Daahir Riyaale oo Badhasaab u magacaabay Gobolka Hawd
Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa badhasaab u magacaabay gobolka cusub ee Hawd oo xaruntiisu tahay magaalada Balligubadle.
Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka Madaxtooyadu, mudane Riyaale waxa uu Badhasaabka Gobolka Hawd u magacaabay inuu noqdo Cali Cawil Cabdi oo ahaa Badhasaabkuxigeenka gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa.
Gobolka Hawd wuxuu ka mid yahay 7 gobol oo cusub oo uu Daahir Riyaale magacaabay wax yar ka hor dhammaadka muddadiisii xilka ee sharciga ahayd, 15 May 2008.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday