OGAAL, Isniin: Guddiga doorashooyinka oo xisbiyada ku amaanay dhexdhexaadinta khilaafka dhexdooda

“Xubnaha Komishanka doorashooyinku wax derajo ah oo ay kala leeyihiin ma jirto”
Cali Biikolo

Hargeysa (Ogaal) Hogaanka Komishanka doorashooyinka ayaa xisbiyada uga mahadnaqay dhexdhexaadin ay ka galeen khilaaf soo dhexgalay xubnaha Komishanka, kaasoo ay baajiyaan xil-ka-qaadis lala damacsanaa hogaanka Guddiga doorashooyinka.

“Illaa shalay ilaa xalay (doraad iyo habeen hore) sida aanu jaraa’idkana aanu ku aragnay waxa jiray hawl aad dadku u hadal hayaan oo ku saabsan khilaaf iyo in isbedel lagu sameeyo hoggaanka Komishianka. Mushkiladi ma jirto, isbedel wuu iman karaa nidaamka maamul iyo arrimaha socdana waa la isku khilaafi karaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka doorashooyinka Cali Maxamed Cabdalla (Biikolo) oo shalay Saxaafaddu wax ka waydiisay khilaaf kala qaybiyay xubnaha Guddiga. “Xubnaha todobada ah ee Guddiga doorashooyinku wax darajo ah oo ay kala leeyihiin ma jirto, hab bay ku wada magacaaban yihiin, shaqo isku mid ah oo wadareed ayay wada leeyihiin Guddoonkana iyagaa sameystay oo doortay xili kastana way iman kartaa in isbedel lagu sameeyo, wax ay yeelayso gedi socodka hawlaha Komishinkana ma jirto,” ayuu yidhi Mr. Biikolo.

Guddoomiye ku-xigeenka oo la waydiiyay in dhexdhexaadintii xisbiyadu ay dib-u-dhigtay mooshinkii lagu doonayay xil-ka-qaadista Guddoomiye Kaboweyne, waxa uu ku jawaabay; “Xisbiyadu khilaafka komishanka suuqa ayuun bay ka maqleen, haddii ay noo yimaadeen wixii ay na yidhaahdeenba waanu uga mahadnaqaynaa, waayo waa dhinacyada loo garsoorayo, xaqna way u leeyihiin inay noo yimaadaan.” Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Kaboweyne oo isna wax laga waydiiyay hawlaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ayaa sheegay inay shalay si rasmi ah u bilaabantay tabobarka kooxaha sii tabobari doona hawlwadeenada Diiwaangelinta. “Waxaanu furnay oo maanta (shalay) bilaabmay tabobarka afartan xubnood oo ah kuwii khubaarada ajanabiga ah kala wareegi lahaa macluumaaadka ku kaydsan Computer-da ee lagaga hawl gelaayo diiwaan-gelinta, iyaguna waxay sii tababari doonaan shaqaalaha Diiwaan-gelinta gobolada,”ayuu yidhi Gudoomiyuhu.

KULMIYE iyo UCID oo jawaab kulul ka bixiyay eedaymo uga yimi Wasiir Xukuumadda ka tirsan

“Anagu hadalka Wasiirka qaranka iyo gobollada Sool & Sanaag u dhagaysan mayno” Axmed-Siilaanyo

“Eedaynta Wasiirka waxaan ku tilmaami lahaa hadal meel waayay” Afhayeenka UCID

Hargeysa (Ogaal) – Labada Xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixiyay, isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay eedayn uu dhawaan u jeediyay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Somaliland Maxamuud Siciid Muxumed, taas oo uu ku sheegay in Xisbiyada mucaaridku ay u gudbiyeen Guddida doorashooyinka qaranka waraaqo ay ku dalbayaan in aan diiwaan-gelintu ka dhicin gobolada Sool iyo barriga Sanaag.

Ugu horayn Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Wargeyska Ogaal xalay khadka Teleefanka wax kaga waydiiyay arrintaas ayaa gaashaanka ku dhuftay suuragalnimada eedayntaas, isla markaana waxa uu sheegay in gobolada Sool iyo Sanaag ay dalka ka mid yihiin, xaqna u leeyihiin wax kasta oo ka suuragala gobolada kale ee dalka. “Sool iyo Sanaag dalka ayay ka mid yihiin, waxaanay xaq u leeyihiin inay helaan wax kasta oo ay gobolada kale ee dalku helaan. Meeshii loo arko in aanay diiwaan-gelin ama doorasho ka qabsoomayna guddi qiimaysa ayaa loo saarayaa ee wax cid gaar ahi gacanta ku haysato maaha, waxaananu ku rejo weynahay oo aanu aad u jecelahay in meel kasta oo dalka ka mid ah diiwaan-gelin iyo doorashooyin-ba ka dhacaan.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, isla markaana waxa uu ku dooday in aanay xisbi ahaan qabin dareen Komishanku ku baajinayo diiwaan-gelin ka dhacda gobolada bariga Somaliland. Guddoomiye Siilaanyo mar la waydiiyay in Wasiirka Ciyaaruhu uu ku dooday inay hayaan cadaymaha waraaqo ay Mucaaridku u gudbiyeen Guddiga doorashooyinka, kuwaas oo ay ku dalbayeen in aan diiwaan-gelin laga suuragelin barriga Sanaag iyo gobolka Sool, waxa uu ku jawaabay, “Anagu Wasiirka waxba waydiin mayno. Wasiirku dawlada ayuu u shaqeeyaa oo waa la garanayaa, anaguna hadalkiisa qaranka Somaliland iyo gobolada Sool iyo Sanaag u dhagaysan mayno, ee yaan isaga hadalkiisa naloo dhagaysan, mana jiraan waraaqo aanu Komishanka u gudbinay, cadaymaha uu sheegayo Wasiirkuna waydiiya.” Mar la sii waydiiyay haddiiba ay dhacdo in aan goboladaas diiwaan-gelini ka dhicin saamaynta ay xisbi ahaan ku yeelan karto, waxa uu sheegay in aanay diiwaan-gelintu wax ay u wanaajiso mooyee wax ay ka xumaynaysaa jirin, isla markaana ay diyaar u yihiin in guud ahaanba dalka diiwaan-gelin iyo doorashooyin ka dhacaan.

Sidoo kale Afhayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Maxamed oo isna dhinacooda xalay Ogaal wax ka waydiiyay waxa uu eedaymaha Wasiirku u jeediyay ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. “Horta danta Qaranka ayaa ka wayn danta Xisbi leeyahay, xataa haddii ay suuragal tahay in la gaadho xadka Somaliland ee barri in diiwaan-gelin iyo doorashooyin ka dhacaan anaga waa noo farxad, diyaar baananu u nahay UCID ahaan, cid kastaaba taageero haku lahaatee. Waxaa la raacayaa talada Guddiga doorashooyinka iyo xisbiyadu qiimaynta ay isla gartaan,” ayuu yidhi afhayeenku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Hadalka uu Wasiirka Ciyaruhu yidhi waa been cad oo uu sheegay, mana jirto wax diidmo ah oo ay xisbiyada Mucaaradku ula tageen Komishanka doorashooyinka, eedaynta Wasiirkana waxaan ku tilmaami lahaa hadal meel waayay oo uu iska yidhi oo aanay waxba ka jirin. Anagaa cid walba ka jecel in diiwaan-gelintu dalka ka dhacdo.” Xasan Xuseen waxa uu tilmaamay in aanay jirin dhibaato u diidaysa gobolada Sool iyo Sanaag in diiwaan-gelintu ka dhacdo, isla markaana ay haboon tahay in la gaadhsiiyo xadka Somaliland la leedahay Puntland, maadaama aanay jirin wax ka horjoogsanaya in la gaadhsiiyo jiida hore ee fadhiisinka ciidanka qaranka. Waxaanu ku doodday inuu xisbi ahaan ay rajaynayaan in aanay cidi kaga cod badan doonin gobolladaa haddii Diiwaangelintu ka hirgasho iyo haddii kaleba.

Go’aanka asxaabta, Gar-naqa maanta iyo gulufka isbedel-doonka

Saddexda xisbi oo qoraal wadajir ah u gudbiyay Komishanka doorashooyinka

Hargeysa (Hargeysa)- Saddexda xisbi siyaasaddeed ee Somaliland ayaa shalay qoraal rasmi ah oo wadajir u gudbiyay Komishanka doorashooyinka, kaasoo la xidhiidha sida ay u arkaan khilaafka soo dhexgalay xubnaha Guddiga doorashooyinka qaranka.

Inkasta oo aanay xisbiyadu saxaafadda u soo bandhigin nuxurka qoraalkooda, haddana sida ay tibaaxeen ilo ku dhow-dhow xisbiyadu, waxa qoraalkaa wadajirka ku saxeexnaa saddexda Xoghaye Guud ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, oo kala ah; Kayse Xasan Cige, Maxamed Ismaaciil Bulaale iyo Maxamed Xasan Baashe (Talaate). Warku wuxuu intaa ku daray in qoraalkaasi jawaab u ahaa dalab ay xubnaha Komishanka ee u ololaynaya isbedel lagu sameeyo hogaanka Guddigu xisbiyada ugu soo jeediyeen inay ku soo gudbiyaan qoraal rasmi ah oo la xidhiidha codsigooda ku saabsan hakinta isbedelka ay doonayaan. Isla markaana waxa la sheegay in xisbiyadu qoraalkooda ku caddeeyeen mawqifka ay ka taagan yihiin isbedel waqtigan lagu sameeyo hogaanka Komishanka, kaasoo ay sheegeen in hawlaha Diiwaan-gelinta ee ay haatan ku gudo jiraan aanay saamaxaynin. Sida ilahaasi tibaaxeen saddexda xisbi qaran waxay war-murtiyeedkooda gundhig uga dhigeen saddex qodob oo kala ah; hakinta isbedelka hogaanka Komishanka inta laga dhammaystirayo hawlaha Diiwaangelinta, mahadcelin ay ugu jeediyeen sida xubnaha isbedel-doonku uga aqbaleen hakinta mooshinkooda iyo in saddexda xisbi wax ka qaban doonaan sixitaanka dhaliilaha ay xubnahaasi u cuskadeen damacooda xil-ka-qaadista hogaanka Komishanka, kaasoo isla shalay ay mid mid ugu gudbiyeen xubnaha Komishanka. Sida xogahaasi tilmaameen, waxa la filayaa in subaxnimada maanta ay xubnaha ka socda xisbiyadu kulan la yeeshaan xubnaha Komishanka, kaasoo ay kaga garnigi doonaan dhaliilaha hogaanka Komishanka ee xubnaha isbedelka u tafoxaydani ku sababaynayaan damacooda.

“Somaliland Maamulkeedu ma rabaan dadka aqoonta leh oo LAPTOP bay ku tilmaamaan”

Axmed Maxamed Jowhari

“Markaan xilka qabto halay miisaamo, marka aan ka degayana halay miisaamo”

London (Ogaal) “Waxa jira Shaqsiyaad wadaniyiin ah oo iyagu inta ay is xilqaameen u olaleeya qadiyada Somaliland, si aynu u helno ictiraaf caalami ah. Waxa haboon in inta aynu is habayno aynu walaalaheenaa aynu u dirno fariin ficil ku jiro oo aynu ugu sheegayno in aanay hawsha ku keliyaysan doonin. Waxaanu rabnaa si ictiraaf loo helo in marka hore dadkeena iyo dalkeena ay ka muuqato inaynu shuruudihii ictiraafka buuxinay oo dadkeenu ay u hogaansamaan xukuumadda iyo shuruucda dalka taala, wadanka oo dhanna maamulku si buuxda u wada gaadho. Taas aad ayaan uga shaqayn doonaa, dadka ayaan dareensiin doonaa inay habka xukuumadda ku dhaqmaan, waxna ay iyagu qabsadaan.” Sidaa waxa yidhi Axmed Maxamed (Jawhari) oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u tartamayo murashaxa Madaxweyne-Kuxigeenka ee xisbiga UDUB dhexdiisa.

Mr. Jowhari oo Sabtidii khudbad dheer ka jeediyay kulan balaadhan oo lagu qabtay magaalada London, waxa uu faahfaahin ka bixiyay qorsheyaashiisa iyo sida uu u arko xaaladda guud ee waqtigan dalku ku jiro. Kulankaas oo ay ka qaybgaleen boqolaal qof oo ka mid ah Qurba-jooga Somaliland ee ku dhaqan cariga Ingiriiska, waxa uu Mr. Jowhari ku soo qaaday doorka Qurba-joogu kaga jiraan horumarinta dalka.

Hadalka Axmed Maxamed (Jowhari) ka jeediyay kulankaa London oo aad u dheeraa, waxa ka mid ahaa; “In badan ayaan ka baaraandegay in aan jagadan isu soo sharaxo, tan iyo maalintii uu fikirkani igu dhashay waxa is-weydiinayay, haddii aad isa sharaxdo waa maxay waxa aad dalkaaga iyo dadkaaga ku soo kordhin kartaa ee aad ugu faaiideyn kartaa? Wadankeena siyaasi la’aani kama jirto, kursi-doon gabaabsi kama aha, nin is leh adigaa kuwan maanta idin hogaaminaya mucaarid iyo muxaafidba dhaami lahaa inaguma yara. Markii aan anigu gaarkayga isu qanciyay ayaan wada-tashi la sameeyay dad aqoonyahano leh, siyaasada dalkeenana aad ula socda. Waxaan u soo bandhigay qorshahayga siyaasaddeed ee aan jagadan ku raadinayo, idinkana mudanayaal iyo marwooyin aan halkan maanta idin kula wadaagi doono. Waxa laga yaabaa inaad isweydiisaan muxuu Axmed Jowhari halkan oo London ah uu ugaga dhawaaqay musharaxnimadiisa iyadoo dalki inoo jiro in ku dhow 10000 oo kilometre. waad ka war haysaan bilicda iyo dhismayaasha quruxda badan ee ka jira magaalooyinkeena waaweyn Hargeysa, Burco iwm. Dib u dhiskaa kuwa meel mariyey waa idinka (qurbajooga), dawladdu weli mey awoodin iney dhisto dhismayaashii danta guud. UN ta mar ay samaysay baadhitaan waxay soo bandhigtay in $500,000.00 ay sannadkii qurba joogu u diraan Somaliland waana lacagtaas aad soo dirtaan ta horumarkaas uu dalku ku gaadhay, sidaad darteen ayaan idinka idiinku soo horreeyey inaan idiin sheego Musharaxnimadayda waayo idinka (qubajooga) ayuu dalku ku socdaa.

Dadkeenu wuxuu soo maray qaxooti, dagaal iyo dawlad la’aan, waxaan rabaa in aan dadka ku wacyigeliyo ku noolaanshaha dawladda iyo iney ictiraafaan iney dawlad jirta yihiin oo ay shuruucda iyo kala danbeynta ay u hogaan samaan. Waxa ay nu ku faanaa ineynu 18 sannaadood aynu nabad haysaney oo nabaddaas ay keeneen odayaashii dhaqanku dabeedna intii aqoonta la bidayey ay gaadhsiiyeen dalka marxaladda uu maanta marayo taas oo anay awood iyo aqoonba u lahayn iney hakaas sii dhaafiyaa, waxa jirtay in berigii hore qofka aqoonta leh aynu odhan jiray wuxuu ka soo baxay Sheekh ama Lafoole, taas maanta waa laga gudbay oo caalamku tignoolaji cusub iyo cilmiyo cusub ayaa la gaadhay, waxa jira dad reer Somaliland ah oo aqoontaas iyo cilmigaa cusub wata, waxa jira dad reer Somaaliland ah oo raggii isku fasalka ahaayeen ay maanta wadamo dunida ka mid ah ay Madaxweyneyaal ka yimiin ama boqoro, dadkaas haddii maamulka laga qayb geliyo faaiido ayey Somaliland u soo kordhin karaan oo wadamo saaxiibo ah ayey soo kordhin karaan, sidoo kale waxa jira dad reer Soomaliland ah oo aduunweynaha caan ku ah sida Jaamac Karaaciin oo reer Burco ah oo maanta ku jira saddexda tababare ee aduunka ugu fiican lagana yaabo inuu ka aduunka ugu fiican uu noqdo, wax weyn ayuu inoo tari lahaa haddii aynu sumcaddiisa isticmaalo. Taas waxa hortaagaan dadka maamulka Somaliland hayaa ma rabaan dad ka aqoon badani meesha iney yimaadaan waayo iyaga ayaa shaqadii waayeya oo dadka debada ka yimaada ee aqoonta leh waxay ku tilmaamaan LAPTOP. Waxaan rabaa inaan dadkaas maamulka iyo horumarka dalka aan ka qayb geliyo. Waxbarashada waxaan rabaa inaan wax ka qabto. Waxa jira reeraha ku nool dalka inqaar kood maalintii ay isticmaalaan in ku dhow $300 qaarna ay ku noolyihii hal doolar ($1) ama ka yar markaa waxa dhacday in dugsiyo gaar ah oo badan wadanka laga furay lacag badan oo fii ahna ardayda laga qaado macalimiintana ay siiyaan mushahar ka badan kan dawladdu bixiso markaa waxa dhacday dugsiyadii dawladda ay macalimiinti iskaga tagto oo kuwa gaarka ah ay shaqo u doontaan si ay u helaan masaariif ku filan, taasi waxay keentay in danyarti caruurtoodii ay dugsiyada geyn kari waayaan, markaa waxaanu isku dayeynaa in aanu arrintaa wax ka qabano oo wax barashada loo sinaayo, wad maqasheen in magaalo kasta laga Jaamicad, jaamicaddu waxay u baahantahay qalab iyo buugaag casri markaa waxaanu isku dayidoonaa inaanu meel isugui keeno jaamicadaha intii isu iman karta si ay qalabka iyo buugaagta ay uga wada faaiideystaan. Caafimaadka hadaad eegto, waxa jirta in dhakhtaradii did loo dhisay qalabka yaalaana uu yahay mid macquul ku ah dalad caalamka seddaad ka mid ah, dhakhaatiir aqoon leh oo inagu filanina wadanka way joogtaa ee waxa dhiman maamulkii isku xidhi lahaa si umaddu uga faaiideysato, dhakhtarku reer ayuu leeyahay caruur ayuu leeyahay uu rabo iney wax bartaan, markaa si uu masaariiftooda u helo waxay ku kaliftay inuu furto meel gaar ah oo uu ku shaqaysto dadkana ku eego, taas waxaanu rabnaa inaanu ka gudubno oo qofkasta uu ka faaiideysto wax qabadka caafimaadka. Maalin dhaweyto ayaan arkay nin aanu saaxiib nahay oo tagsi wada wuxuu ii hseegay inuu nin Maraykan ah madaarka ka soo qaaday ninkii ayaa ku yidhi ma Somali ayaad tahay markaasuu ku yidhi haa dabadeed wuxuu ma Somalia ayaad tahay mise Somaliland tagsiilihii ayaa yidhi oo miyaad kala taqaan markaasuu ninki iminka ayaan Hargeysa ka imid, ninkii hadalkii ayuu siiwaday oo wuxuu yidhi dakii waa dadka ugu firicoon dunida ee ugu wax qabadka badan waxaan arkay wadankoodii la baabi’iyey sida ay u dhisteen laakiin hadana adduunka cid ka liidataa ma jirto waayo dhakhtarka Hargeysa weli waxa yaala sterilizerkii 1956kii Ingiriisku keenay ayaa weli yaala kan cusubna waxa la siiyaa $400.

Igama aha inaan dhaliilayo xisbigayaga talada haya ee UDUB, balse xukuumaddu intii awoodeeda ahayd way qabatay ee faraska waxa usha loola dhacaa orodka ha kordhiyo.Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadaya, waxa jirta magaalo ingiriiska ku taala oo la yidhaahdo High Wicombe oo marka maayarka la doorto la miisaamo marka uu shaqadu dhamaatana la miisaamo. Markaa waxaan leeyahay marka aan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka qabto halay miisaamo marka aan ka degayana halay miisaamo.”

“Maxaa weli halkan I dhigay?!”

Warbixin

Addis-Ababa (NP/Ogaal)- Inkasta oo Dawladda Itoobiya Xabsiga ka sii daysay 8 Qof oo dhalashadoodu ka soo jeedo dalka Kenya oo iyaga iyo lafa qof oo kale loo haystay tuhun falal argagaxisanimo, haddana waxa ay wararku sheegayaan in uu halkaa ku xidhan yahay nin Soomaali ah, balse haysta dhalashada dalka Kanada. Kaas oo ay Ururka Xuquuqda Aadamaha ee Kanada uu sheegay in Jidh-dil loo geystay.

Sidaanu ka soo xiganay Wargeyska National Post, Dawladda Kanada ayaa la sheegay inay u dheg-taagayso Xukunka ama sii daynta ninkan oo lagu magacaabo Bashir Makhtal. Kaas oo ay Ururka Xuquuqda Aadamaha oo sheegay inay waraysi la yeesheen ninkan iyo nin kale oo la xidhan oo ah qofka kale ee la sheegay inuu Xabsiga ku weheliyo Mr. Makhtal, ayaa ka dayriyay xaaladdiisa Caafimaad. “Wuu luudayay. Lugta waxa kaga yaalay dhaawac wayn. Wuxuu u ekaa mid taag daran, waxaanu u ekaa mid gaajaysan.” Sidaa waxa lagu yidhi Warbixin ay soo saareen Ururka Xuquuqal-Insaanka ee fadhigiisu yahay Magaalada New York uu soo saaray, iyaga oo soo xiganaya qof goob-joog ah oo magaciisa ka gaabsaday. Inkasta oo aanay Warbixintani si toos ah ugu eedaynin Dawladda Itoobiya dawayn-la’aanta Mr. Bashiir Makhtal, haddana waxa lagu sheegay in Maxaabiista isaga la midka ah lagu sameeyay Jidh-dil ba’an iyo garaacis. Waxa kale oo lagu sheegay in nin la xidhan Bashir Makhtal uu sheegay in Itoobiyaanku ay cel-celis ah u waydiinayeen, “Ma waxaad ka mid tahay Al-Qaacida” ka dibna la garaaco haddii uu ‘Maya’ ku jawaabo. Bashir Makhtal ayaa la xidhay bishii December 2006 mar uu ka tallaabayay Xuduudka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya. Waxay Warbixintu sheegtay in si sir ah loogu duuliyay Muqdisho, halkaas oo loo gacan-geliyay bay Warbixintu tidhi Saraakiil Itoobiyaan ah, kuwaas oo geeyay Addis-Ababa. Dawladda Kanada ayaa sheegtay in qaar ka mid ah Dagaalyahannada Kooxaha ka dagaallama Somalia ay ahaayeen reer Kanada. Ninkan Soomaaliga ah, isla markaana dhalashada reer Kanada haysta ee Bashir Makhtal ayuu Wargeyskani faafiyay in markii hore ka tegay dalka Itoobiya oo uu tegay Toronto, Kanada. Kaas oo la sheegay in uu Awow u ahaa aasaasihii Jabhadda Xoraynta Ogadeeniya (ONLF), hase ahaatee Qoyskiisa ayaa sheegay in uu Somalia u iib geeyay Dhar Duug ah (Huudhaydh). Waxaanay Warbixintani sheegtay in Bashir kaligii meel gaar ah Xabsiga lagaga xidhay. Isla markaana uu Dil iyo del-delaad mutaysanayo haddii ay ku caddaato inuu weerar Milatari ku talo-jiray.

Saraakiil ka tirsan Dawladda Kanada ayaa la sheegay in ay booqasho ugu tageen Bashir Makhtal bishii July 2006, waxaanay Dawladda Itoobiya u sheegtay Kanada in loo qaban doono Looyar u dooda. Warbixintan oo loo bixiyay hal-ku-dheg ah, “Maxaa wali halkan I dhigay?!” waxay Dawladda Kanada u jeedisay in ay ugu baaqdo Dawladda Itoobiya in Mr. Bashir Maxkamad shacbi oo Caalami ah la soo taago ama la sii daayo si uu ugu noqdo dalka Kanada. Hase yeeshee Wasaaradda arrimaha Dibedda ayaan ka hadal arrintan.

Ma jiraa Xidhiidh ka dhaxeeya Budhcad-Badeedda & Dhinacyada Siyaasadda Somalia?

“Ma doonayo inaan wax ka sheego hubka aanu haysano, laakiin aan idhaahdo wuu ku filan yahay inaanu isku difaacno”

Sugulle – Afhayeenka Budhcad-Badeedka

Hobyo (UPI/Ogaal)- Hoggaamiyaha Kooxda Budhcad-Badeedka Soomaalida ee afduubka u haysta Markab laga leeyahay dalka Ukraine oo Hub ku rarnaa, ayaa sheegay in ay isu diyaarinayaan Dagaal ay la galaan Maraakiibta Dagaalka ee waddamada Maraykanka, Ruushka iyo quwadaha ku xeeran Markabkay haystaan, waqti uu Madaxweyne-xigeenka Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia socdaal ku saabsan wada-hadallo dhan ka ah Budhcad-badeedda ku joogo Magaalada Jabuuti. Waxaanu sheegay inay cudud Ciidan ahaaneed awood u leeyihiin difaaca weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca quwadaha Caalamka.

Sida ay faafisay Shabakadda Wararka ee United Press International, Mr. Sugulle Cali oo ah Hoggaamiyaha Kooxda Budhcad-Badeedda Soomaalida oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Sunday Times ee ka soo baxa Magaalada London ayaa sheegay in Kooxdiisu diyaarinayaan inay dagaallamaan. “Waxaanu isu diyaarinaynaa in aanu dagaal la galno oo aanu iska difaacno Ciidamo kasta.” Ayuu Sugulle u sheegay Sunday Times. Sugulle waxa kale oo uu ku dooday in Kooxdiisu awood ahaan, Ciidan ahaan iyo Hub ahaanba iska daafaci karaan Weerar kasta oo lagu qaado. “Waxaanu haynaa 60 qof oo diyaar u ah inay difaacaan Markabka. Waanu is-daafaci karnaa. Ma rabo inaan kuu sheego Hubka aanu haysano, laakiin kaliya aan yidhaahdo wuu nagu filan yahay.” Ayuu yidhi Sugulle Cali. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dad goob-joogayaal ahi u sheegeen in Xidhiidh dhexmaray Kooxaha ka dagaallama Muqdisho iyo Kooxaha Budhcad-Badeedda ah, kulankaas oo ku saabsanaa sidii Kooxaha Dagaalka kaga jira qaybo ka mid ah Somalia ee ka horjeeda Siyaasadda Cabdilaahi Yuusuf ay qayb ka mid ah Hubka Marakabka afduubka loo haysto u heli lahaayeen. Balse ay arrintaa ku gacan-saydheen Budhcad-Badeeddu. Hase yeeshee, waxa arrintaa beeniyay Sugulle. Waxaanu sheegay inay xidhiidh la leeyihiin Kooxaha SIyaasadda ee Somalia. “Ma jirto Xidhiidh aanu la leenahay dhinacyada iyo dhaqdhaqaaqyada Siyaasadda Somalia.” Ayuu yidhi Sugulle. Lix Markab oo kuwa Dagaalka ah ee Maraykanka ayaa Markabka Kooxdan u afduuban u jira ilaa 10-Mayl, kuwaas oo 5-Mayl u jira Xeebta Somalia ee Deegaanka Hobyo oo 400-Mayl dhinaca Waqooyi ka xiga Muqdisho. Sidoo kale waxa Wargeyskani shaaciyay in Ciidanka Milatariga Maraykanku uga digeen Kooxaha Afduubka geystay in ay wax Hub ah kala degaan Markabkay haystaan, haddii kale ay Weerari doonaan.

Dhinaca kale, Madaxweyne-xigeenka Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia Xasan Daahir Af-qudhac ayaa la sheegay inuu ku sugan Magaalada Jabuuti ee dalkaa Jabuuti, halkaas oo la sheegay inuu wadahadallo ku saabsan arrimaha Budhcad-Badeedka kula yeelan Saraakiisha Dawladda Maraykanka ee halkaa ku sugan. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in booqashada Af-qudhac ee Jabuuti oo qaadan doonta afar maalmood ay ka dambaysay ka dib markii Saraakiil Maraykan ahi toddobaadkii hore booqasho qarsoodi ah ku tageen halkaas.

Maamulka Cabdillaahi Yuusuf oo ka noqday aqoonsiga Abkhazia iyo S. Ossetia

Muqdisho (APA/Ogaal)- Maamulka TFG ee Somalia ayaa shalay beenisay hadal ka soo yeedhay Safiirka u fadhiya Magaalada Moscow ee Ruushka, kaas oo sheegayay in Maamulka Cabdilaahi Yuusuf u aqoonsaday Gobollada Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia dalal Madax bannaan. Waxaanay hadalkaas ku tilmaameen mid aanay Safiirkooda la qabin. Isla markaana waxa la sheegay in dib loo dhigay Shir la filayay in toddobaadkan ay Xukuumadda TFG oo dhami kaga qayb gasho Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Sida lagu baahiyay Shabakadda Wararka ee African Press Agency, Xukuumadda TFG ee Somalia ayaa sheegtay in aanay ka war haynin hadal uu toddobaadkii hore Warbaahinta Caalamka u sheegay oo ahaa in ay aqoonsanayaan Gobollada Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia, taas oo ay cadho ka muujisay Dawladda Georgia oo sheegtay in Gobolladani ay ka tirsan yihiin dalkooda. “Ma ogin meel Safiirkayagu ka keenay Warkaa, Dawladda Ku-meel-gaadhka ahina way beeninaysaa Warkiisaa oo aan ka turjumayn Siyaasadda arrimaha Dibedda ee Dawladda.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda TFG Maxamed Jaamac Cali oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho. Waxaanu sheegay in Safiirkooda oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Xandulle ay ugu yeedhi doonaan Magaalada Muqdisho si ay wax uga waydiiyaan hadalka uu ku dhawaaqay. “Safiirka waxaanu ugu yeedhi doonaa Muqdisho waxaananu waydiin doonaa waxa ku kallifay inuu sameeyo Warkan aan sharciga ahayn.” Ayuu yidhi Maxamed Jaamac. Jimcihii hore ayay ahayd markii Afhayeen u hadlay Wasaradda Arrimaha Dibedda Georgia oo soo xiganaya Safiirka Xukuumadda TFG ee Somalia uu ku dhawaaqay in Somalia ay qarka u saaran tahay aqoonsiga gobolladan. Taas oo ay soo dhaweeyeen Maamullo uu horkacayo Ruushku. Hase ahaatee, waxa arrintaa ku gacan-sayday oo farogelin siyaasadeed ku tilmaamay Dawladda Georgia.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda TFG Maxamed Jaamac Cali waxa uu sheegay in Shir la filayay inay dhammaan Xukuumadda TFG kaga qayb galaan Magaalada Nairobi toddobaadkan uu dib u dhacay, isla markaana loo riixay 26-ka bishan October. Shirkaas oo ay ka qayb gali doonaan Masuuliyiin ka socda qaybaha kala duwan ee TFG oo ay ka mid yihiin, Cabdilaahi Yuusuf, Ra’iisal-Wasaare Nuur-Cadde, Guddoomiyaha Baarlamaankooda, Wasiirrada, Xildhibaanada iyo Masuuliyiin kale. Kuwaas oo tegitaankooda Nairobi uu sheegay inay ka dambaysay ka dib markii Wasiirada arrimaha Dibedda ee Urur-Gobolleedka IGAD shir ay yeesheen ku go’aamiyeen in halkaa shir kula yeeshaan Masuuliyiinta TFG. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedada SHirkan, haddana waxa soo baxaya Warar sheegaya in lagaga hadlayo Xasilloonida iyo arrimaha Siyaasadda Somalia. “Waxaanu dhammaantayo tegi doonaa Nairobi si aanu uga jawaabno marti-qaad nooga yimi IGAD, laakiin ilaa hadda ma hayno wax faahfaahin ah oo arrintaa ku saabsan. Shirkaas waxay ahayd in todobaadka ugu horeeya ee bishan uu Kenya ka dhaco, laakin waxaa dib loo dhigay ilaa 26-ka bishan.” Ayuu yidhi Maxamed Jaamac. Maalin ka hor ayay ahayd markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka TFG Sh. Aadan Madoobe uu sheegay in aan weli la soo gaadhsiinin qorshaha shirkaas laga leeyahay, isagoo sheegay in aanay suurtogal ahayn Maamul dhan loo raro dal kale. “Arrin dhici karta ma aha in Dawlad dhan oo jirta loo raro dal kale, isla markaana lagaga hadlo aayaha Dawladdaas” ayuu yidhi Sh. Aadan Madoobe.

Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya dib-u-guurka dawlada Imbeghati iyo booqashada M/Rayaale ee Kiiniya?

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa lagu wadaa in uu dhawaan u boqoolo dalka Kiiniya, ka dib markii uu dhawaan marti-qaad ka helay Madaxweynaha dalkaas Mr. Kibaki, isla markaana waxa la filayaa in Golayaasha dawlada ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ee uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha ka yahay ay dib ugu laabato dalka Kiiniya oo markii hore lagu soo dhisay, taas oo uu ugu baaqay Urur Goboleedka IGAD. Inkasta oo Maamulka Cabdillaahi Yuusf wel-wel hor leh ku abuurtay yeedhmada IGAD, waxa hadana la filayaa in ay Golayaasha dawladaasi si dhakhso ah u tagaan Kiiniya, isla markaana waxa lagu rejo weyn yahay in halkaa lagu falanqayn doono xaalada qalafsan ee koonfurta Somaliland, xal u helida colaadaha dabada dheeraaday ee Soomaaliya ka socday wakhti aan ka yarayn labaataneeyo sanno, doorka dawlada Cabdillaahi Yuusuf iyo tamar-darrada ka soo if baxday, ka dib markii ay hanan kari wayday nabad ku soo dabaalida dalka loo igmaday. Iyada oo go’aanka IGAD la tilmaamayo in uu ka dhashay natiijada Shirkii Jabuuti dhawaan ka dhacay ee ay isku arkeen kooxaha iskaga soo horjeeda Koonfurta.

Hadaba, haddii aynu ku sii durugno dulucda qormadan, waxa jira dareemo iyo tibaaxo kala duwan oo si dadban daaha uga rogaya ujeedooyinka iyo xikmada ku duugan Safarka Madaxweyne Rayaale. Dadka qaar ayaa qaba dareen odhanaya casuumada Madaxweynaha Kiiniya u fidiyay dhigiisa Somaliland ma aha mid isaga si toos ah uga timi, hase ahaatee, waa mid wadamada ku bahoobay Ururka IGAD ay u soo mariyeen Madaxweyne Kibaki-ga Kiiniya, isla markaana ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii wadahadalada lagu wado in Ururkaasi la bilaabo dawlada ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, kaas oo xal lama dhaafaan ah loogu raadinayo koonfurta Soomaaliya, ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale lagala xaajoonayaa doorka ay Somaliland ku leedahay xal u helida khilaafka dabada dheeraaday ee koonfurta Soomaaliya. Ma jiraan warar rasmi ah oo ujeedada Safarka Madaxweynaha si toos ah shaaca uga qaadaya, hase ahaatee, waxa jira dareemado isa soo taraya, kuwaas oo qaarkood iftiiminayaan in Ururka IGAD uga faa’iidaysanayo in Mr. Rayaale ka tala bixiyo habkii iyo hanaankii ay Somaliland u soo martay nabadayntii iyo dib u heshiisiintii laga dhex abuuray beelaha wada dega Somaliland oo sidoo kale ay dirarta sokeeye ee Soomaaliya ka dami wayday soo martay, balse laga heshiiyay. Ma xuma haddii Somaliland wallaaleheeda Soomaaliya ee dhibaatada xalkeedu muda-dhaafay la dariska ah ay ugu gar-gaarto wixii talo, tusaale iyo khibrad ah ee ay ku dhaanto amaba ay ku kordhin karayso, iyada oo aan caadsaarnayn in ay wax badan ku kordhin karto Somaliland koonfurta. Hadana su’aalo ayaa ka taagan, kuwaasoo nuxurkoodu yahay xalinta Somaliland ka galayso arrimaha Soomaaliya, danta gaarka ah ee Somaliand ugu jirtaa waa maxay? Ururka IGAD haddiiba ay dhacdo oo Madaxweyne Rayaale ay kala hadlaan xal u helidaas muxuu ka iibinayaa ee uu kaga bedalanayaa wadamada ku bahoobay Urur-Goboleedka IGAD. Jawaabaha su’aalahaa qalinku kama jawaabayo, balse waxa uu u dhaafay Akhristaha.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Somaliland oo sannadkii 1991-kii ka goday ama madax-banaanideedii kala soo noqday dalweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya, ayaan weli Ictiraaf buuxa dunida ka helin, isla markaana loo arkaa mid ku xiiqday raadinta aqoonsi buuxa oo ay beesha caalamka ka hesho, halka ay dunida badankeeduna aqoonsiga Somaliland ku dhawaaqistiisa ku xidhayso dawladaha Afrikaanka ah ee inta ugu badani ay ka mid yihiin kuwa ku bahoobay Ururka IGAD. Sidaa daraadeed, waxa jira aragtiyo soo baxaya, kuwaas oo saadaalinaya in Ururka IGAD Somaliland u balan-qaadayo in haddii ay ka shaqayso xal u helida duruufaha Soomaaliya oo ay uga faa’iidaysato khibradii ay khilaafaadkii dhexdeeda ku xalisay, abaal-gudka ay Somaliland IGAD ka helaysaana Madaxweyne Rayaale lagu soo siin doono balan-qaad ah in ay wadamadaas ku bahoobay IGAD aqoonsan doonaan madax-banaanida Somaliland. Halka ay aragtiyo kale ka tilmaamayaan, waxa loo sheegayaa Madaxweyne Rayaale in ay xaliyaan arrimaha Soomaaliya ka dibna ay Somaliland iyo Soomaaliya ka wadahadli doonaan arrimaha madax-banaanida, maadaama ay markii hore ahaayeen hal dal, welina aanay jirin dawlad Soomaaliyeed oo hore ula ogolaatay dib ula noqoshada madax-banaanideeda. Isku soo wada duuboo, wax waliba waxa ay ku xidhan yihiin, isla markaana uu qalinku faaqidaadiisa la sugayaa, raadka iyo dulucda muuqaalka uu yeesho safarka la filayo in Madaxweyne Rayaale ku tago dalka Kiiniya oo natiijada ka soo baxdaa ay dareemada kor ku xusan markhaati u noqon karto ama ay meesha ka saari karto.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra