Wararka Wargeyska OGAAL, Isniin: Xisbiyada iyo Xukuumadda oo isugu tagay dejinta gadoodka hawl-wadeenada diiwaan-gelinta

Hargeysa (Ogaal) – Hawl-wadeenada diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ayaa lagu wadaa maanta inay u baxaan Gobolka Saaxil oo ay Barri oo bishu 14 tahay ka bilaamayso diiwaan-gelintu ka dib markii la soo afjaray khilaaf socday maalmihii ugu dambeeyay oo la xidhiidhay saluug ka dhashay gunada la siinayo hawl-wadeenada ka shaqaynaya diiwaan-gelinta.

Ardayda Jaamacaddaha dalka ee ka hawl-galaysa hawshan ayaa si weyn uga biyo-diiray gunada Guddiga doorashooyinku ay u qoondeeyeen inay qaataan mudda ay hawshaa gudanayaan. Hase ahaatee, ka dib markii ay ismari waayeen Guddiga doorashooyinka iyo hawl-wadeenadani waxa soo dhex-galay hogaanka Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha. “Shalay baynu ogayn oo doorashadu saddex afar jeer dib u dhacday, maanta haday taasina inaga bur-burto meel dambe oo laga soo qabanayaa ma jirto, dawlad iska fadhiyaysa oo iska haysanaysaana ma jirto, waxaynu galaynaa mugdi, mustaqbalkeena oo dhami galayaa.. maanta haddii aanu heli karayno meel aanu lacagtaa ka soo qaadno kuwa u horeeya ee idin horkaca ayaanu noqon lahayn, khaladkana idinka idin saari mayno. Laakiin, meel Gaaladdii loogu noqon karaa ma jirto, ee waxaan idin leeyahay dhalinyaroy wax ka badan baad u soo adkaysateena maanta shuruud yaynaan ka dhigin oo shaqada ku joojinin. waa mustaqbalkii ummadeena.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka mid ahaa Masuuliyiin shalay hawl-wadeenada diiwaan-gelinta oo iska soo taagay in ay hawsha bilaabaan khudbado waano ah ugu jeediyay Hoolka Jaamacadda Hargeysa. Ka dib markii ay Ardaydaasi si adag u garnaqsadeen, isla markaana tilmaameen in aanay qiimaha Komishanku u qoondeeyay in lagu shaqeeyo ku wadi karayn hawsha. Axmed-Siilaanyo waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa aan xasuusanahay dhalinyaradii halganka ku jirtay maalin aan u khudbadaynayay, waa wakhtigii la soo qaadayay dagaalka ee dalka la soo galayay (1988), waxay yidhaahdeen maxaanu xuquuq u leenahay Anagu horta? Waxaan ku idhi waxaad xuquuq u leedihiin inaanu Qoryo iyo Rasaas idiin doono, idinkuna kala doorashada inaad dhimataan iyo inaad iska joogtaan ayaad xaq u leedihiin. Wallaalayaal halgankii maalintaas oo kale ayaynu ku jirnaa ee hawsha wada.”

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa dhalinyaradaa erayo waana ah u jeediyay. “Horta anigu meel kalaan ka filayay inay wax ka dhacaan’e Jaamacaddan Cilmigu yaalo kamaan filanayn. Marka Maqasha la raacayo waxa la yidhaa Maqaleey war-la’aay ma laguu waramay. Imika Ardayeey warlaay ma idiin waramaa?.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu tilmaamo ka bixiyay qaabka uu ku yimi dhaqaalaha ku baxayaya diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinku, oo uu sheegay inay muhiim u tahay qabsoomida doorasho xalaal ah. “Lacagta waxay ahayd inaynu inagu iska bixino, laakiin ma bixin karayno. Markaa niman Gaallo ah oo Illaahay inoo sikhiray ayaa Gaallo kale inoo baryay, waxay yidhaahdeen waxaanu bixinaynaa 75%, dawladuna waxay tidhi waxaanu bixin karaynaa 25%. Dawladeenu hadana markii dhibaatooyinka dhaqaale ay dhaceen waxay tidhi 25-kii bixin kari mayno. Haddana Deeq-bixiyayaashi waxay yidhaahdeen wax baanu bixinaynaa, laakiin taasi weli way laalan tahay. Markaa waxan la idin siinayaa maaha mushahar ee waa dhiiri-gelin, dadkii deeq-bixiyayaasha ahaana ku noqon kari mayno, laakiin dawlada ayaanu wax idiinka baadh-baadhi oo dib ugu noqonaynaa, idinkuna hawsha wada oo naga war suga.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaana uu tilmaamay in dhalinyadu xaq u leeyihiin cabashada iyo in wax macquul ah loo qoondeeyo. “Horta qoladan Komishanku waa shaqaale oo sidaa idinka la idiin qoray ayaa loo qoray inay shan sanno joogaan, waabanu ka tashanaynaa inay shantaa sannadood wada joogi karaan iyo in kale. Markaa waxaan idin leeyahay in nimankaa waxaynu qabsan kari waynay inoo qabtay ee deeq-bixiyayaasha ah in maanta la yidhaahdo waxay diiwaan-gelinti u habsaantay lacag yar ama shan Doollar baa la isku dilay waa inagu fool-xumo.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faysal.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xasan-macalin ayaa sidoo kale dhalinyarada halkaa kala hadlay, waxaanu sheegay in dalka ay wax ku barteen ee Somaliland loo halgan adag iyo dhibaatooyin badan. “Marka laga reebo halgankii dalka loo soo maray 13 sannadood ayaan Xildhibaan ahaa oo aan Baarlamaanka ku jiray, iyada oo dayn la igu leeyahay ayaan ka tagay…maantana Wasiir baan ahay, waxase Soomaalidu ku maah-maahdaa Doob tuhun-baa dilay, waxaan uga jeedaa waxa nin waliba maskaxda ku hayaa ninka 13 sannadood Baarlamaan ahaa inuu hanti kala tago wuu ku fikirayaa.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu sheegay in aanay lacagtu qiima badan ku fadhiyin, isla markaana dhalinyarad looga baahan yahay in ay ku fikiraan sidii ay dalkooda wax u tari lahaayeen, sumcad iyo karaamana u heli lahaayeen. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu taaka-taako ula hubiyay Komishanka gunada loo qoondeeyay hawl-wadeenada, maadaama oo uu Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qaabilsan yahay wada-shaqaynta ay la leedahay Guddiga doorashooyinka. Sidoo kalena isaga laftiisu uu saluugsanaa qiimahan, hase ahaatee, ay dani keentay. Sidaa darteedna loo baahan yahay inay dhalinyaradu u samraan wadankooda.

Doodaa dheer oo ay ka qayb-galeen sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Komishanka Maxamed Ismaaciil Kabawayne, Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka Cali Maxamed Cabdalla (Biikolo), waxa ay geba-gabadiisi noqotay sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Guddiga Ardayda oo magaciisa ku sheegay Axmed Cabdi Wacays, inay ku qanceen soojeedinta Masuuliyiinta kala duwan, isla markaana ay maanta bilaabayaan hawsha. “Aniga oo ku hadlaya magaca Guddiga Jaamacaddaha Somaliland, waxaan idiinku bushaaraynayaa laga bilaabo imika in aanu ku shaqaynayno mutadawacnimo oo aanu dhibta iyo hawsha baaxadaa leh u qaadaynaa dalkayaga iyo dadkayaga horumarkooda, waanad ku mahadsan tihiin (Masuuliyiin ahaan).” Ayuu yidhi Axmed Cabdi Wacays.

Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka Cali Maxamed Cabdalla (Cali-biikolo), ayaa mahadnaq u jeediyay Masuuliyiinta arrintan ka hawl-gashay iyo shaqaalaha tanaasulka muujiyey-ba. “Waa farxad weyn in ay dadku maqlaan in is afgarad ah oo wanagsan hawshu inoogu dhamaatay oo aan wax dib u dhac ahi ku iman diiwaan-gelintii, taana waxaan mahadeeda siinayaa da’yarteena waxbaratay ee iyaga oo arday ah maanta u horay dalkooda iyo dadkooda in ay aqoontooda wax ugu qabtaan. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa cid kasta oo hawshan gacn ka gaysatay.” Ayuu yidhi Cali Biikolo.

 

 

“Qur’aan iyo sunne kuma shaqayno,

Distoorkuna waa ra’yi oo khilaaf lagama waayo”

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud

“Akaademigu waa in aanu noqon mid dhacdooyinka uun la shaqeeya, laakiin..”

M/weyne Rayaale

“Akaademigu ma sii jiri doonaa oo heli doonaa Deeq Waddanka gudihiisa laga siiyo?”

Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa (Ogaal)- Xaflad lagu xusayay 10-guurada ka soo wareegtay aasaaskii Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland (APD) oo ay ka soo qayb galeen Madax uu ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Rayaale oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in qorshihii aasaaskii hore ee Akaademiyada isaga loola tegay waqtigii uu Madaxweyne-xigeenka ahaa. Isla markaana rag uu Magacyadooda xusay ay kulan gaar ah kula qaateen Gurigiisa waqti  Akaademigu wadday Cilmi-baadhis dalka oo dhan ah. ‘“Waxaan jecelahay inaan si wayn u xuso maadaama aan aasaaskeedii ogaa, raggii ugu horreeyay ee yimi waxa ka mid ahaa Bulxan iyo Boobe iyo rag badan oo kale oo aanan imika wadda magac dhabi karayn. Gees (Maxamed Siciid Gees) markaa wuxuu ahaa Wasiirka Qorshaynta, isaga laftiisa ayaa markaa ii keenay aniga oo M/weyne-ku-xigeen ah. Run ahaantii Akaademigu berigaa ayuu fikirkii ugu horeeyay uu dhashay, kuna taageernay inay noqoto meel talo siisa Qarankan oo la shaqaysa iyaga oo Madax bannaan. Aad baan ugu mahadnaqayaa wixii ay soo qabteen oo ammaan badan ayaan u soo jeedinayaa. Marar badan oo aanu isu nimid baa jiray oo ay dalalka u baxayeen oo ay Cilmi-baadhis ku samayanayeen oo ay aniga kulamo gaar ah ila yeesheen Gurigayga, ka mid bay ahayeen Cartan (Cabdiraxman Yusuf Cartan), Bulxan, raggaas oo dhan ka mid bay ahayeen iyo Boobe-ba.” Ayuu yidhi M/weyne Rayaale. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan leeyahay meel fiican bay soo gaadheen, waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa Interpeace oo War-torn Society la odhan jiray oo run ahaantii Akaademigani la’aantood aanay hirgasheen oo gacan ka geystay. Akaademiyo badan ayaa Soomaali laga sameeyay, laakiin tani inay ka duwanaatay baan anuu aaminsanahay, waayo Somaliland waxa maanta ka jiraa kama jiraan meelaha kale. Waxyaabo badan ayaad soo qabateen laakiin mustaqbalka maxaa idiin muuqda oo la qabanayaa, taana anigu taladayda waxaan ku darayaa in waxa ugu wayn ee aynu maanta haynaa waa Dawladnimo, dawladnimadeeniina maanta waa curdin. Akaademigu fikirka ay mustaqbalka ku shaqayn doonto waxaa qabaa in Dawladnimada dadka la baro oo la xoojiyo, dawladnimadu haddii aanay inoo adkaan Hay’ada shaqaynaysaa ma jirto. Waad ogtihiin kuwii mar idinla bilaabmay ee Garowe ka bilaabmay ama meelo kale ka bilaabmay xaaladahoodu halkay maanta ka jiraan, laakiin tiinu maanta waxay kaga qiimo badan tahay iyada oo nidaam dawladnimo uu halkan ka hano-qaaday. Iyada oo amaanteeda iyo aasaaskii hore ee dhidibka loo soo dhigay dawladnimadan ay amaanta ugu badan ay leeyihiin Golaha Guurtidu, inkasta oo ay umadda oo dhami la shaqaysay. Waxaanu rejaynaynaa in Akaademigu intaa uu  hore u soo qabtay wax ka badan gaadho, Xukuumad ahaan anagu mar kastaba diyaar baanu u nahay inaanu Gacan idin siino. Waxaanu rabnaa in aanay Akaademigu noqon dhacdooyinka kaliya kuwo la shaqeeya, laakiin kuwo kena aragti iyo horseednimo dalkan talooyin badan ku soo biiriya inay u shaqeeyaan baan jecelahay mustaqbalka fog.”

Xafladdan ka sokow Madaxweyne Rayaale waxa ka qaybgalay,  Masuuliyiin ka kala socday Axsaabta Mucaaradka ah, Wasiiro, Shirguddoonka Guurtida, Xildhibaanno, aqoonyahanno, Culima’udiin, Madaxda Akaademiga iyo Hay’adda Interpeace, ugu horrayna waxa ka hadashay Guddoomiyaha Agaasimayaasha maaraynta iyo maamulka Akaademiga Marwo Kinsi Xuseen Qawdhan. Waxaanay uga mahadcelsay ka qaybgalaashii Munaasibaddaa ka-qaybgalka xuskaas.

Agaasimaha Barnaamijyada Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Muj. Boobe Yuusuf Ducaale oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay waqtigii iyo ujeedadii aasaaska Akaademiga. Waxaanu xusay in Akaademiga oo la aasaasay 15-kii September 1998-kii markii hore la odhan jiray Xarunta Nabadda iyo Horumarka Somaliland (SCPD), balse markii dambe loo bedelay Magaca Akaademiga Nabadda iyo Hormarinta. Isaga oo ka warbixiyay sababta aasaaska Akaademiga. “Dulucda aasaaska Akaademiga laga lahaa waxay ahayd sidii loo hirgelin lahaa dhaqan Dimuqraadiyadeed, iyada oo la samaynayo madal dhexdhexaad ah oo lagu maaraynayo xiisadaha…waana Xarun u dhisan helitaanka iyo hanashada Mujtamac ku noolaada Garsoor, nabad iyo badhaadhe, iyada oo la adeegsanayo Cilmi-baadhis, tababarro, Dood iyo aqoonta oo la wadaago.” Ayuu yidhi Boobe. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Akaademiga waxa ka taliya 9-qof oo la yidhaahdo Guddiga Agaasimayaasha Akaademiga, shirweynahaas ayaa lagu magacaabaa. Waxaana Guddoomiye ka ah Kinsi Xuseen Qawdhan..Akaademiga waxa ka hawlgala 43 qof, laba Xafiis ayaanu leenahay oo midi ku yaalo Burco, xaruntuna waa Hargeisa. Labada Xafiisba Akaademiga ayaa leh, Dhul ay Dawladdu na siisay ayaanu ka dhisanay anaga oo uga mahadcelinayna. 43-kaa ka hawlgala marka saddex meelood loo qaybiyo, meel baa Haween ah..Waxyaabaha na hor yaala waxa ka mid ah Akaademigu ma sii jirin doonaa, haddii uu sii jirayana sidee ayuu u sii jirin doonaa?..Su’aasha aanu isweydiinaynaa waxay tahay, Akaademigu ma heli doonaa Deeq Waddanka gudihiisa laga siiyo, 43-Hawlwadeen, Laba guri oo ay Shan Baabuur dhex yaalaan, hawl-wadeenadiina u dhan yihiin Somaliland gudo iyo dibedba.”

Boobe waxa kale oo uu sheegay guulaha ay Akaademigu ka soo hoysay dalka gudihiisa iyo hawlgalladii ay fulisay. “Waxyaabaha noo suntan ee guulaha Akaademig ah ee aanu Kaalmada Ilaahay, ta dadweynaha, ta Dawladda, ta Golayaasha Qaranka, ta Komishanka, ta Xisbiyada iyo ta Ururada Bulshadaba ku qabanay waxa ka mid ah kaalintii aanu ka galnay Aftidii Distoorka, Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee 2002-dii, tii Madaxtooyada ee 2004-tii iyo Golaha Wakiilllada ee 2005. Kaalintii uu Akaademigu ka galay xallintii saami-qaybsiga, kaalintii uu Akaademigu ka galay isaga oo kaashanaya intaa aan soo sheegay oo dhan maarayntii Mushkiladdii Komishanka, kaalintii aanu ka galnay xiisaddii ka aloosantay 15-kii May. Intaas oo dhan oo aanu Ilaahay iyo umaddaba ku mahadinayno.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf. Waxaanu xusay Magacyada siddeed qof oo aasaasayaashii Akaademiga ahaa, kuwaas oo kala ahaa, Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan, Mart Braden, Maxamed Cismaan Fadal, Xil. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Maxamed Cabdi Awoowo, Cabdiraxmaan Cabdalle Cismaan, Sucaad Ibraahim Cabdi iyo Boobe Yuusuf Ducaale.

Cabdiraxmaan Raage oo Wakiil ka ah Agaasime-gobolleedka Hay’adda Interpeace, isla markaana ka tirsan Xafiiska Hay’addaas ee Nairobi, ayaa sheegay in Hay’addooda oo uu aasaaskeeda lahaa Mart Braden oo uu sheegay in aasaasayaasha kale ka da’yaraa ay hadda tahay mid Caalami ah. “Interpeace waxay la dhalatay Somaliland, waxa wax in la xuso mudan ah in uu isku kaaya keenay Wiil runtii naga wada yaraa oo aanu ka wada waynayn oo dhawr iyo soddon jir ah, waana Mart Braden, mana iloobi karno…Waxay Hay’addani noqotay Hay’ad Caalami ah oo 15 Mashruuc ku leh Adduunyada, oo adduunyada oo dhan ka shaqaysa. Waxaanay hadda maraysaa in ay caan ka noqoto Calaamka, ninkii 10-kii sanno Madaxda u ahaa guddigeedana waxaad maqasheen in uu toddobaadkan helay Jaa’isadda Nobel Peace Price. Maanta Somaliland sharaf wayn bay u tahay in uu ninkaasi Jaa’isaddaa ku helay ka shaqaynta nabadda oo aynu qayb ku leenahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Raage.

David Whisley oo ka socday Xafiiska Interpeace ee Magaalada Geneva oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday ujeedooyinka aasaaska Akaademiga iyo Interpeace.

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ku hadlayay afka Guddiga Jaamacadaha Somaliland oo uu guddoomiye u yahay iyo Maamulka Jaamacadda Cammuud, ayaa isna halkaa ka hadlay. “Hay’ad markaad doonayso inaad ogaato tayadeeda waxa la eegaa tayada Madaxdeeda iyo dadka ka shaqeeya, taas ayaad ka garan kartaa inay shaqaynayso iyo in kale. Iskaashi baanu lahayn, 10-guuradoodana anaga laf ahaantayadu Cammuud ahaan sanadkan ayaanu 10-jirsannay, waanad garan kartaa ilmo yar oo 10 jir ahi inta ay yihiin tamartoodu. Haddana, waad arkaysaa waxay soo qabteen, Cilmi-baadhis, wax-ka-qabashada Nabadda dalka, Maamul-daadejinta iyo gacanta ay ka geysteen isbedelka Siyaasadeed.” Ayuu yidhi Prof. Saleebaan. Waxaanu Prof Saleebaan sheegay in khilaafku iman karo oo adduunyadaba ka dhaco, isla markaana aan laysku xukumin Quraanka iyo Sunnada. “Adduunka khilaafaad wuu ka dhacaa meel walba, kuma shaqayno Quraan iyo sunne toona oo inta badan qawaaniin aynu ku dhaqano maaha. Quraanka iyo Sunnaha ayuun baa runtii ah labada rasmiga ah ee aanay beeni ku jirin ee loo yaqaano absolute truth (xaqiiqda dhammayska tiran), inta kale waa ra’yi Bani’aadam ama Distoor ha noqdaan ama Sharci ha noqdaane, ra’yi bani’aadamna khilaaf lagama waayo oo waa aragti kala duwan. Waxase laysku dhaafay sida loo xallilo, waad arkaysaan oo marka khilaaf ka dhaco dalalka Afrikaanka ah ee kale dad badan baa u soo gurmada oo way inaga yar Tol fiican yihiin. Inaga tolkeen markaad eegto Siyaasiyan inta halkan joogta ayuun baa inoo ah sokeeye, Akaademiguna kuwaas ayay ku jirtaa oo waa sokeeye wayn.” Ayuu yidhi.

Gebogebadii waxa Akaademigu ay halkaa abaal-marin ahaan Jaa’isado Shahaado-Sharafyo ah oo ku qotoma Dimuqraadiyaynta, Horumarka iyo Nabadda ku guddoonsiisay Golaha Guurtida kaalintii Nabadda ay ka galeen, Komishankii hore ee Qaranka oo ay u gudoonsiiyeen kaalintii ay Dimuqraadiyaynta ka galeen iyo sidoo kale Guddiga Isgaadhsiinta Somaliland oo ay ku maamuuseen kaalintii horumarka ay ka galeen.

Waxa kale oo halkaa lagu soo bandhigay  wax-soo-saarkii 10-kii sanno ee tegay ee Akaademiga oo isugu jiray ilaa Lix iyo toban Buug iyo dhawr iyo labaatan Filim oo qaarkood ay la socdeen Buugaagta, qaarkoodna ay sheegeen inay u sameeyeen Hay’adaha. Kuwaas oo ka-qaybgalayaashii Xafladda loogu talo-galay.

 

 

Dab khasaare Naf iyo maalba leh geystay oo ka dhacay guri ku yaala Gabiley

Gabiley (Ogaal) – Ilmo yar oo labo bilood jiray ayaa ku dhintay dab ka kacay subaxnimadii shalay gurigooda oo ku yaala magaalada Gabiley. “Gurigu wuu gubtay, Ilmo yar oo laba bilood jirayna (gabadh) way ku gubatay, waanay geeriyootay. Laakiin, waxa laga saaray oo waqtigaa guriga kula jiray ilmaha yar ee ku dhimatay  laba caruur ah oo kale. Hase ahaatee, wixii alaab ahaa ee guriga hoos yaalay dhammaantood way shuf-beeleen, dhismaha gurigana khasaare xoog leh ayaa soo gaadhay.” Sidaa waxa tidhi Maayar ku-xigeenka magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo xalay wargeyska Ogaal khadka telefoonka wax kaga waydiiyay guri shalay ku gubtay magaaladaas. Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Deegaanka Gabiley oo faahfaahinaysa sababaha loo aanaynayo in dabkaasi ka dhashay waxay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Waxa looga shakisan yahay in Ilma-yar oo saddex jir ah oo lugta ka xidhnayd guriga gudihiisa  inay Kabriid shiday, dabadeed-na uu daaha qabsaday.”

Dabku wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka inta badan ku soo noqnoqday ee waxyeeladana gaadhsiiya magaalooyinka Somaliland, waxaana dawladda si weyn loogu dhaliilaa diyaar-garow la’aan arrintaa ku saabsan. Sidaa darteed, Maayar Ku-xigeenka Gabiley oo aanu wax ka waydiinay maamul ahaan gurmadka ay ka geysteen dabkaa khasaaraha keenay ee ka dhacay Gabiley waxay ku jawaabtay, “Hawshaa dadka ayaa hortayaba u baxay oo booyad guriga biyo u shubaysay oo gabadha guriga degenayd oo Sariibadda u baxday u soo dirtay baa la kulantay. Dabadeedna, markii nimadii la kulmeen gurigii oo gubanaya ayay biyihii ku bilaabeen, booyado kalena way la hadleen sidaasaana lagu bakhtiiyay, maamul ahaan, Booliska iyo dadweynaha kaleba waa laga wada qayb-qaatay demintiisa. Laakiin, maamul ahaan wax talaabo ah oo aanu weli ka qabanay ma jirto. Midda kale, magaaladaydu ma laha wax Dab-demis ah.”  

 

Shil culus oo ku yimi Tareen

iskaga goosha Itoobiya iyo Jabuuti

Jabuuti (W.Wararka/Ogaal)- Ku dhawaad 20-qof ayaa ku dhaawacmay shil tareen oo ka dhacay inta u dhexeeysa wadamada Ethiopia iyo Jabuuti.

Tareenkani oo isku xidha wadamada Jabuuti iyo Ethiopia ayaa waxaa uu magalada Diridhaba ka soo qaaday habeen hore xoolo u badan Geel kuwaasi oo la doonayay in laga dhoofiyo marsada magaalada Jabuuti. Waxaana shilka tareenkan ku dhaawacmay dad gaadhaya 20-ruux oo intooda badani ay ilaalo iyo Xanaanaynta Xoolaha ulla socdeen Tareenka. Kuwaasoo loola cararay Cusbitaalka Magaalada Jabuuti.

Tareenkani oo ku rogmaday meel u dhow magaalada Jabuuti ayaa sababaha loo aanaynayo shilka haleelay waxa ugu weyn sida wararku sheegayaan Walxo wadada loo dhigay taasi oo aan la aqoon cida u dhigtay.  Waa markii ugu horeysay ee Tariinkani uu ku qalibmo halkaasi 18-kii sanadood ee ugu danbeeyay.

 

Khasaare ka dhashay weerar la

huwiyay Budhcad-badeed Soomaali ah

Boosaaso (Ogaal/W.Wararka)  - Ciidanka ammaanka Puntland ayaa isku dayay shalay waaberigii inay awood millatari ku soo furtaan markab u raran ganacsato Soomaali ah oo ka mid ah Weelka todobaadkii ugu danbeeyay Gacanta u galay budhcad-badeedka ka ugaadhsada Xeebaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Dagaal adag oo ciidamada Puntland oo adeegsanayay afar Laash iyo Budhcad badeedka ku dhex-maray meel u dhow deegaanka Raas-casayr waxa la sheegay inuu keenay dhimishada sadex qof oo labada dhinac ka kala tirsan iyadoo sidoo kale sadex kalena inta la ogyahay ku dhaawacmeen. Idaacada codka Maraykanka laanteeda Af-soomaaliga ayaa baahisay war sheegaya in Markabkaas laga soo bad-baadiyay Budhcad-badeedii uu u afduub-naa. Hase-ahaatee, wararka qaar ayaa sheegaya inaanay ciidamada Maamul-goboleedka Puntland u suura-gelin inay soo furtaan Markabkan, Islamarkaana ay haatan ku guulaysteen Budhcadu inay Markabkan la tagaan Deegaanka Ayl oo hore loogu haystay Maraakiib door ah.

Mamaulka Cadde Muuse ayaa talaabadan ciidan qaadey ka dib markii culeys kaga yimid ganacsatada Markabkani u rarnaa,  iyada oo sidoo kale ay soo food-saartay Saariisha maamulkaasi cabsi ah in dekada Boosaaso oo uu ku xidhan-yahay dhaqaalohoodu xidhanto.

Xeebaha Puntland ayaa waxa hore loogu afduubtey Maraakiib fara badan kuwaasoo maamulka ka arimiya deegaankaasi aanu wax talaabo ciidan ah oo la sheegi karo ka qaadin.

Marka laga reebo laba isku day oo todobaadkan Gudihiisa ay ciidanka Puntland isku dayaan inay awood milatari ku xalliyaan dhibaatooyinka afduubka ee indhawaaleba ka aloosnaa degaannadaas.

Arbacadii ayay ahayd markii ciidanka Puntland ay awood ciidan ku soo furteen nin ajnabi ah oo ka tirsanaa shirkad la sheegay inay shidaal-ka ka baadhayso Puntalnd oo lagu qafaashay gobalka Bari.

Dhinaca kale, kooxaha Budhcad Badeeda Soomaalida ah ee heysta Markabka hubka sida ee wadanka Ukraine laga leeyahay ayaa dalbaday in meesha laga saaro dhex dhexaadiyayaasha Soomaalida ah si loo fududeeyo sii deynta Markabkaasi.

Oday ka mid ah dadka deegaanka Xarardheere oo ka mid ahaa dad dhex dhexaadinta  ka wada kooxaha budhcad badeeda iyo shirakada iska leh markabkaasi ayaa sheegay in kooxahaasi ay diideen dadka dhex dhexaadinaya isla markaana waxaa ay sheegeen ayuu yidhi in arintaasi ay sii adkeyn doonto sii deynta markbakan sida saanada Milateri ee Kaarayaashu ay ka midka yihiin.

 

 

 

Muqdisho: Wararkii u dambeeyey ee Dagaallo ka dhacay

Muqdisho (AFP/Ogaal)- Shan qof oo saddex ka mid ahi ay Rayid yihiin ayaa shalay dhaawac soo gaadhay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Bam la dhigay Waddada dhinaciisu uu ku qarxay kolonyo Ciidamada Burundi ka tirsan. Iyada oo ay Madaarka ka degtay Diyaarad sidday Ciidamo kale oo reer Burundi ahi.

Qaraxan ayaa ku qarxay Kolonyo Ciidamada AMISOM ka tirsan, gaar ahaan kuwa Dalka Burundi ee ku sugan Magaalada Muqdisho waqti ay ka tageen dhinaca Madaarka. Halkaas oo uu dhaawac ka soo gaadhay saddex qof oo Rayid ah iyo laba ka mid ah dadka rayidka ah. “Ciidamadu waxay ka baxeen Madaarka markii lala eegtay Qaraxa Bamka oo waddada dhinaceeda la dhigay. Waxaanu sababay dhaawaca laba ka mid ah oo ahaa mid fudud.” Sidaa waxa AFP u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Burundi oo magaciisa ka gaabsaday inuu shaaciyo. “Askartu waxay lugaynayeen waddada dhinaceeda markii qarax xooggani qabsaday. Waxaan arkay laba ka mid ah oo dhiig-baxay, mid ka mid ahi wuu soconayay, ka kalena waa la siday.” Sidaa waxa yidhi goob-jooge arkayay markii qaraxu dhacay oo lagu magacaabo Maxamed Aadan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xukuumadda TFG oo lagu magacaabo Daahir Aadan, ayaa sheegay in Madaarka Muqdisho ay shalay ka degtay Diyaarad sidday Ciidan reer Burundi ah maalin ka dib markii ay Muqdisho ka degeen 400 oo Askari.

Dhinaca kale, Dagaal laysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa  habeen hore ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo dhex maray Ciidamada Maamulka TFG ee Somalia iyo xoogagga ka horjeeda ee Al-Shabaab. Dagaalkan oo ka dhacay Degmooyinka Wardhiigley iyo Hawl-wadaag iyo agagaarka Villa Somalia, ayaa qarxay ka dib markii ay Al-Shabaab Weerar ku qaadeen Ciidamada TFG. Waxaanay sheegteen in ay Askar kaga dileen Weerarkaa Ciidamada TFG. Hase ahaatee, waxaan jirin warar ka soo baxay dhinaca Maamulka TFG oo arrintaa ku saabsan.

 

 

“Burco kuwii loo xoreeyay waa kuwa Ugu Ladan, Kuwii Xoreeyayna waa kuwa ugu liita” Gudoomiyaha Togdheer

Burco (Ogaal)Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin,ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Gudoomiye Cusub oo loo soo magacabay Xafiiska Soyaal ee Burco Muj. Xays Warsame Kaahin iyo Gudoomiyihii Hore Saleebaan Maxamad Xaashi.
Xafladan Xil-wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Soyaal ee Burco, ayaa waxa ka hadalay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Warsame (Biin) Waxaanu hadlkiisa Ku bilaabay “Xilwareejintu waa Dimuqraadi Markaa Gudoomiyihii Hore ee Xilka hayayna waxaan leeyaay Ilaahay Meel dhaanta ha ku geeyo Waxaad haysay hawl adage .
Gudoomiyaha Cusubna Waxaan leeyahay Ilaahay xilka ha kuu fududeeyo meesha hawl-baa  taaloo lacagi ma taalee,.. Gudoomiye  Xaysaw Adigu Waxaad tahay Nin Wadaad ah, wadaadaduna way ka naxariis badan yihiin qolada qayisha. Markaa, waxaa lagaaga fadhiyaa waxaqabad fiican oo anfaca Mujaahidiinta Sooyaal “Sidaa ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Sooyaal waa 18 Jir, Ilaa hadana ma jiro waxay qabatay oo la taaban karaa, Markaa waxa fiican hadaanay Madaxda Sooyaal waxba qaban karayn inaanay dadka lugoyn.” Ayuu yidhi waxaana uu intaa ku daray oo uu tilmaamo ka bixiyay dhibaatooyinka la deriska ah hooyooyinka iyo aabayaasha dagaalkii ku waxyeeloobay. “waxa jira dad curyaamiin ah oo Caawimo ka sugaya Gaalka jooga Jarmal, Burcana Kuwii loo xoreeyay waa kuwa Ugu Ladan, Kuwii Xoreeyayna waa kuwa ugu liita ee Maanta Laxaadkoodii waayay, markaa waxa ka fiican Caawimada ay ka sugayaan Yurub in ay Bixiyaan Shirkadaha maalqabeenada ah ee reer Somaliland”

waxa kale oo hadalo kooban Halkaas ka yidh Gudoomiyaha Cusub ee loo soo magacabay xafiiska Sooyaal ee Burco Xays Warsame Kaahin iyo gudoomiyihii Hore Saleebaan Maxamed Xaashi, waxaanu gudoomiyaha cusubi Sheegay In uu xafiiska Burco u soo magacabay xafiiska Guud ee Sooyaal .

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra