QUDBADA JOWHARI: Musharaxa Isu Soo Sharaxay Jagada Musharaxnimada Madaxweyne Kuxigeenka
QUDBADA JOWHARI
XAFLAADU WAXAY KA DHACDAY OXFORD HOUSE LONDON
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Maanta Waxa aan idin hor jooga aniga oo ah Musharax u taagan jagada Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland. Aniga oo iska soo sharaxaya xisbigayga UDUB.
Ma rabo in aan ku dheeraado taariikhda Somaliland iyo marxladahii kala duwanaa ee ay soo martay oo aad dhamaantiin aan hubo in aad ka dheregsantihiin. Waxa aynu la wada soconaa in dib u soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland aanay dhayal ku iman, halgan dhiig badan ku daatay ayaa loo soo maray, dhibaatooyin farabadana waa lagala kulmay sidii mar labaad aynu ula soo noqon lahayn madaxbanaanideenii luntay. Haddii aanu nahay dadka reer Somaliland masuuliyad ayaa inaga saaran in aan hubaal ka dhigno in halgan kaas qadhaadh ee ay hormoodka ka ahayd jabhadii SNM aynu miisaankiisa garano, markastana aynu af iyo ficilba ku sharafno xasuusta mujaahidiintaas, iyadoo maanta halkan uu inala joogo Ahxmed Mire oo ka mid ahaa Madaxdii iyo Saraakiishii hogaamineysey SNM.
In badan ayaan ka baaraandegay in aan jagadan isu soo sharaxo, tan iyo maalintii uu fikirkani igu dhashay waxa is-weydiinayay, haddii aad isa sharaxdo waa maxay waxa aad dalkaaga iyo dadkaaga ku soo kordhin kartaa ee aad ugu faaiideyn kartaa? Wadankeena siyaasi la’aani kama jirto, kursi-doon gabaabsi kama aha, nin is leh adigaa kuwan maanta idin hogaaminaya mucaarid iyo muxaafidba dhaami lahaa inaguma yara. Markii aan anigu gaarkay isu qanciyay ayaan wada-tashi la samaystay dad aqoonyahano leh, oo siyaasada dalkeena aad ula socda, aniga oo dadkaas u bandhigay qorshahayga siyaasadeed ee aan jagada ku raadinayo, idinkana, mudanayaal iyo marwooyin, aan halkan maanta idin kula wadaagi doono.
Waxa laga yaabaa inaad isweydiisaan muxuu Axmed Jowhari halkan oo London ah uugaga dhawaaqay musharaxnimadiisa iyadoo dalki inoo jiro in ku dhow 10000 oo kilometre. waad ka war haysaan bilicda iyo dhismayaasha quruxda badan ee ka jira magaalooyinkeena waaweyn Hargeysa, Burco iwm. Dib u dhiskaa kuwa meel mariyey waa idinka (qurbajooga), dawladdu weli mey awoodin iney dhisto dhismayaashii danta guud. UN ta mar ay samaysay baadhitaan waxay soo bandhigtay in $500,000.00 ay sannadkii qurba joogu u diraan Somaliland waana lacagtaas aad soo dirtaan ta horumarkaas uu dalku ku gaadhay, sidaad darteen ayaan idinka idiinku soo horreeyey inaan idiin sheego Musharaxnimadayda waayo idinka (qubajooga) ayuu dalku ku socdaa.
Dadkeenu wuxuu soo maray qaxooti, dagaal iyo dawlad la’aan, waxaan rabaa in aan dadka ku wacyigeliyo ku noolaanshaha dawladda iyo iney ictiraafaan iney dawlad jirta yihiin oo ay shuruucda iyo kala danbeynta ay u hogaan samaan. Waxa ay nu ku faanaa ineynu 18 sannaadood aynu nabad haysaney oo nabaddaas ay keeneen odayaashii dhaqanku dabeedna intii aqoonta la bidayey ay gaadhsiiyeen dalka marxaladda uu maanta marayo taas oo anay awood iyo aqoonba u lahayn iney hakaas sii dhaafiyaa, waxa jirtay in berigii hore qofka aqoonta leh aynu odhan jiray wuxuu ka soo baxay Sheekh ama Lafoole, taas maanta waa laga gudbay oo caalamku tignoolaji cusub iyo cilmiyo cusub ayaa la gaadhay, waxa jira dad reer Somaliland ah oo aqoontaas iyo cilmigaa cusub wata, waxa jira dad reer Somaaliland ah oo raggii isku fasalka ahaayeen ay maanta wadamo dunida ka mid ah ay Madaxweyneyaal ka yimiin ama boqoro, dadkaas haddii maamulka laga qayb geliyo faaiido ayey Somaliland u soo kordhin karaan oo wadamo saaxiibo ah ayey soo kordhin karaan, sidoo kale waxa jira dad reer Soomaliland ah oo aduunweynaha caan ku ah sida Jaamac Karaaciin oo reer Burco ah oo maanta ku jira saddexda tababare ee aduunka ugu fiican lagana yaabo inuu ka aduunka ugu fiican uu noqdo, wax weyn ayuu inoo tari lahaa haddii aynu sumcaddiisa isticmaalo. Taas waxa hortaagaan dadka maamulka Somaliland hayaa ma rabaan dad ka aqoon badani meesha iney yimaadaan waayo iyaga ayaa shaqadii waayeya oo dadka debada ka yimaada ee aqoonta leh waxay ku tilmaamaan LAPTOP. Waxaan rabaa inaan dadkaas maamulka iyo horumarka dalka aan ka qayb geliyo.
Waxa jira Shaqsiyaad wadaniyiin ah oo iyagu inta ay is xilqaameen u olaleeya qadiyada Somaliland si aynu u helno ictiraaf caalami ah, waxa haboon in inta aynu is habayno, aynu walaalaheenaa aynu u dirno fariin ficil ku jiro oo aynu ugu sheegayno in aanay hawsha ku keliyaysan doonin. Waxaanu rabnaa si ictiraaf loo helo in marka hore dadkeena iyo dalkeena ay ka muuqato ineynu shuruudihii ictiraafka buuxinay oo dadkeenu ay hogaansamaan xukuumadda iyo shuruucda dalka taala wadanka oo dhanna maamulku si buuxda u wada gaadho, taas aad ayaan uga shaqayn doonaa dadka ayaan dareensiindoonaa iney habka xukuumadda ku dhaqmaan waxna ay iyagu qabsadaan.
Waxbarashada waxaan rabaa inaan wax ka qabto. Waxa jira reeraha ku nool dalka inqaar kood maalintii ay isticmaalaan in ku dhow $300 qaarna ay ku noolyihii ha doolar ($1) ama ka yar markaa waxa dhacday in dugsiyo gaar ah oo badan wadanka laga furay lacag badan oo fii ahna ardayda laga qaado macalimiintana ay siiyaan mushahar ka badan kan dawladdu bixiso markaa waxa dhacday dugsiyadii dawladda ay macalimiinti iskaga tagto oo kuwa gaarka ah ay shaqo u doontaan si ay u helaan masaariif ku filan, taasi waxay keentay in danyarti caruurtoodii ay dugsiyada geyn kari waayaan, markaa waxaanu isku dayeynaa in aanu arrintaa wax ka qabano oo wax barashada loo sinaayo, wad maqasheen in magaalo kasta laga Jaamicad, jaamicaddu waxay u baahantahay qalab iyo buugaag casri markaa waxaanu isku dayidoonaa inaanu meel isugui keeno jaamicadaha intii isu iman karta si ay qalabka iyo buugaagta ay uga wada faaiideystaan.
Caafimaadka hadaad eegto, waxa jirta in dhakhtaradii did loo dhisay qalabka yaalaana uu yahay mid macquul ku ah dalad caalamka seddaad ka mid ah, dhakhaatiir aqoon leh oo inagu filanina wadanka way joogtaa ee waxa dhiman maamulkii isku xidhi lahaa si umaddu uga faaiideysato, dhakhtarku reer ayuu leeyahay caruur ayuu leeyahay uu rabo iney wax bartaan, markaa si uu masaariiftooda u helo waxay ku kaliftay inuu furto meel gaar ah oo uu ku shaqaysto dadkana ku eego, taas waxaanu rabnaa inaanu ka gudubno oo qofkasta uu ka faaiideysto wax qabadka caafimaadka. Maalin dhaweyto ayaan arkay nin aanu saaxiib nahay oo tagsi wada wuxuu ii hseegay inuu nin Maraykan ah madaarka ka soo qaaday ninkii ayaa ku yidhi ma Somali ayaad tahay markaasuu ku yidhi haa dabadeed wuxuu ma Somalia ayaad tahay mise Somaliland tagsiilihii ayaa yidhi oo miyaad kala taqaan markaasuu ninki iminka ayaan Hargeysa ka imid, ninkii hadalkii ayuu siiwaday oo wuxuu yidhi dakii waa dadka ugu firicoon dunida ee ugu wax qabadka badan waxaan arkay wadakoodii la baabi’iyey sida ay u dhisteen laakiin hadana adduunka cid ka liidataa ma jirto waayo dhakhtarka Hargeysa weli waxa yaala sterilizerkii 1956kii ingiriisku keenay ayaa weli yaala kan cusubna waxa la siiyaa $400.
Igama aha inaan dhaliilayo xisbigayaga talada haya ee “UDUB” xukuumaddu intii awoodeeda ahayd wey qabatay, ee faraska waxa usha loola dhacaa orodka ha kordhiyo.
Hadalkeyga waxaan ku soo gunaanadaya, waxa jirta magaalo ingiriiska ku taala oo la yidhaahdo High wicombe oo marka maayerka la doorto la miisaamo marka uu shaqadu dhamaatana la miisaamo, markaa waxaan leeyahay marka aan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka qabto halay miisaamo marka aan ka degayana halay miisaamo.






TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday