Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo sheegay in diiwaangelintu mar kale dib u dhacayso muddo aan la ogeyn
Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa daboolka ka qaaday in aanay haynin ilaa iyo hadda wakhti sugan oo hawsha diiwaangelintu dib u bilaabmayso, iyaga oo sheegay in farsamayaqaanadii Hindida ahaa ee qandaraaska ku qaatay diiwaangelintu ay diideen inay dalka ku soo noqdaan, isla markaana la qorshaynayo in qandaraaska lagu wareejiyo cid kale.
Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa la hakiyey muddo 10 maalmood ah sababo la xidhiidha nabadgelyada darteed, kadib qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Hargeysa 29kii Oktoober, markii labada gobol ee Saaxil iyo Awdal laga fuliyey. Waxaana la filayey in diiwaangelintu dib uga bilaabanto gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa 13kii bishan November.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, waxay sheegeen in shirkaddii qandaraaska ku qaadatay diiwaangelinta oo magaceeda la yidhaahdo Electronic Cooperation of India Limited (ECIL) in aanay dalka ku soo noqonayn, isla markaana heshiis lala gelayo shirkad kale oo hawsha kala wareegaysa, taas oo ay sheegeen in khuburada ECIL oo hadda ku sugan Nairobi ay halkaa uga furi doonaan hawlwadeennada shirkadda cusub tababar ku saabsan qalabka electronic-ka ah ee diiwaangelinta oo ay shirkadda ECIL samaysay. Waxa kale oo ay sheegeen in Nairobi loo qaadi doono Server yaalla xarunta dhexe ee Komishanka oo loogu talagalay in lagu shubo macluumaadka diiwaangelinta ee gobolada, laguna kala shaandhaynayo, kaas oo ay isagana sheegeen in lagu soo tababarayo laba farsamayaqaan oo muwaaddiniin ah, kuwaas oo ku shaqayn doona.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, mudane Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne) iyo Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta, Ismaaciil Muuse Nuur oo shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa labaduba waxay sheegeen in hawlwadeennada shirkada ECIL oo u dhashay Hindiya ay dowladdoodu u diiddey inay ku soo noqdaan Somaliland ammaankooda, iyaga oo sheegay in nimankaas khuburada ahi ay yihiin kuwa gacanta ku haya ama sameeya “Atomic Energy-ga” dalka Hindiya, taasina ay tahay sababta dowladdoodu ugu diiddey inay ku soo noqdaan Somaliland, iyaga oo ka baqaya in aan ammaankooda la sugi karin.
Sidaa darteed, waxay sheegeen inay la xidhiidheen shirkaddii hormuudka u ahayd shirkado isu tegey oo qandaraas ku qaatay fulinta hawsha diiwaangelinta iyo qalabka lagu fulinayo, taas oo iyagu shirkaddan ECIL siisay qandaraas-hoosaad (Sub contract). Waxayna intaasi ku dareen in hadda lagu heshiiyey in shirkad kale lagu wareejiyo, taas oo ay sheegeen in shirkaddii qandaraaska guud ku guuleysatey ay heshay shirkad kale oo ay qandaraasyada noocan oo kale ah siin jirtey oo ay ku kalsoon yihiin.
Guddoomiyaha Komishanku waxa uu sheegay in hawlwadeenada shirkadda cusub iyo khuburada shirkaddii hore ay Nairobi wada iman doonaan, halkaas oo ay khuburada Hindida ahi tababar uga furi doonaan hawlwadeenada shirkadda cusub 21ka bishan November, tababarkaas oo uu sheegay inuu qaadan doono dhawr maalmood, kadib ay iman doonaan dalka si ay hawshii u bilaabaan. Sidaa darteed, waxa uu sheegay in aanu jirin wakhti ay hadda sheegi karaan in diiwaangelintu dib u bilaabmayso, balse, ay rajeynayaan inay bilaabanto inta aanay dhammaan bishan November.
Guddida Doorashooyinka Somaliland, waxay sheegeen inay xalay uga warrameen arrintan saddexda xisbi qaran, isla markaana ay ku qanceen. Waxayna shacbiga Somaliland guud ahaan, inay samraan oo ay u dulqaataan dib u dhaca ku yimi hawsha diiwaangelinta, taas oo ay rajo weyn ka muujiyeen inay guul ku dhammaan doonto.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
