Khatarta Ka Imankarta Diiwaangelinta Oo Gacmo Shisheeye Ku Dambaysa
Bishii March ee sannadka 2008, State Department-ka dalka Maraykanku waxay shaaca ka qaadday in qaar ka mida shaqaaleheedu ay koombiyuutarada ka eegeen macluumaadka la xidhiidha araajida baasaboorada ay ka dalbadeed dawladda saddexda musharax ee madaxweyne ee kala ahaa Barack Obama, John McCain iyo Hillary Clinton, iyada oo raad-raaca kombiyuutarada laga ogaaday magacyada shaqaalahaas iyo wakhtiyada ay eegeen, taasoo ka soo horjeedda nidaamka maadaama aanay jirin sabab kale oo ay shaqaalahaasi u eegeen macluumaadkaas iyo oggolaansho ay ka haysteen madax sare oo dawladda ka tirsan midna. Taasi waxay inna tusaysaa in dunida horumartay ee macluumaadka muwadiniinta ku haya qalabka casriga ay ka dhacdo isku day lagu xadayo macluumaadka kumanaan kun oo muwaadiniin ah haddii ay suurto gasho in si fudud koombiyuutarka loogala baxo. Dalalkaasi iyaga oo og khatartaas waxay samaysteen siyaabo ay kaga hortagaan kuna adkeeyaan in macluumaadkaasi ku dhaco gacmo khaldan, waxana jira sharciyo xaaraantinimaynaya in qof aan fasax u sidan macluumaadkaasi uu si ula kac ah tiigsado (access).

Khatarta diiwaangelinta oo gasha gacmo shisheeye
Dhinaca Somaliland, shaqaalaha loo magacaabay masuuliyadda arrimaha diiwaangelinta ayaa hore uga hadlay inaan serverka (kombiyuutarka) dhexe iyo kombiyuutarada kale ee ay wadato shirkadda diiwaangelinta ee Hindida ahi aanay ku jirin alaabada lagu heshiiyay in dalka lagu reebo, isla markaana uu heshiisku dhigayo in shirkaddu ay qaadandoonto kombiyuutarada marka diiwaangelintu dhamaato. Waxana dhacday in muddadii ay dalka ka baxeen ay serverkaas dalka dibeddiisa ugala baxeen.
Isla hawlwadeenada diiwaangelintu waxay ka hadleen baahida loo qabo in serverkaas lagala hadho shirkadda Hindida ah si diiwaangelintu u noqoto wax joogto ah.
Haddaba ma jirto cid ka hadashay qiimaha uu ku fadhiyo macluumaadka diiwaangelintu iyo muhimadda ay leedahay in macluumaadkaas laga ilaaliyo gacmo khaldan. Macluumaadka diiwaangelintu waa sir qaran oo ay tahay in loo sameeyo goob ammaankeeda aad loo adkeeyay loona sameeyay ilaalo joogto ah oo dul fadhida 24-ka saacadood.
Khatarta ugu weyn ee ku imankarta waa kombiyuutarada oo mar dambe dalka dibedda looga saaro taasoo u suurto gelin karta shaqaalaha Hindida ahi inay la soo baxaan macluumaadkaas kadibna ay ka iibiyaan dalalka dunida kale, cadow iyo saaxiib kii ay doonaanba ha ahaadeene, kuwaas oo u isticmaali kara siyaabo aan dadkeenu raalli ka ahayn amaba aanay ugu tala galin.
Taas macnaheedu ma aha in macluumaadku hadda dalka dibedda uga baxayo, waxase cad in aan waxba inaga xigin macluumaadkaas oo dalka dibedda uga baxa maadaama gebagebaynta diiwaangelintu soo dhawaatay, waana digniin ku socota cidda masuuliyaddeeda leh, axsaabta qaranka, guddida diiwaangeinta, Golaha Wakiilada iyo shacabka oo dhamaantood xil ka saaran yahay sidii macluumaadkaas looga ilaalin lahaa in shirkaddaasi dalka dibedda uga saarto.
Sidee baa macluumaadkaasi gacan khalad ah u gali karaa?
Wararka ilaa imika laga hayo hawlwadeenadu wuxuu tilmaamayaa in macluumaadkaas lagu wareejin doono DVD/CD kadibna laga saari dooto ama laga masixi doono serverka. Haddaba waxa aan la iswaydiin inay suurto gal tahay in macluumaadkaas si yar oo fudud dib loogala soo bixikaro koomibuutarka marka dalka dibedda looga saaro. Siyaabaha macluumaadkaas loo xadi karo:
- Marka macluumaadka ku jira kombiyuutarada la masaxo, qofka kombiyuutarka eegaya waxa ka qarsooma faylashii ama macluumaadkii uu masaxay, hase yeeshee macluumaadkaasi wali waxay ku jiraan kombiyuutarka, waxan dib looga soo saari karaa iyada oo la isticmaalayo software imikaba laga soo download garaynkaro interneka kaasoo macluumaadkii kombiyuutarka laga masaxay dib u soo celinkara. (Qaabka macluumaadka sirta ah looga masaxo kombiyuutarada waxaad ka daawan kartaa http://www.youtube.com/watch?v=OfICZMMr0JM ama http://www.pcworld.com/video/id,469-page,1-bid,0/video.html oo labaduna ka hadlaya sida ay lagama maarmaan u tahay in gebi ahaanba waxa ku duuban koombiyuutarka la masaxo (Completely erase the hard-drives) iyada oo aan lagaga tagayn wax raad ah haba yaraatee xitaa Operating Systemkii kombiyuutarada ku yimid – FG: Formatting caadiga ahi ma masaxayo dhamaan macluumaadka waa muhiim in la isticmaalyo sorfware gaar ah sida Darik’s Boot and Nuke).
- Iyada oo ay suurto gal tahay in shaqaalaha ajanabiga ah ee imika gacanta ku hayaa ay samaystaan nuqullo dheeraad ah oo DVD/CD ku duubtaan amaba ay meelo qarsoon oo serverka ah ay ku wareejiyaan taasoo aan shaqaalaha diiwaangelinta ee qaabilsani ogayn.
- Iyada oo macluumaadkaas lagu diro nidaamka internet-ka loona diro dalal shisheeye iyada oo la marinayo internetka
- Iyada oo qof shaqaalada muwaadiniinta ah ee diiwaangelinta ka mid ah oo aan laga filayn inuu xadi karo macluumaadkaas, uu damac galo uuna samaysto nuqullo sharci darro ah

Ammaanka Macluumaadka Diiwaangelinta
Sidee looga hortagi karaa in macluumaadkaasi galo gacmo dawlado ama shirkado shisheeye ah amaba qof inaga mid ah oo danayste amaba u basaasa dawladaha shisheeye?
Jawaabta badideeda waa la heli karaa haddii marka hore laysla oggolaado in macluumaadku yahay sir qaran isla markaana ay muhiim tahay in si kasta oo loo ilaalin karo loo ilaaliyo. Waxyaabaha xalka noqon karana waxa ka mida in la eego marba awoodda dalku inta uu gaadhsiisantahay. Haddii aan waxyar ka tilmaamno sida loo ilaalin karo iyada oo la raacayo nidaamyada ay haddaba isticmaalaan dalalka dunidu ee iyaguba ururiyada macluumaadka diiwaangelinta ee muwaadiniintooda. Tallaabada ugu horaysaana waa in la mamnuuco in kombiyuutaradaas dalka dibedda looga saaro, maadaama ay ku jirto sir qaran.
- In dembi qaran ay noqoto baadhitaanka, eegista, nuqul samaynta iyo adeegsiga macluumaadka diiwaangelinta iyada oo qofkaasi aanuu fasax ka haysan masuuliyiinta qaabilsan ama aanuu u soo marin nidaamka sharciga ah, iyo in dembi laga dhigo qof kasta oo dano gaar ah u adeegsada macluumaadka diiwaangelinta
- In goobaha lagu hayo kombiyuutarada diiwaangelintu ay noqdaan goobo amnigooda kor loo qaado loona sameeyo ilaalo xoog leh (maximum security) si aanay u suurto galin in la xado ama la farafareeyo
- In dhismaha goobta la dayactiro si looga fogeeyo wax kasta oo koombiyuutarada ku keeni kara khasaare aan laga filan sida dab ka kaca, daad ku soo rogmada iwm
- In bannaanka hore ee dhismaha ay kombiyuutaradu yaallaan lagu xidho kamrado duuba qof kasta oo galaya ama ka baxaya dhismaha iyo qof kasta oo ku dul shaqaynaya kombiyuutarada
- In qofkasta oo galaya goobtaas lagu sameeyo baadhitaan buuxa, marka uu sii galayo iyo marka uu ka baxayo iyada oo si gaar ah looga ilaalinayo qalabka wax lagu kala duubo
- In kombiyuutaradaas loo sameeyo fure lagu galo
- In macluumaadkaas lagu xidho sofware encryption (nidaam macluumaadka ka dhigaya mid dahsoon oo haddii uu gacan shisheeye galo’aan si sahlan lagula soo bixi karin)
- In goobaha kombiyuutaradu yaallaan laga fogeeyo internetka, kombiyuutaradadana laga saaro softwareka internetka ku xidha iyo sorfweerada kale ee wax kala duuba. Macluumaadka waxa lagu kaydin karaa encrypted hard-drive ka baxsan serverka kaas oo marka aanu ku xidhnayn serverka lagu sii kaydin karo khasnado aad loo adkeeyay
- In kombiyuutarada loo oggolaado oo qudha qof fasax u haysta, isla markaana la ogyahay sababta uu u socdo
- In markasta oo kombiyuurtaka la furayo ay jirto sabab keentay oo la wada ogyahay
- In qofkasta oo fasax u haysta inuu galo goobta lagu hayo macluumaadka laga qoro magaca, wakhtiga iyo sababta uu u isticmaalayo kombiyuurta
- Inaan marnaba loo oggolaan qof qudha inuu ka shaqaysto koombiyuutarada iyada oo ay ka roontahay in ugu yaraan ilaa 3 qof oo masuuliyiin ah ama ka badani ay ka war hayaan markasta oo la furayo kombiyuutarka ilaa inta laga xidhayo
- In kombiyuutarku leeyahay loog (raad-raac) lagu ogaan karo qofkasta oo adeegsaday, wakhtiga iyo wixii uu sameeyay, nidaamkaas oo aad looga isticmaalo waddamada horumaray, tusaalaha aad dusha ku soo sheegnay ee ka dhacay dalka Maraykanka, wakhigaaas oo wasiirka arrimaha dibedda Condoleeza Rice ay si toos ah saddexda musharax uga raalli gelisay dhacdadaas. Iyada oo raad-raaca kombiyuutarada laga ogaaday magacyada saddexda shaqaale iyo wakhtiyada ay eegeen. Haddaba iyada oo shaqaalahaasi lagu sameeyay dabagal si loo ogaado ujeeddada ka dambaysa falka ay ku kaceen, ayaa haddana ay halkaas ka muuqataa inuu jiro nidaam casri ah oo lagu ilaaliyo macluumaadka muwaadinka laguna ogaan karo qofkasta oo ka tirsan shaqaalaha ee furta ama eega macluumaadka gaarka ah ee laga soo ururiyo muwaadiniinta.
Ugu dambayntii sida looga bartay xukuumadda Daahir Riyaale waxa caado u noqotay aqoon darro iyo dhayalsi aanay xil iska saarin badbaadada mujtamada reer Somaliland, iyaga oo had iyo goor laga arko dhaqdhaqaaq u badan qawda maqashii goor khasaare balaadhani soo gaadhay dalka iyo dadkaba hase ahaatee aanay marnaba ku tallaabsan wax ka hortag ah. Waxa waajib ah in muwaadinku ku adkaysto inaan macluumaadkiisa gaarka ah la dayacin xaqna uu ugu leeyahay madaxda mushaharka kaga qaadata inay ka soo baxaan hawsha kaga beegan ilaalinta macluumaadkaas oo ah sir qaranka.
Somaliland.Org
