Archive for December, 2008
Wednesday, December 31st, 2008 Comments Off
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wefti uu Hogaaminayo Oo Beri Socdaal Ugu Baqooli Doona Deegaamada Gobolka Sool.
Wednesday, December 31st, 2008 Comments Off
Cabdillaahi Yuusuf Oo Markiiba Garoowe Ka Bilaabay Abaabul Colaadeed Oo Uu Ku Doonayo Inuu Dagaal Ka Huriyo Degaanada Sool Iyo Bariga Sanaag
Wednesday, December 31st, 2008 Comments Off

Wariyahan oo xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa ku xidhnaa saacado badan oo shalay ahayd, waxa xadhigiisa amray sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Ilaalada guddiga doorashooyinka. “Waxaan ku xidhnaa 10:00 Subaxnimo ilaa 6:10 Maqrinimo xarunta dambi baadhista ee CID-da waxaana i soo xidhay taliyaha ciidanka ilaalada xarunta komishanka doorashooyinka Yuusuf Iidaan” Sidaas ayuu yidhi Liibaan Maaweel.
Wednesday, December 31st, 2008 8 Comments »
Warar lagu kalsoonyahay oo aanu hadda ka helnay xubno sare oo ka tirsan xisbul xaakimka UDUB iyo madaxtooyadaba ayaa noo xaqiijiyey in si hoos ahaan ah loo qaybiyey kaadhadhkii casuumadda ee shirweynaha xisbiga UDUB. Taasoo madaxweynuhu uu sheegay inuu uu keligii u sharaxanyahay jagada madaxweyne nimada, Axmed Yuusuf Yaasiin-na ku xigeenka.
Wednesday, December 31st, 2008 Comments Off
Burco (Somaliland.org) – Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in kooxihii diwaangelinta ee ka hawl gelayay gobolka Sool ay maanta ka ambabaxeen magaalada Burco oo Komishanku ka dhigtay saldhig ku meel-gaadh ah inta diiwaangelintu ka socoto gobolka Sool.
Guddoomiyaha guddida diwaangelinta komishanka Ismaaciil Muuse Nuur oo haatan ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa Radio [...]
Wednesday, December 31st, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Waddada badhtamaha Hargaysa ee hormarta xarunta Madaxtooyada Somaliland oo xidhnayd tan iyo markii qaraxyadu ka dhaceen magaalada Hargaysa 29-kii bishii October, 2008, ayaa maanta si rasmi ah loo furay.
Waddadan oo ahayd jid muhiim u ah isu socodka magaalada Hargaysa, ayaa baryahan dambeba aad la isu waydiinayay sababta muddadaa dheer loo xanibay ama [...]
Wednesday, December 31st, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Qaybtii labaad ee weftigii xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE oo baryahanba kormeer ku joogay gobolka Sanaag, kaas oo ay ugu kuur-galayeen diwaangelintii ka socotay gobolkaasi ayaa xalay ku soo noqday magaalada Hargaysa.
Weftigan oo ka mid ahaa wefti uu hogaaminayay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa todobaadkii hore markii ay [...]
Wednesday, December 31st, 2008 Comments Off
Kolayadii gaadiidka ee siddey agabka iyo hawl-wadeennada u socday Goobaha diwaangelinta, waxay ahaayeen kuwo kala daadsan, oo lagu direy qorshe la?aan (haphazard), iyadoo uusan jirin hage dal-yaqaan ah oo hoggaamiya gaadiidka intii isku aag ahba, waxaana sidoo kale, iyana aan jirin farsamo yaqaanno (Mechanics), daba socda gaadiidka oo farsamayn kara wixii jidka kaga xumaada oo [...]
Wednesday, December 31st, 2008 Comments Off
Dagaalka kursiga M/weynenimo ee Baydhabo iyo hawl-galka Cabdilaahi Yuusuf ee Puntland
Baydhabo (W.Wararka/Ogaal) – Maxamed Qanyare Afrax ayaa shaaca ka qaaday inuu u taagan-yahay Murashaxa Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya. iyadoo inta badan mudanayaashii taageerayay Cabdilaahi Yuusuf ay shaaciyeen inay iska casileen xubinimada Baarlamanka Soomaaliya.
Cabdilaahi Yuusuf ka dib markii uu ka waayay wax garowshiinyo ah Baarlamaanka oo [...]
Wednesday, December 31st, 2008 Comments Off
Xoghayaha guud ee dhinaca arrimaha dibada u qaabilsan Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa hadalkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku sheegay in Cid kasta oo danaynaysa in ay Budhcad Badeeda la dagaalanto ay fasax u tahay isticmaalka Dekeda Berbera, ku tilmaamay mid nabadgalya-darro dalka iyo dadka u horseedi kara, isla markaana aan loo baahnayn in Xukuumad wakhtigeedi dhamaaday ay dalka ku casuunto Ciidamo Shisheeye.
Tuesday, December 30th, 2008 Comments Off
Sool: U Diyaar Garowga Hawsha Diiwaan-gelinta Iyo Mudada Loo Kordhiyay Deegaamada Bariga Gobolka Sanaag Oo Caawa La Soo Gebagabeyn
Tuesday, December 30th, 2008 Comments Off
Ceerigaabo (Somaliland.org) – Mr Xasan Looshide oo ka tirsan komishanka isla markaana ahaa masuuliyiinta u xilsaarnaa gobolka Sanaag ayaa sheegay in diiwaan galintii gobolka Sanaag ay si nabad ah u dhamaatay. Waxana uu si rasmi ah maanta ugu dhawaaqay tirada hordhaca ah ee dadka iska diiwaangaliyey gobolka oo uu sheegay inay dhan tahay 180,000 qof, [...]
Tuesday, December 30th, 2008 Comments Off
“Hadalkaasi Ismaaciil (Gudoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta) Kelidii Ayuu Ku Koobnaa, Sidaana Kaga Hadhi Mayno Oo Guddi Baanu U Saareynaa Cidii Dembigaas Lehna Tallaabo Ayaanu Ka Qaadi Doonaa”… Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Kaba-weyne.
Tuesday, December 30th, 2008 Comments Off
Laascaanood (Somaliland.org) – Cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka Somalialnd ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool ayaa gaadhay tuulada Tukaraq oo ilaa 30 km dhinaca bari ka xigta magaalada Laascaanood, halkaasi oo mar fadhiisin u ahayd ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.
Sida laga baahiyay Idaacadda madaxa banaan ee Horyaal, tallaabadan ciidamada Qaranka ayaa waxa [...]
Tuesday, December 30th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Kaba-weyne) ayaa sheegay inay baadhis iyo dabagal ku samaynayaan cidii lahayd masuuliyada tirooyinkii is khilaafsanaa ee uu dhawaan ku dhawaaqay Gudoomiyada gudiga diiwaangelinta Codbixiyayaasha, Ismaaciil Muuse Nuur, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Guddoomiyaha Komishanka, Mr. Kabaweyne oo u warramay wargeyska Haatuf ee ka [...]
Tuesday, December 30th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ka dayriyay khatar uu sheegay in ay ka iman karto qorshaha xukuumaddu ugu ogolaatay quwadaha shiyeeye ee la dagaalamaya budhcad-badeedda Soomaaliya in ay isticmaalaan dekedaha Somaliland.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi oo u warramay Radio [...]
Tuesday, December 30th, 2008 Comments Off
“Haddii Aanay Xukuumaddu Faro-gelinta Ka Deynin Komishanka Doorashooyinka Dalku Xaalad Halisa Ayuu Geli Doonaa…”…..Mujaahid Ibaraahim Dhega-weyne
Tuesday, December 30th, 2008 47 Comments »
Hablo koox aan la aqoonsani si qarsoodi ah ugu tahriibinaysay dalka Djabuuti ayaa sheegay in ay qorshaha lagu kaxaynay ay wateen niman reer Xamar ah kuwaas oo ay sheegeen inay lahaayeen muuqaal culimo kuwaas oo saddex jeer la kulmay hablaha, inkasta oo kulamadaasi saddexda ah ee ay la kulmeen wadaadada aanay ka sheegin habluhu wax aan ahayn in la gaynayo Djibouti ka dibna la dhoofin doono hadana waxa la rumaysan yahay inay ujeedadu intaa ka durugsanayd.
Monday, December 29th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha guddida diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in Komishanku u guurayo magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer maalmaha soo socda, halkaasi oo ay ka maamuli doonaan hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka Sool oo la filayo in la bilaabo 02/01/2009.
Guddoomiyaha Guddida Diwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur oo maanta [...]
Monday, December 29th, 2008 Comments Off
Madaxweynihii dowlada kmg Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa Baarlamaanka Hortiisa ka sheegay in uu iscasilay.
Abaaro 9:45 daqiiqo ee maanta ayaa Waxaa Madaxweynihii dowlada kmg Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed xilkiisii uu hayay ku dhawaadka 4-sano ka hor sheegay Baarlamaanka kmg Soomaaliya Hortooda in uu iska casilay.
Madaxweynihii dowlada kmg Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maanta laga dheehanayay [...]
Monday, December 29th, 2008 Comments Off
Xukuumada Oo Maanta Fasaxday Wadada Hor Marta Madaxtooyada Ka Dib Markii Ay Xidhnayd Laba Bilood.
Monday, December 29th, 2008 Comments Off
“Anigu Xisbina U Ololayn Maayo Ee Si Odaynimo Ayaan U Shaqaynayaa Wax Siyaasadana Wakhtigab Kuma Hawlani,Anigu Sadexda Xisbi Midkoodna Kumaan Biirin,Sool-na Waxa Qudha Ee Ku Soo Kordhay Waa Nabada”….Axmed Cabdi Xaabsade
Monday, December 29th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Wadada wadnaha u ah magaalada Hargeysa ee hor marta xarunta Madaxtooyada Somaliland ee oo xukuumaddu xalay sheegtay in la furayo maanta ayaan la furin, iyada oo qaar ka mid ah gaadiidka dadwaynaha oo rumaystay go’aanka xukuumadda ee furitaanka jidkan oo habeenkii xalay laga sii daayay Idaacadda Radio Hargaysa ay saaka ku khatalmeen.
Taliyaha [...]
Monday, December 29th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargaysa, kadib markii uu soo dhamaystay kormeer qaatay muddo shan maalmood ah oo uu ku soo maray deegaanadii ay ka socotay diwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo oo kormeerkiisa [...]
Monday, December 29th, 2008 Comments Off
Hargeysa December 29, 2008 (Saxannews)- Xarunta Wasaarada Boosaha Iyo Gaadhsiinta Somaliland ayaa waxaa maxbuus ku ah xawayaan yar oo diin ah oo ku dhibaataysan isla markaana ku jira meel uu shabag ku wareegsan yahay.
Diinkan oo muddo 7-bilood ah ku xidhnaa meeshaas oo aanay cidi waxba ku siinin isla markaana aanay u dhawayn meel uu isagu [...]