Xukuumadda oo Faysal Cali Waraabe iyo Wefti uu hoggaaminayo iska hortaagtey inuu galo Degmada Gebiley

Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada xukuumadda Somaliland ayaa ka horjoogsadey Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo wefti ka tirsan xisbigiisa oo uu hoggaaminayey inay galaan magaalada Gebiley ee xarunta gobolka cusub ee Gebiley.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha la socdey oo saaka ka ambabaxay magaalada Hargeysa waxay ciidamadu ku joojiyeen, dibna uga soo celiyeen koontaroolka Caabudla oo u dhexaysa Arabsiiyo iyo Gebiley, kadib markii ciidamada halkaas joogaa ay u sheegeen in amar lagu siiyey in Guddoomiyaha iyo weftigiisu aanay gelin magaalada Gebiley ee ay dib u celiyaan, amarkaasina uu kaga yimi dhinaca madaxda sare ee xukuumadda.

Faysal Cali Waraabe iyo weftigiisa oo ujeeddada socdaalkooda Gebiley ay ahayd inay ka qaybgalaan xaflad loo sameeyey dhallinyaro reer Gebiley ah oo taageeraysa xisbiga UCID, isla markaana uu u furo xafiis ay degmadaa ka furanayeen, waxa uu saxaafadda kula hadlay barta koontoroolka ee laga soo celiyey, waxana uu si kulul u cambaareeyey tallaabada maamulka Daahir Riyaale kaga horjoogsadey magaalada Gebiley, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah oo muujinaysa kalsooni darrada iyo tamar darrada xukuumadda.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Daahir Riyaale iyo xukuumaddiisu ay doonayso inay dalka ka abuurto xaalad, si ay u carqaladayso doorashada soo socota, taas oo uu sheegay in iyaga aanay kala qaybqaadanayn ama u suuragelinayn. Sidaa darteedna uu dib ugu noqonayo Hargeysa.

Waa markii labaad ee masuuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah laga horjoogsado inay tagaan degmada Gebiley, iyada oo toddobaadkii horena ay xukuumaddu ciidamo xoog leh dhigtay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gebiley, kuwaas oo amar lagu siiyey inay soo celiyaan wixii siyaasiyiin ama xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE ah ee u socda Gebiley, iyada oo ay xukuumaddu ka duuleysey warar ay heshay oo ah in wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE uu tegayo Boorame, balse, ciidankaasi waxay dib u soo celiyeen Dr. Obolos oo ah Dhakhtar xubin ka ah xisbiga KULMIYE oo isagu socdaal shaqo oo shakhsi ah u tegayey degmada Gebiley.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa la sheegay inuu qoraal rasmi ah u qoray xisbiyada mucaaridka ah, isaga oo uga digaya inay sameeyaan olole siyaasadeed wakhtigan, maadaama aan la gaadhin wakhtigii ololaha doorashada.

Labada xisbi midna wax jawaab ah kama bixin warqaddaas la sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu u kala diray.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay ee xisbiga UDUB ayaa dad badani u arkaan in aanay xaq u lahayn inay ka hadlaan wakhtiga ololaha doorashadu uu furan yahay iyo wakhtiga aanu furnayn, taas oo ay ku doodayaan inay tahay xilka Komishanka Doorashooyinka iyo Guddida ka hoos dhisan ee Kormeerka iyo Anshaxa doorashada, isla markaana loo baahnaa xukuumaddu haddii ay cabasho ka qabto dhaqdhaqaaqa xisbiyada inay Komishanka u qorto.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra