Kormeer Wefti Komishanka Doorashooyinka Qaranku ugu kala baxayo Saaxil iyo Awdal
Hargeysa (Somaliland.org) - Wefti ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo guddida farsamo ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa berrito u ambabaxaya socdaal ay ku soo kormeerayaan Gobolka Saaxil oo ah gobolka ugu horreeya ee loo qorsheeyey in diiwaangelinta codbixiyayaashu ka bilaabmato 14ka bishan October.
Weftiga Komishanka iyo Guddida Diiwaangelinta oo uu horkici doono Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, Cali Maxamed Cabdulle waxay u gogol-xaadhayaan bilowga hawsha diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo dhawr maalmood ka hadhay wakhtigii loo cayimay inay dalka ka bilaabanto, iyaga oo isla markaana u kuurgelaya xaaladda gobolkaas, duruufaha ka jira iyo sida ay uga suurageli karto diiwaangelintu.
Gobolka Saaxil oo Komishanku go’aamiyey inuu noqdo gobolka ugu horreeya ee laga fulinayo diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa maalmahan u dambeeyey odayaasha, waxgaradka iyo maamulka gobolkaas waxa ka soo yeedhayey cabasho xoog leh oo ay ku diiddan yihiin in gobolkooda loogu horraysiiyo diiwaangelinta, iyaga oo ku doodaya in gobolka Saaxil, gaar ahaan, xaruntiisa Berbera iyo deegaamada xeebta ee la xidhiidhi ay dadkii ka maqan yihiin xilligan, ayna dadku ka xagaa baxeen, iyada oo lagu jiro wakhtigii kulaylaha. Waxayna dalbanayaan in wax laga beddelo qorshaha kala hormarinta gobolada, meel dhexena la geliyo ama loogu dambaysiiyo gobolkooda.
Ma cadda weftiga Komishanka iyo Guddida Diiwaangelintu inuu la xidhiidho cabashada odayaasha deegaanka Berbera oo Hargeysa u yimi inay xukuumadda iyo Komishankaba kala hadlaan arrintaas.
Guddoomiyaha Komishanka, Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-weyne), ayaa garawshiiyo ka bixiyey cabashada reer Saaxil. Waxana uu sheegay Guddoomiyaha - oo xalay u warramay wargeyska Ogaal - in odayaashaas ay si fiican isu afgarteen, hawshaasna ay isla wadaan.
Hase yeeshee, guddoomiyuhu isaga oo ka hadlaya wakhtiga yar ee ka hadhay maalinta loo cayimay in Diiwaangelinta la bilaabo oo ah 14ka Oktoobar, waxa uu sheegay in qalabkii iyo hawlwadeenadiiba ay diyaar yihiin oo ay u direen Berbera oo diiwaangelintu ka bilaabmayso 14 bisha.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in wefti kale oo Komishanka ahi ay u bixi doonaan gobolka Awdal oo isaguna ah Gobolka 2aad ee ku xigaya Saaxil, si ay ugu sii tabaabusheeyaan ayuu yidhi diyaargarowga diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Jadwal hore Komishanku u shaaciyey ayaa tilmaamayey in gobolka Awdal laga bilaabayo diiwaangelinta, gobolka Saaxilna uu ku xigayo, lamana oga wakhtiga iyo sababta Komishanku u beddelay qorshahaas hore. Waxaana soo baxay warar sheegaya in reer Awdal ay diideen in loogu horraysiiyo diiwaangelinta codbixiyayaasha, taasina ay keentay in Komishanku uu qorshahaas beddelo.
Gudoomiyaha Komishanka, Maxamed Ismaaciil oo uu wargeysku weydiiyey wax ka jira wararkaas ayaa isagu beeniyey, waxana uu yidhi, “Sheekadaa anagu ma hayno. Annaga ayaa dooranay, sababna waanu u dooranay Saaxil.”
Wakhtiga loogu talagalay in diiwaangelintu si rasmi ah u bilaabanto oo soo gudagalay, baaxadda hawsha iyo diyaargarowga oo weli qabyo ka muuqato ayaa dad badan geliyey werwer in diiwaangelintu ay ku bilaabanto si qarba-qarbo ah.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday