Xisbiyada oo baajiyey xilka qaadis lala damacsanaa Guddoomiyaha Komishanka
Hargeysa (Somaliland.org) – Saddexda xisbi qaran iyo odayaal kale oo ka socda guddida Kormeerka iyo Anshaxa Doorashooyinka ayaa baajiyey iskuday xubno ka mid ah Komishanka Doorashooyinku ay doonayeen inay xilka ka xayuubiyaan Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne).
Tallaabada xisbiyada iyo xubnaha Guddidu ku soo dhexgaleen Komishanka Doorashooyinku waxay ka dambeysey kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Komishanka Doorashooyinka uu khilaaf weyni soo dhexgalay, isla markaana ay u fadhiyaan inay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha.
Khilaafka Komishanka waxa uu soo shaac baxay kadib shir albaabadu u xidhan yihiin oo Toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinku saaka isugu yimaaddeen xarunta Komishanka, halkaas oo la sheegay in xubno dhawr ahi ay soo qaddimeen in cod loo qaado Guddoomiyaha, taas oo uu Guddoomiyuhuna ganafka ku dhuftay.
Wararka qaarna waxay sheegayaan in Guddoomiyaha cod loo qaaday, xubno aqlabiyad ahina ay isku raaceen xil-ka-qaadistiisa, balse, guddoomiyuhu uu ku gacansaydhay. Waxaana la sheegay in buuq arrintaas ka dhashay darteed ay komishanku u ballameen kulan kale caawa, kaas oo la filayey in cod loogu qaado Guddoomiyaha, guddoomiye kalena lagu doorto. Hase yeeshee, kulankaas oo ay xubnaha Komishanku isugu yimaaddeen caawa fiidkii ayaa waxa kala qaybgalay xubno ka kala socdey saddexda xisbi Qaran iyo Guddida Kormeerka Doorashooyinka, kuwaas la qaatay shir albaabadu u xidhan yihiin oo socdey muddo laba saacadood ka badan.
Kulankaasi kadib ayaa xubnaha ka socdey xisbiyada iyo guddidu waxay saxaafadda u sheegeen inay kala hadlayeen Komishanka khilaaf la sheegay inuu soo dhexgalay, isla markaana ay ku guuleysteen inay dhammeeyaan khilaafkaas.
Xubnaha xisbiyada ka socdey waxay xaqiijiyeen inuu jiro khilaafka ka dhashay isku dayga in xilka laga qaado guddoomiyaha Komishanka, taas oo ay sheegeen inay tahay ta soo kicisay ee ay caawa u yimaaddeen, waxayna sheegeen inay ku guuleysteen.
Xisbiyada iyo Guddidu waxay sheegeen inay ku dhexdhexaadiyeen xubnaha Komishanka inay joojiyaan xil ka qaadista Guddoomiyaha ilaa inta laga baxayo hawsha diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee hadda lagu gudajiro, taas oo ay sheegeen inay ku qanceen xubnaha Komishanku.
Komishanka iyo Xukuumadda:
Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa maalmahan dambe fikrado iska soo horjeeda oo is khilaafsan ka bixinayey Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, mudane Maxamuud Siciid Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka, wuxuuna ku tilmaamay inuu la mid yahay Komishankii Kenya ee sababay shaqaaqadii boqolaalka qof ku dhinteen, kadib natiijadii doorashada Madaxtooyada, isaga oo ku dhalliilay sida ay u maamuleen wacyigelinta deegaanada Sanaag bari.
Dhinaca kale, Wasiirka Dhaqanka iyo Suugaanta, mudane Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa ammaanay Komishanka.
Inkasta oo la sheegay in Daahir Riyaale aanu ku qanacsanayn sida ay u shaqaynayaan Komishanku, haddana ma cadda in xil-ka-qaadistan la baajiyey ay xukuumaddu ku lug leedahay.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday