Wararka Wargeyska OGAAL, Isniin: Saamaynta Dib-u-dhaca Diiwaan-gelinta iyo Dareenada ku xeeran

Fadhi degdega oo loogu yeedhay wakiillada iyo daymada kulamada Shirgudoonka Golayaasha

 

Hargeysa (Ogaal)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa loogu yeedhay inay isugu yimaadaan Sabtida todobaadka soo socda fadhi degdeg ah oo ay yeelanayaan.

Sida lagu sheegay war-gelin kooban oo uu shalay soo saaray Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Maxamed Xasan Kaahin (Keyse), waxa Mudaneyaasha lagu adkeeyay inay fadhigaas 22/11/08 ka soo xaadiraan. Hase yeeshee, warku ma caddaynin ujeedada kulanka degdeg ah ee lagu wargeliyay xubnaha Golaha Wakiillada.

Ka hor kulankan loogu baaqay mudanayaasha waxa jiray, kulamo ay yeelanayeen Shir-gudoonka Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada. Kaasoo ujeedada ugu weyn ee lagaga  wadalayay ay ahayd, saameynta weerarkii Argagixiso ee 29/10 ee Hargeysa ku yeelan karaan dalka guud ahaan iyo baahida loo qabo xeerar lagaga hortago falalka arrgagixiso.“Guud ahaan arrimaha Dalka ayaanu kaga wada hadalnay, waxa kale oo aanu kaga wada-hadalnay sidii Weeraradii lagu soo qaaday Somaliland ay Golayaasha Qaranku, gaar ahaan Golaha Guurtida, Golaha Wakiillada iyo Xukuumaddaba talo guud looga yeelan lahaa.”  Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/raxmaan Ciro) oo todobaadkii aynu soo dhaafnay Wargeyska Ogaal u waramay. Waxana uu intaa ku daray inuu jiro kulan ay u balansanaayeen inay la yeeshaan sidoo kale Madaxweynaha.

Gudoomiye Ciro, wuu ka gaabsaday inuu faah-faahin intaa dhaafsiisan bixiyo, hase ahaatee, waxa jira tibaaxo muujinaya inay socdaan kullamo Golayaasha Qaranka Somaliland kaga baaraan degayaan talaabadii lagaga jawaabi lahaa, dib u dhaca ku yimi wakhtigii la filayay inay ku dhamaato diiwaan-gelinta codbixiyayaashu, saameynta qaraxyadii 29/10 darteed. Komishanka Qaranka ayaa ku dhawaaqey dib u dhac aan mudadaysnayn oo ku yimi Diiwaan-gelintii Codbixiyayaasha. Taasoo ay sheegeen inay ka qanciyeen Axsaabta Qaranka, hase ahaatee, dadka falanqeeya Geedi-socodka dimuquraadiyada Somaliland, ayaa ku micneeyey isugeynta hadalka Komishanka iyo kulamadan Golayaasha Qaranka kuwo u qiil-sameyn kara in mar kale, dib looga guuro heshiiskii hore ee Axsaabtu ku gaadheen in doorashada Madaxtooyadu qabsoonto ka hor 06/04/2009 maadaama xaalad nabad-gelyo darro ay timi ka dib markii ay dhamaatay mudadii hore ee Xilka Madaxweyne Rayaale loo soo doortay.

Ka sokow argtiyahan, xogo ka soo baxay illo ka agdhow Golayaasha ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan dedaalo lagu doonayo in la isugu keeno wadda-tashi dhamaan dhinacyada ay saameynayso dib u dhaca diiwaan-gelinta iyo mugdiga hadheeyay geediga socodka nidaamka doorashooyinka. Hase ahaatee, Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin wax-yar ka dib weeraradii 29/10, waxa uu sheegay inaanay qaraxyadaasi waxba u dhimi doonin nidaamka doorashooyinka guud ahaan, Isla markaana ay halkoodii ka socon doonaan. Dhinaca Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland marka la’eego, waxay marar kala duwan ku celiyeen oo ay ku ad-adkaayeen in weerarada argagixiso ay abuurayaan isku duubni guud iyo dar-der gelin. “Waxaan aaminsanahay, inaynu guud ahaan, aynu ka qaadno inay ina dar-dargeliso oo ay nagu abuurto inaynu qaadano go’aan adag oo aynu ku sii wadno geedi-socodkii dimuquraadiyadeena, qaabkii aynu ku wadnay iyo halkii aynu ku wadnay, illaalinta nabadgalyadeena midnimadeenana ay sii xoojiso. Dunida oo aynu iyadana la kaashano oo aynu ka helo taageero,” Sidaana waxa yidhi Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo u waramay Idaacada Horyaal.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tilmaamay in arrgtidoodu ay tahay inaan waxba iska bedali doonin wakhtigii loo cayimay doorashooyinka, balse su’aal arrintaa laga sii waydiiyay waxa uu cadeeyay inaanay Madaxweynaha isla soo qaadin laba jeer oo ay kulmeen mudo kordhin.

Gebagabadii waxaynu ka dhursugi doonaa, fadhiga ay u balansan yihiin Golaha Wakiilladu Sabtida soo socota iyo biyo-dhaca dareenada arrintan la xidhiidha ee Golayaasha oo mudan in fiiro gaar ah loo yeesho wakhtigan xasaasiga ah ee lagu jiro.

 

“Iimaam kasta Masaajidka uu Iimaamka ka yahay ayaa lagala xisaabtamayaa Khudbad kasta oo laga jeedinayo”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

Hargeysa (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa amartay Culima’udiinka iyo Iimaamyada Masaajidada Magaalada Hargeysa inay sameeyaan Guddi abuurta Guddi-Xaafadeedyo Degmo kastaa dhinaceeda u samaysato iyo sidoo kale in la soo kobo Masaajidada Saaladda Jimce lagu tukado ee Magaalada Hargeysa, isla markaana sida ugu suurtogalsan dadku ugu tukadaan Masaajiddo kooban. Waxaanay Xukuumadda Bulshada ugu baaqeen in aanay waxyeello kula kicin dadka ka soo baro-kacay Somalia, iyaga oo laf ahaantooda u soo jeediyay in aanay ku soo dhex dhuuman dadka ficillada ka dhanka ah Somaliland soo maleegayaa.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa shalay qaar ka mid ah Culima’udiinka iyo Iimaamyada Masaajidada qaarkood Shir kula yeeshay Hoolka Shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa. kulankaas oo laga hadlayay kaalinta Culimada iyo Wadaadda Magaaladu ka qaadan karaan adkaynta Nabadgelyada. “Wadiifadii ugu waynayd umadda ayaad haysaan, waxaad joogtaan guryihii Beytu-laahi. Sidaa darteed, idinkaa ugu qiimo badan kol haddii laydinku aamiinay meeshii ugu barakada badnayd. Dhacdadan aynu sababteeda isugu nimi mar  hadday dalka ka dhacday, maadaama diinteenu tahay tii aamniga, sidii aynu wax uga qaban lahayn Nabadgelyada ayaynu isugu nimi.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamed Suufi Muxumed. Waxaanu sheegay in ay fartu ku godan tahay Culimada. “Waxa la yidhi beri bay wax dhaceen, dabadeed waxa la yidhi xagga Masaajidka inagu erya, haddana waxa la yidhi xaggoodii ayaabay qayladu ka soo yeedhay!. Waxaad mooddaa in Fartu ku godan tahay oo xantu ku badan tahay Culimada. Balse, waxa sameeyey waxaasi (Qaraxyada geystay) kuwa diinta ku gabbanaya oo Ilaahay ka fogaaday ayay ahaayeen.”

Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in 5-ta Degmo ee Magaalada Hargeysa ay Culimadu u sameeyaan Guddi-xaafadeedyo. Isla markaana loo baahan yahay in ay Iimaamyada Masjidyadu aqoon sare u yeeshaan Aadaanta Salaadda.“Waxa loo baahan yahay in 5-ta Xaafadood ee Magaalada Hargeysa intay Culimada iyo Iimaamyada Masaajidadu isu tegaan oo ay guddiyo-Xaafadeed soo dhisaan. Waxa kale oo loo baahan yahay in si aanu Salaadda khal-khal u galin ay Culimada iyo iimaamyada Masaajidadu Cilmiga Salaadda aad u bartaan.” Ayuu yidhi Sh. Maxamed Suufi Muxumed.

Sh. Maxamed Suufi Muxumed waxa uu sheegay in la soo koobo Masaajiddada lagu tukanayo Salaadda Jimcaha, isla markaana laysku urursado Masaajiddo kooban. “Salaadda Jimcuhu Salaadaha way ka duwan tahay, inkasta oo ay bateen Masajidadu, haddana Diinteenu waxay bannaysay Masjid kaliya in laysugu yimaado, oo Masajidada badan waxa keena oo kaliya baahi, haddii loo baahdo oo ay dadka ku filnaan waayaan. Hase ahaatee, imika waxa na soo gaadhay in haddii laba qof is-helaan ay Salaadda xidhaan, Salaaddaas wax baa ka si ah. Guddiyadaa aynu samanayno ayey hoos iman doontaa oo waxaynu odhan doonaa ha la soo koobo Masaajidada oo inta ina qaadi karta aynu Jimcaha ku tukano.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Nabadgelyadu waa qaali..Jameecaadka iyo Diinta rukunno ka mid ah ayaa dumaya haddii Nabadgelyo la waayo, ta aynu ka dedaalaynaa waa taa. Marka la sameeyo guddiyada waxa la doonaya in Iimam kasta Masaajidka uu Iimaamka ka yahay lagala xisaabtamo oo isaga ayaa ka masuul ah Khudbad kasta oo laga jeedinayo. Haddii uu hagaajiyo waa u mahad-naqi doonaa, haddii uu wax xumeeyana waa lala xisaabtami doona.”

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Xasan Cilmi Ducaale (Macalin) oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay doorka Culimadu ku leedahay Bulshada iyo sidoo kale ujeedada Weeraradii lala beegsaday goobaha muhiimka ah ee Magaalada Hargeysa. “Waxa laydiinku yeedhay in laydin wargeliyo. Culimadu door muhiim ah ayey kaga jiraan bulshada..Iyada oo aanay Diinteenu ahayn Diin culimo oo sida Kiristanka Wadaaddadu gacanta ku hayaan, oo ay tahay Diin fudud. Haddana, idinka ayaa laydinku ixtiramayaa..Waxa lagu talo galay in shaqooyinkii caadiga ahaa oo socda oo qof waliba uu shaqadiisii haysto in Saacad gudaheed laysku dhex daadiyo waxaas oo dhan oo inaga oo Gob ah Gun laynaga dhigo. Balse Alle kama yeelin.” Ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Daakhiligu. Waxa kale oo uu ka hadlay Muhiimadda Nabadgelyada iyo dhibaatooyinka cabsida ay keento nabadgelyo-darradu ay ku keenaan Bulshooyinka Caalamka. “Baqdintu waa Masiibooyinka Ilaahay dadka ku imtixaamo..Nabadgelyada meel baynu iska dhiganay oo horimar baynu higsanayey..Dadka waxay geystay (Qaraxyada geystay) ma horumarkeena ayay diiddanaayeen..Runtii waa fikir qalloocday, fikirka qalloocdana ka Diinta ayaa ugu xun..Sayid Cali-ba (RC) waxa dilay qof aan aqoon Diineed lahayn oo Diintu ku qalloocatay. Waa is-qarxine, qofka Sayid Cali isku qarxiyay cid kasta wuu isku qarxinayaa.” Ayuu intaa raaciyay Wasiiru-dawlaha Daakhiligu.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Guduhu waxa uu Culimada ugu baaqay in ay waaniyaan Dhalinyarada, isla markaana ay fahamsiiyaan Diinta. “Culimooy waxa loo baahan yahay in Dhalinyarada aad u caqli-celisaan, isla markaana loo tilmaamo Diinta iyo Dariiqa Jannada loo maro. Dhalinyarada waxaan u leeyahay, dhalinyaro ayaa la sheegay inay tallaabadan qaadday. Khudbadda Jimcuhuna ha noqoto mid ka hadlaysa waxa taagan hadda.” Ayuu yidhi Xasan-Macallin. Sidoo kale, Xasan-Macallin waxa uu ka hadlay dadka ka soo baro-kacay Koonfurta Somalia, waxaanu Bulshada ugu baaqay in aan waxyeello loo geysan. Waxaanu yidhi, “Cid gaar loo eegayaa ma jiraan, reer-Koonfureed-na lama bidhaansanayo. Dadkana waxaan leeyahay qof Dalkaaga soo galay oo iskala daadiyay oo nabadgelyo soo door-biday, isla markaana Magan inoo ah in wax la yeelo maaha..Gaalo iyo Islaam-ba dadka Maganta ah ee dalkeena jooga in wax loo geysto maaha.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dadka reer Koonfurka ahi waxbay may wadin oo cidna dalka may keenin ee waa Dadkaa Jaarnimada iyo Magan-ta isku darsaday ee ha la daayo. Kibir ma keenin, Dal-doorsi maaha ee dalkooda dumay ayaa keenay.” Isaga oo kula dardaarmay dadka ka soo qaxay Somalia in aan lagu soo dhex dhuuman. “Iyaga laf ahaantooda waxa looga baahan yahay in ay is-ururiyaan oo aan lagu soo dhex dhuuman. Anagu kuwayaga waxaanu qabsanaynaa ama aanu u caqli-celino ama aanu si kale u qabanee, iyagu (Dadka Somalia ka yimi) in ay cawdaan maaha ee hayska war hayaan oo hays ururiyaan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay Xasan-Macallin.

Masuuliyiintii halkaa ka hadlay waxa kale oo ka mid ahaa Wasiirka arrimaha Dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo waxyaabihii uu ka hadlay ay ka mid ahayd Baadhista lagu wado Weeraradii 29/10. “Qofku dembiile maaha ilaa dembi ku caddaado. Ciddii tuhun galo waa la baadhayaa, dadkeenuse cuqdad hore ayay ka qabaan baadhista. Baadhista socota oo meel wanaagsan maraysaa cidday gasho cid is-hor taagaysaa ma jirto.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geelle oo hadalkiisa ku bilaabay, “Waxa dhacday (Weeraradii lagu soo qaaday Somaliland) meel baa lagu tilmaamay ee idinka (Culimo ahaan) muxuu yahay doorkiinu? Waa laydinla xisaabtamayaa oo la odhanayaa Iimaamkan yaa u yimaada? Muxuu qabtaa? yuu la xidhiidhaa? waxyaabahaas ayaa laydin waydiinayaa.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sababtoo ah, Nabadgelyadeenu khatar ayey ku jirtaa. Halkii dalka looga talinayey ninka weeraray ma adiga ayuu ku daynaya? Waa in aynu dadka ka dhaadhicinaa in waxaasi aanay bannaanayn.”

Dhinaca kale, Iimaamka Masjid-Jaamaca wayn ee Magaalada Hargeysa Sh. Cabdiraxmaan Yaasiin oo ku hadlay Afka Culimadii Kulankaa ka soo qayb gashay, ayaa sheegay in ay qaateen soo-jeedimaha Xukuumadda, hase ahaatee waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in ay had iyo jeer ka war hayso Culimada oo aanay hoos u eegin oo kaliya marka wax dhacaan. “Waanu qaadanay farriintii Xukuumadda oo ahaa gudbiya kheyrka iyo Wanaagga, waana hawl aynu horeba u qaban jirnay ee wax soo kordhay maaha. Balse Xukuumadda waxaan leeyahay marka wax dhacaan uun yaan lanagu baraarugine, Xukuumaddu sidan ha uga indho-furnaato Culimada..Iimaamada laf ahaantooda ayaaban is-aqoonine.” Ayuu yidhi Sh. Cabdiraxmaan Yaasiin.

 

Burco: Kulan dhexmaray Guddiga Nabadgelyada iyo Madax-dhaqameedkaTogdheer

“Qaraxyadii inagu dhacay Caruur baa loo adeegsaday, waxaana jira rag la garanayo oo Caruurta Xamar geeya”

Maayarka Burco

Burco (Ogaal) Guddiga Nabadgelyada gobola Togdheer oo uu weheliyo Wasiirk ku-xigeenka Ganacsiga Cabdixaliim Maxamed Aw Muuse, ayaa shalay kulan la yeeshay Salaadiinta iyo Cuqaasha gobolkaas.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Ogaal ee Burco, kulankan oo ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha Togdheer, waxa lagaga hadlayay adkaynta amaanka iyo sidii wadajir loogaga hortegi lahaa falalka xasiloonida lidka ku ah. “Sidaad ka war haysaan waa laynagu soo duullay, dagaalkan inagu dhacayna in badan ayaa la waday waxaanay ugu talogaleen inay ku burburiyaan amaanka ka jira dalka, Cuqaasha iyo Salaadiintuna waa golaha bulshada ugu sareeya,  Nabadgelyada iyo maamulka dalkan ka jirana halgankii loo soo maray way ka soo qaybqaateen. Markaa weerarada maanta inagu dhacayna waxa loogu soo gabaday Diinta, waxaana loo soo adeegsaday qaar ka mid ah caruurteena, waxaana la idiinka baahan yahay inaad dadka wacyigelisaan oo nin kastaaba goobtuu joogo amaankeeda sugo oo aanu fursad dambe helin Nabad-diidku.” Sidaa waxa yidhi Wasiir Ku-xigeenka ganacsiga oo halkaa hadal ka jeediyay.

Maayarka magaalada Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhego-laab) oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay jiraan dad aanu carabaabin oo dhalinyarada qaarkood Xamar u qaada, isla markaana ku soo tabobara. “Qaraxyadii inagu dhacay Caruur ayaa loo adeegsaday, waxaana jira rag la garanayo oo Caruurta Xamar geeya oo tabobara oo markasta qaada, waxaana jira rag ilaa hadda Caruurtoodii la’. Markaa raga waxaa wada ama inaga ha ahaado, ama guri haynaga kiraysto ama wax haloo ahaadee, raga falkaas wada  waxa la idiinka baahan yahay inaad talaabo ka qaadaan oo aad soo qabataan. Haddii kale, waxa la idinka rabaa inaad dawladda u daysaan oo hadhawto aydaan ka daba iman.” Sidaa ayuu yidhi guddoomiyaha Golaha Degaanka Burco.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyay, waxa uu sheegay falalkii Argagixiso ee 29 Oct lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaala caasimada Hargeysa, cidii fulisay ku kharash-garaysay dhaqaale xoogan, isla markaana cid kasta oo falkaa lug ku yeelada xukuumaddu talaabo ka qaadi doonto. “Ninka ku jira kuwaa ciduu doonaba ha noqdee waa argagixiso, dawladduna dhaafi mayso oo talaabo ayaa laga qaadayaa,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo gebogebadii halkaa ka hadlay, ayaa dawladda u soo jeediyay inay talaabo adag oo toos ah ka cidii ay ku cadaato falkaa foosha xun, isla markaana waxa uu xusay inay Madax-dhaqameed ahaan ku garab taagan yihiin.

Xubno ku hadlayay magaca Cuqaasha gobolka oo iyagu halkaa ka hadlay, ayaa sheegay sida ay uga xun yihiin falkii Argagixiso ee lagu soo qaaday Somaliland.

 

Itoobiya: 226-qof oo la filayo in lagu fuliyo Xukun dil ah

 

Addis-Ababa (APA/Ogaal)- Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay suurtogal tahay in ay Xukun dil ah ku fuliso 226 qof oo ka mid ah 273 qof oo xidhan, loona haysto inay ku lug lahaayeen dembiyo iyo Xasuuq dalkaas ka dhacay Bishii May ee sanadkan.

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka APA, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda Itoobiya ayaa sheegtay in dadka lagu xukumay dembiyo ka dhashay dagaal dhex maray  Qabiilooyinka kala ah Oromada iyo Guji oo ka mid ah Qabiilooyinka dalkaa dega. Dadkan ayaa la sheegay in 47 ka mid ah lagu xukumay oo lagu soo eedeeyay dembiyo calculus. Siday Shabakadda Wararka ee APA faafisay, dadkan ayaa laga yaabaa in ay Dawladda Itoobiya ku fuliso Dil toogasho. Waa markii u horrayay ee Dawladda Itoobiya Xukun ku riddo tiro dad ah oo intan le’eg.

Bishii May 2007 ayay ahayd markii Qabiilooyinka Oromada io Guji uu dagaal ka dhashay dhul Biyo-mareen ah kaas oo ay ku dhinteen tiro badan oo dad ahi, halka kuwo kalena uu dhaawac soo gaadhay.

 

 

 

 

Lodkii ugu horeeyay oo ka qalin jabiyay kuliyada culuumta badda ee Berbera?

Hargeysa (Ogaal)- Dufcaddii u horaysay ee dhammaystay cilmiga Badda, ayaa doraad shahaadooyin la gudoonsiiyay.

Xaflad loo sameeyay qalinjabinta ardayda Kuliyadda cilmiga Badda oo lagu qabtay magaalada Berbera, waxa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, xubno ka socday Jaamacaddaha Hargeysa iyo Camuud iyo masuuliyiinta Kuliyaddaas iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Kuliyadda cilmiga Badda Marwo Faadumo Siciid oo halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in tobankaa arday oo muddo saddex sannadood ah waxbarashadooda soo waday la gudoonsiiyay Shahaadada High Diploma, isla markaana waxay tilmaamay in sannadka dambena ay Kuliyaddaas ka qalin-qabin doonaan 11 arday, kuwaasoo qaadan doona Shahaadada Digree.

Sidoo kale, 56 arday oo dhammaystay koorsooyinka luqadda Ingiriisiga iyo xirfadda Kalluumaysiga, ayaa munaasibadaa shahaadooyinkooda lagu guddoonsiiyay. Marwo Faadumo Siciid waxay ka warantay aasaaskii kuliyadda Cilmiga Badda iyo guud adeegyada ay ku hawlgasho, isla markaana waxay ay tilmaamay sida loogu baahan yahay in gacan laga geysto Kuliyadda. Hormoodka Jaamicadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guulleed oo halkaa ka hadlay, ayaa ardayda shahaadooyinka la gudoonsiiyay kula dardaarmay inay cilmigooda ugu faa’iideeyaan dadka iyo dalkaba. Marwo Edna Aadan oo iyaduna hadal kooban halkaa ka jeedisay, waxayna ka dayrisay dhinaca caafimaadka magaalada Berbera.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo hadal halkaa ka jeediyay, ayaa hambalyeey ardayda Kuliyadda Cilmiga badda dhammaystay, isla markaana waxa uu dawladda u soo jeediyay in Maraakiibta Badda Somaliland ka Kalluumaysta lacagta laga qaado wax loogu qabto ciidanka Xeebaha. “Waxaan dawlada u soo jeedinayaa in Maraakiibta Kaluumaysiga ee badeena ku jirta lacagta laga qaado wax lagaga qabto oo lagu taageero ciidankeena badda oo maanta meel fiican maraya iyo waliba kuliyada badda,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxa uu dawladda ku dhaliilay wax qabad la’aanta dhinaca horumarinta.

Ugu dambayn, waxa halkaa hadalo kooban ka jeediyay Wasiirada Kalluumaysiga Cali Qoor-seef iyo Waxbarashada Xasan Maxamuud Warsame, kuwaasoo tilmaamo ka bixiyay faa’iidada Cilmiga Badda, waxayna dhagax-dhigeen qaybo lagu kordhinayo dhismaha Kuliyaddaas.

 

Magacyada Wasiirada Xukuumadda cusub ee Nuur-Cadde & iyo aragtida Itoobiya

“Mar haddii Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynuhu ay is-mari waayaan Baarlmaankaa laga rabaa in uu ciddii saxan iyo ciddii qaldan sheego”

Nuur-Cadde

 “Haddii mid ka mid ah dhinacyadani uu fulin waayo heshiiska waqtiga loo qabtay, IGAD waxay qabanaysaa Shir kale.”

Itoobiya

Nairobi (Ogaal/W.Wararka)- Ra’iisal-Wasaaraha Xukuumadda TFG ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga dhawaaqay Liiska Magacyo Wasiirro iyo Wasiiro-ku-xigeen uu dhawaan magacaabay, maalin ka dib markii uu Madaxweynaha TFG Cabdilaahi Yuusuf Axmed ku dhawaaqay in Somalia aanay wax dawlad ahi ka dhisnayn waqti xaadirkan, isla markaana ay badanka Magaalooyinka Somalia ay la wareegeen Kooxda Al-Shabaab, waqti ay maalin kaliya ka hadhsan tahay waqtigii Urur-gobolleedka IGAD u qabtay in Xukuumad cusub loogu soo dhiso Somalia.

Ra’iisal-Wasaaraha TFG Nuur-Cadde oo Liiska Magacyada Wasiirada cusub shalay kaga dhawaaqay Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ee Kenya, ayaa sheegay in 10 Wasiir iyo 3 Wasiir-ku-xigeen oo hore isaga casilay Xukuumaddiisa, isla markaana uu Baarlamaanka Xukuumaddiisu diiday in la soo celiyo uu ku bedelay Wasiiro cusub ama Xil.o kale. Waxa kale oo uu Nuur-Cadde sheegay in Wasiiradan cusub ee uu magacaabay uu ku soo daray 14 Wasiir ku xigeen. Isaga oo sheegay in Liiskan Wasiirada cusub ee uu magacaabay uu Cabdilaahi Yuusuf ugu geeyay London, balse uu diiday inuu saxeexo. “Madaxweynaha wuxuu yidhi ma aqbalayo shaqsiyaadka aad meesha ku soo magacawday, runtiina shaqsiyaad ma ahane madaxweynaha ayaan rabin in ay Xukuumadda shaqeyso oo ay sii waddo Barnaamijka nabadeynta ah ee ay ku hawlan tahay” ayuu yidhi Nuur Cadde.

Waxa kale oo uu ka hadlay cidda ay tahay in ay dhexdhexaadiyaan isaga iyo Cabdilaahi Yuusuf. “Mar haddii Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynuhu ay is-mari waayaan waxay arrintu u noqoneysaa Baarlmaanka oo laga rabaa in uu ciddii saxan iyo ciddii qaldan sheego” ayuu yidhi Nuur-Cadde oo Cabdilaahi Yuusuf ku eedeeyay in aanu rabin in sharciga lagu shaqeeyo.

Ku-dhawaaqista Magacyada Wasiirada iyo Wasiir-xigeennada cusub ee Xukuumadda Nuur-Cadde ayaa waxay maalin uun ka dambaysay ka dib markii uu dorraad Madaxweynaha TFG Cabdilaahi Yuusuf Axmed I oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah Xil.ada Dawladdiisa uu shaaca ka qaaday in aanay jirin dawlad ka dhisan waqtigan Somalia, isla markaana ay Magaalooyinka Somalia gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab, marka laga reebo buu yidhi, “Muqdisho qayb ka mid ah iyo Baydhabo. Kuwaasina nabad maaha.” Waxaanu tilmaamay in Liiska Wasiiro ah uu Nuur-Cadde ugu geeyay Magaalada London waqti uu ku sugnaa, balse aanu saxeexin.

Dhinaca kale,  Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in Cabdilaahi Yuusuf iyo Nuur-Cadde ay isku khilaafeen dhismaha Xukuumad cusub. “Way ku guul-darraysteen inay ku heshiiyaan dhismaha Xukuumad cusub.” Sidaa waxa lagu yidhi War-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Khaarajiga Itoobiya Seyoum Mesfiin. Waxaanay Wasaaradda arrimaha Dibedda Itoobiya sheegtay in muddo laba maalmood ka yari ay ka hadhsan tahay waqtigii uu Urur-gobolleedka IGAD u qabtay dhismaha Xukuumad cusub. “Marka loo eego waqtigii lagu heshiiyay in Xukuumad lagu soo dhiso Shirkii Nairobi ee IGAD, waxay ku egtahay Maalinta arbacada ee toddobaadkan.” Ayaa lagu yidhi War-murtiyeedkaas.

War-murtiyeedkan Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya waxa lagu sheegay in heshiiskii lagu gaadhay Shirkii IGAD Magaalada Nairobi kula gashay Madaxda TFG uu dhigayay, “Haddii mid ka mid ah dhinacyadani uu fulin waayo heshiiska waqtiga loo qabtay, IGAD waxay qabanaysaa Shir kale.”

Magacyada 10-ka Wasiirka iyo 3-da Wasiir ku xigeen ee lagu bedelay Wasiirradii hore isu casilay;

Wasiirrada:

Xil. Ismaaciil Cabdi Maxamed Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta

Xil. Cabdilaahi Sh. Ismaacil – Wasiirka W. Waxbarashada iyo Hidaha.

Xil. Axmed Maxamuud Goonle – Wasiirka W. Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Dirir – Wasiirka W. Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiis

Cabdiwaaxid Cilmi Cumar – Wasiirka W. Dastuurka Arrimaha Federaaka, Dib u heshiisiinta iyo horumarinta Gobollada.

Xil. Cabdalla Boos Axmed – Wasiirka W. Gaashaandhigga.

Xil. Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla – Wasiirka W. Macdanta iyo Tamarta.

Xil. Ibraahim Xabeeb Nuur – Wasiirka W. Howlaha Guud, Guriyeyta iyo dib u dejinta

Xil. Fahma Axmed Nuur – Wasiirka W. Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

Xil.  Axmed Sh. Maxamed Loxoos – Wasiirka W. Boostada iyo Isgaadhsiinta.

Wasiir-ku-xigeennada:

Xil. Maxamuud Maxamed Vecchio – Wasiir-xigeenka W. Maaliyadda iyo Qorsheynta.

Xil. Ismaaciil Xasan Maxamuud Timir – W/xigeenka W. Dastuurka Arrimaha Federaaka, Dib u heshiisiinta iyo horumarinta Gobollada.

Xil.  Xasan Macallin Xuseen – W/xigeenka W. Howlaha Guud, Guriyeyta iyo dib u dejinta.

Magacyada 14-ka Wasiir ku xigeen ee cusub:

Xil. Maxamed Sh. Yuusuf  – Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta

Xil. Bashiri Maxamed Aadan – Wasaaradda Waxbarashada iyo Hidaha

Xil. Ibraahim Isaaq Yarow – Wasaaradda Warfaafinta Isboortiga iyo Dhalinyarada

Xil. Cabdirashiid Maxamed Xiddig – Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska

Xil. Maxamuud Barre Xasan – Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Xil. Salaad Cali Jeelle – Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xil. Yuusuf Geelle Ugaas – Wasaaradda Gaadiidka Duulimaadka iyo Dekedaha.

Xil. Dr. Xuseen Cismaan Xuseen – Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Xil. Cali Xasan Bullow – Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Horumarinta Dhulka

Xil. Xasan Ibraahim Maxamed Japan – Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta.

Xil. Ibraahim Cali Saalax – Wasaaradda Caafimaadka.

Xil. Cabdi Cumar Axmed Caan-nuug – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Kalluumeysiga iyo Bii’adda.

Xil. Maxamed Maxamuud Aadan Indha-geelle – Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Marwo Jamiila Saciid Muuse – Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

 

 

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Waxaan aad u bogay arin loo baahnaa in laga hadlo  mar hore hawgalkeeda oo waajibna ah in qayb ka mida Muwaadiniinta Somaliland loo fududeeyo sidii ay u heli lahayeen habka ugu haboon ee ay ku gudan karaan diiwaangelinta Iyo Dooroshooyinka hadii allaha awooda lihi uu raali ka noqdo, Hadaba waxaan ku farxay Mudane sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE  Axmed Cumar X. Cabdilaahi  ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka usoo jeediyay inay xil adag iska saaraan kana hawl galaan doorka iyo fursada ay dadka naafada ahi ku leeyihiin diiwaan-galinta codbixinta doorashooyinka ee dhawaan la filayo inay dib uga bilaabanto Somaliland Gobolada hadhay .
Hadaba arintan uu soo jeediyey Mudanahan sare ee Xisbiga KULMIYE  ayaa ah arin aanay ka werwereegi Karin Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo  waajib ku ah in dadka naafada ah ee ku nool Gobolada Hadhay ee Somaliland ee ka duwan dadka caadiga  inaanay suurtogal ahayn in dadkaasi naafada ahi aanay diiwaan-galinta la qaadan Karin dadka  kale ee caadiga ah isla markaana aanay xamilikarin Karin inay safafka dhaadheer ee la istaagayo ay la galaan dadwaynaha kale ee caadiga ah.
Iyadoo loo baahanyahay in  xuquuqda muwaadinimo ee dadka naafada ah oo aan awood u lahayn inay kala qayb qaataan dadka awooda laxaadkoodu u buuxo,oo ay yihiin qofkaa kala dhantaalan, iyadoo cid kasta oo hawlaha inaga caawisaa ay ogsoon yihiin in aanay diidi Karin hawlaha  ku saabsan adeegyada iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin si xaqooda ay u helaan, lakiin aan laga hawlgelin layskana ilaaway, Wixii  caawimo gaar ah ,taas oo meel kasta oo caalamka ah si gaara loo tixgeliyo dadka naafada ah, Hadaba waxaa muhiim ah in Gudida Diwaan Galinta Qaranka ay si adag uga hawl galaan dadka naafada ah oo aad moodo in la iska ilaaway xuquuqdoodii ay gaar u lahayeen, una sameeyaan in si gaara ay ugu yeeshaan goobka kasta meel gaara oo barbar taala oo calamadoodu ku muujisantahay computer iyo qalab u gaara iyo shaqaalo u tababaran hawlaha loo qabanayo muwaadiintaas xuquuqdooda aan weli helin.

 Iyadoo ay waajib tahay in hawlkasta oo qaranka ah ee muwaadinku xaq u leeyahay gudashadiisa in xeer laga helo dadka naafada ah habka ay u gudankaraan ee ugu fudud taas   waxay  ahayd tallaabo hore loogu baahnaa oo siinaysa  caawimaada ay u baahan yihiin, si uu u gaaro hadafkiisa.

Iyadoo  diiwaan galintii hore ee dhacday  naafadii ku noolayd Goblada Saaxil Iyo Awdal ay ku wayeen xuquuqdoodii ay gaarka u lahaayeen iyadoo doorkii ay ku lahaayeen ka maqnaa Goobahaas oo dhan.

 Hadaba iyadoo laga gashamanayo in aanay dadkaas Muwaadiniinta ahi Xuquuqdoodii dib u waayin,  waxaan kula talinayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka  in ku talo-gal aad u wanaagsan meel loo dhigo dadka muwaadiniinta ee naafada ah, iyadoo naafada  badani ay joogaan Somaliland , iyadoo Ururada Qaabilsan  naafada ay doorkooda muhiimka ah ka qataan hawlahaas loogu fududeynaayo muwadiniintaas si ay xuquuqdooda u helaan, kuna gubaabiyaan cid kastoo ay khusayso , isuna abaabulaan si aad u habaysan si ay u suurtagasho inay Muwaadiniintaasi ka qaybqaataan diiwaan galinta iyagoo nidaam gaara oo habaysan  loo samaysanaayo.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 


TOP