Wararka Wargeyska OGAAL, Khamiis: “Heshiiska aanu kula jirnay Al-Jaabiri uunbaa soconaya Carab cusubina..” Wasiirka Xanaanada Xoolaha
Hargeysa (Ogaal) Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Idiris Ibraahin Cabdi, ayaa sheegay in aanu jirin heshiis cusub oo xukuumaddu dhoofka Xoolaha kula gelayso ganacsaddaha Sucuudiga ah ee Abu Yaasir, isla markaana aanay waxba iska bedelin heshiiskii ay hore ugula jireen Al-Jaabiri.
Wasiirka oo shalay u waramay qaar ka mid ah warbaahinta Maxaliga ah, waxa uu sheegay in qaar ka mid ah wadamada Khaliijka Carabtu ogolaadeen inay qaataan Xoolaha laga dhoofiyo Maxjarka Berbera, balse aanu dalka Sucuudiga oo Karantiinka Berbera loo sameeyay sidii uu Xoolaha ka dhoofa u qaadan lahaa weli aqbalin. “Xaalka dhoofka xooluhu meel fiican ayuu marayaa, wax muran ah oo fara badan oo meesha soo galayna ma jirin. Laba nin oo ganacsato ah oo Carbeed oo midna Maxjar ka samaystay Berbera, midna Jabuuti ayaa is yara qabtay. Markaa ninkii Berbera Xoolaha ka dhoofinayay ee Al-Jaabiri ayaa ka cadhooday Maxjarkii Jabuuti ee Xooluhu u sii marayeen ninkii maamulayay ee lahaa. Markaa intii labadaa nin la wada hadashiinayay ee ay is fahamsiinayeen dawladda Jabuuti iyo dawladdeenuba (Somaliland), ayuu muranku taagnaa oo laba-saddex cisho ahayd, tiina imika waa laga gudbay, dhoofkii Xooluhuna toos buu u soconayaa, Moosinkan Xajkana Xoolaheenu aad bay u tegayaan. Imika waxa dekedda ku soo fool leh saddex Markab oo min 150 kun oo neef qaaday.” Sidaa ayuu yidhi Idiris Ibraahin Cabdi.
Wasiirku waxa uu ku doodday in xukuumad ahaan ay isla qaateen in gaadiidka daabulaya Xoolaha laga dhoofinayo Berbera si gaar ah loogu xafiifiyo amaanka aadka loo adkeeyay, isla markaana aan lagu xanibin Kantaroolada, si loo dedajiyo Xoolaha loo gurayo magaalo-dekedeedda Berbera inta uu socdo waqtiga Xajku.
Waxa maalmihii u dambeeyay soo baxayay dareemo muujinaya in xukuumadda Somaliland heshiis cusub la gelayso ganacsade kale oo Sucuudi ah, laguna magacaabo Abu Yaasir oo dhowaan socdaal maalmo qaatay ku yimi Hargeysa, iyadoo aanu weli dhamaanin heshiiskii ay hore Xoolaha ugu xidhay Al-Jaabiri. Sidaa darteed, Wasiirka oo arrintaa wax laga waydiiyay waxa uu ku jawaabay, “Walaahi arrimahaasi wax jira maaha. Qadiyaddu mid dawladdeed weeye, hawl Wasiiro gaar ah u xidhana maaha, hadday tahay Wasiir Cawil, Cali Warancadde iyo Maayar Jiciir, ayaa diyaarada Carabka Abu Yaasir ee adhiga doonaya kala soo raacay Jabuuti haday tahay, diyaaradda way soo wada raaceen oo way wada yimaadeen wadanka. Laakiin, arrintu wax Wasiiradu wataan may ahayn. Xalay baan Telefishanka ka maqlayay nin leh halkan (Hargeysa) ayay xukuumaddu Wasiiro uga dirtay Abu Yaasir, waanan la yaabay. Waayo; Cali Warancadde iyo Maayarku waxay ka yimaadeen safar Shiinaha ah, Cawil-na wuxuu ka soo laabtay Kenya. Markaa jidka uun baa lagu kulmay, laakiin Carabku isagaa gaarkiisa u socday oo Xoolo doonayay.”
Wasiirka Xanaanada Xooluhu waxa uu sheegay inuu weli dhaqangal yahay heshiiskii hore ee Al-Jaabir, isla markaana aanu jirin heshiis cusub oo ay la gelayaan ganacsaddaha kale ee Sucuudiyaanka ah. “Ma jiro wax heshiis ah oo lala gelayo Abu Yaasir, Heshiis baynu ku jirnaa, kaasaana soconaya,” ayuu yidhi Wasiirku.
Biihii aynu soo dhaafnay waxa jiray muran xoogan oo u dhexeeyay xukuumadda iyo ganacsatada dhoofka Xoolaha ee Kooto-diidka ah, kaasoo ka dhashay heshiiska ay xukuumaddu dhoofka Xoolaha ugu xidhay ganacsade Saleebaan Siciid Al-Jaabiri. Khilaafkaa waxa aakhirkii lagu dejiyay go’aan xukuumaddu ku sheegtay in muddo shan bilood ah ay ganacsatadu u samraan heshiiska, si loo dhammaystiro Maxjarka Berbera, isla markaana wixii ka dambeeya dhoofka Xooluhu fasax yahay. “Horta Maxjarkii wuu dhammaaday, waxaase laga hadlayaa waa hawlgalkiisii, ilaa todoba wadan oo Carbeedna way ogolaadeen in Xoolaha looga soo dhoofiyo Maxjarka Berbera. Laakiin, waxa hadhsan suuqii ugu weynaa ee Sucuudiga ee aynu Maxjarka u samaynay, waayo wadamada kale waxay qaadanayaan waa wax xaddidan (kooban), Sucuudiguna wuxuu yidhi ‘waxaan eeganayaan marka ay wadamadaasi wada qaataan oo aan qaadanayaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka oo arrintaa wax laga waydiiyay. Wuxuuna intaa ku daray, in dhowaan Karantiinka Berbera lagu kordhin doono qayb kale oo ka baaxad weyn inta hadda la hirgeliyay. “Heshiiskii aanu ku jirnay waa sidiisii, saddex ama afar todobaad dabadeed waqtigii lagu heshiiyay in Xooluhu furmaan, haddii Maxjarku furmo iyo haddii kaleba Xooluhu waa fasax. Kan maanta (Abu Yasir) la celiyay baa beri halkaa ka iibsanaya, oo Carabkii kasta ee nin Somaliland ahi wato waa u fasax,” ayuu yidhi Idiris Ibraahin Cabdi.
Ganacsaddaha Sucuudiga ah ee xukuumaddu heshiiska kula jirto ee Al-Jaabiri, ayaa dhowaan laba Markab oo Xoolo ka qaaday Berbera ka dejiyay dekedda Casab ee dalka Eretaria, kaasoo ay colaad xumi ka dhexayso dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo Somaliland saaxiib la ah. Sidaa aawadeed, waxa Wasiirka la waydiiyay sida ay xukuumad ahaan arrintaa u arkeen iyo inay wax u dhimayso xidhiidhka ay la leeyihiin wadamada jaarka ah, waxaanu yidhi “Maya xumayn mayso. Inaga heshiiskeenu wuxuu ahaa inuu Xoolaha mariyo Jabuuti ama uu Sucuudiga toos u geeyo oo uu Maxjarkeena furo. Laakiin, markii ay is qabteen labada Carab (Al-Jaabiri iyo Abu Yaasir), laba Markab kii ka horeeyay ee Al-Jaabiri Jabuuti ka dejiyay ayuu yidhi si xun baa lay fatashay oo Xoolo badan baa layga reebay oo ogaan baa laygu xumeeyay. Markaa arrimahaa oo Al-Jaabiri u arkayay in aanay arrimo Caafimaad ahayn ee ay tahay mid uu ku xumaynayo ninkan ay is hayaan sida uu sheegay oo uu kula dagaalamayo Xoolihiisa Xajka tegaya. Markii arrintu halkaa maraysay wuu soo qayliyay Al-Jaabiri, wuxuuna yidhi Abu Yaasir waanu is haynaa, Jabuutina arrinteedii way xun tahay ee Xoolaha dekedda Berbera ma ku soo celiyaa? Maya baan ku nidhi anaga ha nagu soo celinin. Waayo; hadduu Xoolaha Berbera ku soo celiyo oo uu ka soo rogo dhibaato badan baa ka imanaysay, dabadeedna markuu soo celin kari waayay, Jabuutina ay ninkii Maxjarka lahaa is qabteen wuxuu doonay meel saddexaad.” Mr. Idiris Ibraahim waxa uu tilmaamay in Al-jaabiri isa-seegaa mulkiilaha Maxjarka Jabuuti ku khasbay inuu dekedda Casab ee dalka Eretaria dhul ka iibsado. “Casab buu ka rogay, laakiin Xoolihii weli halkii bay ku xaniban yihiin oo Casab ilaa Sucuudiga Xooluhu fasax maaha. Markaa wax siyaasiyan ah oo ay inaga ina gelinaysaa ma jirto, dawladda Somaliland iyo dawladda Jabuuti-na waxay ka qaadeen talaabooyin degdeg ah oo la xidhiidha in aan Al-jaabiri labadaa Markab wax ka dambeeya Jabuuti iyo Sucuudiga mooyee meel kale gayn karin. Imika Al-jaabiri dawladda Jabuuti bay ka wada hadlayaan go’doonka uu ka tirsanayo iyaga iyo Abu Yaasir, waanay dhammaanaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xooluhu.
Bishii August ee sannadkan waxay xukuumaddu sheegtay in Maxjarka Berbera lagu dhamaystirayo inta lagu gudo jiro heshiiska Al-jaabiri, muddodaasna uu ku soo dhammaystiri doono sharciyadii Xoolaha Somaliland toos ugu tegi lahaayeen suuqyada Sucuudi Arabiya. Hase yeeshee, shalay waxa uu Wasiirka Xanaanada Xooluhu qiray in taas ku koobnayd uun weerar-celinta huguumkii ganacsatada Kooto-diidka ah. “Waqti loo qabtay ma jirin, laakiin waa arrimihii ay ku dacwiyayeen qolyihii Kooto-diidka. Waa sheekadii dagaalka Adhiga ee Xarbul-qalamka. Ta labaad, Al-jaaribi uma xil saarnayn inuu Sucuudiga inoo furo, laakiin waxa shiray shirkado kale oo arrintaa aanu u xilsaaray oo ay ka mid tahay Raa’sum Kheima. Waxa kale oo ka mid ahaa dadka ka shaqaynayay marka Maxjarka la dhammaystiro in Sucuudigu adhigeena fasaxo, Wasiirka Beeraha ee Imaaraadka Carabta,” ayuu yidhi Wasiirku.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo u jeediyay Cabdilaahi Yuusuf in uu is-casilo
“Mucaaradku si cad ayuu u qaybsamay.. Kooxaha Dagaalka wadaana waxay ka imanayaan hadba dhinac, si ay isu muujiyaan”
Nuur Cadde
Nairobi (LATimes/Ogaal)- Ra’iisal-Wasaaraha Maamulka TFG ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) ayaa sheegay in Madaxweynaha TFG Cabdilaahi Yuusuf ay tahay in uu is-casilo, isla markaana waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in Cabdilaahi Yuusuf uu ku dhawaaqo in aanay dawladi ka jirin Somalia. Waxaanu sheegay in khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Cabdilaahi Yuusf uu qayb ka yahay waxyaabaha Al-Shabaab u sahlay inay dib u qabsadaan Magaalooyin waawayn oo Koonfurta Somalia ah.
Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) oo maalintii Salaasadii u waramay Wargeyska Los Angles Times ee Maraykanka, ayaa ka hadlay qaab-dhismeedka Xukuumad loo dhan yahay oo la rejaynayo inay ku midoobaan dhinacyada Siyaasadda Somalia ee TFG iyo Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Somalia. Waxaanu sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka tego Xilka Ra’iisal-Wasaarnimo haddiiba xalku ku jiro.
Mar Nuur-Cadde la waydiiyay sida uu u arko hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka TFG Cabdilaahi Yuusuf oo ahaa in aanay Dawladi ka jirin Somalia, waxa uu ku jawaabay, “Aad baanu uga xunnay in aanu maqalno Madaxweynaha oo leh Dawladi ma jirto. Dabcan way jirtaa dawladi. Baarlamaan baa jira, Madaxweynaa jira, Shuruucdii Dawladdu wali way shaqaynayaan. Muhiimaddayadu waa hirgelinta hannaanka dib-u-heshiisiinta (Hirgelinta Heshiiskii bishii August lagu kala saxeexday Jabuuti). Waxaan rumaysanahay in ay fure u tahay Nabadda Somalia, hirgelintan la’aanteedna qaska iyo Sharci-la’aantu way sii soconaysaa.”
Nuur-Cadde waxa kale oo la waydiiyay waxyaabaha Kooxaha Al-Shabaab u suurtogaliyay in ay dib u qabsadaan Magaalooyin waawayn oo ka mid ah Koonfurta Somalia iyo badi deegaamada kale ee Somalia, waxaanu ku jawaabay, “Waxaanu doonaynaa in aanu dib u soo celino marxalad degannaansho, laakiin waxa jira caqabado. Waxa jira oo dhacaya dhibaatooyin badan. Khilaafka hoose ee u dhaxeeya Hoggaanka u sareeya ayaana caawinaya, balse marka la xalliyo dhibta tani ma noqonayso arrin wayn. Dawladda oo ay weheliyaan Ciidamada shisheeye ee Itoobiya iyo kuwa Qaramada Midoobay waxay awoodi karaan in ay dalka xasiliyaan.”
Su’aal kale oo la waydiiyey Ra’iisal-Wasaaraha Maamulka TFG ee Somalia Nuur-Cadde oo nuxurkeedu ahaa in uu welwel ka hayo in Kooxaha Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee dagaalka kala horjeedaa ay qabsanayaan Magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in aanay taasi dhici Karin. “Maya rutnii, Muqdisho aad iyo aad ayaa loo adkeeyay.” Ayuu yidhi Nuur-Cadde.
Sidoo kale waxa la waydiiyay in qaybsanaanta ku timi Mucaaradka TFG ee Isbahaysiga Dib-u-xoraynta iyo Kooxda Al-Shabaab ay caqabad ku noqon karto hannaanka dib-u-heshiineed iyo wada-hadallada Jabuuti, waxa uu ku jawaabay, “Mucaaradku si cad ayuu u qaybsamay, natiijadu siday tahayna Kooxaha Dagaalka wadaa waxay ka imanayaan hadba dhinac, iyaga oo isku dayaya in ay muujiyaan jiritaankooda, isla markaana leh, ‘Waanakan. Nalama iloobi karo. Hannaankan (Wada-hadallada) ka dhiga mid loo dhan yahay ama waanu sii wadaynaa dagaalka. Sidaa darteed, waxaan filayaa in arrintan la xallin karo marka xal loo helo khilaafaadka hoose ee ka dhex taagan Dawladda lafteeda.”
Waxa kale oo la waydiiyay Nuur-Cadde in uu diyaar u yahay in uu wada-hadal la yeesho Xasan Daahir Aweys ooh ore uga soo horjeestay wada-hadallada Jabuuti, waxa uu sheegay in aanay jirin cid ay gaar u danaynayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin cid kasta oo nabadda ka shaqaynaysa. “Albaabaddayadu waxay u furan yihiin nabadda iyo dib-u-heshiisiin. Mana jirto cid aanu diidaynaa inay nagu soo biirto.” Ayuu yidhi Nuur-Cadde. Hase ahaatee, waxa la sii waydiiyay sida uu u arko haddii ay ku soo biiraan Xukuumadda wadaagga ah Xubnaha Mucaaradka ka tirsan ee Maraykanka ugu suntan Argagixiso, waxaanu ku jawaabay, “Argagixisadu naguma soo biirayso anaga, kuwaas oo ah Dadka lala xidhiidhinayo argagixisada ee dhalinyarada aan waxba galabsan adeegsanaya, iyaga oo siinaya Lacag. Waa inaanu isku daynaa sida ugu wacan ee aanu u soo jiidan karno dhalinyaradan iyo in aanu u abuurno jewsi nabadeed, Shaqooyin iyo tabbabaro.”
Mar la waydiiyay Su’aal nuxurkeedu ahaa, dadka qaarkood ayaa jecel inay arkaan Sh. Shariif oo Ra’iisal-Wasaare ah, sidaa darteed xilka ma ka degaysaa, ayaa waxa uu ku jawaabay, “In badan ayaan ku celceliyay in Jagadayda Ra’iisal-Wasaaranimo aanay muhiimad lahayn, diyaarna aan u ahay haddii ay dalka dan u tahay.”
Sidoo kale waxa la waydiiyay su’aal ahayd, ma aaminsan tahay in ay waajib tahay in Cabdilaahi Yuusuf uu is-casilo, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Haa, waan taageersanahay in Madaxweynuhu qayb ka yahay dhibta dalka haysata. Haddii aan lagu dhaqmayn Shuruucdii ku-meel-gaadhka ahaa, waa sababta uu Madaxweynahayagu caqabadda u abuurayo, halkii uu nagu hoggaamin lahaa nabadda iyo Xasilloonida. Wuxuu rabaa in uu dalku la-hayste u ahaado Xaaladda uu ku jiro.”
Waxa kale oo la waydiiyay Nuur-Cadde sida ay isu-waafajinayaan Dastuurka loo samaynayo Dawladda wadaagga ah iyo Shareecada Islaamka, waxaanu ku jawaabay, “Shareecada Islaamku waa mid muhiim ka ah Somalia. Dadka Soomaalida ahi 100% waa Muslim, waxaanay rumaysan yihiin in nolosha caadiga ahi ay ku dhisan tahay Shareecada. Sidaa darteed, Dastuurkayagu wuxuu ku dhisan yahay Shareecada Islaamka. Qodob kasta oo Dastuurkayaga ahina ma noqon doono mid Shareecada ka hor imanaya ama ka fog.”
Waraysigan uu bixiyay Ra’iisal-Wasaaraha Maamulka TFG ee Somalia Nuur Xasan Xuseen ayaa ku soo beegmay waqti uu Madaxweynaha Maamulkiisu ka codsaday Madaxweynaha Dalka Libya Mucammar Qaddafi in uu kala hadlo Madaxweynaha Jabuuti in wada-hadallada ka socda dalkiisa ee u dhaxeeya dhinacyada Siyaasadda Somalia loo wareejiyo dalka Libya, kaas oo uu ku sheegay in uu awood u leeyahay hanashada iyo marti-gelinta wada-hadalladan.
“Ameerika waxay guranaysaa dhaawaceedii Ciraaq, Itoobiyana meel ay ka baxdo ayay raadinaysaa”
“Adigu (Obama) waxaad ku soo booday booska si aad hogaanka ugu qabato quwad gashay dembiyadii ugu waawaynaa taariikda”
Al- Zawahiri oo digniin culus u jeediyay Obama, lana dardaarmay Al-shabaab
Al-qaacidda (Al-jazeera/Ogaa)- Codka Zawahiri oo ka baxayay cajalad fiidyow ah oo xalay la baahiyay waxa uu kaga waramay waxa laga filayo maamulka Obama, waxaanu uga digay inuu qaao dariiqii maamuladii ka horeeyay, isla markaana wuxuu hadalo guubaabo, hanjabaad, wargelin iyo xog-waran isugu jiray u soo kala jeediyay dhinacyo badan oo kala duwan. Sidoo kale Dr. Ayman Zawahiri hadalkiisan oo noqonaya kii ugu dheeraa kaa hadlay rag madowga ka mid ahaa oo uu tusaale ahaan u soo qaatay Malcolm X.
Codka farriimahaas iyaga oo tarjuman waxa lagu faafiyay shabakadda Al-qaacidda qaybtooda warbaahinta ee As-Sahab. Waxaana lagu sheegay inay tarjumista hadalkaasi sidan u dhacay: “Waxaan ku bilaabayaa magaca Illaahay, amaanina dhamaanteed waxay u sugnaatay Illaahay, nabad-gelyo iyo naxariisina korkiisa ha ahaato Nebigii Illaahay iyo qoyskiisiiba, asxaabtiisii iyo xulufadiisaba. Walaalaha islaamka meel kasta oo ay joogaanba: nabadgelyo iyo naxariis iyo barakada Illaahay korkiina ha ahaato. Intaa ka dib waxa yimi: Barack Obama wuxuu ku guulaystay madaxweynenimada Maraykanka, marka munaasibadan loo eegana, waxaan jeclaan lahaa inaan u diro dhawr farriimood.
Farriinta Koowaad: Waa farriin aan ku hambalyaynayo ummada muslimiinta ah ee ogolaatay in Ameerikaanka lagu jebiyo Ciraaq. Inksta oo cadaymaha muujinayay jabka Maraykanka ka gaadhay Ciraaq uu ahaa mid muuqday sannado ka hor, balse Bush iyo maamulkiisu ay sii wadeen inay ka leex-leexdaan, isla markaana ay doonayeen inay beeniyaan cadceeda cajiibka ah ee duhurka maalinnimo. Hadii Bush uu wuxuun ku guulaystay, waa mid ka mid ah burburkiisa uu abuuray ee uu kaga tagayo Ameerika iyo qaska uu u dhaafayo ninka bedelaya. Laakiin dadka Ameerikaanka ahi doorashadooda Obama, waxay shaaca ka qaadaysaa isku-buuq iyo cabsiyo la xidhiidha mustaqbalka soo socda, kaasoo siyaasadda dadka sida Bush ay u horseedeen Maraykanka, sidaa darteedna wuxuu Bush go’aansaday inuu taageero qof ku baaqaya in ciidamada Ciraaq laga soo saaro.
Farriinta Labaad: Waa farriin waa mid ku aadan Madaxweynaha cusub ee Maraykanka. Waxaan u sheegayaa: ‘Waxaad gaadhay booska madaxweynenimo, isla markaana dhaxalka guuldarrooyin culus iyo dembiyo la galay ayaa ku sugaya. Guuldarrada Ciraaq, taasoo adiguba aad qirtay, iyo guuldarrada Afghanistan, taasoo taliyeyaasha ciidamadaadu ay qireen. Arrinta kale, taasoo aan doonayo inaan dareenkaaga ku soo jeediyaa waa ta la xidhiidha waxaad shaaca ka qaaday ee ku saabsan sida aad doonayso inaad u gaadho is-faham aad la yeelato Iiraan iyo intaad ciidamadaada ka soo saarto Ciraaq si aad ugu dirto Afghanistan, waa siyaasad calafkeedu yahay guuldarro ka hor intii aanay dhalanba. Waxay u muuqataa inaanad waxba ka garanayn ummaddaha muslimiinta ah iyo taariikhdooda iyo waxay calfadaan kuwa laba-wejiilayaasha ah ee gargaara kuwa duullaanka ka soo horjeeda ku soo qaada, waxbana ka garanmaysid arrimaha ku saabsan taariikhda Afghanistan iyo dadkeeda xorta ah ee ah muslimiinta aan cidnaba dhegeysan. Isla markaana hadii aad weli doonayso inaad ku sii wado guuldarrooyinka Ameerikaanka ee aan meel loo raaco lahayn ee ka haysta Afghanistan, markaa xusuusnow inaad mari doonto dariiqa Bush iyo Pervez Musharraf qaadeen, iyo dariiqii uu ku dambeeyay Midawgii Soofiyeeti iyo Ingiriiskii iyaga ka sii horeeyay. Ogowna in eydii Afghanistan uu macaan u noqday hilibka askartaadu, markaa u soo dir eyddaas kumanaanba kumanaanka ka dambeeya. Iyada oo ay ku sugayaan dembiyadii Ameerikaanku galeen, ayaa waxay u muuqataa inaad sii wadayso inaad xadhiga ay galayeen maskaxda Ameerikaanku ee dunida ay ku samaynayeen, dalalka islaamkana ku samaynayeen. Ummadda Muslimiinta ahi waxay u arkaan ilaa xad wax u qadhaadh qoraaladaada munaafaqada ah iyo inaad la mac-tahay Israa’iil, taasoo u cadaynaysa ummadda Islaamka ah inaad dooratay inaad istaagto meel colaad aad ugu hayso. Waxaad taagan tahay meel si toos ah uga soo horjeeda qadarintii madowga Ameerikaanka sida, Malik al-Shabazz, ama Malcolm X (Illaahay ha u naxariistee). Waxaad u dhalatay aabo islaam ah, laakiin waxaad dooratay inaa istaagto heerarka cadowga muslimiintu taagan yihiin oo aad u cibaadaysato sida Yuhuuda, inkasta oo aad ku andacoonayso inaad kiristaan tahay, si aad ugu boodo jaranjarada hogaamineed ee Ameerika. Waxaanad balanqaaday inaad ka dambaynayso Israa’iil, waxaanad ku hanjabtay inaad weerarayso gobollada qabaa’illada Pakistan oo aad kumanaan kale oo ciidamo dheeraad ah u soo dirayso Afghanistan, taasoo aad ku dalbayso in dembiyada gaaladda Ameerikaanku dalkaa ku sii wadaan. Isniintii la soo dhaafay diyaaradaadu waxay dishay 40 Muslimiinta reer Afghanistan ah oo ay ku laysay xaflad aroos oo lagu qabanayay Kandahar. Malik al-Shabazz (Alle ha u naxariistee), wuxuu u dhashay dilaa madow ahaa oo cadaanka layn jiray, laakiin Illaahay ayaa u naxariistay oo u iftiimiyay inuu islaamo, sidaa daraadeedna wuxuu naftiisa u huray muslimiinta, waxaanu cambaarayn u jeedinayay dembiyada ay gaallada reer galbeedku kala soo horjeedaan inta daciifka ah iyo inta dulman, waxaanu shaaca ka qaaday taageeradiisii uu u hayay dadyowgii la dagaalamayay qabsashada Ameerikaanka, waxaanu ka hadlay kacaan caalamka oo dhan ah oo lagaga soo horeesto hanaanka awoodeed ee reer galbeedka. Waa sidaa daraadeed, sidii aanay la-yaabka u lahayn in Malik al-Shabazz (Alle ha u naxariistee) la dilay. Marka adigu (Obama) waxaad ku soo booday booska hogaaminta madaxweynenimo si aad hogaanka ugu qabato xoogii dembiyada ugu waawayn galay taariikda bani’aadamiga iyo hogaaminta xoogii gaalo-fidiyeyaasha ugu rabshadaha badan caalamka ee taariikhda ka soo horjeesta islaamka. Isla markaana adiga (Obama) iyo Colin Powell, Rice iyo inta idinla midka ahiba, kelmedihiisii Malcolm X (Alle ha u naxariisto) werwerka lahaa “Guriga Madowga” ayaa cadaaday. Waa inaad sidoo kale u mahad-naqdaan, maadaama aad qabanaysid madaxweynenimada Ameerika xilli lagu guda jiro duullaano ay kala soo horjeedaan Islaamka iy Muslimiinta oo aad wajahaysaan shaqsiyaad iyo ururo toona, balse waxaad wajahaysaan jihaad dib-udhasha, kaasoo ruxayaan tiirarka caalamka islaamku; tanina waa xaqiiqada adiga iyo dawladaada iyo dalkaaguba ay diideen inay aqoonsadaan, isla markaana ay iska yeel-yeelayaan sidii kuwo aan arkayn.’
Farriinta Saddexaad: Waa farriin ku aadan ummadda islaamka ah. Waxaan u sheegayaa: Ameerika, dembiilaha, idinkaga tegaa gaalladu, wuxuu sii wadaa inuu sidiisii ahaado weligii, markaa waa inaynu sii wadnaa inaynu waxyeelayno, taasoo lagu dalabayo in iyagu ay u soo daadegaan dareemadooda, sababta oo ah, waa dembiile, diin-fidiyeyaal mashaariic isugu balaadhinaya dhulalkiina, cidda keliya ee miisaami kartaana waa inamadiina naftood-hurayaasha ah, Mujaahidiinta. Tani, markaa waa dariiqa haboon, markaa hoosta ka xarriiqa.
Farriinta Afraad: Waa farriin ku aadan libaaxyada Islaamka, Mujaahidiinta. Waxaan idiin sheegayaa: Illaahay sida ugu wanaagsan ayuu idiinka abaal-marinayaa geesinimadiina taariikhiga ah, kuwaasoo aad ku heerteen qorshayaashii Ameerikaanka ee uu kaga tanaasulay mashaariidiisii socon waayay. Markaa soo jeeda oo xalka gaadha. Cadowgiina jilicsanaantiisii ayaa bilaabantay, sidaa aawadeedna ha joojinina inaad dhaawacdaan. Waxaanan leeyahay walaalahayga Mujaahidiinta ah ee Ciraaq guud ahaan, gaar ahaana gobolka islaamiga Ciraaq, iyo amiirkoodaba, buurta dheer ee Abu ‘Umar al-Baghdadi: cadowgiinii wuxuu qirtay in laga adkaaday, xaalada xigtana waxa la rajaynayaa in saamayn badan ay yeelato hawlgallo balaadhan oo lagu hadoodilayo dib-u-baxa ciidamada Maraykanka, markaa waa inaad la socotaan, guushu waxay la socotaa saacad feejignaan ah. Isla markaana waxaan walaaladay u sheegayaa, libaaxyada Islaamka ah ee Soomaaliya: dib-u-doorta guusha, qabsadana dhulka. Ameerika waxay guranaysaa dhaawaceedii Ciraaq ka gaadhay, Itoobiyana meel ay ka baxdo ayay raadinaysaa, iyada oo sababtan loo eegayana xaalad qorshayaal iyo isbedello ayaa bilaabantay. Sidaa awgeed, xaqiiqooyinka si adag u wajaha, kuwaasoo aad naftiina u soo hurteen, hubkiinana dhulka ha dhigina ka hor inta aan laga helin qaran mujaahid leeyahay oo islaamka iyo Tawxiidka lagu maamulo’aan Soomaaliya laga samayn. Waxaanan u sheegayaa guud ahaanba mjaahidiinta meel kastaba ha joogeene: Iftiinkii casrigani wuu bilaabmay si uu u kala daadiyo dibna ugu celiyo, isla markaana Illaahay guulo ayuu idiinku ballanqaaday iyo qadarin idinka oo u samaynaya sababtii ugu haboonayd ee taas loo marayay, markaa ku taagnaada dariiqa jihaadka ilaa inta aad iska arkaysaan Allihiina mar uu idinku ku faraxsan yahay.
Farriinta Shanaad: Waa farriin ku aadan caalamka inta daciifka ah iyo inta la dulmiyo. Waxaan u sheegayaa iyaga: Ameerika waxay yeelatay weji cusub, laakiin waxa ka buuxaa waa nacayb, maskax iimaan-darro lagu sawiray, iyo caadifad lagu faafnayo shaydaannimo, dilalka, dulminimo iyo amar-ku-taaglayn isaga sii socota uun had iyo jeer si isku mid ah. Isla markaana Mujaahidiinta Islaamka ah, sharafta uu Illaahay siiyay awgeed waxay ku sii wadayaan inay ahaadaan waranka horyaalka u ah la-dagaalanka lagala soo horjeedo inaanay iyagu ku sii taagnaanin cadaalad-darrada, gardarrada iyo is-waynaysiinta.
Farriintayada ugu dambaysa waxaan kula hadlayaa dadka Ameerikaanka ah. Waxaan u sheegayaa: Waxaad dawayseen guuldarro jab iyo khasaareyaal huwanayd oo ay idiin soo jiideen ficillada Bush iyo gaangiistarriinta la socdaa, isla markaana Shaykh Usama bin Ladin (Illaahay ha ilaaliyee) wuxuu idiin soo diray farriin ahayd inaad kaga baxdaan dhulalka Muslimiinta, kuna joojisaan xatooyada aad ku hayseen hantiyhooda iyo farogelinta aad ku hayseen arrimahooda. Sidaa daraadeed, idinka laftiinu kala doorta waxaad jeceshihiin, una dulqaata xaaladdaha idinka soo wajaha doorashadiina, maadaama aad idinku xukunka haysaana, waa laydin xukumi doonaa. Ugu dambayntiina Illaahay ayaa amaan dhamaanteed u sugnaatay, Illaahayna nabadgelyo iyo naxariis guudkiisa ha ka yeelo Nebigeenii Muxamed, Qoyskiisii, Asxaabtiisii, iyo intii raacdayba.”
Go’aan UN-tu ka soo saaray heerka nabadgelyada S/Land & jawaabta Xukuumadda
“Go’aankani wuxuu ka farxinayaa Argagaxisada, dadkii dhibtu soo gaadhayna waxba ma tarayo”
Wasiirka Qorshaynta Qaranka
Hargeysa (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in Qaramada Midoobay go’aan ay soo saartay ay ku sheegtay in heerka Nabadgelyo ee Somaliland uu hoos uga dhacay halkii uu taagnaa, marka loo eego qiimaynta ay iyagu sameeyeen. Hase ahaatee ay Xukuumad ahaan ku gacan-saydheen go’aankaas oo ay Qaramada Midoobay jawaab ka sugayaan. Hase ahaatee, waxay Qaramada Midoobay sheegeen in aanay joojinayn barnaamijyadii horumarineed ee ay ka wadeen Somaliland, isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan dib u gu bilaabayaan hawlihii shaqo.
Wasiirka iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) iyo Axmed Xaashi oo shalay si wada-jir ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday sababta ujeedada ay Saxaafadda ugu yeedheen. “Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu idinla socodsiino arrin soo korodhay.Waxa jirtay in aanu kulamo la yeelanay madaxdii Qaramada Midoobay ee qiimaynta xaaladda nabadgelyo ee Somaliland yimi, oo aanu u sheegnay in aanay dalka ka tegin oo ay shaqadoodii wataan. Is-af-garad aan rasmi ahayn ayaanu kala qaadanay oo ahayd in ay dalka joogaan, laakiin ay ay qiimaynta wadayaan oo ay xaruntooda New York oo ay fadhiyaan waaxda badbaadinta iyo amniga u dirayaan. Kuwaas oo eega nabadgelyada dalka iyo sida loo wada-shaqaynayo.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Haddaba waxaanu doonaynaa in aanu idiin sheegno War nagu soo biiray, sababta aanu idiin siinaynaana waa in aydaan (Saxaafadda) inta aad meelahaa ka heshaan aydaan u qaadan in aad Dahab hesheen ee aad Afkayaga ka heshaan, si aanay wax ku-tidhi-ku-teen ah aydaan u baahin.” Waxaanu Wasiirku sheegay in nuxurka Qoraal ay ka helaan Qaramada Midoobay. “Waxaanu idiin sheegaynaa in aanu Qoraal ka helnay Qaramada Midoobay oo ay noo soo gudbiyeen go’aankii ay yidhaahdeen waxa qaadatay qolada badbaadada iyo amniga qaabilsan ee New York, kaas oo aan runtii aan na qancin. Waxa qoraalkaa ku yaalay, in barnaamijyadii horumarinta ee dalku ay sidoodii u soconayaan oo ay ku dedaalayaan in aanay is-dhimin. Hase ahaatee, waxay yidhaahdeen qolada New York, balse talo ayay gaadheen, taladaas oo ah, in heerkii Nabadgelyada, siday iyagu u haystaan uu noqdo wejiga Afraad, halkii uu markii hore ka ahaa wejiga saddexaad. Laakiin, muddo yar ka dib qiimayn dambe la sameeyo in kor loo qaaday.” Ayuu yidhi Wasiirku,
Wasiirka Qorshayntu wuxuu sheegay in ay jawaab ay u direen Qaramada Midoobay ugu sheegeen in ay diiddan yihiin Xukuumad ahaan iyo Dal ahaan go’aankaas iyo sababta ay ku diideenba. “Markaa jawaab baanu ku celinay oo aanu leenahay go’aankaa aad gaadheen haba-yaraatee waa mid aan noo cuntamin oo aanu diiddanahay oo aanu sababaynay sababaha aanu ku diiddanahay. Marka u horraysa go’aankaa ay qaateen waa mid uun ku salaysan arrimo Gudaha ah oo aan ahayn arrimo ka baxsan waxa dantooda ah, oo ay ugu badnayd oo ahayd in ay imika Argagixisada bartilmaameed u noqdeen. Ta labaad, in ay Shaqaalahooda badbaadintooda ay sababteeda u qaateen. Laakiin, qiimaynta dambe markay arkaan in ay dib u soo celinayaan.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Markaa waxaanu nidhi (Qaramada Midoobay) labadaa qodob ee aad cuskateen maaha kuwo nuxur leh ee waa kuwo aad dantiina u qaadateen uun oo aad ka booddeen nuxurku meeshuu ahaa oo ah la-dagaallanka Argagixisada oo inta badanna Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa ay ku dhawaaqdo, laakiinse aanaan hadda arkayn in aad ku camal-fasheen, kanna uu ka farxin doono Argagixisada, dadkii dhibtu soo gaadhayna aan wax siinayn. Markaa in aanu gebi ahaanba diiddanahay go’aankaa ay qaateen ayaanu u sheegnay, isla markaana uu ahaa mid tiigsashadiisu’aanay ahayn mid qoto dheer oo ah wixii laga rabay Qaramada Midoobay. Sababtaa aawadeed aanu ku diiddanahay.”
Md. Cali Ibraahim waxa uu ka waramay maadaama ay go’aankan soo saareen Qaramada Midoobay, tallaabada Dawlad ahaan la gudboon ee ay qaadayaan. “Waxaanu nidhi waa in wada-hadalku socdaa oo aynu ka wada-hadalnaa arrintan iyada ah iyo go’aankaa sidii loo bedeli lahaa, si degdeg ahna aanu uga wada-hadalnaa oo ay dhacdaa in arrintu sideedii hore u socotaa. Wali jawaab kamaanu helin, laakiin waxaanu rejaynaynaa in ay si dhaqso ah aanu uga helno Jawaab. Haddii ay suurtogashana aanu meesha ay joogaan ugu tegno sidii aanu ugula doodi lahayn in tallaabadaa ay qaateen aanay ahayn mid anaga iyo Dalkaba qancinaya. Waxaananu leenahay oo aanu aad iyo aad u leenahay in aananu ku qanacsanayn taladaa ay qaateen. Had iyo jeer qolada talada bixisa ee qoladaas (Xarunta New York) u dirtaa waa Madaxda Qaramada Midoobay ee laamaheeda kala duwan, kuwaas oo u dira Warbixin wixii ay isleeyihiin qiimaynteedu wuu noqday. Hase ahaatee, waxay u egtahay qoladii New York in ay ku gacan-saydhay oo ay taladan iyagu qaateen. Laakiin maaha Albaab Xidhmay ee waa Albaab furan oo laga wada-hadlayo, waananu ku dedaali doonaa sidaanu wada-hadalkaa u dhammayno.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Axmed Xaashi oo isna kelmad kooban oo ku saabsan tallaabadan iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelanayso halkaa ka sheegay ayaa yidhi, “Horta waa in la fahmo saamaynta ay inagu keenayso Kaalintan aynu galnay maxay saamayn inagu yeelanaysaa ama maxaa isbedel inagu dhacaya, taasina waxa weeye Shaqaalihii muhiimka ahaa ee joogay ayaa la dhimayaa, nuxurkuna waa intaas.”
Intaa ka dib qaar ka mid ah Suxufiyiintii ka socday Warbaahinta ee halkaa ku sugnaa ayaa waydiiyay su’aalo kala duwan, kuwaas oo qaar ka mid ah iyo su’aalihhii Wasiirka Qorshayntu ka bixiyay ay u dhaceen sidan;
S: Go’aankoodan ma ku sheegeen in ay dib-u-bilaabayaan hawlihii ay ka wadeen Somaliland?
J: Haa, way ku sheegeen in ay si degdeg ah u bilaabayaan, balse ay dib-u-habayn uun isku samaynayaan ee dadkii badnaa ee hawlaha u hayay uun ay dad kale ugu bedeli lahaayeen. Laakiin, waxay yidhaahdeen shaqadaasi joogsan mayso.
S: Wasiir, ma noo sheegi kartaa Shaqaalaha ay dhimayaan?
J: Shaqaalaha ay dhimayaan Shaqaalahan maaha ee waa Shaqaalihii Caalamiga ahaa, ayay qaarkoodna imanayaan, qaarkood-na Xaruntooda uga shaqaynayaan.
S: Wasiir, Kaalinta Afraad ee heerka Nabadgelyada Somaliland lagu riixay maxay tahay macnaheedu?
J: Kaalinta afraad waa kaalinta gargaarka bani’aadamnimada, kaalinta saddexaadna waa kaalinta horumarka. Markaa labadii ayay imika isku xidhayaan oo waxay leeyihiin Mashaariicdiina way soconaysaa, kaalinta afraadna waad tihiin. Ta aanu markaa diiddanahay waxay tahay in markii haddii Mashaariicdii soconayaan kaalintii saddexaad loo daayo oo aanay wax iska-hor imanaya aanay noqon. Waaayo, kaalinta afraad waanu la naqaanaa waxay tahay, sidaa darteed labadii kaalmood siday isku qabanayaan ayaananu garaynin. Ta aanu gorgortanka ka galaynaana waa taa.
S: Wasiir, ma noo sheegi kartaa Waddamada safkooda lagu daray Somaliland ee hore ugu jiray Kaalmaha afraad heerka Nabadgelyada?
J: Horta, waxan kaalmaha la yidhaahdaa maaha wax taagan. Waxa weeye, imika dalkeena oo kale marka aad Awdal ka bilowdo ilaa aad Togdheer dhaafto Kaalinta saddexaad ayay ahayd. Sool iyo Sanaag-na waxay ahaayeen Kaalinta Afraad. Waxa tegay qaar badan oo nabadgelyada qiimayn ku samaynayay oo aanu ka dalbanay oo ay ahayd in iyana laga bedelo, runtii ta Sanaag waxaabay tegayeen oo markii ay Sool ka tegayaan ku soo beegantay markii Lammaanihii Jarmalka ahaa lagu qafaashay Laas-qoray. Way ka soo noqdeen, oo haddiiba ay tegi lahaayeen waxay odhan lahaayeen waa meel nabadgelyadu aad u xun tahay. Markaa waxaanu ka shaqaynaynay sidii ay labadaasina (Sool iyo Sanaag) kaalinta saddexaad u soo geli lahaayeen.
S: Wasiir, go’aankan ay soo saareen Hay’adaha Qaramada Midoobay ma la qabaan Hay’adihii Caalamiga ahaa ee kale ee dalka ku sugnaa?
J: Maya, waxa gaadhay uun kuwa Qaramada Midoobay, balse Hay’adaha kale sidoodii bay u joogaan. Kuwa Qaramada Midoobay ayuun baana gaadhay, waayo iyagaa la duqeeyay. Tii ayuun baana keentay in ay arrintan horseed u noqdaan.
S: Wasiir, ma la odhan karaa Ciidamada amniga ee Hargeysa dhooban iyo baadhista socota ee aan ilaa hadda gebogeboobin oo Hay’adaha cabsi ku abuurtay ayaa keentay in kaalintan lagu riixo heerka Nabadda S/Land?
J: Maya, horta mid aan idiin sheego, marka ugu horraysay waxyaabaha ugu badan ee ay ku dhacdo nabadgelyo-darradu waa waxa loo yaqaano feejig-la’aanta nabadgelyada ama habacsanaanta-nabadgelyadu markay kugu dhacdo. Haddii la arko Waddan had iyo jeer feejigan oo haddii halkaa wax lagu sheego cid u diraysa, dadka Caalamku wuxuu ku qiyaasaa in feejignideeda-nabadgelyo ay fiican tahay oo taasi waxay u tahay wax saa’id ah. Waxan ordaya ee aad arkaysaan ee aad u haysataan in ay xun tahay markay Ajenibu arkaan, qolo nidaamkeedii nabadgelyadu u dhisan yahay oo feejig bay u arkaan. Haddaynu sidaas oo kale u feejignaano had iyo jeer wax inaga xumaanayaa ma jiro. Dadkeena waxaad u sheegtaan qoladiinan Warbaahintu, in feejignaantaasu ay tahay qodobada ugu wayn ee laga hadlo marka Waddan nabadgelyadiisa laga hadlayo, waana wax fiican. Imikana waynu feejigannahay, aadna imikadaa dadka joogaa way u jeclaysteen. Habacsanaan ayuun baa laga ilaaliyaa Nabadgelyada, haddii aad habacsan tahay Duqsi waliba wuu kuu soo dhacayaa.
Dawlada Jabuuti oo jawaab kulul ka bixisay Hadal ka soo yeedhay Cabdilaahi Yuusuf
Jabuuti (VOA/Ogaal)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si adag u naqdiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha dawladda Kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed, oo uu dhigiisa Liibiya kaga codsaday in wadahadalada dhinacyada Soomaalida ee ka socda Jabuuti loo wareejiyo dalka Liibiya.
Wasiirka oo shalay u waramay idaacadda Codka Maraykanka qaybteeda afka Soomaaliga, waxa uu ka hadlay ujeedada shir degdeg ah oo wadamada ku bahoobay urur-gobolleedka IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa, kaasoo uu xusay in lagaga hadlay cawaaqibka ay Soomaaliya ku yeelan karto khilaafka u dhexeeya madaxda dawladda Kumeel-gaadhka ah ee Soomaliya. Wuxuuna intaa ku daray, in maalmaha soo socda uu shir uga furmi doono Jabuuti guddiyo ka socda dhinacyada iska soo horjeeda ee Soomaalida. “Shir degdeg ah ayay Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka IGAD isugu yimaadeen magaalada Addis Ababa. Shirkaas oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, wixii laga wada xaajooday waa la ogyahay oo waa arrinta Soomaaliya iyo wadciga dhibaatada badan ee ka taagan dalkaas iyo khilaafkan madaxdii xukuumadda Kumeel-gaadhka ah ku dhexjira ee ay ka bixi kari la’yihiin iyo sidii xal degdeg ah loogu heli lahaa. Haddii dhibaatadaasi sii socoto degenaanshihii dalka sidii loo soo celin lahaa ayay halis gelinaysaa. Markaa laba maalmood ka dib Jabuuti waxa ka furmaya shir ay yeelanayaan laba guddi oo mucaaradka iyo xukuumadda ah, ahna labada guddi ee amniga iyo siyaasadda, waxayna dib u bilaabi doonaan shirarkooda. Markaa anagu waxaanu u aragnay khilaafkaadkaa madaxda dawladda Kumeel-gaadhka ah ka dhexaysa nimaadkan socda yaanay halis gelinin.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Cali Yuusuf.
Wasiirka oo la waydiiyay sida uu u arko codsi uu Cabdilaahi Yuusuf Axmed ku waydiistay dhigiisa Liibiya, in wadahadalada ka socda Jabuuti loo wareejiyo dalka Liibiya, waxaanu ku jawaabay, “Taas waxaanu u aragnaa burburin wixii dadweynihii Soomaaliyeed, mucaaradkii, xukuumadda iyo adduunweynuhu qiray ee uu ictiraafay nimaadkan Jabuuti ka socda, taasina wax dantii guud ee Soomaaliya wax u taraya maaha. Marka la yidhaahdo heshiis dal kale halaga bilaabo burbur uun baa loola jeedaa, haddana waxaanu leenahay walaalahayo madaxda ama siyaasiyiinta kaleba ha ahaadaane, ha garab-joogsadaan haddii danta guud loo daynayo waxa Jabuuti ka socda.”
Wasiirku waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo uu ku sheegay in dhibaatada Soomaalida ay faro shisheeye ku jiraan. “Sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Soomaaliya ka taagan uun baa loo halgamayaa oo loo dedaalayaaye, in mar kasta la yidhaahdo ‘masuuliyada dadkaa kale ayaa leh, anagu Soomaali haddaanu nahay dhibaatadeena dad kalaa ka dambeeya oo faro gelinaya, anagu waanu fiicanahay oo malaa’ik baanu nahay’ waxaasi waa hadal ilmo yar oo imika garaadaystay uu fahmayo oo aanu ku khaldamayn. Haddii Soomaaliya burbur gaadhay Soomaalida ayaa ka dambaysay, arrinteedana iyadaa leh,” ayuu yidhi Wasiirku.
Xubno ka socda C.I.A-da Maraykanka oo socdaal qarsoodi ah ku tegay Puntland
Boosaaso (Press TV/Ogaal)- Xubno ka tirsan Laanta Sirdoonka Maraykanka ee C.I.A ayaa la sheegay in ay shalay socdaal ku tageen Magaalada Boosaaso ee Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia, kuwaas oo wada-hadallo la leh Masuuliyiinta Maamul-gobolleedkaas.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacinin socdaalka Xubnahan C.I.A-da, haddana sida uu faafiyay Telefishanka Press TV ee dalka Iran oo aanu Warkan ka soo xiganay, xubnahan oo socdaal qarsoodi ah ku tegay Magaalada Boosaaso ayaa la sheegay in ay wada-hadallo la leeyihiin Masuuliyiinta Maamul-gobolleedkaas, kuwaas oo aan ilaa hadda si dhab ah loo ogayn waxay ka wada-hadlayaan. Hase ahaatee, socdaalkan ayaa ku soo beegmay waqti uu Ururka Qaxootiga ee Refugee International uu ku eedeeyay Maraykanka in Siyaasaddiisa ku wajahan la-dagaallanka Argagixisadu aanu hadda si habsami ah uga shaqayn Somalia.
Socdaalkan ay Xubnaha C.I.A-da Maraykanku ku tageen Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland ayaa maalmo uun ka dambeeyay ka dib markii sida uu sheegay Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya ay xubno ka tirsan Laanta dembi-baadhista iyo Sirdoonka Maraykanka ee FBI ay socdaal ku yimaadeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. kuwaas oo sida la sheegay socdaalkoodu salka ku hayay baadhitaannada ciddii ka dambaysay Weeraradii Somaliland lagu soo qaaday 29-kii October. Waqtigaas oo Qaraxyo aan la baaxad ahayn kuwii lagu soo qaaday Somaliland, lala beegsaday isla Magaalada Boosaaso.
Si dhab ah looma oga ujeedooyinka socdaallada kala duwan ee Laamaha Sirdoonka iyo baadhista ee Maraykaa ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia. hase ahaatee, waxa la rumaysan yahay in ay gundhig u yahay socdaalladani baadhitaanka Weeraradii Argagixiso ee lala beegsaday Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulk Puntland.
Maraakiibtii ugu danbeysay ee Gacanta u gasha Budhcad Badeeda iyo Markab laga dajiyay Eyl Eyl (DailymailOgaal) – Markab ay leeyihiin ciidamada badda India ayaa burburiyay markab ay wateen kooxo budhcadbadeed Soomaali ah oo marayay masaafo biyaha dalka Oman u jirta 528-Kilometers, sida ay sheegeen saraakiil u hadashay wadanka India.
Waa markii labaad ee maraakiibta dagaalka ee India ay ku burburiyaan gacanka cadmeed [Gulf of Aden] dooni ay wateen budhcadbadeed Soomaali ahi todobaadkan. “India waxay amar buuxa ku haysataa inay la dagaalamaan budhcad-badeeda, kuwaasoo falal afduub oo layaab leh ka geysanaya badweynta India” ayuu yidhi Major General Dipankar Banerjee oo u hadlay ciidmada badda India.
Gen. Banerjee, waxa uu ku dooday in talaabada la dagaalanka budhcadbadeeda ay uu qaatay wadanka India, ka dib markii dhowr ka mid ah markiibtooda xamuulka, si fudud loogu qafaashay biyaha Somaliya iyo kuwa Cadan.
“Markabka dagaal ee India wuxuu amar ku siiyay markabka ay wateen budhcadbeeda inuu is taago si loo baadho, balse taas way diideen iyagoo ku hanjabay, waliba inay gubi doonaan Markabka dagaal ee Tabar, waxayna rasaas ku fureen Markabkayagii” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan ciidamada India oo sharraxayay sida uu shilku ku dhacay.
Tabar oo ah markabka dagaal ee India ayaa rasaas, sidoo kale ooda kaga qaaday markabkii ay wateen budhcadbadeeda, taasoo sababtay inuu gubto, waxayna kooxihii watay la dageen laba Laash oo nooca dheereeya ah, kuwaasoo ay ku baxsadeen.
Dhanka kale, budhcadbadeeda Somaliya ka hawl-gasha ayaa afduub u geystay laba markab oo laga kala leeyahay dalalka Iran iyo Giriiga, kuwaasoo shixnado kala duwan siday, waxaana si diqi ah looga badbaadiyay laba markab oo midkood ay lahayd Ethiopia.
Dowlada Sucuudiga ayaa iyana la bilowday wadahadalo kooxda Markabka Tangarka ah ee Shidaalka ka soo afduubay.
Kaasoo horseed u noqday in shirkadaha qaarkood dib uga fiirsadaan Isticmaalka Marinkan muhiimka ah arrintan darteed.
Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.
