Xoghayihii UDUB Ee Gobolka Awdal Oo Iska Casilay Xilka Iyo Xubinimadii Xisbigaas

“Ragga Qarsoon Ee Igu Haystay Maamulka Xisbiga Waxan U Sheegayaa Inaan U Baneeyey, Si Xor Ahna Ha U Fadhiistaan”

Xoghayihii xisbiga talada haya UDUB ee gobolka Awdal Axmed Muumin Seed, isla markaana ahaa ku simaha wakiilka xisbigaasi ee heer gobol, xilligan ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi isla markaana uu ka baxay xisbiga UDUB, ka dib markii sida uu sheegay ay faro galini kaga timid dhinaca Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Axmed Muumin Seed ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay Shir Jaraaid oo uu shalay ku qabtay Huteel Rays, waxaanu xoghayuhu ka hadlay dhibaatadii ka soo qabsatay xisbiga iyo hawlihii uu u soo qabtay muddadii uu xilkaasi hayey ahayd ilaa iyo 2005-tii.

Axmed Muumin Seed oo arintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Anigoo ah Axmed Muumin Seed ahaana xoghayihii xisbga UDUB ee gobolka Awdal waxaan xilka xoghayenimo ee xisbigaasi soo hayey ilaa 2005-tii, kana mid ahaa masuuliyiintii xisbigaasi ee ugu firfircoonaa ee gobolka Muddadaa aan hayey xilka xoghayenimada waxa ii dheerayd anigoo hayey xilka guddoomiyaha ama wakiilka xisbiga ee gobolka oo muddadaasi ka maqnaa xilka, ilaa shalayna sidii aan u hayey qof kastaa wuu garanayaa culayska ay leedahay, Ma jiraan wax dhaqaale ah oo lagu shaqeeyaa, waxanan u dhabar adagygayey waxay ahayd iyadoo wax walba uu igala weynaa xisbga UDUB inuu midaysnaado, korna loo qaado, waxaanan mar kasta isku qancinayey anigoo taageerayaal badan ku lahaa iyo kalsooni, kuna iloobayey dhib kasta oo isoo foodsaarta.

Waxa shalay igu kellifay inaan shirkan isugu kiin yeedho waxay tahay sidaad ogtihiin waxa dalka ka socda magacaabista xubnihii goob joogayaasha ka ahaan lahaa hawlaha diiwaangelinta, Kadib wada tashi badan ayaan soo saaray magacyadii nooga qaybgeli lahaa, anagoo ka wada hadallayna masuuliyiinta xisbiga UDUB ee heer gobol, maamulka dawladda, cuqaasha, salaadiinta iyo waxgaradka, Waxaan ka wada haddalay ciddii anfacaysa xisbiga ee goob jooge noqon karta, anigoo soo saaray laba liis oo mid ahaa kii 153-ka goobood ee gobolka Awdal, midna waxa uu ahaa 56 xubnood oo ahaa kuwii la shaqayn lahaa komishanka, waxanan u gudbiyey hogganka sare ee xisbiga, Shalay ayaa la igu soo wargeliyey inaan soo gudbiyo liisakaasi 56-ka xubnood, anigoo gudbiyey xubnihii ugu daacadsanaa, uguna firfircoonaa oo aan muddo badan kala sifeyntooda ku daba jirayMarkii aan liiskaasi gudbiyeyna waan u sheegay inay shaqadaasi u diyaargaroobaan, Isla maalintii, ama 6-dii bishii siddeedaad ayaa waxa isoo gaadhay liis ka kooban 55 xubnood oo aan ahayn ama qofba kaga jirin liiskii anigu aan u gudbiyey madaxda sare ee xisbiga Kadib waxaan arrintaasi kala hadlay ama aan weydiiyey xoghayhaha Guud ee xisbiga Bulaale iyo Ina Cabdi Malow oo u qaabilsan abaabulka waxayna iigu jawaabeen dibbaan isugu noqoqnaynaa, anigoo weliba u sheegay madaxdaasi inaanan garanayn dadkan ay soo direen oo xitaa haddaan shaqo u diri lahaa magacdoodaba ama. wejiyadoodadaba aanan garanayn, Magacaabista xubnahan ayaan anigu ku saleeyey dheelitirka beelaha, kuwa laga tirada badanyahay iyo dadka kale ee gobolka nala deggen ee u dhashay gobolada kale, anigoo dhawaan soo bandhigi doona faraqa u dhexeeya labada liis ee mid aan magacaabay midna la ii keenay si loo ogaado cidda sax ah ee caddaladda ku shaqaysay iyo ciddii si kale wax u magacawdayba, Tallaabadaasi qaldan markii aan arkay ee heer qaran oo xisbigaygii ah igaga timi, taas oo lagu qaatay liis uu gudbiyey nin shicib ah oo gobolka jooga lana diiday kii aan gudbiyey waxan shalay oo bishu ay tahay 7-da Octobar, waxan iska casilay xilkii xoghayenimo ee gobolka, kana baxay xubinimadii xisbigaasi.

Waxan u mahadcelinayaa cid kastoo ila soo shaqaysay, taageerayaashii iyo shacbigii ila soo shaqeeyey muddaadaasi.

Intaa kadib ayaa su’aalo la xidhiidha tallabooyinka siyaasadeed ee u qaadi doono suxufiyiin joogtay weydiiyeen xoghayihii hore ee xisbiga UDUB Axmed Muumin Seed, isagoo sheegay inaanu imika ka hadli doonin halka ay siyaasaddisu saldhigan doonto xisbiga uu ku biiri doono iyo arrimo kaleba uu dib ka soo sheegi doono.

Waxa kale oo la weydiiyey dadka shicibka ah ee ku soo farageliyey hawshii xisbiga uu u hayey isagoo magacaabay nin la yidhaa Xasan Ciid oo reer Boorama ah, isagoo weliba intaa raaciyey ”Waxan shalay fasaxay cid kastoo qarsoonayd oo hawsha xisbiga sida hoose iila wadday inay shalay si xor u fadhiisan karaan kursiga aan ka tegey ” .

Axmed Muumin Seed, ayaa intii uu xilka hayey waxa uu ahaa shakhsiga keliya ee ku hadli jiray afka xisbiga isla markaana ka daafici jiray eedeymo kasta oo kaga yimaadda axsaabta kale ee mucaaradka iyo shakhsiyaadkaba .

Lama oga ilaa imika cidda qaban doonta mansabka uu banneeyey xoghayihii hore kaas oo ka mid ah shakhsiyaadka farakutiriska ah ee ka dhiidhiya waxyaalaha ay u dulqaataan shaqaale iyo siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbiga dawladda.

Xigasho: Haatuf


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra