Laba Suldaan oo Dhalliilay kulan dhexmaray Daahir Riyaale iyo koox salaaddiin ah oo lagaga hadlayey khilaafka Waqooyiga Hargeysa
Hargeysa (Somaliland.org) – Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi iyo Suldaan Xiis Barre oo ka tirsan salaadiinta Somaliland gaar ahaana salaadiinta waqooyiga Hargeysa ayaa sheegay inay ka soo hor jeedaan kulanka uu Madaxweyne Rayaale la yeeshay qaar kamida Salaadiinta Waqooyiga Hargeysa.
Labadan Suldaan oo ay Waraysi gaar gaar ah la yeelatay Idaacadda Madaxa banaan ee Radio Horyaal ayaa sheegay inaan kulankaasi dambe ee Madaxweynaha aanay waxba ka ogayn isla markaana aanay waxba kala socon waxa ay Madaxweyne Rayaale iyo salaadintaasi ka wada hadleen.
Labada Suldaan waxa ay tilmaameen in aanay ogolaanayn in la duudsiyo xuquuqda umada ay suldaanka u yihiin isla markaana haba yaraatee wax ka soconayaa jirin waxyaabaha ay isla qaateen Madaxweyne Rayaale iyo Salaadiintaasi.
Labadan Suldaan ee Suld. Ismaaciil Aadan Xirsi iyo Suld. Xiis Barre waxa ay ka mid ahaayeen koox salaadiin ah oo uu dhawaan fadhiga kaga kacay Madaxweyne Rayaale kadib markii ay isku af-garan waayeen arrinta 13 goobood oo ka tirsan Waqooyiga gobolka Hargeysa oo aanay wax diiwaangelin ahi ka qabsoomin.
Axmed Maxamed Saleebaan/ Hargeysa.
