Baroordiiqda Geerida Inj. Cali Jirde iyo Aaskiisa oo Berrito ee Sheekh

Hargeysa (Somaliland.org) - Injineerkii ugu horreeyey dhinaca dhismaha ee Soomaaliyeed, haatanna ahaa Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland, Inj. Cali Sh. Maxamed Jirde ayaa xalay ku geeryoodey cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, isaga oo dhawr iyo Sagaashan jir ah, waxaana berrito lagu aasayaa magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil, halkaas oo berrito aas iyo baroordiiq heer qaran ah loogu samayn doono.

Meydka Marxuumka ayaa berrito laga qaadi doonaa magaalada Hargeysa, iyada oo ay sii raaci doonaan masuuliyiin door ah, ehelada Marxuumka iyo dadweyne kale oo aad u fara badan oo ka qaybgelaya aaska marxuumka. Waxaana la sheegay in Marxuumku ku dardaarmay in lagu aaso Degmada Sheekh, halkaas oo ay ku aasan yihiin Aabihii iyo Marxuumka Xaaskiisiiba, iyada oo isla markaana Marxuumka Aabihii Sheekh Maxamed uu ka mid ahaa bud-dhigayaashii iyo dadka sida weyn looga xurmeeyo Xarunta Diinta ee Degmada Sheekh ay Caanka ku tahay ee Dariiqada, taas oo uu Marxuumkuna uu ka ahaa Sheekhul-dariiqo.

Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE, ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo Dariiqada Diinta ee degmada Sheekh.

Xisbigu dhambaalkiisa tacsida oo laga soo saaray xarunta Dhexe ee xisbiga, waxa uu u qoray sidan: “Dhammaan xubnaha Xisbiga KULMIYE , Hoggaanka sare ee Xisbiga, Golihiisa dhexe, Guddigiisa Fulinta , iyo taageerayaasha Xisbiga ee gudaha iyo Dibedaba, waxay tacsi u dirayaan dhammaan shacbiweynaha reer Somaliland , geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Cali Sh. Maxamed Jirde , oo xalay 08.10.2008, ku geeriyooday magaalada Hargeisa, marxuumka oo ahaa Gudoomiyihii Hay?adda Bisha Cas ee Somaliland, gaar ahaana waxay tacsidaasi gaadhsiinayaan qoyskii , eheladii, iyo Dariiqada Diinta Islaamka ee uu ka baxay Marxuum Cali Sh. Maxamed Jirde.

Waxaana marxuumka Ilaahay ay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaanteena Samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin, aamiin INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.”

Sidoo kale, Madaxweynaha xilka sii haya ee Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa isaguna Dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo uga tacsiyeeyey geerida ku timi Alle ha u Naxariistee Marxuum Cali Sh. Maxamed Jirde.

Guddoomiyaha Xisbigu KULMIYE iyo xubno door ah oo ka tirsan xisbigaas ayaa ka qaybgelaya Aaska Marxuumka. Xukuumadda Riyaale ayaa iyana la filayaa inay si ballaadhan uga qaybgasho aaska Marxuumka.

Alle ha u naxariistee, Inj. Cali Jirde waxa uu ku dhashay degmada Sheekh sannadkii 1916kii, wuxuuna ka mid noqday ardaydii u horreysey ee ka aflaxdey dugsiga Sheekh wakhtigii Ingiriisku uu xukumayey Somaliland, kadibna waxa waxbarasho loo geeyey dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ku soo bartay cilmiga dhismaha, wuxuuna noqday Injineerkii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Cali Jirde cilmigii Injineernimada ee soo bartay waxa uu kula soo noqday dalka, wuxuuna fuliyey dhismayaal badan oo ah kuwa adeegga guud sida Cusbitaallo, iskuullo iyo xafiisyada dowladda wakhtigii Ingiriisku xukumayey Somaliland, kuwaas oo qaarkood ilaa iyo hadda la isticmaalo. Sidoo kale, waxa uu dhisay waddooyinkii ugu horreeyey ee laami ah ee magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa laga sameeyo, waxaana ka mid ah waddada Shacabka Hargeysa, taas oo uu dhismaheeda ka soo bilaabay Madaarka Hargeysa ilaa gurigii la odhan jirey State House-ka.

Markii Somaliland xorriyadeeda qaadatay ee ay la midowdey Soomaaliyadii Talyaanigu gumeysan jirey waxa sii waday inuu ku sii shaqeeyo aqoontiisa Injineernimo, isaga oo ahaa Injineerka keliya ee Soomaaliyaba leedahay, wuxuuna dowladdii Soomaaliya ka qabtay xilal iyo shaqooyin kala duwan.

Laga soo bilaabo 1995, marxuumku wuxuu ahaa Guddoomiyaha ururka Bisha Cas ee Somaliland, taas oo uu wax badan ka qabtay. Waxa kale oo uu hayey xil diblomaasiyadeed, isaga oo ahaa Wakiil-sharafeed waddamada Iskandaneefiyanka (Scandinavian) u fadhiya Somaliland.

Alle ha u naxariisto Cali Jirde, qoyskii uu ka baxay iyo shacbiga Somalilandna Samir iyo Iimaan ha ka siiyo. Innaa Lillaah wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra