Ninba Albaab Soo Garaac Guulse lama Keenin
DALJIRE
Ninba Albaab Soo Garaac Guulse lama Keenin
By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe:Ciid mubaarik. …Ciid mubaarik. Waar bal warrama?
Doolaal:Waar waa nabade ma shaydaankii la odhan jiray Ramadaantaa la xidhaa baad ahayd xaggaad ku maqnayd?
Dubbe:Waar bishii cibaadada ayaan hadalkiinii ka raystaye oo xagga iyo cimradii baan ku maqnaaye maxaa haysaan? Anigu Albaabka Ilaahay baan soo garaacayay ee sida Ina Rayaale Albaabka Gaalada sooma garaacayne.
Doolaal:Ma bilawday?
Dubbe:Horta aan idiin warramee dhawr cisho ka hor baan soo noqday. Ilaahay Mahaddii. Dabadeed waanigii Ciidda Ramadaanta noqon jiray Suxufiga ee Ina Rayaale iyo madaxda kale ee qaranka waraysan jiray. Markaa laba waraysi baan la kala yeeshay Ina Rayaale iyo Faysal Cali Waraabe markaa manta kii Ina Rayaale ayaan idiin soo horraysiinayaa.
Doolaal:Waar anigu meel halkana ayaan gaadhayaa oo aan qolo kula ballansanaaye. Dee waydinkaa.
Dubbe:Waar fadhi. Walaahi inaanad kacayne fadhi.
Doolaal:Dee inaadeerow maahee ii sii daa cimaamadda qoladaa aan sheegayo ayaa i sugaysee.
Dubbe:Mise waraysigaad ka baxsanaysaa? Waar iska fadhiiso ninyow. Maxaa ka macno ah? Berrito ayaad u tegiye.
Doolaal:Wallah? Horta jiroo aniga murqaanka ayaaba igaga xumaada markaan meelahaasoo kale tago. Markaan dhawr goor idhaa “haye? Bal caafimaadka ka warrama? Sidiina kale? “ ee ay sheekadu soo xidhanto markiiba ayuumbaan afkaa iyo gacanta iskula waalanayaa oo laba geed ka saarayaa oo saddex cisho oo dambe ayuumbaa saacadda gidaarka maqsinka hurdada sudhan jagteeda moodayaa wadnahayga sanqadhiisii. Waar Ilaahayba na lehe aan manta iskaga jogo. Haddaba la hadaloo waxaad tidhaa ninkii Madaxtoyada ayaa looga yeedhay.
Dubbe:Oo adeer ma lacag bay kugu leeyihiin maxaa beenta kugu kalifaya. Waar rag odayaala ayaan ka iman kari waayay uun dhe. Waar aan dadka waraysigii u sheegee haddaba noo kaadi. Haddaad doonoto tagoo. Waar hadal badanaa ninku adaeerayaal.
Doolaal:Bal wad illayn bil baad aamusnayd oo kaadida ayaa kugu dheggane.
Dubbe:Horta ninkii Ina Rayaale sidan ayuu waraysigii u dhacay:
Madaxweyne horta ciid mubaarik. Adiga iyo xaaskaaga iyo carruurtaadaba waxaan leeyahay ciid wanaagsan. Bashbash iyo barwaaqo sannadka sandiiska ku gaadha. Ta xigta horta ismaan lahayn Ina Rayaale isagoo madaxweyne ah ayaad sannadkanna waraysan laakiin waadigii iska kordhistay markaa dan baa isku keen soo celisay. Midna waa iga afeef oo waxay tahay sidii kal hore aad la socotay ciidda waxaan noqdaa suxufi madaxda waraysta markaa adigoo ku mahadsan fursadda aad i siisay haddana su’aalahayga waxa laga yaaba inay qaar yar qallafsan yihiin ee halkaan waad iska adkaysan doontaa.
Rayaale:Waxba ma lahin. Salaanta waad ku mahad tahay. Anigu salaam baan adiga iyo shcibkaba reer Somaliland meel kasti ay joogaanba u dirayaa. Tani dulqaadkana. Waxaan filayaa inaan iska dulqaadan doono wax igu cusubna maahin baan odhan lahaa.
S:Madaxweyne waxa suuqa laga yidhaahdaa, gaar ahaan dadka kaa soo hor-jeedaa, Ina Rayaale Nabadsugid buu ahaa markaa waxa keliya uu yaqaanay waa war la ururiyo oo dabadeed madaxda ka sarraysa uu u geeyo markaa nin qaraar qaadan kara oo dal hoggaamin kara maaha markaa iminkana tii buu u dhurtay oo wuxuu helay cid uu warka u geeyo oo dawladaha reer Yurub ee arrimaha argagixsada aynu xidhiidhka kal leenahay ayuu warka ka iibiyaa. Maxaad ka odhan lahayd eedayntaa?
J:Horta inaad su’aal noocaas oo kale ah ku furisayso hadalkaaga ma filayn. Waxaas oo kale anigu kama jawaabo. Ma haysaa su’aalo umaddu ka faa’iidaysan karto?
S:Madaxweyne waxaad ka soo noqotay socdaal aad Yurub ku tagtay iminkana inaad Kenya tagto ayaa la hadal hayaa maxaa doorkan aad odhan kartaa socdaalkaagu wuu kaga duwan yahay kuwii hore?
J:Su’aal fiican weejaan. Horta waxaan filayaa inaan meel kasti tagno oo umaddani dani ugu jirto oon albaab kasti garaacno inay muhimaddu tahay. France baan tagnay bay ahayd oo martiqaad rasmi ah baan ka hellay, si fiican baa naloo soo dhoweeyey. Danteenii baan u sheegnay bay ahayd oo qaddiyadda Somaliland baan ka dhadhaadhicinnay . Ingriiska markaan runtii kuu sheego xidhiidh fiican baa inaga dhexeeya. Waxaan ku idhi. Waar raggiinan Ingriiska ihi inaad wax nala qabatiin baan idinka doonaynaa oo caalamka u sheegtiin waxaan qabsannay. Haye bay yidhahdeen. Laakiin hadda idinma ictiraafi karno ayay yidhaahdeen.
S:(ma aragtaa? waakaa wixiisii dhuray. Bello ku degtay. Waar saw intaa kama ilbaxo. Indho adagaa) Madaxweyne anigu dalka waan ka yar maqnaa anna albaabkii cimrada ayaan soo garaacayay laakiin waxaanu maqallay dan gaar ah ayaad u tagtay oo shirkad sunta badda ku aasta ayaad wax la soo saxeexanaysay waana sabata aad wakiilii kuu joogay France,Mr.Fagadhe aad uga tagtay. Maxaa ka jira arrintaa?
J:Horta aan mid kuu sheego. Waxaasi wax Allah wax ka jiraayi ma jiraan. Yaryarkan waxbaan qornaa yidhaahde ee jaraa’idka isku sheega iyo cadawga umaadan ayaa waxaa fidiya. Mar kasti oon safar u baxo waxaa uumbay odhan iyo wax aad ku wajaqdo oo ka daran. Fagadhe isaga haddaan kuu sheego waxoogoo kharash ah ayuu sugayay bay ahayd oo ka xannibnaa markaa sidaas buu iiga hadhay bay ahayd.
S(Bal wuxuu noogu sheekaynayo eega. Toban wasiir iyo dad aan waxba u tarayn buu watay oo safiirkii dhammaa buu leeyahay kharash buu sugayay. Ta kale isaga iyo Cawil mooyee ummadda u shaqaysa oo dhammi ma kharash uumbay meel ku sugayaan? Halkuu ka keenay kiisa muu wax ka siiyo?) Madaxweyne raalli ahaw. Anigoo kolba isla yar hadlayaa ayuumbaan is arkayaa. Iminka qoodhaa iyo xeradaa ma waxaad is leedahay dadku waxan aad mar walba ku hadasho ee aad tidhaa “albaab baan soo garaacay way kaa rumaysanayaan. Mise waa kaa bes?
J:Anigu ummaddan mid keli haata baan ugu dhaartay. Inaan daacad ugu shaqeeyo ayaan ugu dhaartay bay ahayd. Markaa wixii aan qaban karnay waan qabanay wixii kalena Ilaahay baan la kaashan doonaa.
S:Madaxweyne dad muslin ah ayaynu nahay markaa inaynu wax walba Ilaahay la kaashanaa waa waajib. Haddaba haddii arrintaadu Ilaahay la kaashi uun tahay maad masaajidkan uun kashid ama Xaramka tagtid oo halkaasuun inooga ducaysid maxaad ummaddan bakhtiayaysa xoolaheeda uga khassrinaysaa ee kolba ugu dalxiis tegeysaa?
J:Horta afkaaga hagaajiso. Anigu dalxiis ma tago ummadda danteeda ayaan qabanayaa.
S:Raalli ahaw Madaxweyne. Bal horta ninkan wax kuu kariya ee kolba inoo soo gelaya ee hadalka inaga dhex gelaya naga jog dheh. Ma xoghayn baa maxaa ka galay isaga dadka debedda kugu sugaya? Su’aasha kale waxay tahay. Hore waxaanu in badan maqallay waxbaad yar qaad qaadday ,dhanka musuqa dee, oo Qaahira guri weyn baad ka taagtay. Toronto mid baad ka taagtay. Ottawa waxooga xisaab ah ayaa laguugu hayaa. Ingriiska guri baad ka iibsatay. Iminkana Faysal Cali Waraabe wuxuu yidhi. “Guri weyn oo Dahir Rayaale iibsaday baan Dubai ku soo arkay.” Weliba gabaygii Faarax Nuur buu raaciyay oo wuxuu yidhi. “Nadartu wixii aan arko ayaan nacam idhaahdaaye.” Ma runtiibaa? Ku darso oo. Waxaanu ku kaftanna “Dooxa waaheen iyo Ina Rayaale halkay iska metelaan?” iyo “Dooxa Waaheen waxa isugu yimaadda tobaneeyo doox oo kale oo ku soo rogmada, markaasu isna biyahooda badda ku daraa. Ina Rayaalana waxa isugu yimaadda dalkhi dalka oo dhan markaasuu badda(debedaa) geystaa. Markaa Raayle Waaheen ha loo bixiyo bay yidhaahdee. Kkkkk” xxxm. Sorry. Qosolkaasi meesha muu qabanayn. Raalli ahaw Madaxweyne. Su’aasha ka jawaab.
J:Waxa wax lala yaabo ah oo wax laga yaqyaqsoodo ah nin weeeeyn oo madax isku sheegaya oo xisbi baan xakumaa leh oo haddana been sheegaya. Waxaasi waa beenta mucaaradka. Mucaaradku beenta ayay dimiquraadiyad u yaanaan. Maxaa laga qaadani ummaddan aan la ictiraafin een waxba haysanin. Waxaasi wax igu cusb maahin.
S:Madaxweyne markii aad maqsinka iigu soo gashay ayuumbaan khalkhalay oo wixii aan ugu muhiimsanayaa ee aan u socdayba illabaye. Iminkaad i xusuusay ee waxaan kuugu imi oo waraysiga ii dheer, ergo ayaan ahaa.
J:Ergo maxay ah?
Dubbe:Horta su’aalahii halkaa manta inoogu jooji. Madaxweyne hadda waxaan ka imi cubataalka oo nin ay labadayadii awoow ilmaabti ahaayeen oo dameer harraatiyay ku soo booqday. Sariirta ku xigta waxa jiiftay beentii oo la yidhi markay maqashay adigoo cid kale ku sheegayaa xabbad isku dhufatay oo sambabada mid qarxay.
Rayaale:Maxaad ka hadlaysaa. Adeer nabad gel;yoi hadduu waraysigii kuu dhamaaday malaa ma miyir qabtide. Been dhakhtar jiifta sidaad u aragtay? Sirdoonkuba iima soo sheegine.
Dubbe:Madaxweyne. Waxay tidhi. “Ina Rayaale iminka toddoba sannadood buu igu shaqaysanay oo dhulka i jidayay. Si aan weligay cidi ii gelin. Wershado maalin walba dhagax la dhigayo ayuu igu sheegay. Idaacad aan soo socon buu igu sheegayayay 4 sanno. Ictiraaf iyo albaabbo aan jirin buu nafta igaga jaray.ciido ayaan derajo siinayaa ayuu igu isticmaalay. Umaadda ilaahay mid aan i nacdalayn oo aanu igu dirin oo ii dheegin oo aan lahayn nacalla been ku yaali ma jiro(Axadda soo noqo,berry ii kaalay.waxooga yar baan meel ka sugayaa… C/raxmaan Ducaale u tag…Cawil u tag.Daahir la soo hadal……)intaaba waxa igaga daran Wasiiradiisa uu yidhi idinna adeegsada weli Cawil iyo Cabdilaahi Ducaale haw darnaadaane. Ina Bullaale. Isaga Badhasaabka Boorame ha igu soo qaadin. C/lahi Cirro ninka la yidhaa oo iagu weliba nacasnimo iigu daray oo lay odhanayo “been ha sheegee mid nacasa buu sheegay” waxaasoo dhan anoo ku qaba oo daacad u ah inuu cid kale igu tilmaamo oo gogol dhaaf igu sheego ma xaq buu iigu leeyahay?” waxay tidhi. “Kitaabka ha lay mariyo inaan isaga iyo intuu oggol yahay mooyee cid kale i sheegin.”
Rayaale:Adeer waxaan ku weydiiyay. Ma riwaayad baad u beddeshay waraysigii? Mise waad waalantay. Bal Been baabad ku sheegaysaa sidaad u rumaysatay?
Dubbe:Madaxweyne waa su’aal wanaagsane. Horta ma maqashay “Idaa shuufta Amxaar, Ferenji xaaji.” Ninka adiga ku dhegeysta todoba sannadoo ma beenta lafteeda rumaysan mayo ayaad leeday?
Waa inoo toddabaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.
Geeljire




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday