Hoggaamiyayaasha xisbiyada Mucaaridka iyo xukuumadda oo Sheekh kaga qaybgalay Aaska Marxuum Cali Jirde

Sheekh (Somaliland.org) – Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Cali Sh. Maxamed Jirde oo lagu aasay magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Meydka Marxuumka oo saaka laga qaaday magaalada Hargeysa oo uu ku geeryoodey habeenkii Khamiistii, waxa kale oo ka qaybgalay aas iyo baroordiiq qaran oo lagu sagootiyey Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada, mudane Baashe Maxamed Faarax, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, siyaasiyiin door ah oo saddexda xisbi ah, masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, madax-dhaqameedyo, culima-udiin iyo dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimi gobolada dalka iyo degmada Sheekh. Waxayna masuuliyiintaasi ka warrameen taariikhdii marxuumka iyo aqoontii ay u lahaayeen, iyaga oo isku raacay inuu ahaa marxuumku shakhsi aan la koobi karin wixii uu ummadda u soo qabtay, qiimihii uu qaranka ugu fadhiyey. Waxay ku tilmaameen marxuumka inuu ahaa xil-kas, hawl-kar, daacad, aqoonyahan iyo oday dhawrsan oo dhaxal uga tegey ummadda. Waxaana halkaa looga akhriyey duco fara badan. Waxa kale oo ay masuuliyiintu xasuusiyeen dadkii aaska ka soo qaybgalay in qof waliba uu hurran yahay qabriga, sidaa darteed ay ku dedaalaan cibaadada iyo alle ka cabsiga.

Aaska Marxuumku waxa uu dhacay iyada oo uu da’ayo roob mahiigaan ah oo ka curtay deegaanka buuraleyda ah ee Sheekh markii Salaadda Jinaasada lagu tukadey Meydka Marxuumka.

Alle ha u naxariistee, Cali Jirde waxa uu ahaa Injineerkii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato, isla markaana wuxuu ahaa Guddoomiyaha ururka Bisha Cas ee Somaliland xilkaas oo uu hayey ilaa hadda oo uu geeryoodey. Waxa kale oo xubin ka ahaa guddida hay’adda Waddooyinka Somaliland.

Waxayna dad badani ku tilmaameen mucjiso in marxuumku uu shaqaynayey iyadoo da’diisu ku dhow dahay 100 jir, isla markaana maskaxdiisa iyo tamartiisa midna aan laga dareemin gabow.

Alle Naxariistii Janno ha siiyo Marxuum Cali Sh. Maxamed Jirde.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 

 


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra