Koox uu hoggaaminayo Ibraahim Dhegaweyne iyo Xisbiga UCID oo Wadahadal fool-ka-fool ah isku horfadhiistay

Muj. Dhagaweyne iyo Muj. Muuse Biixi, Shirweynihii KULMIYE, Hargeisa March 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo ka mid ahaa taageerayaasha Cabdiraxmaan Aw Cali ee ka cadhooday Shirkii Golaha Dhexe ee xisbigu ku doortay musharraxiintiisa Madaxweynaha iyo M/weynekuxigeenka iyo koox uu hoggaaminayo ayaa maanta wadahadal toos ah la bilaabay xisbiga UCID.

Sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa, Muj. Ibraahim Dhegaweyne iyo kooxda uu hoggaaminayey oo isugu jira odayaal iyo siyaasiyiin waxa ay hoggaanka xisbiga UCID oo iyana ay weheliyeen odayaal ka mid ah taageerayaasha xisbigaasi waxay ku kulmeen martiqaad qado ah oo uu xisbigu u sameeyey kooxdaas, Baar Dalxiis, kadibna waxa la sheegay inay wadahadal u fadhiisteen Hotel Ambassador.

Lama garanayo arrimaha ay labada dhinac ka wadahadlayeen iyo waxa ka soo baxay midna.

Hase yeeshee, warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in casuumaddan iyo wadahadalkan laba geesoodka ahi uu ka dambeeyey xidhiidh iyo kulamo si hoose ugu socdey xisbiga UCID iyo kooxda Dhegaweyne, waxaana la sheegay in laba kulan hore ay ka horreeyeen kulankan maanta.

Sida ay wararkaasi sheegayaan Ibraahim Dhegaweyne iyo kooxdiisu kuma metelayn wadahadalka iyo xidhiidhka xisbiga UCID kooxdii xisbiga KULMIYE ee ka cadhootay Shirkii Golaha Dhexe, balse, waxa la sheegay inay ku socdeen qaab beeleed, wadahadalkuna uu ku salaysnaa, iyada oo arrimaha laga wadahadlayeyna nuxurkooda lagu tilmaamay sidii xisbiga UCID iyo beeshaasi ay wax u wada qabsan lahaayeen.

Wadahadalkan maanta ayaa la sheegay in la isla qaatay iskaashiga siyaasadeed, isla markaana loo ballamay kulamo kale.

Dad xogogaal ah ayaa sheegaya in aanay qorshaha ku jirin in xaflad loo sameeyo ku biiritaankooda xisbiga UCID, balse, ay ku wada shaqeeyaan heshiis iskaashi.

Kooxda uu Ibraahim Dhegaweyne horkacayo ayaa la sheegay inay u badan yihiin koox la baxday “Isbeddel-doonka Habar Awal” oo horraantii sannadkan ku biirtay xisbiga KULMIYE, waxyar ka hor Shirweynihii 2aad ee xisbiga.

Intii ay socdeen wadahadaladii la isugu soo dabaalayey xisbiga KULMIYE, kadib khilaafkii ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ayay soo baxeen warar sheegaya in Kooxda Cabdiraxmaan Aw Cali taageersan oo uu ka mid yahay Ibraahim Dhegaweyne ay xidhiidh baayactan ah la sameeyeen xisbiga UCID, isla markaana ay weydiisteen hoggaanka xisbigaas in uu Cabdiraxmaan Aw Cali u qaato musharraxa Madaxweynekuxigeenka.

Hase yeeshee, warkaas waxa beeniyey Cabdiraxmaan Aw Cali oo ku tilmaamay war aanay waxba ka jirin oo uu sheegay inay fidinayaan dad sii kala fogeynaya xisbiga. Waxana uu sheegay in isagu uu ka mid yahay dadka xisbiga KULMIYE leh, gudihiisana ay doonayaan inay wax ka toosiyaan.

Ma cadda in Ibraahim Dhegaweyne iyo kooxda uu hoggaaminayaa ay sahan u yihiin Cabdiraxmaan Aw Cali iyo in gorgortanka ama arrimaha laga wadahadlay uu ku jiro Musharraxa Madaxweynekuxigeenku.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra