Munaasabad Loogu Wanqalay Laan Cusub –BARIGA FOG oo Xisbiga KULMIYE Ka Furtay London

Waxaa gelinkii danbe ee maalintii Sabtidiii ka dhacay hoolka shirarka ee Froud Centre, Manor Park, London E12, xaflad aad looga soo shaqeeyay, dad aad u tiro badanina isugu yimaadeen oo loogu wal-qalay laanta cusub ee xisbiga mucaaradka ugu wayn eeKULMIYE ka furay xaafadaha bariga fog ee London.

Xafladdan oo ahayd mid laysku arkay, ayna kasoo qaybgaleen dad isugu jira masuuliyiiin ka socota xisbigaKULMIYE, dumar, odayaal iyo dhallinyaro waxaa ugu horrayntii furay Mudane Cabdi Cabdillaahi “Janaale” oo halkaa kusoo dhaweeyay dadkii madasha isugu yimi, ugana mahad naqay sida sharafta leh ee ay uga soo qaybgaleen wal-qalka laanta cusub ee Bariga Fog. Cabdi wuxuu intaa ka bacdi cod-gudbiyaha ku wareejiyay Mudane Siciid Cabdillaahi Cabdi Mataan oo halkaa ka akhriyay aayadaha Quraanka Kariimka ah. Intaa ka bacdi waxaa Cabdi Cabdillaahi cod-gudbiyaha ku wareejiyay Cabdiraxman Maxamed Aadan.

Cabdiraxman waxuu mar labaad u mahadnaqay abaabulka shirka iyo dhammaan dadwaynihii sharafta lahaa ee shirka kasoo qayb galay. Intaa ka bacdi wuxuu Cabdiraxmaan u guda galay dulucda shirka isagoo shirka u dulmaray ujeedada shirka iyo qodobada uu kooban yahay shirku. Ugu horrayntii waxaa madasha lagu doortay gudida Cusub ee laanta Bariga Fog. Gudida la doortay waa:

  1. Mudana Jaamac Axmed Xassan - Jaamax Qaylo (Guddoomiye)
  2. C/risaaq Jaamac Himbir (G/xigeen 1aad)
  3. Mustafe Buureed (G/xigeenka 2aad)
  4. Faarax Maxamed Cabdille Qorax
  5. Muuse Aadan Aw-Cali
  6. Cabdilllaahi Siciid Jaamac (Caano)
  7. Cabdillaahi Cismaan Nuur
  8. Cabdi Axmed Fadhi yare

Doorashada gudida ka bacdi waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey gudddoomiyaha gudida cusub Mudane Jaamac Axmed Xasan (Qaylo). Jaamac aad ayuu ugu mahadnaqay dadka halkaa xilka ugu doortay,waxaanu shirka u sheegay inaanu xilka lagu aaminay awoodiisa iyo gudi ahaanba ay aad u dadaali doonaan. Intaa ka bacdi Jaamac wuxuu hambalyo u diray labada xubnood ee xisbiga uga taagan Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Muj. Axmed Siilaanyo iyo Mudane Saylici. Jaamac wuxuu kaloo u mahadnaqay gudidii dhexdhexaadinta oo uu sheegay inay howshoodii si wanaagsan ugu guulaysteen. Gudddoomiyuhu wuxuu warbixin kooban ka bixiyay xaafada iyo sida ay horeba ugu qayb qaadan jirtay howlaha sKULMIYE iyo kuwa Somaliland.

Jaamac wuxuu sheegay in laantan 13aad, ay miisaan wayn kusoo kordhin doonto 12 laamood ee hore u dhiisnaa. Waxaanu doonayna inaanu xidhiid wanaagsan la yeelano dhammaan laamaha xisbiga iyo gudid fulinta xisbiga meel ay joogaanba. Waxaan rajaynayaa in laantan aan guddodmiyaha ka ahay ay noqoto mid dadka iyo dalkaba anfacda. Gudidu intan ku koobnaan mayso waxaananu isha’alah samaynaynaa garab dhallinyaro iyo mid dumarka. Ugu dambayn wuxuu Jaamac u mahadnaqayaa dhammaan dadka shirka kasoo qayb-galay, gaar ahaan gudida Fulinta Uk iyo dhammaaanba xubnihii kasoo shaqeeyay abaabulka munaasabadan.

Intaa ka bacdi waxaa cod-gudbiyaha loo gudbiyay Guddoomiyha Gudida Fulinta Uk Mudane Ibrahim Xuseen. Gudddoomiyuhu wuxuu guud ahaan u mahadnaqay dadkii shirka kasoo qayb galay iyo abaabulka shirka suura galiyay. Wuxuu laanta cusub uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay shirka u qabsadeen, wuxuuna ilaahay uga baryay in ilaahay xilka u dhib fududeeyo. Intaa ka bacdi wuxuu Mudane Ibraahim ka hadlay muhiimka ay laantani leedahay iyo guud ahaan shaqada hortaala qurbo-jooga UK. Guddoomiyuhu wuxuu laanta cusub is buuxda ugu marti-qaaday shirka laamaha UK ee doorkan ka dhacay magaalada Sheffield maalinta Sabtida 11.10.08.

Intaa ka bacdi waxaa shirka ka hadlay Lacaghayaha Gudida Fulinta UK Marwo Yurub Qaalib. Yurub waxay hambalyaysay gudida cusub, waxayna warbaxin kooban ka bixisay arimo ku saahan dhaqaalaha xisbiga iyo abaabulka loogu jiro soo celinta Horyaaal oo hawada soo gali doonta laga bilaabo 15th October 2008.

Waxaa iyana erayo kooban oo isugu jira hambalyayn iyo xog-waran shirka ka jeediyay Guddooomiyaha bariga London Kayse Xidig iyo Cismaan Siciid oo ka tirsan gudida baring Lodon ahna xubin ka tirsan golaha dhexe eeKULMIYE. Ugu dambayntii waxa erayo duco iyo waano isugu jira shirka kusoo xidhay Oday Cabdiraxman Cisman Guudcade.

Sidoo kale waxaa gudida cusub halbalyo khadka telefoonka ugu soo gudbiyay Guddoomiyaha xisbiga Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.

Shirku wuxuu dhammaaday saacadu markay ahayd 5:30kii galabnimo, wuxuuna ku dhammaaday jawi farxad iyo hambalyooyin isdaba jooga leh.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra