Suldaan Reer Awdal ah oo Beeshiisa ugu Baaqay Shir-beeleed

Boorama (Jam)- Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ah madax-dhaqameedyada Awdal ayaa ugu baaqay beesha Makhaaiil [Samaroon] inay isugu yimaaddaan shirweyne ay danaha beesha kaga tashadaan maalinta ciidda Shuwaal.

Warsaxaafadeed uu Suldaanku ku soo hadal qaaday shirkan uu ku baaqay iyo talooyinkale oo uu beesha u soo jeediyay waxa uu u dhignaa sidan:

“Aniga oo ah Suldaan Sulaymaan Cali Ismaaciil waxa aan talo ku bixinayaa in Makaahiil maalinta ciidda Shuwaal la ciiddo in la isugu yimaaddo shir ballaadhan oo ay u dhan yihiin beelaha Makaahiil seeraha magaalada Boorama, taas oo nabadgalyada dalka lagu ilaalinayo danaha beelaha Makaahiilna lagaga wada hadlayo.

Waa in guddi balaadhjan loo dhiso taas oo loo xambaariyo wixii arin la moodo makaahiilna daryeelo, hadeedna lagala xisaabtamo, wixii cudur dhexdiisa jirayna lagu xalliyo, wixii aan u cunttamayn beesha ee tolkood ka dhexeeyana inuu diido sida sadex qaybood maya.”

Haddaba shirka ka bacdi waxa talo ah.

- In qodobada la isla meel dhigo lagaga wada hadlo meel qarsoodi ah oo aan banaankana lagu falanqayn.

- Makaahiilka qurba jooga ahna way u furan tahay wixii talo ah ee uu ku darsanayo.

- Reerkasta danihiisa hoose isagaa wadanaya laakiin waa inay jirto ujeedo guud oo Makaahiil leeyahay.

- In laga taxadiro diiwaangalinta codbixiyeyaasha, waa in qofkastaa u yeedho dadka ehelkiisa ah ama xigtadiisa ah hadduu Ethiobia joogo ama DJibuti joogo sababta oo a hal cod ayaa lagu kala adkaanayaa.

Waxa la yidhi meesha aan dugaaga lahayn awrtu marka ay doonto way isaga tagtaa, reeraha iyo geella kaleba oo inta ay doonto ayay maqnaataa, waaga ay doonto ayayna ku soo laabataa mana aha inuu Makaahiil sidaas oo kale noqdo.

Waan badanahay iyo isla waynidana waa lagu dagtaa, gudida aan halkaa ku xusayna waa in loo sameeyaa guddi kale oo 6 biloodba mar la xisaabtanta, wixii xog ay ka heshana u gudbisa waxgaradka beesha.

Makaahiil marka uu danihiisa dhamaysto ama toosiyo waxa uu la xidhiidhi doonaa Samaroon kale ee dagan Awdal iyo Selel, Beesha Ciise, qabaailada laga tirada badan yahay iyo qabaai,lada kale ee kula nool Somaliland iyo cidii danuhu isku qaban karaan oo dhan.

Gabagabadii Makaahiil waxa uu u hawlgali doonaa dadweynaha ku nool gobolada Awdal iyo Selel ee mudadadii dhaweyd xoolihii iyo saraciiba ka baaba,ay isaga oo la kaashanaya maamulka dawladda ee dalka ka dhisan.

 

Xigasho: Jamhuuriya


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra