Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Oo Ka Bilaabantay Gobolka Togdheer,Masuuliyiin Mucaarad Iyo Muxaafadba Leh Oo Yimi Gobolka.

Hargeysa(Somaliland.Org) Hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay guud ahaan deegaamada gobolka Togdheer,Ayadoo diiwaan-gelintu ay ka bilaabantay 196 goobood ee loo qoondeeyay gobolka Togdheer.

 

Gudoomiye ku-xigeenka komishanka doorashooyinka Cali Maxamed Cabdale “Cali Biikolo” oo warbaahinta kula hadlay xarunta gudiga doorashooyinka ee gobolka Togdheer ayaa sheegay inay dhamaan ka bilaabantay hawsha diiwaan-gelintu goobihii loo qoondeeyay isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ka hortimi hawsha waxaanay diiwaan-gelintu ka dhacaysaa dhulkii ama goobihii doorashooyinku hore uga dhaceen “Diiwaan-gelintu waxay ka dhacaysaa deegaamadii ay hore doorashooyinku uga dhaceen marka laga reebo degmada Buuhoodle oo aan shaxda hore ugu jirin iminka aan lagu darin wax carqalad ah oo aanu ilaa hada la kulanayna ma jirto.”Ayuu yidhi Cali Biikolo

Waxaanu intaa ku daray “Waa diyaar kaydii ama agabkii kale hadii loo baahdo iyo kooxihii ka hawl geli lahaa goobaha looga baahdo ee ciladi ku timaado”"Ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka gudiga doorashooyinka Cali Biikolo

 

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Tordheer oo hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ay si habsi ah uga soco ayaa dadka waxay safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha diiwaan-gelinta,mana jirto wax dhibaato ah oo laga soo sheegay goobaha ay hawshu ka socoto.

 

Waxaana magaalada ku sugan wufuud kala duwan oo ka kala socda Axsaabta mucaaradka ah iyo xukuumada sida labada gudoomiye ee labada xisbi ee mucaaradka ah KULMIYE iyo UCID Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”  iyo Eng Faysal Cali Waraabe sidoo kalena waxa iyaguna jooga wefti ka socda xukuumada oo uu hogaaminayo Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,kuwaas oo kormeeraya goobaha ay diiwaan-gelintu ka socoto si ay ula socdaan duruufaha ka jira deegaamada hawshu ka bilaabantay.

 

Masuuliyiin doora oo ka hadlay hawshan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ee maanta ka bilaabantay gobolka Togdheer ayaa shacbiga gobolka Togdheer ugu hambalyeeyay habsami u socodka hawsha iyo sida nabad gelyada ah ee loogu soo baxay diiwaan-gelinta.

 

Masuuliyiinta ka hadlay hawsha diiwaan-gelinta oo isugu jiray hogaamiyayaasha Axsaabta mucaaradka ah,M/weyne ku-xigeenka iyo Madax-dhaqameedyo waxa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsanahay in maanta bulshada reer Togdheer kala qayb galno hawsha diiwaan-gelinta ee loo dareeray” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo.

Waxaanu intaa ku daray “Waxaynu la soconaa on hawsha maanta loo dareeray ay tahay mid Ahmiyada weyn u leh Somaliland dad ahaan iyo dal ahaanba”Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

 

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo  wuxuu sheegay in diiwan-gelintani ay wax weyn ka tari doonto qadiyada Somaliland “Diiwaan-gelintani waxay tusaysaa  caalamka caalamka geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland tahay mid aan inaga weecan karayn dagaal kasta oo la inagu soo qaado sidaa darted waxaan shacbiga gobolka Togdheer leeyahay ku faro adayga nabad gelyadiina oo si qurux badan ku dhamaysta hawsha diiwaan gelinta idinka soo sida aad maanta u midaysan tihiin u midaysan dadka reer Togdheeroow”Ayuu yidhi ugu dambayntii Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo. 

 

Gudoomiyaha tibia UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isaguna hawsha diiwaan-gelinta gobolka Togdheer ka bilaabantay ka hadlay ayaa sheegay in dad qaarkood ku amaaneen hawsha diiwaan-gelinta qaar kalena ay ku cambaareeyeen “Inay maanta godlike afraad ee dalka ka blatant waa ilaahay mahadii waana u mahad Mahayana dada reer Togdheer oo iyagu ugu fiican samaystayna gudiyo isku dhafan oo ilaa salaadiin leh”Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu intaa raaciyay “Burco waa meeshii ugu fiicnahyd ee u sii diyaargarowda diiwaan-gelinta iyo sida loo abatable waxayna ku dhamaanaysaa guul”Ayuu yidhi ugu dambayntii Gudoomiyaha tibia UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo isaguna ka hadlay hawsha diiwaan-gelinta wuxuu yidhi “Caalamku waxa u qabaa in Somaliland  600000 lix boqol oo kun tahay balse sadexdii ugu horeeyey ayaa liqay  Togdheer iyo labada gobol ee kalana  way   ku sadex laabmayaan waa markii u horeysay  ee caalamku inaga caawiyo   inane si njiyadeena   muujino  gobolka Togdheer waxaad tihiin   indhihii dalka gaar ahaan  gobolada bari   waxaanu ka war haynaa in la doonayo in la carqaladeeyo    oo waanu ognahay  waliba sadexda gobol ee bari  anaguna culeys baanu saaraynaa amaanka   waxaa la odhan jiray   Burco yaan laga badin  ee yaan laydinka badin  waxa farxad ii ah in aan arko  idinkoo isku duuban  oo aad gobolada kale kaga duwan tihiin”Ayuu yidhi M/weyne ku-xigeenku Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin .

 

Suldaan C/laahi Suldaan Cali Muuse oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Burco iyo gobolkuba  waa meel degan ilaahay ayaanu ug mahad naqaynaa,  idunkuna abaabulka iyo dhiiri gelintiina  hadaad tihiin Asxaabta iyo xukuumadaba  waad ku  mahadsantihiin, Burco iyo gobolka Togdheerna waa amaan  haddii aanay idinku (waftiyada ) aan laydin daba socon”

 

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo isana halkaa ka hadlay wuxuu yidhi  “Waxaa xusid mudan  in howlahaa S/land uga socdaan sidii cadowgu ugu talo galay  si ka duwan illhay mahadi goboladu waa isku wada mid   dhamaan tood waanu ku farax sanahay  inay  wajibaad koda gutaan insha alla dalka oo dhan” .

 

Waxa kale iyana halkaa ka hadlay shirgudoonka golaha wakiilada iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantood ku boogaadiyay shacbiga gobolka Togdheer inay si nabad gelyo ah ugu soo baxaan hawsha diiwaan-gelinta

 

Dhinaca kale waxa qiyaasta dadka maanta iska diiwaan geliyay gobolka Togdheer lagu wadaa inay ku dhowaanayso ilaa 100.000 (Boqol Kun)  waxayna tirooyinka hor dhaca ah ee soo xerooday Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer sheegayaan in 48-ka goobood ee Magaaladu in meesha ugu yar ay caawa iska divan geliyeen 240-qof inkasta oo aanu jirin war si rasmi ah uga soo baxay komishanka doorashooyinka

 

Liban M.Shire

Somaliland.Org Burao.

 

 

 

 

 

 

 

 

 


TOP
maaweel

Liban Maaweel

maaweel has blogged 94 posts.
Website: http://somaliland.org