinayaan in dawladdu doonayso muddo-kordhin kale.
Thursday, February 26th, 2009 Comments Off
“Nimankan Saaxiibaday sharaftoodu waxa ay ku jirtaa, in ay iscasilaaan, talada dalkana ku wareeiyaan Golayaasha Baarlamaanka”
Wednesday, February 25th, 2009 Comments Off

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska ee qaabilsan arrimaha Afrika wuxuu shirka ka sheegay in barnaamijka dimuqraadiyada iyo xukunka ku dhisan doorashooyinku ay yihiin guulaha ugu waawayn ee adduunku umadda Somaliland ku ixtiraamo, looguna soo joogsada. Waxaana loo baahan yahay buu yidhi in aan hormarkaasi la dhaawicin.
Wednesday, February 25th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somalioland.org)- Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa maanta fadhi albaabadu u xidhanyihiin ku yeeshay xarunta golaha Guurtida.
Fadhigan oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogolayn lana sheegin arrimihii lagaga wada hadlayay. Hase ahaatee warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay ilo ku dhawdhaw aqalka odayaasha ayaa waxa ay tilmaameen in fadhigan maantu ka mid ahaa fadhiyo turxaan [...]
Wednesday, February 25th, 2009 Comments Off
Hargeysa (Ogaal) – Wasiirka Warshadaha Somaliland Maxamed Saleebaan Maxamuud (Maxamed Saleebaan weyne) ayaa markii ugu horeysay mujiyay in lagaga baxay heshiis hore xukuumadu u baahisay oo sheegayay in Shirkado Jarmal ahi ka dhisayaan magaalada Berbera Sadex Warshadood, kuwaasoo Madaxweyne Rayaale dhagax-dhigay.
Wasiirka warshadaha oo xalay u waramay Telefishanka madaxa-banaan ee Speace chanal waxa uu sheegay in [...]
Wednesday, February 25th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somalioland.org)- Xaflad ay soo abaabushay xukuumadda Madaxwayne Riyaale oo ay ku soo ururisay Cuqaal iyo dad ka soo jeeda gobolka Saaxil oo lagu waday inay maanta ku qabsoonto magaalada Laalays ayaa baaqatay.
Xafladan ayaa sida la sheegay waxay qayb ka tahay sidii xisbiga UDUB uu u muujin lahaa in dadweynaha gobolka Saaxil ay wali taageersan yihiin [...]
Wednesday, February 25th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somalioland.org)- Iska horimaad sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa saaka ka dhacay Boodhka Galigalool oo ku yaala meel u dhaxaysa deegaanada Geblilay iyo Baki.
Iska horimaadkan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa la sheegay in ay ku dhinteen in ka badan laba ruux, ilaa siddeed qof oo kalena ay dhaawacyo ka soo gaadheen [...]
Wednesday, February 25th, 2009 Comments Off
Horaa loo yidhi nina caadadii ma baajiyo bahalna ceydhiinka ma daayo, wax kastoo aynu ku murano CISMAAN WAA CISMAAN WAANA DILAAL EE BOQOR MAAHAN CIDNA KAMA QAADIN EE ISAGAA DILAALNIMADA KA DOORBIDAY. Sikastaba ha ahaatee bal garnaqsi aan idinla baaciyo sidaynu isla qirsanahay
Wednesday, February 25th, 2009 Comments Off
Waxa la ogyahay in Rayaale madaxtooyada ku dhammaystay laba iyo toban sanadood, oo uu toddoba sannadood ku dhawaad madaxweyne ahaa, shanta kalena ku xigeen ahaa, welina uu ku sii adkaysanayo inuu gar iyo gardaraba ku sii joogo qasriga madaxtooyada.
Wednesday, February 25th, 2009 Comments Off
Ilaa iyo markii xukuumadda Daahir Riyaale Kaahin talada dalka qabatay waxa qaranka gacantiisa ka baxay hanti aad u badan oo ay ku jirto lacag, gaadiid iyo dhulalba kuwaas oo aan laga haynin wax raad ah sidii loo bixiyay iyo meesha ay ku dambaysay lacagtii lagu iibiyay.
Wednesday, February 25th, 2009 Comments Off
Kadib is xogwaraysi iyo khudbado guubaabo ahaa, waxa shirkaas lagu doortay oo ka soo baxay gudi loo doortay inay noqdaan guddida xisbiga Kulmiye ee dalka Faransiiska. Waxa loo doortay in ay ka mid noqdaan xubnaha guddidaas xubnaha hoos ku qoran:
Tuesday, February 24th, 2009 Comments Off
Faysal Kayse Cumar oo ah sarkaalka madaxda ka ah qaybinta deeqdaas ayaa Wariye Kayse A.digale u sheegay in raashinkani qayb ka yahay gurmadka deg-degga ah oo loogu talogalay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo sicir-bararka meceeshadaha daruuriga ah.
Tuesday, February 24th, 2009 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiyaha Guddida arrimaha gudaha, difaaca iyo nabad-gelyada ee golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay sifo sharci darro ah ku iibiso dhulka danta guud ee magaalooyinka waawayn ee dalka.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo aanu maanta Waraysi la yeelanay waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxwayne Riyaale ka iibisay [...]