Shirkii Laamaha KULMIYE UK oo hambalyo u diray musharixiinta Mudane Axmed Siilaanyo iy Saylici una mahad naqay gudidii dhexdhexaadinta
Shirkii Laamaha Xisbiga KULMIYE oo ka Dhacay Magaalada Sheffield
Waxaa gelinkii danbe ee maalintii Sabtidii,11/10/2008,ka dhacay hoolka shirarka ee ISRAAC Community Centre, shir aad looga soo shaqeeyay, ayna isugu yimaadaan dhammaan laamaha xisbiga KULMIYE (UK) iyo marti sharaf ka mid ah madaxda sare ee xisbiga. Shirkan oo marti qaadkiisa lahayd gudida laanta Sheffield waxaan ugu horrayntii furay Guddoomiyhay laanta Sheffield Cabdillaahi Cabdi (Bakayle) isagoo soo dhawaynaya dhammaan gudiyada laamaha UK, gudida fulinta UK iyo marti sharafta kale ee shirka joogtay. Guddoomiye Cabdillahi wuxuu sheegay sida ay farxad way ugu tahay in maanta shirkan laamaha ay u suuro gashay laantani iyadoo ay tahay wakhti aad u muhiim ah marka la eego marxaladaha kala duwan ee wadanku marayo. Cabdillaahi wuxuu ayaado Quraanka kariimka ah ka bacdi daadihinta shirka ku warreejiyay Guddoomiyhay gudida fulinta UK Mudane Ibraahim Xuseen. Gud. Ibraahin wuxuu si waafi ah ugu mahadnaqay gudida laanta Sheffield ee munaasabadan suurto galisay, gudiyada laamaha ee usoo socddaalay si ay shirka uga qayb galaan iyo marti sharaftii shirka joogtay. Mahadnaq ka bacdi Ibraahim wuxuu dhexgalay wuxuu warbixin kooban ka bixiyay ujeedada shirka, muhiimaadka uu shirkani leeyahay iyo guud ahaanba arimaha wax-ku oolka ah ee la filayo inay shirka kasoo baxaan. Intaa wuxuu u dhaafay shirkana loo qaybiyay qodobada (Agenda) shirka lagaga wada hadli doono, Ibraahim wuxuu ugu horayntii shirka kusoo dhaweeyay xoghayaha Arimaha Dibeda KULMIYE Dr Maxamed Cabdillaahi.
Dr Maxamed waxa uu mahadnaq ka bacdi ka hadlay marxalado badan oo wadanka ka jira sida dhaqaalaha, siyaasada, dastuurka iyo cadliga iyo dhamaan adeegyada bulshada oo uu sheegay inay xukuumada xukunka haysaa ay ku fashilantay, aayahay kaliya ee dadku sugaayaana ay tahay xisbiga KULMIYE oo talada qabto. Dr Maxamed waxa uu sheegay inuu ka qayb galay shirar badan oo caalami ah lagagana wada hadlaayay arimaha geeska isla marka uu kaga hadlay guud ahaan marxalada Somaliland, gaar ahaan mowqifka uu KULMIYE ka taaganyahay arimaha siyaasada,nabadgelyada iyo dhaqaalaha geeska Africa, isla markaana muujiinaysa in xisbiga KULMIYE diyaar u yahay, khibrad iyo waayo aragnimana uu leeyahay sidii loo xalin lahaa arimaha geeska. Maxamed wuxuu dulmaray marxaladihii xisbigu kasoo gudbay oo uu sheegay inay ka turjumayso bisaylka siyaasadeed ee xisbiga. Xoghayuhu wuxuu hadalkiisii kusoo gunaanaday in shaqo badani qurbo jooga u taalo, UK-na ay tahay lafdhabarta xisbiga isla markaana loo baahanyahay loo baahanyhay inaynu doorkeena si buuxda u qaadano.
Intaa ka bacdi waxaa shirka lagu soo dhaweeyey Prof.Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir. Prof.Maxamed waxa uu mahadnaq ka bacdi warbixin qoto dheer ka bixiyay marxalada dalku ku sugan yahay. Waxa u si gaar aha dulmaray xaalada dhaqaale ee wadanka iyo arimaha sixir-bararka, arimaha dastuurka iyo cadliga iyo dhamaanba adeegyada bulshada oo uu sheegay inay hoor usii dhacayaan. Prof. Maxamed waxa uu sheegay in dalka dhaqaalihiisii iyo maskaxdiisiiba qurbaha joogto, lafdhabartuna ay tahay carigan Ingiriiska isla marka loo baahanyahay inaad wadanka aa uga warhaysaan, kuna dadaashaan sidii aad wax uga badali lahaydeen. Maxamed wuxuu kaloo ka waramay arimaha diiwaan-gelinta iyo muhiimka ay leedahay loona baahanyahay in muwaadin kasta la diiwaangeliyo isla markaana ay tahay in muwaadinku xaq u leeyahay inuu foodkiisa u dhiiban karo si aan dhib ku keenin. Ugu dambayn Maxamed wuxuu kula dardaarmay qurbo-jooga UK inay u diyaar garoobaan siday qayb lixaad leh uga qaadan lahaayeen marxaladaha inagu soo fool leh.
Waxaa Prof. Maxamed ka bacdi shirka lagu soo dhaweeyay Cabdiraxman Maxamed Aadan. Cabdiraxman wuxuu u mahadnaqay shir guddoonka, laanta shirka martida loogu yahay iyo gudideeda uu guddoomiyahay ka yahay C/laahi iyo dhammmanba gudiyada laamaha shirka fadhiya iyo marti sharafta. Cabdiraxmah wuxuu dabadeed dul maray waxyaabihii u suura galay inay hirgaliyaan waktiyadii lasoo dhaafay. Wuxuu kaloo Cabdiraxman ku nuuxnuuxday in la gaadhay wakhti muhiim ah loona baahanyahay in la kordhiyo wada-shaqaynta iyo xidhiidhkana la joogteeyo. Wuxuu kaloo hadalkiisii ku darsaday in uu aad ugu kalsoonyahay in dadkan xulka ah ee miiska fadhiya ay ka midha dhalin doolaan marxaladaha ina horyaala.
Mudane Axmed Cadare ayaa isaguna si lafa guran uga waramay qaybta ay qurbo joogu ka qaadan karaan doorasha soo socoto. Axmed wuxuu sheegay in marxaladaha jiraa ee lawada ogyahay ay inoo sheegayaa in aan laga maarmayn qurbo-jooga, UK-na ay tahay lafdhabarta. Axmed wuxuu dulmaray talaabooyinka ay gudiyadu qaadi doonaan bilaha soo socdo.
Marwo Yurub Qaalib ayaa oo ka hadayshay arimaha dhaqaaalaha ayaa dulmartay waxqabadkii gudiyayada iyo waxyaabaha looga baahanyaahay in gudiyadu culayska saaraan wakhtiyada soo socda.
Jibriil Cali Muusa ayaa ka waramay heerka ay saxaafadu kaga jirto howlaha lagu jiro iyo kuwa soo fool leh. Jibriil waxuu sheegay in saaxafaddu wadankii ay noqotay mid xukuumadu ku adeegsato wakthi aad loogu baahantahay in saxaafada loo adeegsado arimaha diiwaan-gelinta.
Shirka waxaa kaloo sida caadiga ah warbaxin kooban ka bixiyay dhammaan laamaha KULMIYE UK, iyagoo ka hadlaaya waxqabadkoodii wakhtiyadii lasoo dhaafay iyo arimaha u qorshaysan bilaha soo socda.
Waxaa iyana erayo kooban oo isugu jira mahadnaq, xog-waran iyo baraarujin shirka ka jeediyay Oday Xasan Cali Wayd, Mudane Axmed Saleebaan (Golaha dhexe KULMIYE), Mudane Xildhibaan Cabdi Dheere,Mudane Cismaan Siciid (Golaha dhexe KULMIYE) iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka laanta Sheffield.
Sidoo kale waxaa shirka halbalyo iyo xogwran khadka telefoonka ugu soo gudbiyay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Mr Iskeerse iyo qaar kale oo ka mid ah madaxda sare ee xisbiga.
Ugu dambay shirku wuxuu hambalyo u diray labada musharax ee Madaxwaynaha iy Ku-xigeenkiisa dhawaan lagu doortay magaalada Burco, Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Mudane Saylici. Shirku wuxuu kaloo salaan gaar ah u diray gudida dhexdhexaadinta oo howshii loo xilsaaray si sharaf leh uga soo baxday. Sidoo kalee shirku wuxuu hambalyeeyay dhammaan xubnihii aqbalay guddoonkii iyo qodobadii gudida dhex-dhexaadinta oo uu shirku aqoonsaday inay muujiyeen geesino iyo xilkasnimo.
Shir wuxuuna ku dhammaaday jawi farxad leh, waxaanu gunaanad guddoonka shirku iyo dhammaanba laamaha shirka kasoo qayb galay u mahad celiyeen Gudida laanta Sheffield..
















TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday