Allaha ha u naxariistee Ali Jirde, oo ahaa Engineerkii ugu horeeyay ee Somaliyeed, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeisa ee caasimada dalka Somaliland
Ali Jirde, oo ahaa Engineerkii ugu horeeyay ee Somaliyeed, isla markaana ahaan jirayay Danjirihii Scandanavainka u Qaabilsanaan jiray arimaha Somaliland iyo Somalia ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeisa ee caasimada dalka Somaliland.
Ali Jirde ayaa todobaadkii ugu danbeeyay ku xanuusanayay cisbitaalka Hargeisa. Waxaana anagoo ah shaqaalaha iyo hawlwadeenada shabakada Somaliland.Org halkan aanu tacsi uga diraynaa dhamaan ummada reer Somaliland, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay Marxuumka Ali Jirde. Isagana waxaan ilaahay uga bararynaa in ilaahay naxariistii jano ka waraabsho, qabrigana u nuuro. Aaamiin
Waxaanu dib idinku soo gudbin doonaa taariikh nololeedkii Marxuumka Ali Sheikh Maxamed Jirde mudooyinka soo socda hadii ale yidhaah




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday