Obama iyo Waayaha Adag ee Mudh soo Yidhi! By: Prof. Yuusuf Goodir
Ma aha oo qudha in nin madowi keligii galay guriga Maraykanka looga taliyo, ninkaa magiciisa dhexena waxaa la yidhaahdaa xuseen. Macnaha ugu badan ee ay soo kordhin kartaana waa in uu iswaydiiyo marka uu maskaxdiisa la keliyeysto diintii awoowihii haysan jiray. Soo dhawaynta Obama waxay midaysay quruumo kala fog juquraafi ahaan iyo qaar ku kala tagsan mabaadiida iyo maslaxadda nololeedba. Dunida oloshay dabbaa holciyey! Obama ma bakhtiin karaa dabkaa? Taariikhda ayaa werin doonta! Sidase ay iigu muuqato way adagtahay.
Obama ma aha madaxwayne lagu soo dhawaynayo guri diiran oo farxad badani dhextaal. Maraykan ku markii uu ku adkaaday dagaalkii qaboobaa wuxuu u gacan banaanaaday in uu isku dayo in uu booliis maraykanaysan ka noqdo dunida. Taasina waxay toosisay umada badan oo hurday, sida muslinka, laatiin America iyo Jamhuuriyadda Jayne oo aan weli sheegin dhab ahaan waxay doonayso. Taasina waxay soo kordhisay ugu danbayntii in maceeshaddii dunidu qaali garowdo, amaba ay yaraato. Markaa Obama xal ma heli karaa?!
Dadka reer Maraykan ee doortay Obama waa quruun ay daashatay habka dhaqaale ee hanti goosigu, oo weliba loogu daray halwgalka ciidanka korjoogaysan ee wareegaya ee loogu sheegay in nabadda lagu sugayo. Dadkaasi waxay noqdeen qaar is bedel doon ah. Obama meel dheer ayuu ka halacsaday, inkasta oo aanan akhriyin buugiisa waxaan u fahmay in uu yahay ishiiqaate arkay dadka xoonsan ee isbedel doonka dabadeedna wuxuu la horgalay erayga isbedel iyo Ameerika.
Sidaa waxaan u idhi nuxurla’aantii iiga muuqatay doodihiisa ku wajahan dhibaatada u qaybsan Maraykan iyo caalamka intiisa kale ee dawadooda laga sugayey ninka Aqalka cad isku hubsan doona. Sida dadka xogta laga waydiiyo caalamka ku tiraabeen dadka isbedel doonka ahi waxay quuddaraynayaan:-
1. arimaha dhaqaalaha,
2. Maraykan-nabadaynta aduunka
Marka aan eego xaga dhaqaalaha dunida hore u martay waxaa soo waajahay xaalad dhaqaale oo kor u qaaday shaqo la’aanta, waxaa ku darsantay sicir barar. Labadan cudur ma aha sida caadiga ah qaar is raaca, marka arimaha dhaqaalaha laga hadlayo, dawadooduna waa isku lid. Mid ka mid ah wax yaabaha lagula daalo shaqo la’aantu waa in hoos loo dhigo dulsaarka lacagta sida duniduba yeeshay. Si sicirbararka loola dagaalamana waa in kor loo qaado dulsaarka lacagta.
Inkasta oo taasi runtahay hadana arintu in yar ayey ka duwan tahay sidaa, waana sababta dhalisay sicir bararka jira. Dhibaatadan sicir bararka ee dunida ku habsatay waxaa u sabab ah ilihii wax soo saarka oo qaali noqday; taasina waxay ka soo jeedaa saliida qaali garowday. Si markaa xal loo helo waa in Obama helaa saliid jaban, may ahayn sawir ka muuqday doodiisa.
Obama wuxuu ku horeeyey arinta xidhiidhka debedda marka lagu daro ninka uu ku xigeenka u doortay ee Joe Biden. Taasise waa hawl baaxad wayn. Laf dhabarta ololihiisu waxay ahayd ciidamadda Maraykan waan ka soo saaarayaa Ciraaq, halka McCain ka lahaa waxaan ka soo saarayaa marka dawladda Ciraaq cagaheeda isku taagto. Haddii Obama ku dhiiraddo la soo noqoshadda ciidamadaas, dhabar jab ayey ku noqonaysaa dhaqaalaha aduunka. Dagaal ehli ah oo ka qarxa Ciraaq, caqabad ku noqonmaayo oo qudha saliida dunidu ka iibsato wadankaas oo Maraykan wax yeeli karta, laakiin Bariga Dhexe wuxuu noqon doobaa meel laga caago. Lagamana yaabo in Obama taas taageero kaga helo wadamadda Carabta ee hodanka ku ah saliida. Ugu danbayntana saliidu way qaali garoobaysaa. Sicir bararka Maraykanna circa ayuu isku shareerayaa, doolarka maraykan hoos buu u dhacaa, taasina waxay la imanaysaa in shaqo la’aantu sii baahdo. Ugu danbayntana Obama ma heli doono sacab badan. Maraykan wuxuu noqon doonaa sidii lagaga sheekayn jiray totobaatanaadkii!
Sidoo kale haddii uu ciidamadda Ciraaq u wareejiyo Afgaanistaan muu dhimin culayskii dhaqaale ee hawlgaladda ciidanka waa kud ka guur oo qanjo u guur! Obama waxa qudha ee uu xeerinayaa haddii uu sidaas ku talaabsado waa mid ku wajahan arimaha xaga sharciyadda ah ama raali gelin ku wajahan shacbiyadda Maraykan. Wuxuu meesha ka saarayaa in shacanka Ciraaq dawladoodii la bur-buriyey baaxad soorana laga tegay. Madaxwayne Bush wuxuu reer Ciraaq ka iibinayey dimuqraadiyad ay ku badhaadhaan, haddii Obama uu taas beeneeyo, waxay tegaysaa in Maraykan bixiyo magdhowgii dagaalka xiliga ay doonto ha gaadhee.
Obama wuxuu kaloo wajahayaa garma qaatayaasha casrigan oo ah quwadda Ruushka. Mid qudhaanay ku samaanaysaa in gantaalaha difaaca laga qaado dhulka Ruushku diidan yahay, waa talaabo geesinimo ah oo la gudboon Obama, aynu ka warsugno kulan uu la yeelanayo wasiirka arimaha dibadda ee Ruushka totobaadka soo socda.
Obama wuxuu ku tacadiyey dunida muslinka markii uu hadalka ka jeediyey AIPAC sheegayna in Qudus tahay caasimadda Israel oo aan kala qaybsamayn. Waxay circa ku laalaysaa maaweeladdii bariga dhexe ee Maraykanka.
Hadaba maxaa la gudboon Obama si uu guul uga muujiyo doonistii dadka Maraykan ee ahayd in ay noqdaan shacab la nool dunida isla markakaana ka soo kabta werwerka shaqo la’aanta.Obama waxaa laga sugayaa in uu noqdo caaqil nabadeed, ugu horayna waa in uu halhays ka dhigto:
Dheg-dheer dhimatoo : Dhulkii nabad,
Waa in uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa saliid jaban. Taasi waxay ku iman kartaa sidii uu uga dhex shaqayn lahaa OPEC amaba uu u kala xod-xodan lahaa. In si deg deg ah loo sahamiyo saliida gaar ahaan Afrika. Obama waa in uu qaato xalkii uu waday McCain dhiiri gelinta ilaha tamarta ee lagu bedelayo saliidda (tamarta qoraxda iyo mawjadaha badda iwm) iyo tii ugu muhiimsanayd ee uu ku xoog-xoog sanayey oo ahayd in uu soo saarayo saliida maraykan ee ceegaagta badda. Waa in aanu fudaydsan arinta Qudus.
Obama wax ma ku soo kordhin karaa dunida madow ee baahidu la dhalato?
Haadraawi baa ka jawaabay:
Aniguba tib culus iyo
Tukubaan cuskanayaa
Kuma taagni lugahee
Haygu tiirsan Laangadhe
In badan ayaa Maraykan iyo inta deeqda bixisaaba ugu yabooheen qaaradda madow hanti lacageed, siday doonaan wax haw jireene baahidu ma guuraan bay noqotay! Isbedel lagu yabooho sida Obamaba qar-qarka u qabsaday, xidhiidhka uu Maraykan la leeyahay dunidu nabad gelyadda ka sokow laba meelood ayey wax ka taraysaa:
1. Isbedelka cimiladda ee aadamigu sababay
2. Kabista wax soo saarka beeraha maraykan
Intii hore labadaba Maraykan wuxuu ka muujiyey dabaka werwer. Way dhici kartaa in uu wado hanaan uu ku bedelayo ka hore gaar ahaan marka qalabka hadda shaqaynayaa hawl gabo, laakiin wuxuu si xoogan u diiday in uu joojiyo kabista. Tan danbe dhaqaalaha dunida soo koraysa wax bay ka tari lahayd, waayo wax soo saarkooda ayaa tartan geli kariya. Kolayse Maraykan duruufihiisa ayaa cuslaynaya.
Fariinta ku haboon ee la gudboon Obama waa:
- In uu qaaradda madow dadkeeda u sheego in ay wax qabsadaan,
- iyo in uu ka caawiyo xaga farsamadda.
Guud ahaan marka aynu soo duuduubno dhaqaaluhu wuxu ku xidhan yahay xidhiidh toolmoon oo dunida dhex mara, taasina waxay ku imanaysaa Maraykanka oo nabadaynta u daaya qaramadda Midoobay, iyo xaq dhowr ku wajahan xuduudaha iyo qaramadda.
Yousuf Godir Mohammed
Ygoodir2008@hotmail.com
