Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo berrito si rasmi ah uga bilaabmaysa Gobolka Saaxil iyo kooxihii ka hawlgelayey oo gaadhey Berbera

Hargeysa (Somaliland.org) – In ka badan Sagaashan kooxood oo ah hawlwadeennada Diiwaangelinta codbixiyayaasha ayaa galabta gaadhey magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, halkaas oo ay berrito si rasmi ah uga bilaabmi doonto hawsha Diiwaangelinta Codbixiyayaashu.

Kooxahan oo ka hawlgelaya goobaha diiwaangelintu ka dhacayso ee Gobolka Saaxil oo ah goobihii codbixintu ka dhacday doorashadii hore ee gobolkaas, tiradooduna gaadhayso 90 goobood waxay  koox waliba ka kooban tahay 8 xubnood oo ka kala socda; 3 xubnood oo ka kala socda Saddexda xisbi Qaran, Wasaaradda Arrimaha Gudaha 2 xubnood, xubin ka socota Maxkamadda Racfaanka iyo 2 xubnood oo ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxaana koox walba la raaciyey qalabka Elektarooniga ah ee lagu samaynayo diiwaangelinta iyo ciidan boolis ah oo ammaanka ilaalinaya.

Kooxahan ka hawlgelaya Gobolka Saaxil waxa la diray maanta, kadib markii ay dhammaysteen tababarro ku saabsan hawsha ay qabanayaan oo maalmihii la soo dhaafey uga socdey magaalada Hargeysa, iyada oo qofkasta oo kooxda ka mid ah loo tababaray hawsha uu u qabanayo hay’adda uu ka socdo ee uu wakiilka ka yahay.

Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, Cali Maxamed Cabdulle (Cali Biikolo) ayaa galabta u sheegay Somaliland.org in ay gaadheen magaalada Berbera 90 kooxood oo ka mid ah Hawlwadeennada diiwaangelinta, isla markaana ay berrito ka daba tegi doonaan 20 kooxood oo ah kayd. Waxana uu rajeeyey in si fiican hawshu u bilaaban doonto berrito.

Dhinaca kale, gobolka Saaxil oo ay xaruntiisu tahay magaala-xeebeedda Berbera oo ay dadku ka xagaa baxeen ayaa ilaa shalay dadku dib ugu laabanayeen si ay isaga diiwaangeliyaan deegaankooda.

Diiwaangelinta ayaa loogu talagalay in gobol walba 5 maalmood in lagu dhammaystiro, iyada oo 15 maalmood oo kalena loo qorsheeyey in hawlwadeennada qaar ay sii joogaan goobaha si ay u diiwaangeliyaan wixii hadha.

Gobolka xiga oo ah Awdal ayaa isagana la bilaabayaa tababarka hawlwadeennada muddada 5ta maalmood ah ee diiwaangelintu ka socoto Saaxil.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra