Komishanka Doorashooyinka oo Beeniyey wararka sheegaya in laga la’yahay Xisaabcelin
Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay maalmahan danbe Saxaafadda qaarkeed baahinayeen oo sheegaya in komishanka Doorashooyinku qarka u saaran yahay burbur, isla markaana ay ka dhego adaygeen dalab ay Hay’adda Interpeace komishanka kaga doonayso xisaab celin dhaqaalihii ku baxay diiwaangelinta.
Komishanku waxa ay sheegeen inaanay jirin wax xisaab celin ah oo ay ka rabto Komishanka, laakiin Inter Peace laga rabo xisaab celintii dhaqaalihii ku baxay diiwaangelinta.
Komishanku oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda dhexe ee magaalada Hargeysa, waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen warar beryahan danbe lagu faafinayay warbaahinta dawladda iyo kuwa taageera, kuwaas oo sheegay in kumishanku qarka u saaran yahay burbur ku yimaada.
Komishanka Doorashooyinku waxa kale oo ay shirkan jaraa’id ku sheegeen in 15-kii Maalmood ee diiwaangelinta maalmaha kaydka ah (Supplementary) soo gebogeboobeen maalintii shalay ee 28/01/2009, sidaasi daraadeed ay hadda iyo wixii ka danbeeya uu Komishanku gudo gelayo kala shaandhaynta dadkii is diiwaangeliyay laba goor iyo wixii ka badan iyo Hawlihii u diyaar garawga Doorashooyinka. si taasi u suurto gashana ay lagama maarmaan tahay in Seddexda Xisbi Qaran Cadeeyaan Kalsoonida ay komishanka ku qabaan.
Axmed Maxamed Saleebaan/ Hargeysa.
