Daahir Riyaale oo la filayo inuu booqasho ugu baxayo Nairobii

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa lagu wadaa Isniinta inuu u ambabaxo booqasho uu ku tegayo Dalka Kenya.

Si rasmi ah daboolka loogama qaadin ujeedada booqashadan oo hadalhaynteedu soo baxday wax yar uun kadib markii Daahir Riyaale ka soo noqday socdaal uu dhowaan ku soo maray dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska, waxaana laga bixiyey xogo iyo dareemo la xidhiidha wakhtiga uu ku beegan yahay socdaalkani oo ay Nairobi ka socdaan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo heer gobol ah.

Wargeys uu maalgeliyo Daahir Riyaale oo ka soo baxa Hargeysa, Maalmaha ayaa cadadkiisii maanta qoray in mgaalada Nairobi looga diyaargaroobayo soo dhoweynta Daahir Riyaale iyo weftigiisa.

Wargeysku ma sugin wakhtiga uu tegayo mudane Riyaale iyo ujeeddada booqashada, balse, waxa uu sheegay in uu ku tegayo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Kenya. Waxana uu ku tilmaamay ujeeddada booqashada mid qayb ka ah dedaal xukuumaddu aqoonsi ugu raadinayso Somaliland, isaga oo iftiimiyey xidhiidh ka dhexeeya booqashada Daahir Riyaale iyo shir ay magaalada Nairobi ku leeyihiin waddamada urur-goboleedka IGAD iyo dowladaha kale ee ku lugta leh arrinta Soomaaliyada qasan, kaas oo sidoo kale lagu martiqaaday Cabdillaahi Yuusuf iyo kooxdiisa dowladda Baydhabo.

Warar kale ayaa iyaguna ishaaraya in Daahir Riyaale loogu yeedhay kulanka Nairobi oo ah mid lagaga arrinsanayo sidii la isaga kaashan lahaa dagaal saf ballaadhan ah oo la doonayo in lagu qaado budhcad badeedda barriinsadey xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo khatartooda caalamku si weyn uga qayliyey beryahan dambe, kadib markii budhcad badeeddu gacanta ku dhigtay markab hub u sidey Kenya.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra