Wararka Wargeyska OGAAL, Sabti: “Boorama kama jiro dadweyne qaybsamay, waana barobagaando dawladdeed” Cabdiraxmaan Seylici: Waraysi

Hargeysa (Ogaal)- Murashaxa Madaxweyne-Kuxigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Seylici) ayaa sheegay in aanu jirin qorshe hogaanka xisbigoodu ku doonayo in todobaadkan uu ugu socdaalo magaalada Boorama, isla markaana aanu jirin abaabul iyo diyaar garow arrintaa la xidhiidha oo uu ka wado magaaladaa.

Khamiistii doraad waxa la sheegay in ciidamo Boolis ah oo aan hore u joogi jirin la dhigay jidka isku xidha Hargeysa iyo Boorama, kuwaasoo baadhis ku samaynayay qaar ka mid ah gaadiidka gaarka ah, isla markaana dib ugu soo celiyay Hargeysa Dr Axmed Ibraahin (Obolos) oo xubin ka ah xisbiga KULMIYE, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Gabiley. Waxaanu Dr Obolos oo arrintaa wax laga waydiiyay sheegay inuu tuhunsan yahay inay la xidhiidho olole xukuumaddu kaga hortegaysay wefti ay horkacayaan masuuliyiin sare oo xisbiga Kulmiye ka tirsan oo la filayo inay socdaal ku tegaan Boorama. Sidaa daraadeed, Cabdiraxmaan Seylici oo xalay Ogaal wax ka waydiiyay jiritaanka socdaalka weftigaa Kulmiye iyo ujeedadooda, waxa uu yidhi; “Socdaal hogaanka xisbigu ku yimaado Boorama maalmahan oo qorshaha noogu jiray ma jirto.”

Muddooyinkii u dambeeyey waxa jiray tibaaxo muujinayay in Ra’yulcaamka Boorama ku qaybsamay xulashada Cabdiraxmaan Seylici loogu doortay Murashaxa Madaxweyne-kuxigeenka KULMIYE. Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Seylici waxa uu ku tilmaamay borabagaando xukuumadda Rayaale wado. “Waa arrin dabiici ah in haddii laba qof tartamayaan la kala taageero. Midda kale, arrin ah labada Murashax ee gobolka ka soo wada jeeday tartanka ka dhexeeyay waa lagu kala baxay sidaad ogtahay, wixii intaa ka dambeeyayna waxa meesha yaala ee keliyi waxa weeye; dawladda maanta dalka ka talisa oo u aragta in aan anigu caqabad ku ahay iyo in aan ahay ninka keliya ee gobolka codka kula qaybsanaya (Rayaale). Markaa taas uun baa taal, laakiin dadweyne kala qaybsamay ma jiro ee barobagaando dawladdeed.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Seylici.

Mar wax laga sii waydiiyay dooddiisa ah inuu yahay masuulka keliya ee gobolka Awdal kula tartami karaya Daahir Rayaale oo ah hogaamiyaha UDUB iyo madaxweynaha Somaliland in taas loo fasilan karo in Cabdiraxmaan aw Cali oo hore KULMIYE ugu sharaxay Madaxweyne-kuxigeen uu kaga cod badan yahay, waxa uu yidhi “Anigu hebel ku odhan maayo, laakiin shaqsiyadayda ayuun baan ka hadlayaa. Waxaanan ku leeyahay shaqsiyan waxay u arkaysaa xukuumaddu in culays kaga soo kordhay qof magac ahaan, maamuus ahaan iyo gobol ahaanba qiimaha uu ku leeyahay aad u weyn yahay, taageeradiisuna gobolka Awdal ku faro badan tahay, waana taa ta keenaysa in dawladdu borobagaando iyo culays badan samayso.”

Su’aal aan ka waydiinay inuu jiro culays dhinaca maamulka gobolka kaga yimi oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasaddeed , waxa uu ku jawaabay, “Wax toos ah oo ay iila yimaadeen ma jirto wax sharci daro ah oo aan ku dhaqaaqaana ma jirto. Laakiin, siyaabo dadbani way jiri karaan.”

Wararka laga helayo magaalada Boorama waxay sheegayaan in khilaafkii ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye kala qaybiyay maamulka xisbiga ee gobolka Awdal, isla markaana aanu fiicnayn xidhiidhka Cabdiraxmaan Seylici iyo maamulka xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal. Cabdiraxmaan Seylici oo arrintaa wax laga waydiiynayna waxa uu yidhi, “Maamulka xisbiga ee gobolku ma kala qaybsana. Laakiin, waxa jira hal nin oo ah kii magaca Guddoomiyaha haysan jiray, ninkaasina marka horeba nin naga ridoobay buu ahaa oo warbixin laga soo bixiyay intii aan Shirkii Burco-ba la tegin. Markaa waxaanu nidhi waqtigii aanu shirka tegaynay maadaama aan markii hore la bedelin hayska tago (Shirka) hortee iska daaya. Ninkaas oo aan xisbiga u tirsanayn Guddoomiyihiisii iyo arrimihiisiina loo dhisayo xisbiga mooyee, wax maamul ah oo qaybsani ma jirto.”

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Seylici waxa uu ku dooday in khilaafka soo dhexgalay xisbigu uu haatan gebogebo yahay, isla markaana ay isku soo laabteen dhinacyadii khilaafku kala kexeeyay intoodii badnayd. “In hawshaasi dhammaatay waa iska ogtihiin oo xisbiga aqlabiyadiisii isku soo noqday, inta hadhayna wax yar oo kooban ay yihiin. Waxa la yidhi gari laba nin kama wada qosliso, walaalahayaga hadhayna waxaanu jecelahay inay aqbalaan oo nala shaqeeyaan. Laakiin, khilaaf xisbi oo maanta la sheegaa oo hadhay ma jiro.” sidaa ayuu yidhi Mr. Seylici. Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi; “Laba boqol iyo labaatan (220) weeye Golaha Dhexe ee xisbigu. Markaa miisaanku maaha qofka ee waa xaga loo badan yahay, qof qof haddii loo eegana mid aan miisaan lahayni ma jiro. Markaa 220-ka Golaha Dhexe haddii shan-lix nin cadho bani-aadam ku maqan yihiin ma odhan karo miisaan baa maqan. Laakiin, rag muddakar ah oo weli cadhadii ku maqani wey jiraan, kuwaana kama maarano oo waanu jecelahay inay noo yimaadaan.”

Saylici waxaa uu ku dooday in Xisbigu ku xushay dedaal iyo sabir uu mudadii Axsaabtu jirtay ugu soo shaqeeyay Kulmiye,  waxaana uu beeniyay tibaaxo muujinaya in ay jiraan dedaalo dibadeed oo Axmed Siilaanyo ku dhiiri-geliyay inuu u doorto ku xigeenkiisa ku wehelin doona tarantanka Madaxtooyada. Su’aal arrintaa laga weydiiyay Cabdiraxmaan waxaa uu kaga jawaabay qosol kooban ka dib oo uu yidh “Waxaa weeye, sida aad saxaafad ahaanba qortaan, anigaaba weli saaxadda Siyaasada ku cusub, markaa Siyaasadaydu weli dibada Somaliland ugamay bixin….mana jirto, cid dibada igala soo xidhiidhay ama arrintayda danaynaysa oo Xisbiga kala soo hadashay dibadu.”

 

Somaliland ma ka faa’iidaysan doontaa kaalinta uga banaan?

Georgia oo La yaabtay go’aanka Soomaaliya ku aqoonsanayso S. Ossetia iyo Abkhazia

Tblisi (Ogaal)- Dawladda Georgia ayaa dedafaysay tallaabo ay Xukuumadda TFG ee Somalia ku sheegtay inay ku aqoonsanayso Gobollada goonida-u-go’ay ee Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia. Waxaanay ku sheegtay farogelin Siyaasadeed oo ay waddo Xukuumadda TFG ee Somalia.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Maamulka TFG ee Somalia uu ku dhawaaqay inuu Gobollada Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia ee dalka Georgia u aqoonsanayo dalal Madax bannaan, isla markaana uu la yeelanayo xidhiidh Dibloomaasiyadeed. Tallaabadaas oo Somalia ka dhigaysa dalka saddexaad ee Gobolladaas u aqoonsada dalal jira, iyaga oo ay uga horreeyeen Ruushka oo ahaa dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada iyo dalka Nicaragua ee badhtamaha Qaaradda Maraykanka oo uga dambeeyay. Arrintan ayay Dawladda Georgia ku tilmaantay mid aan ujeedo la taaban karo lahayn, isla markaana aan la garanayn sababta keentay in Xukuumadda TFG ee Somalia aqoonsato Gobollladaas. “Dhinaca Soomaalida waxay hubanti noogu  sheegeen in Dawladda Somalia aqoonsanayso Dhul run ahaanti Georgia ah, isla markaana la tixgeliyo xorriyaddiisa.” Sidaa waxa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Georgia Khatuna Losava.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Georgia ayaa ka dambeeyay ka dib markii toddobaadkii hore Safiirka Xukuumadda TFG u fadhiya Moscow oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Xandulle uu sheegay in Xukuumaddiisu sida ugu dhaqsaha badan u aqoonsanayo, lana yeelanayso xidhiidh Dibloomaasiyadeed Gobollada goonida isu taagay ee Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia.

Labadan Gobol ayaa aqoonsigooda ay hormood ka ahayd Dawladda Ruushku, ka dib markii uu Dagaal ka dhashay gobol ka mid ah gobolladani uu dhex maray Dawladaha Ruushka iyo Georgia. Arrintaas oo ay ku gacan-saydheen badi dalalka adduunka oo uu ugu horeeyo Maraykanka oo ay dirir-Siyaasadeed ka dhaxayso Ruushka. Kuwaas oo aaminsan in Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia ay yihiin dhul ka tirsan Georgia.

Si kastaba ha ahaatee, badi dadka daneeya arrimaha aqoonsi-raadinta Somaliland ayaa xurgufta siyaasadeed ee Georgia iyo Maamulka Cabdilaahi Yuusuf ay ka dhex abuurtay arrintani ku tilmaamay mid ay fursadi uga bannaan tahay Somaliland. Kuwaas oo sheegay in haddiiba loo hawlgalo ay suurtogal tahay in tallaabada Maamulka Cabdilaahi Yuusuf qaaday ee aqoonsiga Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia ay ka fogayn karto dawladaha Yurub iyo Maraykanka, Islamarkaana Dawladda Georgia jawaab uga dhigi karto xidhiidh iyo Aqoonsi Caalami ah oo ay siiso Somaliland. Hase yeeshee, waxa jirta isweydiin arrintaa dhinac taala, oo marka la eego tilmaamaysa in arrintani u baahan-tahay Fiiro siyaasadeed iyo in la darso saameynta ka ay leedahay ka hor inta aan talaabo la qaadin.

 

 


Hooyo 113 jeer middiyo ku dhaceen iyo qoyskeedii oo la xasuuqay

South Africa: “Dhamaanteen dilalka noocan ahi waa inagu yax-yax”

 

Queenstown, South Africa (Dispatch Online/Ogaal)- “Dilalka ka dhaca dalka Koonfur Afrika waa kuwo aad u badan, balse dilkii qoyska Sahra Cumar Faarax oo ka dhacay magaalada Queenstown wuxuu khaas ahaantiisa ahaa mid laga argagaxo.” Sidaa waxa lagu bilaabay maqaal naxdin lahaa oo laga qoray qoys Soomaali ah oo degenaa Gobolka Eastern Cape ee koonfurta dalkaas.

Maqaalkaas oo shabakadda faafisay ee Dispatchonline cinwaan uga dhigtay, ‘dhamaanteen dilalka noocan ahi waa inagu yax-yax,’ oo aanu tarjunay wuxuu u dhignaa sida: “Sahra Cumar Faarax waxa middiyo laga taagay jidhkeeda 113 jeer. Waa wax garaadka ka wayn oo aad u faashiistenimo ah in ugu badnaan aanu maankaagu keenayn in jidhka qof bani’aadami ahi uu xamili karo dhaawacda sidaa u badan oo kale. Saddexdeedii caruur ahaa ayaa iyana ku hareer dhintay intii uu socday weerarkaa xad-gudubka ahaa ee aanu maanku keenayn. Mrs Faarax iyo inanteedii 12 jirka ahayd ayaa marar badan la kufsaday ka hor intii aan la dilin. Nomalady Dlani oo ah masuulka metelaya Komishaneerka Booliska Gobolka Eastern Cape ayaa aaminsan in dilalka noocaasi ay yihiin jarriimado waawayn, halkii lagaga tilmaami lahaa inay yihiin nacayb loo qabay dadka ajaanibka ah. Komishaneerku wuxuu arrintan ku sababeeyay inay xataa shilkaa ka horeeyeen dilalka laba haween ahaa oo aaggaas lagu laayay. Hase yeeshee, “Sida runtii ah laguma tirin karo cuqdad nafsaani ah marka dadka Soomaalida ah oo keliyi ay u muuqdaan kuwo la kulmaya dadka Koonfur Afrikaanka ah oo ka cadhaysan in dad ajaanib ahi ay ugu imanayaan magaalo-madowyadoodii, isla markaana ay ganacsi ka furanayaan,” ayuu yidhi Komisheerka Boolisku. 

Waxa jiray toddoba dil oo ka dhacay magaalada East London sannadkan oo keliya, kuwaas oo dhamaantood ahaa ganacsadayaal sida Sahra Cumar Faarax oo kale, isla markaana dhamaantood waxay ahaayeen Soomaali isku deyaysay inay helaan nolol ay ka samaystaan dhul aad uga fog dalkooda rabhaduhu aafeeyeen ee Soomaaliya. Mrs Faarax caruurteeda halkaa kula dhimatay waxay kala ahaayeen Maxamed Ciise Cismaan oo 19 jir aha, Ibraahim Ciise Cismaan oo 14 jir ahaa, iyo Caasha Ciise Cismaan oo 12 jir ahayd. Hase ahaatee, magaalada Queenstown waxa looga arkayay uun inay tahay arrin la mid ah dilalka caadiga uga dhaca dalkaas. Isla markaana Komishaneerka boolisku ma qabaan aragti la mid ah afkaarahooda ay ka aaminsanaayeen dilalkii kale ee lagu khaarajiyay sida Xasan Hardi oo laba toddobaad ka hor lagu dilay magaalo-madowda CC Lloyd Township, Cabdi Abuubakar oo September 10 la dilay, Maxamed Cabdille iyo Axmed-khayr oo la dilay horaantii September, Khaliif Jaamac iyo Bedal Maxamed oo halkaa lagu dilay bishii January ee sannadkan?

Marka laga yimaado dilalka nacaybka ah ee lagula kaco ajaanibka Afrikaanka ah guud ahaa, gaar ahaana dadka Soomaalida ah, wax badan in arrintaa laga qabto ayay Soomaalidu aad ugu baahan tahay, isla markaana xasuuqii hooyada Sahra iyo caruurteeda lagula kacay ayaa loo arkaa inaanu waxba ka duwanayn isir-goyn, sidoo kalena booliska ayaa la fahansan yahay inaanay ka qaadin tallaabadii loo baahnaa dadkii falkaas iyo kuwo kale oo halkaa ka dhacayba ka dambeeyay.”

 

Jabuuti oo cadaysay la dagaalanka Budhcad-badeedda Soomaalida

Ma jiraa wadahadal laga yeeshay Madax-furashada Markabka Hubka sida, yaase bixinaya lacagta?

Nairobi (IHT/Ogaal)- Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxay Markab laga leeyahay dalka Ukraine oo siday Hub iyo Saanad Milatari, isla markaana ay Koox Budhcad-Badeed Soomaali ahi afduub ugu haystaan meelo ka tirsan Xeebaha Maamul-gobolleedka Putland ee Somalia, ayaa sheegaya in shir ay Dibloomaasiyiin ka kala socday dalal kala duwan oo Dunida ahi shalay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay gebo-gebadii kulankoodaa isla garteen xalka kaliya ee lagu soo furan karo Markabkan Hubku ku raran yahay uu kaliya yahay in la bixiyo Lacagta Madax-furashada ah ee Budhcad-Badeeddu dalbadeen. Hase ahaatee, waxa iyana soo baxaya su’aalo ku wajahan cidda Lacagtan Madax-furashada ah bixinaysa.

Sida lagu baahiyay Shabakadda Wararka ee International Herald Tribune oo aanu Warkan ka soo xiganay, sidoo kale Dibloomaasiyiinta Shirkan isugu yimi ayaa soo bandhigay jid kale oo ay sheegeen in uu yahay in weerar Milatari lagu qaado, balse arrinkaas ayaan ahayn mid ay ku niyad-san yihiin. Waxa jira wada-hadallo ku wajahan Lacag Madax-furasho ah oo ay dalbadeen Kooxda Budhcad-Badeedka ahi oo u socda Kooxda Budhcad-Budeedka ah iyo dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Mulkiilaha Markabka, Shirkadda Maraakiibta ee Ukraine, Masuuliyiinta Dawladda Ukraine, Shirkadda uu Markabku caymiska kaga jiro iyo Ehelada dadka saaran Markabka dushiisa ee afduubka loo haysto. Iyada oo ay marba-marka ka dambaysa isa soo tarayaan su’aalaha ku wajahan haddiiba wada-hadalladan lagu guulaysto cidda bixinaysa Lacagta Madax-furashada ah. “Waxa jira qaybo badan oo wada-hadalladan ku lug leh. Sidaa darteed ma cadda cidda masuuliyadda bixinta Lacagta Madax-furashadu saaran tahay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ehelada dadka afduubka loo haysto ee Markabkan saaran oo u warmay  Shabakaddan IHT.

Kooxda Budhcad-Badeedka ah ee Markabkani u afduuban yahay ayaa dalbaday Lacag Madax-furasho ah oo qaddarkeedu dhan yahay 20-Milyan oo Dollar. Inkasta oo Wararka qaarkood sheegayaan in ay hoos u dhigeen oo ay qiimahaas wax ka dhimeen.

Dhinaca kale, Saddex Markab oo ay in muddo ah Xeebaha Soomaaliya ku haysteen kooxaha Budhcad-badeeddu ayaa gaadhay dalka Jabuuti, kadib markii ay dhawaan sii daayeen. Isla markaana dawladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay ka qaybgasho dagaalka ka dhanka ah kooxaha Budhcad-badeedda Soomaalida. Waxaana shalay oo keliya ay weerar balaadhan ku qaadeen ilaa shan Markab oo marayay xeebaha Soomaaliya.

Saddexdan Markab ee ay Budhcaddu sii daysay waxa laba ka mid ah laga leeyahay dalka Malaysia, halka ka kalena ay leedahay dawladda Masar, mana cadda in sii dayntooda lay Madax-furasho ka qaateen iyo in kale iyo muddada ay Budhcaddu haysatay Xeebaha Puntland.

Wasiirka warfaafinta Jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa sheegay in dawladiisu ka qayb qaadan doonto la dagaalanka kooxaha Budhcad-badeedda Soomaalida. Wasiirku waxa uu tilmaamay in Soomaalidu xaq u leedahay inay xeebaheeda ka difaacdo kooxaha Kaluumaysiga u taga, balse falalka Budhcad-badeeddu aanu ahayn mid loo dulqaadan karo. Waa markii ugu horeysay ee Jabuuti si cad u sheegto inay ka qaybgalayso dagaalka ka dhanka ah Budhcad-baddeedda Soomaalida.

Weerarada kooxaha Budhcad-badeeddu ku hayaan Maraakiibta isticmaala Badda Cas ayaa noqday kuwo joogto ah, isla markaana shalay oo keliya waxay weerar ku qaadeen shan Markab, kuwaas oo mid ka mid ah laga leeyahay dalka Talyaaniga, halka mid kalena laga leeyhay Imaaraadka Carabta.  Ururka Markableyda Jarmalka ayaa sheegay inuu diiwaangeliyay 500 boqol oo isku day oo kooxaha Budhcad-badeeddu ku qaaday Maraakiibta. 

 

 

Soomaaliyad Xabsi ku mudatay ninkeedii oo

ay Xijaab u xidhay si uu Booliska uga baxsado

London (W. Wararka/Ogaal)- Ninka noqon gabadhu u doonanayd oo noqon lahaa qarxiyihii July 21 khadadka marinada dhulka hoostiisa ayaa lagu xukumay saddex sannadood oo xadhig ah gabadhii ay is-guursan lahaayeen, ka dib markii ay ku cadaatay inay iyadu siisay Xijaabkeedii si uu dalka Ingiriiska dibada uga baxo. Sidaana waxa lagu faafiyay warbaahinta caalamiga ah.

Farduus Cabdillaahi oo 17 jir ahayd xilligii qaraxyadu ka dhaceen magaalada London, dhalashadeedana lagu sheegay Soomaali, ayaa lagu tilmaamay inay u gelisay Yaasiin Cumar dirays buuxa oo lebiska haweenka muslimka ah, isla markaana horseeday inuu ka baxsado magaalada Birmingham iyadoo aan la aqoonsan. Waxaanay sidoo kale u bedeshay talefoonkeedii si aan loo dhegaysan talefoonkiisa, halka waqti dambena ay been uga sheegtay booliska, iyadoo markaa sheegtay inaanay ogayn meel uu ninkaasi tegay. Mr Cumar waxa uu ka baxay London ka dib markii boorso uu ka buuxiyay waxyaabaha qarxaa uu ku guuldaraystay inay shaqeeyaan oo ku qarxaan jid-tareenka dhulka hoostiisa ee Warren Street. Mrs Cabdillaahi oo la sheegay inay leedahay uur 24 toddobaad jira, ayaa qiratay inay dembiile ku tahay caawimada ay siisay ninkaas. Maxkamadda ayaa dhegaysatay sida ay gabadhaasi maskaxda uga xanuunsanaysay ilaa markii ay jirtay 12 sannadood, isla markaana ay cadaadis ku saareen Cumar iyo qoyskiisu sidii uu u baxsan lahaa. Hase ahaatee, Xaakimka Maxkamadda Judge Paul Worsley oo la hadlayay gabadhaas ayaa ku yidhi, “Masuuliyadaada dalkani way ka waynayd masuuliyadda aad u haysay ninkaaga.” “Xabsigu waa inuu ka duulaa xaqiiqada ah in qof kasta oo caawiya kuwa ku dhaqaaqa tallaabo ay ku laynayaan dad fara badan, isla markaana waa in lagu ciqaabaa dembiyadooda,” ayuu raaciyay hadalkiisa xaakimku. Farduus oo Soomaaliya ka tagtay 1998-kii, isla markaana heshay sharciga muwaadinnimada Ingiriiska sannadkii 2004-tii ayaa lagu khasbay inay is-mehersadaan Yaasiin Cumar afar maalmood oo keliya ka hor qaraxyadii London ee July 21, 2005. Afar maalmood ka hor xilligaasna waxay Farduus ka soo baxday cusataal lagaga dawaynayay xanuunka qulubka iyo cuqdada, kaas oo ay ka soo qaaday waxyaabihii ay Afrika ku soo aragtay. Waxa Mr Cumar baray inaadeerkeed, waxaanay isku mehersadeen Masaajidka Finchley July 17. Inkasta oo aanay iyadu waqtigaa kala ogayn in Yaasiin Cumar uu qorshaynayay weerarada qaraxyada ahaa, hadana waxay ka caawisay inuu booliska marin-habaabiyo ka dib markii uu ku guuldaraystay qarxintiisii. Xeer-ilaaliyaha dacwaddan oogaysay Emma Gargitter ayaa la sheega inay tidhi, “Waxay ku taageertay inay siisay talefoonkeedii si aanu u isticmaalin kiisii uu lahaa. Waxay ka caawisay inay u alifto lebiska haweenka islaamka July 22, waxaanay u sii dhawaysay ilaa Istaanka Basaska waawayn ee Golders Green Coach Station, halkaas oo uu uga ambabaxay Birmingham. Waxaanay warar khaldan ka siisay booliska oo la xidhiidhay aqoontii ay u lahayd Yaasiin Cumar halka uu jiray.” Mrs Cabdillaahi waxay habeenkii uu ninkeedu baxsnayay kula qaadatay huteel ku yaala badhtamaha London, halkaas oo ay ku siisay lebiskeedii xijaabka ahaa. Jonathan Cooper oo ah looyarka daacayay ayaa sheegay inaanay la wadaagayn ninkeeddaas ujeedooyinkiisii, isla markaana ay ahayd qof jilicsan. Isaga oo dib u eegayay nolosheedii horena wuxuu sheegay inay maskaxiyan u buktay. “Mr Cumar ayaa ka xoog-badnaa, isla markaana maamulanayay,” ayuu yidhi garyaqaanku. Inkasta oo ay ka qiratay makamadda horteeda inay ninkaa caawisay bihii la soo dhaafay, hadana qirashadeeda lama soo bandhigin ilaa xilligan.

Si kastoo ay ahaydba, Mr Yaasiin Cumar oo ay weheliyaan Mukhtaar Ibraahim, Xuseen Cismaan iyo Ramzi Maxamed waxa bishii July ee sannadkii hore lagu xukumay xabsi daa’in. Isla markaana gabadhan guurkeedii guuldaraystay, ka dib markii aanay u suuragelin inuu ninkeeddaasi ka baxsado dalka Ingiriiska, waxaana lagu xukumay saddex sannadood oo xadhig ah.

 


Soomaaliya: Al-Shabaab oo amartay inay dalka ka baxaan Hay’addaha CARE iyo IMS

Muqdisho (Xinhua/Ogaal)- Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kala horjeedda Xukuumadda TFG ee Somalia, ayaa laba Ha’yadood oo Caalami ah ka mamnuucay ka-hawlgalka Deegaanada ay gacanta ku hayaan. Iyaga oo ku eedeeyay inay wadaan hawlo ka dhan ah Diinta Islaamka. Waxaanay sidoo kale digniin u jeediyeen Hay’adaha kale ee gargaarka ee ka hawlgala Deegaamadaas.

Sidaanu ka soo xiganahay Shabakadda Wararka ee Xinhua ee dalka Shiinaha, Hay’adahan laga mamnuucay ka hawl-gelidda Deegaanada maamul ahaan ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab oo kala ah Hay’adaha CARE International iyo International Medical Corps (IMS), isla markaana ah kuwo sama-fal ayay Kooxdani ku tilmaameen kuwo wada dhaqdhaqaaqyo ka hor imanaya barashada Diinta Islaamka. “Ma aqbali karno dhaqdhaqaaqyada noocan ah ee ay labadan Hay’adood ka wadaan Deegaanada aanu maamulno.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), isaga oo sheegay in Kooxdani ay la wareegeen Qalab ka mid ah kuwii ay Hay’adahani ku hawl-galayeen. Sidoo kale, waxay digniin u jeediyeen Ha’yadaha kale ee ka hawlgala goobahaas. “Hay’adaha kale ee ka howlgala Soomaaliya waxaanu uga digeynaa in ay qabtaan waxyaabo ka baxsan howsha samafalka ah ee ay sheegtaan, haddii ay digniintan u hoggaansami waayaan-na tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa” ayuu yidhi Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Kooxdan oo ka maamula Deegaano ka tirsan Gobollada u koonfureeya Somalia, oo ay ka mid tahay Magaalo-xeebeedda Kismaayo. Hase yeeshee, waxa u hadalkoodani ku soo beegmay waqti ay toddobaadkii hore Maxaakiimta Islaamiga ahi ugu baaqeen Hay’adaha Caalamiga ah inay ka hawl-galaan Deegaanada iyaga hoos yimaada, iyaga oo ballan qaaday inay sugi doonaan ammaankooda ka dib markii ay Hay’adaha gargaarka Caalamiga ah qaarkood ay ammaan-darro awgeed Shaqaalahoodii kala baxayaan dalka Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Somalia garabkooda Asmara Xasan Daahir Aweys, ayaa ugu baaqay Kooxda Al-Shabaab inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo nacayb abuuraysa, isla markaana inay ka fogaadaan wax kasta oo aanay Shacabka Deegaanadaas dani ugu jirin. “Bani’aadam baanu nahay oo waanu qaldamaynaaa, hase ahaatee waanu saxaynaa qaladkayaga. Waxaanan u sheegaya saaxiibadayada ku sugan Kismaayo inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ku dhisan aqoon-darro, isla markaana keenaysa nacayb. Waanu u hoggaansami doonaa Xukunka Islaamiga ah, balse ha laga fogaado wax aanay dani ugu jirin Dadka.” Ayuu yidhi Xasan Daahir Aweys oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wakaaladda Wararka ee Reuters, isaga oo ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Erteriya.

 

 

 

 

 

Cudur-daar

Wargeyska Ogaal waxa uu ka cudurdaaranayaa khalad si Madbici ah u dhacay, kaasoo la xidhiidhay jawaab uu Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ka bixiyay su’aal laga waydiiyay warar sheegayay in boqortooyada Sucuudigu u diiday Dal-ku-gal (Visa) uu u tegi Cimrada sanadkan, taasoo Guddoomiyuhu beeniyay. Hase yeeshee, caddadkii Ogaal ee Khamiistii tegtay oo warkaasi ku qoraa, waxaan ku soo bixin oo khalad farsamo dartii uga hadhay, jawaabtii Faysal Cali Waraabe ka bixiyay su’aashaa. Sidaa darteed, waxaanu ka raali gelinayaa Guddoomiyaha UCID iyo akhristayaashaba khaladkaa. Jawaabtii uu Injineer Faysal Cali Waraabe ka bixiyay su’aashaana waxay u dhignayd sidan; “Maya waxba layma diidine, waxay ahayd Fiisaha lay soo diray in laygu soo hagaajiyo Jabuuti ama Addi-Ababa. Laakiin, anigaa dalbaday in lay soo dhigo Dubai, Ciqaamadna kuma lihi Dubai. Markaa intaas uun bay ahayd ee wax dhibaato ahi ma jirto.”

 

 

 

 

 

Xog-waranka saddex ka mid ah hablaha calanka u sida Fanaaniinta Jabuuti

 

Hargeysa (Ogaal) Saddex ka mid ah Hablaha Calanka u sida fanaaniinta wadanka Jabuuti ayaa xog-waran uu la yeeshay TV-ga dalkaasi kaga waramay waayihii fankooda, arragtidii ay kala  kulmeen qoysaskooda iyo wejiga Bulshadu ku qaabishay.

Fanaanada Aamina Gacanla ayaa waxay tilmaantay in Xiisaha fanka ay u haysay  darteed ay ku difaacday caqabado kaga yimi Bulshada. “Fanka kuma maararoobo ee waan jeclahay..” Sidaas ayay tidhi Aamini waxaanay intaa ku dartay “Reerkayagu, dabcan sida qoysaska kale ayay uga naxeen, oo qalad ayay u arkayeen in aan noqdo Fanaanad. laakiin imika sidii maaha oo Hooyaday iyo walaalahay ayaan la deganahay”

Aamini waxay sheegtay in ku dhawaad labaataneeye Sanadood ku soo jirtay Fanka. “Arrimo kale oo laga hadli karaa way jiraan laakiin, inta badan Jacaylka ayaanu u baratanaa..”ayay tidhi mar ay ka hadlaysay inta badan arrimaha ay ka hadlayaan Heesaha ay qaadaa. “Xaas ma lihi, laakiin marbaan guursaday…Hadaan guursado Fanka isma lihi aad joojisid. Waayo dhibaato aan ku jiro oo aan ku keenayo ninka I guursada, ma filayo inay jiraan…”

Aamina waxaynu qaybtaa waraysigeeda lagu soo xidhay Heeska ay ku leeqayso ee ay midhihiisa ka midka yihiin.. “Naftaydaa Agtaadiyo, aragaaga jeceloo. indhahaa ku weheshada..weheshada”

Ismahaan Xaamud oo sidoo kale ka warantay wakhtigii ay fanka ku soo biirtay ayaa waxay sheegtay in Dalka Jabuuti heerka nolosha Fanaaniitu aad u heeseeyo. “Halkan (Jabuuti) ayuu Fanku ugu liitaa. Waayo, Fanaanku ma helayo dhaqaale uu ku dabaro wax soo saarkiisa ama Heesaha uu doonayo inuu soo saaro. Sidaa daraadeed, maba soo baxayo.” Ayay tidhi Ismahaan

Ismahaan waxay kala mid ahayd dhinaca muuqaalka arragtida Bulshadu ka qaadatay markii la ogaaday inay ku biirtay Fanaaniinta, “Xaas ayaan ahay. 3 caruur ah ayaan dhalay, walaalahay-na waa toban..” ayay Tidhi Ismahaan, ka sokow Xogwaranka waayaha Nolosheedana waxa TV-gu sii daayay mid ka mid ah heesaha ay ku luuqayso. Heestaas oo aynu midhaheeda ka xusi karro “Fanaaniinta oo Idil,

Kuwa fidiya heesaha

Faaleeya Caashaqa

Fariinbaan u dirayaa

Hawlahaan ku foognahay

Faalo inay ka dhiibaan”

Fanaanada Xaliimo Abdilaahi ayaa sidoo kale waraysi ay bixisay kaga faalootay dhibaatada Fanaaniinta ka haysata, kala xadayn la’aanta iyo Xuquuqdii Sharci ee dhawri lahaa ama qaban lahaa Fanaanka oo ay sheegtay inaan Soomaalidu lahaynba meel la joogaba. “Gabadh yar ayaa Heesahaygii Idaacada ka baxayay qaadaysa,  idaacada u duubaysa oo laga sii daynayaa. Sharci ma jiro. markaa dhibaatadaas ayaa Fankeena la hadhay.” Ayay Tidhi Xaliimo, waxana ay sheegtay in ay Fanka ku biirtay 1982-kii,

Dhinaca qoyska waxay sheegtay inay la dhalatay shan walaalaheed ah. Islamarkaana iyada lafteedu ay dhashay Afar caruur ah in kasta oo ay kala tageen ninkeedii oo ay Carmali tahay haatan.

 

 

 

Biden khibradiisii ayuu soo bandhigay, Sarah Palin-na waxay dawaysay dhaawacyo hore u gaadhay

St. Louis, Missouri, Washington (CNN/Ogaal)- Sen. Joe Biden ayaa muujiyay aqoontiisa khibradeed, halka Badhaaab Sarah Palin ay ka soo bandhigtay guulaheeda badhasaabnimo iyo maayarnimo ee ay ku muujinaysay inay u qalanto jagada loo doortay, ka dib markii arooryadii Jimcihii oo ku beegnayd habeenimadii Khamiista ee waqtiga Maraykanka ay doodi dhex-martay labada musharrax ee madaxweyne ku xigeenada u kala noqonaya musharraxiinta Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga Maraykanka doorashada sannadkan aakhirkiisa dalkaa ka dhacaysa.

Mr Biden oo ah musharraxa u taagan madaxweyne ku xigeenka Dimuquraadiga ayaa ku eedeeyay musharraxa Jamhuuriga ee McCain inuu iska indho-tirayo arrimaha la xidhiidha nolosha dadweynaha, halka Mrs Palin oo ah musharraxa ku-xigeenka Jamhuurigu ay ka qoddobaysay siyaasadda ku saabsan dagaalka Ciraaq. Waxaanay cadaadiska saartay taariikhdeeda isbedel-doonka ahayd, isla markaana waxay sheegtay in iyada iyo John McCain ay isku koox ka noqonayaan isbedelkaas. “Waxa nalagu yaqaanaa inaanu dhinac iska dhigno siyaasaddaha kala qaybsan oo keliya aanu hawshayada qabsano,” ayay tidhi. Dooddan oo ka dhacday Jaamacadda Washington ee ku taala St. Louis, Missouri, ayaa la sheegay inay labada musharraxba kaga hadleen wax kasta oo la xidhiidha dhaqaalaha, siyaasadda shidaalka iyo quwadda ilaa siyaasadda arrimaha dibadda. Paul Begala oo ah khabiir dhinaca istaraatiijiyada ku xeel-dheer ayaa sheegay in labada musharraxba ay su’aalihii la waydiiyay siyaabo kala duwan ku qaabileen. “Laba istaraatiijiyadood oo kala duwan ayay ka duulayeen. Joe Biden istaraatiijiyadiisu waxay ahayd inuu dhaawaco siyaasadda McCain, isaga oo ku xidhiidhinayay siyaasaddaha uu kala midka yahay Bush. Waanu ku guulaystay taas,” ayuu yidhi Begala. “Sarah Palin istaraatiijiyadeedu waxay ahayd inay iyadu is-difaacdo, isla markaana dib u soo noolayso dhaawacii gaadhay shaqsiyadeeda, waxaanan u malaynayaa inay taas shaqo wanaagsan ka qabatay,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Maalmihii ka horeeyay dooddan ayaa Mrs Palin waxa aad loogu dhaleecaynayay waraysiyadeedii ay siisay taleefishanka CBS oo ay la yeelatay Katie Couric. Waxaanay ku kala daadatay su’aalo laga waydiiyay siyaasadda arrimaha dibadda, maxakamadda sare iyo weliba nooca wargeysyada ay akhrido, kuwaasoo jawaabihii ay ka bixisay sababeen inuu ka muuqdo dhaawac keenay in su’aalo badan layska waydiiyo siday uga horjeesanayso Mr Biden. Intii dooddaasi socotay waxa jiray buun-buunin badan oo la xidhiidhay inuu Biden wax tallaabooyin uu iskaga fogeeyo haweenayda ka soo horjeeday samaynayay iyo inkale. Hase yeeshee, Mr Biden oo khibrad fara badan u lahaa fagaarayaasha dadweynaha ayaa sidoo kale ka faa’iiday sumcad iyo waxyaabo aad loogu qadariyo. “Joe Biden wuxuu soo bandhigay qaab-doodeedkiisii ugu fiicnaa taariikhdiisa, waxaanan aaminsanahay inuu aqoonta sare isagu hogaaminayay intii ay guud ahaanba dooddaasi socotay. Qoddobka siyaasadda waa laga yaabaa inay barbaro noqdaan,” sidaa waxa yidhi David Gergen oo ah khabiir sare oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan Taleefishanka CNN. “Dood ahaan, waxaan aaminsanahay inuu ahaa ninka hogaaminayay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mar labada musharrax wax laga waydiiyay siyaasadda dagaalka Ciraaq iyo in laga soo baxayo iyo cashuuraha lacagtooda. Mrs Palin waxay amaantay shaqada uu qabtay Gen. David Petraeus. “Waxaan ogahay in qolada (musharrixiinta Dimuquraadiga) kale ay ka horjeedaan arrintan, xaqiiqdiina waxay xataa ka horjeedaan in la dhaqaaleeyo ciidamadeena kala jooga Ciraaq iyo Afgaanistaan. Barack Obama wuu ka codeeyay dhaqaalihii ciidamada halkaa (Ciraaq) jooga, xataa isaga oo u ballanqaaday inaanu sidaa samayn doonin,” ayay tidhi. “Isla markaana Sen. Biden, waxaan ku ixtiraamayaa markaad ugu baaqdo inuu sidaa ka noqdo.” Ayay hadalkeeda raacisay. Markii la waydiiyay jawaabaha uu ka bixinayo su’aashaas Mr Biden wuu ka horjeestay Mrs Palin: “Iyadoo dhamaantood ay ixtiraam leeyihiin, maan maqlin wax qorshe ah….balse Barack Obama wuxuu soo bandhigay qorshe cadaan ah. In loogu wareejiyo masuuliyadda dalkooda dadka Ciraqiyiinta ah mudo ku siman 16 bilood. Tirada ciidamadeena dagaalka ku jirana hoos loo dhigayo kolba,” ayuu yidhi Mr Biden. “Marka loo eego hadalkii Barack Obama muu ahayn mid uu kaga hadlay wax dhaqaale ahba. Hase ahaaee, John McCain ayaa u codeeyay xaqiiqdii si sidaa la mid ah. John McCain ayaa ka codeeyay dhaqaalaha ciidamadeena, sababta oo ah wuxuu ka codeeyay wax ka bedelka waqtiyaynta ciidamadeena tiradooda lagu soo dhimayo,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Markii doodii su’aashaasi kululaatay ayay Mrs Palin oo hadalka ku soo booday sheegtay inaanay iyadu kala cadayn karayn hawl kasta oo nin leeyahay oo isbedelaysa. “Horaa loo yidhi; Wax baa ka jira wax-qabadka ninka, laakiin sidoo kale cimladuba way is-bedeshaa dhulkan aynu ku noolahay,” ayay tidhi. Mr Biden oo aan taas ku raacin ayaa yidhi, “Waxaan u malaynayaa taasi mid bani’aadami sameeyay. Waanay caddahay inuu bani’aadami sameeyay.” “Haddii aanad fahmaynin waxa ay sababtu tahay, lama iman kartid xalka.” Mar cashuuraha laga hadlayay ayuu Mr Biden oo ka hadlayay dadka ay noloshoodu dhexdhexaadka tahay waxa uu yidhi, “Marka aad adigu wanaagsan tahay, Ameerika way wanaasan tahay.” Mrs Palin oo weeraraysay qorshaha Obama ayaa tidhi, “Taasi waa habka dib-u-socodka ah ee lagu difaacayo dhaqaaleheena.”

Dhinaca kale, qorshihii uu Madaxweyne Bush ku doonayay in lagu maareeyo dhaqaalaha Maraykanka oo hore ay u diideen mudanayaasha Aqalka Koonagareesku ayay aqlabiyad ku ogolaadeen xalay ka dib markii laba maalmood ka horna ay ansixiyeen Aqalka Odayaasha Maraykanka ee Senetors-ku. Hase yeeshee, iyada oo xalay maamulka Aqalka Cad uu ku guulaystay qoshahaas $700 oo bilyan oo Doollarka gaadhayay ayaa hadana waxa mar keliya la xidhay suuqa ganacsiga ugu wayn ee Wall Street ka dib markii uu hoos u dhac ku yimi. 

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra