Wararka Wargeyska OGAAL, Axad: Waan-waan lagu baajiyay xil-ka-qaadis lala damacsanaa Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa (Ogaal) Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ku qaybsamay khilaaf ka dhashay isfaham la’aan wada-shaqaynta dhexdooda la xidhiidha iyo hindise xubno ka mid ahi ku doonayaan inay xilka kaga qaadaan Guddoomiyaha. Isla markaana masuuliyiin ka tirsan hogaanka xisbiyada Mucaaradka iyo Guddida Kormeerka hawlaha doorashooyinka ayaa xalay dhexdhexaadin ka galay xal-u-helida khilaafkaas.

Xurgufta dhextaal xubnaha Komihshanka oo la aaminsan yahay inuu muddo huursanaa waxa uu soo shaac-baxay ka dib markii shalay ay xubno ka tirsani sida la sheegay cod u qaadeen xilka- ka-qaadista Guddoomiyaha Komishanka Maxamed Ismaaciil (Kaboweyne), kaasoo ay dedafeeyeen Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisu.

Inkasta oo aanay Saxaafaddu goob-joog ka ahayn, haddana sida ay tixaabeen ilo xogogaal ahi barqadii shalay waxa kulan ku yeeshay xarunta Komishanka lix xubnood oo ka mid ah todobada xubnood ee uu ka kooban yahay Guddiga doorashooyinka. Waxaana la sheegay in kulankaa cod loogu qaaday xil-ka-qaadista Guddoomiyaha, isla markaana ay ogolaadeen afar xubnood oo ka mid ahi. Hase yeeshee, Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka ayaa gaashaanka ku dhuftay inay aqbalaan taas, isla markaana waxay meesha ka saareen xil-ka-qaadista Guddoomiyaha. Warku wuxuu intaa ku daray, in kulankaas aan laysla qaadan bedelka Guddoomiye Kaboweyne, ka dib markii ay ka baxeen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenku. Sidaa darteed, waxa la sheegay inay mar kale fiidnimadii xalay u balameen sii amba qaadida hawshaa, inkasta oo aanay jirin warar rasmiya oo ka soo baxay xubnaha la sheegay inay doonayeen xil-ka-qaadista Guddoomiya.

Jawaabta Guddoomiye iyo Ku-xigeenkiisa:

Waxyar ka dib markii warkaasi soo baxay, waxa xarunta Komishanka booqday weriyeyaal ka socday qaar ka mid warbaahinta Maxaliga ah, si ay wax uga ogaadaan khilaafka xubnaha Komishanka iyo xilka qaadista la sheegay in lagu sameeyay Guddoomiyaha. “Dadku way iska hadal badan yihiin, arrintaa wax ka jiraana ma jiro, wax khilaaf ah oo na soo dhex galayna ma jiro Komishan ahaan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-kuxigeenka Komishanka Cali Maxamed Cabdalla (Biikolo) oo isaga Guddoomiyaha wax laga waydiiyay jiritaanka warkaa soo baxay ee lagu sheegay in xilka laga qaaday Kaboweyne iyo arrimo la xidhiidha hawsha Diiwaangelinta.

Mar wax laga sii waydiiyay in khilaafkoodu ahaa mid muddoba huursanaa, isla markaana uu aakhirkii sababay xilka ka qaadista Guddoomiyaha, waxa uu jawaabay; “Waxa weeye warka dadka gaadhay maaha mid jira, cid idinka ka horeysay oo wax naga waydiisayna ma jirto, wax walibana way iman karaan, waa la is qaban karaa oo raggu waa mudacyo af leh. Laakiin, waxaan ku leeyahay cod loo qaaday  Guddoomiyaha iyo wax dhib ah oo jiraa ma jiro.” “Adeer Komishanka shaqadiisu waa inay doorashooyin qabtaan, meeshii suuragal ah in doorashooyin ka qabsoomaana waanu ka qabanaynaa, waana muqaddas oo waa hawsha qaranku noo igmaday in aanu doorashooyin dalka ka qabano, mana aha in nala dhaliilo uun ee qofkii wax nagu dhaamaa in uu noo yimaado oo uu na toosiyo oo waxa qalooca ee uu arkayo noo sheego ayaa wanaagsan anaguna waanu soo dhawaynaynaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishan Maxamed Ismaaciil Kaboweyne oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidha welwel dadka qaarkood ka qabaan hirgelida hawlaha doorashooyinka, marka loo eego khilaafkaad iyo qaybsanka dhexdooda.

Waanwaantii xalay:

Xubno ka socday labada xisbi Mucaarad ee UCID iyo KULMIYE iyo Guddida Kormeerka hawlaha Diiwaangelinta iyo doorashooyinka ayaa xalay fiidkii kulan la xidhiidha dejinta khilaafka ka dhex oogmay xubnaha Komishanka la yeeshay Guddiga doorashooyinka. Xubnaha xisbiyada iyo Guddida Kormeerka doorashada ee dhexdhexaadinta ugu tegay Komishanka oo Saxaafaddu wax ka waydiisay, ka dib kulan saacado qaatay oo ay la yeesheen xubnaha is khilaafku u dhexeeyo ee Komishanka, waxay sheegeen in heshiis laga gaadhay qodobada khilaafku ka taagan yahay qaarkood, isla markaana ay isla qaateen in la hakiyo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha inta laga dhammaynayo hawsha Diiwaangelinta. “Arrintaa Komishanka waxaanu ku dhammaynay, maadaama ay xaq iyo sharci u leeyihiin (xil-ka-qaadista) in koodana aan laga qaadin (go’aanka), laakiin ilaa inta Diiwaangelintu dhammaanayso la hakiyo. Sidaas baanu ku dhamaynay, waanay nala wada qaateen, wayna ku wada qanceen.” Sidaa waxa yidhi Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo ka mid ahaa xubnaha ka socday xisbiga KULMIYE.  Mar wax laga sii waydiiyay halka uu salka ku hayo khilaafka soo dhexgalay xubnaha Komishanka iyo jiritaanka xil-ka-qaadista shalay lagu sameeyey Guddoomiye Kaboweyne, waxa uu ku jawaabay; “Warkaasi waa jiraa, waana ka anagaba na soo kiciyay ee aanu isugu wada nimi qolyahayaga xisbiyadu iyo Kormeerku. Waa arrin maamul oo dhexdooda ah uun weeye, wax kalena ma jiraan. Waa arrimahaa maamulka iyo wada-tashiga dhexdooda uun ee habka shaqada uun, kiina way dhammaysteen.”

Xubnaha dhexdhexaadinta ugu tegay khilaafka Guddiga doorashooyinka oo mid mid wax looga waydiiyay sababaha dhaliyay khilaafka Komishanka dhexdiisa, waxay isku raaceen, isla markaana ka digeen saamaynta ay yeelan karto muranka haatan soo dhexgalay xubnaha Komishanka. Waxayna sheegeen in gundhiga ismaan-dhaafkoodu salka ku hayo hawsha maamulka iyo wada-tashiga dhexdooda. “Waxoogaa is-afgaranwaa ah oo Komishanka dhexdooda ka jiray baa caawa (xalay) laysugu yimi. Markaa wixii meesha lagaga wada hadlay is-afgarad baa laga gaadhay. Waxa ay isku hayaan waxa ugu weynaa wada shaqaynta dhexdooda. Markaa waxaanu isla garanay marxaladan in wixii loo baahan yahay in laysla saxana laysla saxo, lana wada shaqeeyo. Intaas uunbaa laysku guubaabiyay, iyada oo aan wax tafaasiil ah oo hoose aan la gelin,” sidaa waxa yidhi Sheekh Ismaaciil Dheeg oo ka mid ah xubnihii ka socday Guddiga Kormeerka doorashooyinka. Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo wax laga waydiiyay ayaa sheegay in khilaafka Komishanku aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin habsami u socodka hawsha ay hayaan, isla markaana ay rajo fiican ka qabaan is afgarad buuxa oo laga gaadho. “Si wada jir ah bay u wada shaqaynayaan, hawshuna waxay u soconaysaa sidii loogu talogalay. Rajo weyn baanu ka qabnaa tan (khilaafka) maanta taagan ee xaaladdan lagu jiro in hawshaasi inoogu dhammaato si wadajir ah oo is afgasho ah,” ayuu yidhi Waqaf.  

 

“Hoos u dhac bay ku tahay in masuul qaran uu degmo gaara u hadlo”

Komishanka doorashooyinka oo jawaab kulul

Ka bixiyay eedaymo uga yimi Wasiirka Ciyaaraha

Hargeysa (Ogaal)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga jawaabay eedaymo uu dhawaan u jeediyay Wasiirka Dhalinyada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Muxumed, taasoo ku sheegay in Komishanka Somaliland la mid yahay Guddigii doorashooyinka Kenya ee ay rabshadaha ba’ani ka dhasheen natiijadii ay ku dhawaaqeen. “Rag baa yidhi in Komishanku sidii Komishankii Kiiniya noqdo ayaanu ka baqaynaa. Ma dhacayso taasi, Kiiniya dadkeedii ayaa joogay, tana dadkeedii ayaa jooga.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil (Kabo-weyne) oo shalay ka hadlayay shir-jaraa’id oo ay isaga iyo Ku-xigeenkiisu ku qabteen xarunta Komishanka doorashooyinka ee Hargeysa. Waxaanu ku doodday inay dalka dhibaato ku keeni doonin wax dhinacooda ka yimi. “Waxaananu balanqaadaynaa in aanay bulshada Somaliand ee na sugaysaa wax anaga naga yimi ku waayin himiladeeda, dhibaatana dalka ka dhicin,” ayuu yidhi Kaboweyne.

Guddoomiye-kuxigeenka Komishanka doorashooyinka  Cali Maxamed Cabdalla (Biikolo) ayaa faahfaahin ka bixiyay cabasho uga timi bariga Sanaag iyo kulan dhexmaray masuuliyiin iyo odayaal ka soo jeeda degaankaas oo uu ka mid ahaa Wasiirka eeddaha culus u jeediyay Komishanka. Isla markaana waxa xusay in aanay masuul ka ahayn gobol gaar ah, balse hawshoodu tahay mid qaran. Mr. Biikolo waxa uu hoos u dhac ku tilmaamay in masuul qaran uu u hadlo degaan gaar ah. “Anagu Komishan ahaan ma nihin cid Masuul ka ah Gobol gaar ah ama degmo gaar ah ee masuuliyad Qaran ayaa na saaran. Wasiirka Ciyaaraha, Wasiir kale oo la socday iyo Odayaal ka soo jeeda Barriga Sanaag ayaa halkan (xarunta Komishanka) noogu yimi, way na waraysteen, waxaananu u sheegnay in aanu qiimaynta meel kasta oo dalka ka mid ah gaadhsiinayno Sanaagna aanu tagnay, waxaananu u arkaynay inay ku qanceen. Laakiin, waxa nasiib-darro ah in Wasiirka Ciyaaraha oo ah Wasiir qaran oo ummada hawl muhiim ah u hayaa uu u hadlo degmo gaar ah, isaga ayaanay ku tahay hoos u dhac,”ayuu yidhi Mr. Biikolo.

 

Muqdisho: Diyaarad Rakaab oo Ka degtay iyo duqayn lagu garaacay

“Baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya dalka dibadiisa looma rari karo”

Sh. Aadan-Madoobe

Muqdisho (W.Wararka/Ogaal)- Kooxaha kacdoonka ka wada Soomaaliya ayaa shalay weerar duqayn ah ku garaacay Madaarka Muqdisho, xili ay soo cago-dhigatay diyaarad Rakaab ahi, taasoo sababtay inay Madaafiic ku jawaabaan ciidamada ajaanibka ah ee ilaalada ka ah Madaarka magaaladaa.

Si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda lays dhaafsaday, waxaana la sheegay in Madaafiicda loogu jawaabay kooxaha weerarka qaaday ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Hase yeeshee, afhyeenka ciimada AMISON ee gacanta ku haya Madaarka Muqdisho Bargiyi Bohouko ayaa sheegay in garoonka diyaaraddaha lagu riday tiro Madaafiic ah, balse aanay jirin Madaafiic ay ciidamadiisu ku garaaceen xaafado ka mid ah Dhankeynley.  Wuxuuna intaa ku daray in xiligaa ay garoonka ku degtay diyaarad Rakaab nooca shacabku raacaan ahi. Muddooyinkii u dambeeyay waxa ciidamada AMISON looga bartay inay jawaabo culus u ganaan dhinaca madaafiicda lagaga soo rido. Waa markii ugu horeysay ee diyaarad Rakaab ka degto Muqdisho, tan iyo intii urur-Diimeedka Al-Shabaab sheegay inuu albaabada ku xidhayo Madaarka, isla markaana uu duqaynayo diyaaraddaha ka dega.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo in Baarlamaanka iyo Xukuumadda Kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya loo raro dalka dibadiisa. Sheekh Aadan-Madoobe oo shalay u waramay Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) qaybteeda afka Soomaaliga, waxa uu sheegay in sababo amaan-daro darteed aanay dawladdiisu ugu guuri karin caasimada Kenya ee Nairobi, taasoo uu xusay inay ahayd soo jeedin ka timi urur-gobolleedka IGAD. Wuxuuna intaa ku daray in aanay jirin war rasmi ahaan arrintaa laga soo saaray, balse IGAD soo jeediyay in shir muddo gaaban ah lagu qabto dalka dibadiisa. Waxaanu caddeeyay in aanay qorshaha ugu jirin in Baarlamaanka iyo xukuumaddu u guuraan dalka dibadiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku shaqeeyaan dalka gudihiisa.

 

Dalal Carbeed oo u bahoobay la-dagaalanka Budhcad-badeedda Soomaalida

Sanca (W.Wararka/Ogaal) Wadamada Carbeed ee kulaala badda Cas ayaa diyaarinaya qorshe dagaal oo ay kaga hortegayaan weerarada Budhcad-badeedda Soomaalidu ka fuliyaan biyaha gacanka Cadmeed. Wasiirka Arimaha dibada dalka Yemen Abuubakaar Al Qurabi ayaa caddeeyay in wadamada Suuriya, Masar iyo Yemen ay wadaan qorshe dagaal oo ka dhan ah Budhcad-badeedda Soomaalida. Mr Qurabi waxa uu sheegay in Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax uu hormuud ka yahay dedaaladaas, isla markaana ka dhaadhiciyay wadanka Urdun oo uu hadda booqasho joogo iyo guud ahaan wadamada kulaala Badda Cas inay samaystaan qorshe ku saabsan sidii ay ula dagaal geli lahaayeen Budhcadda Soomaalida ee ka qowlaysta biyaha Soomaaliya.

Wadamada Dhaca Badda Cas waxaa ka mid ah Sudan, Yemen, Jabuuti, Urdun iyo Eritrea kuwaasoo isku raacay inay sameystaan qorshahooda la-dagaalanka Budhcad-badeedda. Isla markaana dawladda Masar ayaa durba cadaysay sida ay u taageersan tahay qorshaha wadamadaa Carbeed iskugu bahaysteen sidii wax looga qaban lahaa falalka joogtada ah ee Budhcad-badeeddu ka wado biyaha Badda Cas.

 

“Haddii Sacuudigu aqoonsado Baasaaboorka Imbeghati, ka Somaliland-na wuu aqbalayaa”

Wasiirka Duulista Hawada

 

“Ciddii aanu toosin kari wayno inaanu Madaarka ka kaxayno ayaanu ku rejo waynahay”

 

“Nairobi ayaa layga yeedhay, ka horse waxaan tegi doonaa dalka Shiinaha”

 

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in Xajka sanadkan lagu tegi doono Baasaboorka Somaliland iyo Baasaboorkii hore Somalia ee Cagaarka ahaa, isla markaana ay dadweynaha Koonfurta Somalia Baasaboorrada Cagaarka ah kaga dhoofi karaan Madaaradda dalka. Waxaanu sheegay inuu safarro is-xiga toddobaadka soo socda ku tegi doono dalalka Shiinaha iyo Kenya.

Wasiirka oo Saxaafadda qaarkood wax ka waydiisay Siyaasadda Xukuumad ahaan uga meel taala joojinta Maamulka Cabdilaahi Yuusuf joojiyay isticmaalka Baasaboorkii hore ee Somalia ee Cagaarka ahaa, kaas oo badi Bulshada reer Somaliland ku dhoofaan, gaar ahaan waqtigan oo uu soo dhaw yahay waqtigii Xajku iyo samaysiga Maamulkaasi uu samaystay Baasaboor cusub, ayaa sheegay in aan Madaarrada dalka lagaga dhoofi Karin Baasaboorka cusub ee Xukuumadda Cabdilaahi Yuusuf. “Horta arrintaa dawladdu hore ayay uga hadashay siyaasad baana uga meel yaala, Baasaboorka qolada Imbigaati wadataa mid aynu aqoonsanahay maaha dalkeenuna Baasaboor ayuu leeyahay. Waxaananu u aragnaa inay dhibaato uun ku sii siyaadinayaan Bulshada reer Somalia ee imika dhibaatooyinka, Mashaakilka iyo Dagaalladu haystaan inay dhibaato uun kaga dhigayaan Baasaboorka, gaar ahaan  waqtiyada soo dhaw ee Xajka oo lagu carqaladaynayo gudashada Xajka. Anaga dalkayaga waa ka mamnuuc, nin Baasaboorkaa wataana dalka ma soo geli karo, Diyaaradahayaga laguma soo raaci karo, mana ictiraafsanin.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Duulista Hawadu waxa kale oo uu sheegay in dadweynaha Koonfurta Somalia ay Madaaradda dalka kaga dhoofi karaan Baasaboorkii hore, isla markaana ay Xukuumad ahaan u fududayn doonaan. “Dadka reer Somalia ee Islaamka ah ee aanu walaalaha nahay waxaanu u samayn karnaa in Madaaradda Somaliland kaga dhoofaan oo Xajka ka tegaan Baasaboorradii Cagaarka ahaa ee markii Somalia laysku odhan jiray la lahaa, sida ay sannadadii u dhawaydba u isticmaali jireen oo waanu u fududaynaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirku. Mar la waydiiyay su’aal u dhignayd, Baasaboorkan Cagaarka ah miyaan dawladda Sacuudigu joojinin, sidee loogu tagi karaa Xajka. Waxa uu ku jawaabay, “Maya, ma joojinin wali oo sanadkii dhawaa Xajka ayaan tegay, waxay ku talo galeen inay joojiyaan, hase yeeshee waxa dhacday in laysku qabtay oo ay yidhaahdeen kii hore ha la wado. Waxaanu u sheegaynaa Dawladaha Sacuudigu ka mid yahay Xajku maaha wax Siyaasad geli kara, waanu ogyahay Sacuudigu in dalkani kala go’ay oo Somalia iyo Somaliland la kala yidhaahdo oo aan Baasaboorkoodu halkan ka shaqayn Karin, Baasaboor Somalia leedahayna Somaliland laga bixin Karin. Markaa ma filayo in Xajka la siyaasadaynayo oo dadka lagu xidhi karo Baasaboorka Kooxda Imbigaati, Somaliland-na waxa lagaga dhoofi karaa Baasaboorka Somaliland iyo dadka haysta kii hore.”

Mar Wasiirka Duulista Hawada la waydiiyay sida Xajka loogu tagi karo Baasaboorkii hore ee Somalia haddiiba dalalka Caalamku ay aqoonsadaan Baasaboorka cusub ee Cabdilaahi Yuusuf, waxa uu sheegay in aanu Sucuudigu wali joojin oo aanu Siyaasiyadaynayn dhoofka Xajka, balse haddii ay dhacdo in Sacuudigu ay tahay inuu aqoonsado Baasaboorka Somaliland. “Anigu waxaan ka hadlayaa Xajka in la diidayana ma filayo, waxaan ogaa iyaga oo Waddamo badan la maray oo intooda badan la wada diiday. Haddiise ay noqoto in Sacuudigu aqbalo Baasaboorkooda, inagana keena ayuu aqbalayaa, waana in keena la aqbalaa..Baasaboorkeenana dadka waanu u fududaynaynaa.”

Wasiirka waxa la waydiiyay sababta ay Xukuumad ahaan u kala jeclaysanayaan Baasaboorkii hore iyo kan ay hadda Xukuumadda Cabdilaahi Yuusuf samaysatay, waxaanu Wasiirku ku jawaabay, “Miyaad ilowday inaynu kala go’nay..Baasaboorka hore waxa la sameeyay inaga ooo ka mid ah Somalia oo waynu wada samaysanay, laakiin kan Koox gaar ah ayaa samaysatay” Su’aal kale oo nuxurkeedu ahaa hab-dhaqanka Dadweynuhu kala kulmaan adeegga Madaarka oo ay cabashooyin ka jiraan iyo sababta uu wax uga qaban waayay oo Wasiirka la waydiiyay, ayaa waxa uu kaga jawaabay, “Runtii waxyaabaha iigu dhibta badan ayay ka mid tahay dadka toosintiisa ayaana ugu dhib badan qof bani’aadam ah oo si guran u yar baxay, waynu ognahay shalay halkaynu maraynay iyo maanta halka aynu marayno waanad ku yididiilanaysaa. Mar waxa jirtay anigu aanan Madaarka ka dhoofi kari jirin ilaa lay kaxeeyo oo ina soo martay, maanta waxa laga hadlayaa Shaambadda caadi ugu dhufo ha qalloocine, waana arrin jirta oo waan ka waaniyaa Shaqaalaha Madaarka. Dhibaatooyinka Madaarka ka jira waxa ka mid ah, dadka inoo yimaada ee reer Somaliland ah wuxuu ka yimi dhul la aamusan yahay oo aan buuq jirin, markaa marka uu Madaarka soo galo haddii wax la waydiiyo waxa laga yaabaa in uu sas qaadaba. Sidaa darteed, imika waxaanu ku wadnaa in iyaga oo aamusan (Shaqaaluhu) dadka hal su’aal ama laba su’aalood aan la waydiinin, inaan qofka soo degaya iyo Baanka Madaarka aan cidi u dhaxayn..markaa waxyaabo badan ayaanu ka qabanay waxna way noo dhiman yihiin. Ciddii aanu toosin kari wayno inaanu Madaarka ka kaxayno ayaanu ku rejo waynahay.

Mar uu Wasiirku ka jawaabayay su’aal ku qotontay halkay marayaan Wada-hadallo u socday Xukuumadda iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Hawada, kaas oo ku salaysnaa sidii Cashuurta laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Somaliland ay Xukuumadda ugu soo xeroon lahayd, ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Nairobi looga yeedhay oo uu tegi doono, balse ka hor uu socdaal ugu kicitimi doono Dalka Shiinaha, kaas oo  marka uu ka soo noqdo uu tegi doono Nairobi oo uu kaga qaybgali doono Shir arrintaa ku saabsan. “Waxaan doonayay in aanu halkan kaga hadalno, laakiin Nairobi ayaa layga yeedhay, haddii Alle yidhaahdo Shiinaha ayaan tegayaa ee marka aan ka imaaddo ayaan Nairobi tegi doonaa.”

Mar aanu wax ka sii waydiinay Wasiirka sababta socdaalkiisan ayaa waxa uu sheegay in uu kulamo kala soo yeelan doono Dawladda Shiinaha sidii ay Somaliland uga caawin lahayd dhismaha Jidka Diyaaraduhu ku soo degaan (Runway) ee Madaarka, una kicitimi doono toddobaadka soo socda.

 

 

Wasiir waa ayo cidaad ku eedaynayso duminta Somaliland ee horumarkeeda aan doonayn?

“Dalkan waxa lagu wadaa cashuur ha bixinina cidi waxba kuu qabanmaysee”

Hargeysa (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa wali ku hawlan Shirar iyo kulamo ay kaga arrinsanayso sidii ay kor ugu qaadi lahayd Dakhliga Dawladda oo la sheegay in uu hoos u dhacay, iyada oo muddo bil ku dhaw ay Guddi Wasiiro ahi ku shirayeen Xarunta Wasaaradda Beeraha. Kuwaas oo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka, si ay uga wada-hadlaan qaabka loo wajahayo Cashuurta laga qaado. Waxaanay Xukuumaddu beenisay in ay Cashuur ku soo rogayaan Shirkadaha Xawaaladaha oo hore loo sheegay inay ku talo jirto.

Shirkan oo 12-kii bishii August Xarunta Wasaaradda Beeraha uga bilaabmay Guddi Wasiiro ah oo ka kooban 9 Wasiir ayaan ilaa hadda la soo gebogebayn. Iyada oo xubno ka tirsan Wasiiradaas oo waqtigaas wax laga waydiiyay ujeedada Shirkooda ay ku sheegeen mid looga dan leeyahay in Cashuuro la saaro Shirkadaha gaarka loo leeyahay Shaqaalahooda, halka xubno kale oo Wasiirada Shirku u socdo ka tirsani ay qireen in uu hoos-u-dhac ku yimi Dakhligii Dawladda, ayay jiraan Warar ka soo baxaya oo sheegaya in Xukuumaddu ku doonayso in ay Cashuuraha ku kordhiso. Hase yeeshee Xukuumadda ayaa taa beenisay, kuna tilmaantay ujeedada Shirka mid taa ka geddisan. “Shirkan waxa lagaga hadlayay dib-u-habaynta Dhaqaalaha Dalka oo beryahan dambe Sicir-barar iyo mashaakilaad badani ku dhacay, dad badanina beri dhawayd way nala yaabbanayaan oo waxay lahaayeen waar waxan aad kordhinaysaan iyo waxan aad waddaan waa maxay. Hase yeeshee, markii aanu maqalnay Maraykankii oo ah Waddankii ugu waynaa oo aad mooddo inaynu ka nolol dambaynay oo isku haysta haddii aan sidaa la yeelin waxba ka socon maayaan, ayaanu hortood bilownay inaanu dib u eegno Dhaqaalaheena iyo Bajadkeena, kumaanu talo-gelin inaanu wax kordhino oo Bulshadeena aanu wax saarno, hase yeeshee waxyaabaha ka leexday Cashuurta iyo waxyaabaha ay ahayd in Cashuur laga qaado ee aan la qaadin in dib loo eego ayay ahayd, tii baanu wadnaa.” Sidaa waxa qaar ka mid ah Warbaahinta shalay Xarunta Shirku ka socdo ugu sheegay Guddoomiyaha Guddigan Wasiirada ah, ahna Wasiirka Duulista Hawada Cali Maxamed Waran-Cadde.

Isaga oo Shirkani aanu ilaa hadda dhammaanin, isla markaana aanay jirin wax ka soo baxay oo la shaaciyay marka laga reebo in uu gebo-gebo ku dhaw yahay, ayay haddana Xukuumaddu ugu baaqday Shacabku inay cashuuraha si quman u bixiyaan. “Markaa imika meel wanaagsan bay noo maraysaa, Hay’adihii iyo meelihii ay khusaysayna waanu u yeedhnay oo wada-hadallo ayaa noo socda, dhawaanna inaanu soo gebogebayno ayaanu rejaynaynaa. Runtii waxa jirta arrin ah in la ogaado taas oo ah, Dawladdeenu maaha mid Lacagta iska soo daabacata oo Madbacad leh sida Soomaalida ee dhaqaalaheenu had iyo jeer wuxuu ku qotomaa Dadweynuhu Cashuuraha ay bixiyaan. Haddii Cashuuraha siday tahay dadku u bixiyaan oo la fahmo in wixii wax loogu qabanayay ay tahay ama Askariga ilaalinayaa uu ku ilaalinayay ama Wasiirkii u talinayay wuxuu ugu shaqaynayay inay yihiin, waxay noqonaysaa wax waxtar ah oo dabadeed dadkii lagu soo celiyo wixii loo baahnaa. Markaa waxaanu jecelnahay in dadku fahmaan Cashuurtu waxay tahay, waxaananu ku boorrinaynaa in dadku ay Xil iska saaraan oo ay bixiyaan Cashuurta.” Ayuu ydihi Wasiirka Duulista Hawadu.

Intaas ka dib Suxufiyiintii halkaa ku sugnaa ayaa Wasiirka oo ku hadlayay Afka Guddiga ku waydiiyay su’aalo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen;

S: Wasiir, ujeedada dhabta ah ee kulankiinani muxuu salka ku hayaa, ma in Cashuurta la kordhiyaa?

J: Maya wax la kordhinayaa ma jirto, meel gaar ah oo wax la saarayaana ma jirto. Laakiin meelaha Cashuur-bixintooda la dhaliilay ama aan bixinba in dib loo habeeyo oo dib loo derder geliyo weeye waxaanu wadnaa.

S: Shacabka qaarkood ayaaba idinku dhaliila inaad idinku Xukuumad ahaan Cashuurta si toos ah aydaan u maamulin oo Musuq-maasuq jiro, isla markaana aan Kalsooni idinku qabin. Sideed u aragtaan arrintaa?

J: Waxa la yidhi Doob tuhun baa dilay!. Horta nin og waxaynu qaadno iyo Lacagta aynu iska ururino ee dalkan aynu u ururino haddii aynu Somaliland nahay waad ogtihiin oo 40-Milyan ayay noqonaysaa. Ilaahay baa idinku dhaaryee 40-kaa Milyan markaynu ku hayno intaad aragteen ee Ciidan ah, intaad ogtihiin oo Shaqaale ah, marka wax kastaaba ha ina kala gaadhaane dalkan Nabaddiisa iyo wanaagiisa ku hayno. Caalamka, shalay Maraykan 700-Bilyan ayaa la waydiinayay, waxaanan maqlay Miisaaniyadda Somaliland ee tiradaa leh 6-dii Minit ayuu ku shaqeeyaa. Markaa Lacagtii lixdaa Minit ah ayaa sanad lagu gaadhaa waxay ahayd. Haddii lays aamini waayana waa dhibaato, Masuuliyadda Dawladda saaran ee aakhiro iyo Iftiin-ba la waydiinayaa waa in waxa ay umadda u hayso ay siday tahay u hagaajiso oo sida ugu wanaagsan u maamusho, haddiise la kala shakiyo oo la yidhaahdo wax uun baa la cunayaa in Qofku Iimaan beelo ayay noqonaysaa. Markaa markaynu eegno Lacagta aynu ururino ee aynu u fadhino ee in la kordhiyo ah ama la kobciyo ah iyo waddankan sidaynu ku wadnaa, anigu waxaan odhan karaa Raganimo iyo dedaal faro badan ayaynu Shacab iyo Dawlad-ba samaynay. Haddii uu jiro wax la cuno oo aad ogtihiin dee noo sheega oo halkaas ayaa wax lagu cunay ee wax ka qabta dhaha. Laakiin haddii la yidhaahdo wax uun baa la cunaa waxaan u arkaa mu’aamarad laynagu wado oo ah waxba ha bixinina waxbana ha qabsanina. Waxaanan u arkaa dacaayad cadowgu ina gashanayo. Anigu Wasaarad baan joogaa ee haddii aan wax cuno waa in lay qabtaa oo lay yidhaahdaa Ina-Warancaddoow waxbaad cunta, haddii Wasiir kale wax cuno sidaas oo kale. Laakiin wax uun baa la cunaa haddii umadda lagu niyad-jebiyo oo aanay jirin maxaa wax la cunaa wixiiba waa wax yaroo lays gaadh-gaadhsiinayo ahe. Waxyaabaha dalkan lagu wadaa waxa weeye waxba ha bixin cidi waxba kuu qaban maysee. Waxa weeye Nabadgelyadu ha burburto, Mushaharka Ciidanka ha loo waayo, Shaqaalaha ha loo waayo, dabadeed sida Xamar oo kale aad noqotaan. Waxyaabaha kale ee aan la yaabay waxa ka mid ah, wayna dhawaan galaynaa Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka, dhalinyaradeenii oo dhan waxa laga dhaadhiciyay ha codaynina waayo faraha lagaa qaadayo waxa la geynayaa Dhulka aad u tahriibtaan, dabadeed waxa la ogaanayaa Somaliland inaad ka timi, dabadeed waa..Maxaa ugu jira ninka Somaliland ee Badaha ka tallaabay soo celintiisa. Waxaad ogtihiin oo aan anigu ku dhawaaqay, Xukuumadda Siyaasadeeddana ah in aan qof reer Somaliland ah oo dibedda jira laga soo celin karin. Waxa halkaa ka muuqata in aan la doonayn in aynu is-diiwaangelino si nidaamkeenu u hagaago. Waa tallaabooyin si dadban dadka nabadgelyadooda loogu wiiqayo, sababtoo ah wakhti badan baan amniga ka shaqayn jiray, waxyaabaha marka sida tooska ah loo gelin kari waayo dadka sida dadban loo geliyo si uu isku dumiyo ayay ka mid tahay. Markaa Xukuumaddan maanta jirtaa way idiin dhaaratay ninka dhaartaa dhinac marayaa aakhiro iyo adduunkaba waa la arkayaa, laakiin in laydiin hagar-baxo waa ballan aanu Ilaahay la galnay.

S: Waxa jirta in Xukuumadda lagu eedeeyo in ay jid qaldan marto Lacagta ka soo xaroota Shirkadda Shidaalka ee TOTAL, iyaga oo Golaha Wakiilladuna ku sheegay mid sharci-darro ah. Markaa fadhigiinan qayb ma ka tahay, halkee ayayse Lacagta laga qaado TOTAL ku xerootaa?

J: Horta, Shirkadda TOTAL la yidhaahdo iyo arrinkeedu muddo dheer ayuu socday, Madaxweynaha maanta jira iyo Xukuumaddanba wuu ka horreeyay. Sababta laysku hayayna ma ahayn lacag meel gashaye waxaan u haystaa inay ahayd Sharciyaynteeeda Baarlamaanka ha la soo hormariyo iyo yaan la soo  marin, sharcigeenuna wuxuu dhigayaa wax la yidhaahdo Sharciyada Caalamiga ah iyo kuwa dawliga ah, halka Golayaashu berigaa iska qabteen oo guddigaa aan anigu ka mid ahaana halkaas ayay ahayd. Arrintaas waxaan filayaa imika dhawr iyo toban sanno ka hor ayay bilaabantay, lacag meel gaar ah qabatay oo aan ogahay ma jirto ee Lacaguhu waxay galaan Miisaaniyadda Dawladda, Wasaaradda Miisaaniyadda ayaana u xil saaran wax alla wixii Lacag ah. Markaa waxaan filayaa in arrintaas laga soo gudbay, maantana intaas oo Miisaaniyadood oo Baarlamaanku ansixiyay ayay ku jirtay, sidaa darteed waxaan filayaa in arrintaasi ay ahayd mid beri hore hadalkeedu taagnaa, balse lamaba ansixiyeen haddii aanay lacagtu ku jirin.

S: Waxa jirta in qorshihiina ay idiinku jirtay in aad Cashuur saartaan Lacagaha dadku dibedaha ka soo diraan ee Xawaaladaha 20%, taas oo ay Mucaaradkuna ku tilmaameen mid dhib ku ah Shacabka. Arrintaa miyaad ka tanaasusheen?

J: Arrintaa waxba kama jiraan waana been, boqolkiiba labaatan iyo boqolkiiba Senti toona ka qaadi mayno dadku sidii ay u qaadanayeen ayay u qaadanayaan, wax Dawladdu ku talo-gashayna maaha in Lacagta dadka loo soo dirayo wax laga qaado.

S: Wasiir, wa’ayo cidda aad ku eedaynayso in ay duminayaan Somaliland ee aanay doonayn inay hormarto?

J: Waa cid aan jeclayn inay arkaan Somaliland oo istaagtay, haba ahaadeen dad cadow ah oo dibedda ahe waa dad jecel inaynaan waxba noqon. Waanay badan yihiin dadka aan jeclayn oo isweydiin mayno, kuwan jaarkeena ayaa ka mid ahoo qaar badan oo aynu ognahay oo cadowgeena dibedda ah ayaa jira.

S: Haddiiba Sharciga Somaliland dhigayo in aan dib loo soo celin qof reer Somaliland ah oo dibedda dalka uga  baxay, siday u muuqataa dadka ay Itoobiya ka soo tallaabiso Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya oo tiradii ugu dambaysay ay dhamayd 205 qof?

J: Waxa weeye, Itoobiya cidi inoogama tahriibto marka tahriib laga hadlayo oo Itoobiya iyadaaba inoo timaadda inaga oo Shaqaalaha dalka ka shaqeeyaaba waa wada Itoobiyaan. Markaa nin Sharci-darro ku galay Waddanka ama dembi ka sameeyay oo haddiiba inaga kuwan waddankeena joogaa dembi galo ama dalkeena si kale ku soo galo wayn iska kaxaynaynaa oo Xadka ayaynu gaynaynaa, taasi waa iska caadi oo adduunyada oo dhan way ka dhaxaysaa. Laakiin, waxaynu ka hadlaynaa dadka intay shaqo tageen Yurub galay ee intay waxaas oo bayhoof ah iyo waxaas oo dhib ah mareeen markii ay Yurub galeen aanu nidhaahno soo celiya, wax suurogalaya maaha.

 

Hooyada qoys ka soo baro-kacay Muqdisho oo gurigii ay ku jireen shuf-beelay

Hargeysa: “Ma haysano gogol, cunto iyo dhar midna…waxaan shacbiga Somaliland ka codsanayaa caawimo”

Hargeysa (Ogaal)- Guri ay deganaayeen Qoys danyar ah oo ka kooban Hooyo iyo lix carruur ah oo ay dhashay ayaa ku shuf beelay xaafada Axmed-Guray ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu dab qabsaday.

Gurigan oo Aqal Somaali ahaa isla markaana ay ku noolaayeen Qoys danyar ah oo ka mid ahaa dadka ka soo qaxay Magaalada Muqdisho ee Somalia, ayaa gebi ahaanba ku hurushoobay Dabka qabsaday. Waxaana halkaa ku baa’bay Hantidii qoysku lahaa ee hoos taalay gurigaa, kuwaas oo imika dulsaar ku ah oo la nool dadkii ay jaarka ahaayeen. Bakhtiinta Gurigan iyo samata-bixinta Caruurta iyo dadka ku noolaa ayaa siday baahisay Shabakadda Wararka Ramaasnews waxa qayb baaxad leh ka qaatay Dadweynaha ku dhaqan agagaarka Guriga ee deriska la ahaa, kuwaas oo biyo ku bakhtiiyay Dabkii guriga qabsaday. Waxaana lagu guulaystay in Dabkaas oo xoog lahaa aanu fidin oo la damiyo. Hase ahaatee, waxaan jirin Ganac dawladeed oo bakhtiinta gurigaa ka qayb qaatay iyo sidoo kale kaalmo iyo gurmad dhinaca Dawladda uga tegay Qoyska gurigu ka gubtay.

Nimco Cabdi Mahd oo ah Hooyada lixda carruur ah eek u noola gurigan gubtay, ayaa saaka sheegtay in dhamaan wixii Dhar, Dhuuni iyo Agab ahaa ee ay haysteen uu ku baa’bay Dabkaas. “Walaal Gurigan waxaanu ku noolayn muddo lix bilood ah, waxaanu nahay dad masaakiin ah oo ka soo qaxay Xamar, waxaana wixii hanti aanu haysanay ay ku bas beeshay dabka.” Ayay tidhi Nimco. Waxaanay intaas raacisay ooo ay tidhi, “Carruurtii iyo aniguba waxaanu si dul saar ah oo ku meel gaadh ah ula nool nahay dadka jaarka oo haddii aanay noo soo gurman aanu aniga iyo carruurtuba ku dhiman lahayn guriga, ma haysano gogol, cunto iyo dhar midnaba.” Nimco waxay ugu baaqday Shacabka Somaliland gudo iyo dibedba inay taageero iyo caawimo u fidiyaan. “Waxaan shacbiga Somaliland ee muslimiinta ah guddo iyo dibadba aan ka codsanayaa inay taageero noo fidiyaan oo ay na caawiyaan, waxaana aad moodaa in Aniga iyo Carruutiiba wali baqdini nagu jirto.” Gurigani waa kii sadexaad ee dab qabsado muddo laba bilood ah Magaalada Hargeysa oo ay dadku bakhtiiyaan iyadoo aanay dawlad Hoose iyo mid dhexe toona u soo gurman.

 

 

Maxaabiis Kenyana oo laga sii daayay Xabsiyada Itoobiya oo ku noqday

 

Nairobi (Reuters/Ogaal)- Siddeed qof I oo dhalashadoodu ka soo jeedo dalka Kenya, kana mid ahaa ilaa 10 qof oo arrimo argagixisanimo muddo sanad iyo badh ah ugu xidhnaa Dalka Itoobiya ayaa shalay gaadhay dalka Kenya ka dib markii la sii daayay.

Sanadkan oo sanadkii 2007 laga qabtay Xadka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, isla markaana si qarsoodi ah loogu dhiibay Dawladda Itoobiya, ayaa looga shakisnaa inay ka tirsanaayeen Kooxaha kacdoonnada kala hor jeeda Xukuumadda Cabdilaahi Yuusuf ee ka dagaallama deegaano ka tirsan Somalia. Hase ahaatee, Muslimiinta Kenya ayaa Dawladdooda ku eedeeyay inay ka dambaysay qabashada dadkan iyo inay si qarsoodi ah ugu dhoofiyeen Somalia, isla markaana markii dambe gacanta ugu geliyeen Dawladda Itoobiya. Balse Xukuumadda Kenya ayaa ku adkaysatay in 8-da nin ee la soo daayay ay ka tirsan yihiin, xidhiidhna la leeyihiin Ururka Al-Qaacida iyo ragga Dawladaha Caalamku raadinayaan ee Al-Qaacida u qaabilsan Geeska Afrika. “Siddeedan qof ee Kenyan-ka ah oo la dagaal-galayay gooni-u-goosatada Soomaalida, isla markaana lagu qabtay gudaha Itoobiya ayaa saaka (shalay) ku soo laabtay dalka  (Kenya). Baadhitaanno laga sameeyay waxay muujiyeen in raggani ay u socdaaleen Somalia 2006 si ay tababaro Milatari ugu soo qaataan Xeryaha Argagixisada ee ku yaala Koonfurta Somalia.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Xukuumadda Kenya Alfred Mutua. Waxaanu intaa raaciyay oo uu ku dooday, “Xaqiiqdii, badankoodu waxay la soo shaqeeyeen oo ay la kulmeen qaar ka mid ah Ragga Argagixisada Caalamiga ah ee ay ka mid yihiin Harun Fazul iyo Saalax Nabhan oo ah hoggaamiyayaashsa Al-Qaacida ee Bariga Afrika.” Afhayeenka Dawladda Kenya waxa uu qiray in Raggan markii laga qabtay Xuduudka Kenya iyo Somalia dib loogu celiyay Somalia, isaga oo daliishanaya in ay iska dhigayeen Soomaali markii la qabtay. “Waxay dafireen inay yihiin reer Kenya, anaguna iyaga iyo 70 Xubnood oo kale oo ajaanib ah waxaanu ku celinay Somalia” ayuu yidhi Alfred Mutua.

Wargeyska Saturday Nation oo qayb ka ah Hay’adda Warbaahinta ee Nation Media Group ayaa sheegtay inay Dawladda Kenya ka ogaatay oo ay ka heshay in Raggan uu ku jiray Darawalkii Haarun Fazul oo lagu magacaabo Fazul Cabdilaahi Maxamed, kaas oo looga shakisan yahay inuu qayb ka ahaa qaraxyadii sanadkii 1998-kii lagula kacay Safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Sii daynta raggan ayaa ka dambaysay ka dib markii Weriye ka tirsan Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Ingiriisigu baadhitaano uu sameeyay ka dib, ka waramay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo marxaladaha ay mareen. Isaga oo Waraysiyo arrintan ku saabsan la yeeshay qaar ka mid ah Maxaabiista, Masuuliyiinta Itoobiya iyo kuwa Maraykanka oo lagu eedeeyay inay qayb ka ahaayeen xadhigga raggan. Waxaanu Xabsiyada ay ku jireen Xubnahan iyo lab Maxbuus oo kale ku tilmaamay, “Guantanamo-da Afrika”.

 

 

 

 

“Golayaasha wakiillada iyo Guurtidu ha soo farogeliyaan arrnta xeebaha waqooyiga Hargeysa”

Baaq Beeleed

Ku: Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka

OG: Golaha Wakiilada JSL

OG: Golaha Guurtida JSL

Haddii aanu nahay odayaasha iyo wax-garadka Woqooyiga Hargeysa, waxaanu halkan ku caddayneynaa in qorshaha lagu damacsan yahay in Goobaha Doorashada ee Degaanka Xeebta Woqooyiga Hargeysa ee loogu hoos geynayo Guddida Dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay tahay tallaabo qaldan oo gef iyo meel-ka-dhac weyn oo loo geystay dadweynaha beelaha SACAD MUUSE. Sidoo kale, waxay tallaabadani xad-gudub ku tahay dastuurkii 1960-kii iyo ka hadda ee JSL oo labaduba dhigaya inuu dhulkani ka mid yahay Gobolka Hargeysa. Sidaa darteed, waxaanu ka codsanaynaa Golaha Sharci-dejinta ee Wakiilada iyo Guurtida-ba inay si dhakhso ah u soo farogeliyaan arrintan oo ay wax ka qabtaan qorshahan loogu diidayo dad muwaadiniin ahi inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka innagu soo fool leh.

Gebo-gabadii, waxaannu ugu baaqaynaa Guddida Dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay caddaaladda ilaaliyaan oo ka fiirsadaan qoraalka iyo shaxda aan laga baaraandegin ee loo soo gudbiyey ee ka dhigaysa sidiiyoo la isku haysto degaanka Xeebta Woqooyiga Hargeysa; arrintaas oo aanay waxba ka jirin.

 

Odayaasha baaqan ku saxeexan

1.             Oday Rashiid Xaaji Muxumed Guuleed

2.             Oday Axmed Cali Dable

3.             Oday Calawi Cabdi Gaboobe

4.             Oday Idiris Muuse

5.             Oday Cabdiqaadir Ibraahim Xasan

6.             Oday Muxumed Axmed Kaahin

7.             Oday Xasan Daa’uud

8.             Oday Cumar Xuseen Cige

9.             Oday Cismaan Xujaale

10.          Oday Cali Jaamac Aadan

11.          Oday Ismaaciil Maal Xasan

12.          Oday Axmed Cawaale Cali

13.          Oday Khaliil Cismaan Sabban.

 

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra