Xaflad Lagu Furayay Xarun Weyn Oo Xisbiga KULMIYE Ka Furteen Magaalada Boorame Iyo Masuuliyiin Doora Oo Ka Hadashay.
Boorama(Somaliland.Org) Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hotelka Seven Star oo iminka xafiis looga dhigay Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal ayaa shalay lagu qabtay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.
Munaasibadaasi oo ay ka soo qayb galeen Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Masuuliyiin ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbigaasi iyo Taageerayaal aad u tiro badan oo rag iyo Dumarba Lahaa waxaana halkaasi lagu soo bandhigay Khudbado iyo Suugaan kala duwan oo lagu amaanayay Astaanka Daacadnimo ee Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka, Firfircoonida Xisbiga KULMIYE iyo dadaalka balaadhan ee ay doonayaan inay hogaan daacad ah u noqon doonaan dalka marka ay ku guulaystaan doorashada.
Waxa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee G/Awdal Ibraahim Aadan Qaalib oo furitaankii Xafiiskaasi xisbiga KULMIYE loo furayay hadalo warbixin iyo soo dhawayn ah ka soo jeediyay ayaa isaga oo qoslaya waxa uu sheegay inay u diyaar garoobayaan doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo dowladaha hoose ee dhawaan la qaban doono waxuuna intaasi sii raaciyay dadka waxaan salaanta ugu bilaabay dadku waa ka ugu horeeya ugu muhiimsan ee gacantiisa ay ku jirto inay isbadal sameeyaan, waxuunaintaasi ku daray waxaan dalkayga ugu adeegi doonaa si daacad ah kuna dadaali doonaa inaan ugu soo celiyo kalsoonidii dowladnimo iyo rajo Mustaqbal haddii Eebe Yidhaahdo.
Gudoomiye ku Ibraahim waxuu cadeeyey inay iska ridi doonaan Maamulka Fadhiidka ah ee aan waxba bulshada u taraynin waxaanan ku shaqayn doonaa wada Tashi iyo Rayi oo la rogrogo, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxuu yidhi “ Waa la soo dhaafay intii la odhan jiray Anigaa Yidhi “ waxuuna ka hadlay inay wax badan ka qaban doonaan dhinacyadda Siyaasada, Dhaqaalaha iyo arrimaha Bulshada, Cadaaladna aanu ku hogaamin doono dalka.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Jiif Caaqil Daahir Cabdi Bade oo sanadkan horaantiisii ahaa Gudoomiyaha degmada Dilla ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya Magaca Bulsho waynta degmada Dila inay diyaar u yihiin Isbadalka Xisbiga KULMIYE wado isagoo ku tilmaamay in hogaanka hada jiraa uu waxba ka qaban waayay arrimaha bulshada iyo adeegyadii kala duwanaaba.
Suldaan Daahir Cismaan Cilmi (Taajaro) ayaa isna sheegay in Gudoomiyaha Gobolka, Cuqaasha Xisbiga KULMIYE ku jirta uu ugu hanjabo inuu Mushaharka ka goyn doono haday ka bixi waayaan Xisbiga, Balse waxuu carabka ku dhuftay in lacagta ay qaataanba ay tahay 150,000 Shiling Somaliland ah waxuuna ugu baaqay qof kasta inuu Mabdi’iisa iyo Xisbiga uu jecel yahay uu taageeri karo, balse Qaranka uun loo wada adeegayo Xisbiyaduna ay yihiin kuwii dalka ka jiray, Cabsi iyo baqdin aanu qofku xisbi kale u gali Karin.
Waxaa Halkaasi ka hadlay Prof.Ismaaciil Muumin Aar oo Masuuliyiinta sare oo Xisbiga KULMIYE ka mid ah waxuuna ka waramay in Xisbiga KULMIYE yahay mid doonaya in Dimuqraadiyad dalka laga hirgaliyo, Xaqiiqadana dadwaynaha loo sheego isla markaasina KULMIYE waxuu balan qaadayaa inuu Musuqmaasuqa uu la dagaalami doono isla markaana waxuu cadeeyey in si cadaalada Shaqooyinka loo qori doono qofkastana aqoontiisa iyo waxa uu yaqaano la tixgalin doono.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghaya Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal Dr.Cawil waxuuna balan qaaday inuu si daacad ah ugu shaqayn doono bulshadiisa isla markaasina uu taageerayaal badan uu Xisbiga u keeni doono si loogu guulaysto Doorashooyinka soo socda.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Axmed Maxamed (Oomane) oo mar ahaan jiray Wasiirada Xukuumada Somaliland ee dalka ka jirta, waxuuna carabka ku dhuftay in Wakhtigii uu Wasiirka ahaa waxyaabihii ay qabteen ee horumarka ahaa imika uu baaba’ay Xukuumad lagu tashadaana aanay dalka ka jirin sidaa Awgeed KULMIYE waxuu ugu baaqayaa bulshada in la taageero si ay umaddu u hesho Dhowrista Xuquuqda qofkasta oo Muwaadin ah.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Abiib Cabdi Good oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland waxuuna ka waramay Cadaalad darada taala Madaxtooyada iyo Waxqabad la’aanta waxuuna intaasi sii raaciyay Nabadgalyada Ilaalinteeda waa loo baahan yahee waxay Xukuumadu samaysay in Baroono ama Gawaadhi gaashaaman ay ku xidheen Wadooyinka Badhtamaha Magaalada Hargeysa taasina aanay ahayn mid Nabadgalyada wax ka taraysa waxuu ugu baaqay bulshada reer Somaliland in Xisbiga KULMIYE ay taageero badan siiyaan.
Waxaa kale oo uu ka halday Xildhibaanku Dhinaca Miisaaniyada oo uu cadeeyey in Lacagtii loogu daray in lagu sameeyo Wadada u dhaxaysa Dila iyo Borama inaanay ilaa iyo Hada aanay Xukuumadu gaadhsiinin Cidii howshaasi fulin lahayd, waxaase uu codsaday in si aanan wakhtigu uga dhicin Sanadkan in Lacagtaasi Miisaaniyada Samaynta wadada loogu soo daray lagu wareejiyo ururka Wado samaynta ee ARNA oo iyagu iskood isku maamulay.
Waxaa ugu dambayntii halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Eng.C/raxmaan C/laahi Wadaad (Eng.Saylici) waxuuna aad ugu mahad celiyay Taageerayaasha Faraha badan ee ka soo qayb galay Furitaanka Xafiiska Xisbiga KULMIYE ee laga furay G/Awdal waxuuna sheegay in Mudadii Todobada Sano ahayd ee Xilka Madaxwaynuhu hayay laga la’ayahay Xisaab Celintii Miisaaniyadda Qaabkay u baxday oo Golaha Wakiiladu ka sugayaan, waana arrinta u baahan in Bulshada Xaqiiqada dhabta ah la taabsiiyo balse waxuu balan qaaday marka ay sanadka 2009, ay Madaxtooyada la wareegaan Xisbiga KULMIYE in Bulshadu waxaa ay doonayaan ay Samayn doonaan, Xisaabtan iyo Dhaliilidna ay diyaar u yihiin.
Waxuu Eng.C/raxmaan Saylici ka waramay Iskaashigii Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE iyo Ururka Qaran ay sameeyeen Dhawaan taasi oo ah arrin lagu faani karo isla markaasina tusaale u ah siyaasiyiintii kala jeeday inay maanta Midoobaan oo waxqabad dhab ah u soo jeestaan kuna rajo wayn yihiin ku guulaysashada Hogaanka Dalka, taasina ay wax badan oo xaga horumarka ah ay samayn doonaan, Isagoo sii hadlayana waxuu yidhi “ Madaxwaynuhu waa Reer Awdal ma Necbi, Laakiinse waxaan doonayaa in waxii uu qaban waayay aanu qabano Gobolada iyo Dadka reer Somalilandba”.
Xigasho Lughaya
