Xukuumadda oo Ciidamo KULMIYE ka horjoogsada Boorame ku daadisay jidka isku xidha Hargeysa iyo Gebiley

Hargeysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Daahir Riyaale ayaa ciidamo xooggan dhigtay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo degmada Gebiley, iyada oo ka cabsi qabta in wefti ka socda xisbiga KULMIYE uu booqasho ku tago magaalada Boorame, waxayna ciidamadaasi horjoogsadeen, dibna ugu celiyeen jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gebiley xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE oo si shakhsi ah ugu sii jeedey degmada Gebiley.

Sida ay wararku sheegayaan, tallaabadan xukuumaddu ciidamada laxaadka leh ku dhigtay waddada isku xidha Hargeysa iyo Boorame oo ay meelo door ah baro kontorool oo cusub ka samaysteen, waxa ay ka dambeysey markii xukuumaddu heshay warar sheegaya in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayaa ay tegayaan magaalada Boorame maalinta ciidda ka dambaysa oo ku beegan maanta, socdaalkaas oo dadka xukuumaddu wararkaa ka heshay ay ku tilmaameen mid xisbigu kaga dabategayo socdaalkii Cabdiraxmaan Aw Cali iyo xubno ka tirsan kooxdiisu ay ku tageen magaalada Boorame.

Warkaas ayaa sidoo kale waxa la sheegay inuu xiisad ka abuuray magaalada Boorame gudaheeda, halkaas oo markii u horreysey dadku ay si cad ugu kala qaybsameen taageerada xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE iyo xisbiga talada haya ee UDUB intii ka dambeysay markii xisbiga Kulmiye uu soo saaray musharraxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka, kuwaas oo Shirkii Golaha Dhexe ee xisbigu ku yeeshay magaalada Burco loogu doortay musharraxa Madaxweynaha xisbiga, Axmed Maxamed Siilaanyo, musharraxa Madaxweynekuxigeenkana Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Waxaana la sheegay in warkaasi uu sababay in magaalada Boorame laga qabanqaabiyo muddaharaadyo iska soo horjeeda oo loogu diyaargaroobayo weftigaas in lagaga hortago, taas oo ay xukuumaddu ka qaadday baqdin weyn inay khalkhal geliso ammaanka ama ay ka dhalato nabadgelya-xumo.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan caawa arrintaas wax ka weydiiney ayaa sheegay in aanay jirin booqasho u qorshaysnayd isaga iyo wefti uu hoggaaminayo inay ku tagaan wakhtigan magaalada Boorame.

Sidoo kale, xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada, kana soo baxay xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Abiib ayaa isaguna shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Boorame ku beeniyey warkaas sheegaya in wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga KULMIYE uu u soo jeedo dhinaca magaalada Boorame iyo in jidka laga celiyey weftigaas.

Dr. Maxamed Ibraahim (Abolos) oo ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee magaalada Hargeysa, isla markaana ka mid ah xisbiga KULMIYE ayaa ka mid ah dadka ciidanka Boolisku ay ka soo celiyeen jidka u dhexeeya Gebiley iyo Hargeysa.

Dr. Obolos oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in  ciidamo boolis ahi ay ku joojiyeen kontoroolka Hargeysa ee dhinaca Gebiley, kuwaas oo baabuurta baadhayey, isla markaana ay amar ku siiyeen inuu dib ugu noqdo Hargeysa oo aan loo ogolayn inuu dhaafo, balse, waxa uu sheegay in uu xoog ku dhaafay kontoroolkaa. Haddana waxa uu sheegay inuu ugu tegey meesha la yidhaahdo Caabudla oo u dhexaysa Arabsiiyo iyo Gebiley, kuwaas oo uu sheegay inay ballaadhan u galeen, dabadeedna ay joojiyeen.

Dr. Obolos waxa uu sheegay in ciidankaa uu weydiiyey sababta ay u celinayaan, isla markaana ay u sheegeen in amar xagga sare laga soo siiyey, kaas oo ah inay celiyaan siyaasiyiinta KULMIYE. Waxayna ku cawdeen in iyagu ay yihiin askar, sidaa darteed aanay ka qancin karin sababta loo celinayo dadkaas, balse, waxay tibaaxeen in loo sheegay in aanu bilaabmin ololihii doorashadu, isla markaana aan la ogolayn dhaqdhaqaaqa siyaasiyiin olole siyaasadeed u socda.

Dr. Obolos, waxa uu sheegay in uu isagu u socdey degmada Gebiley oo uu u tegayey arrimo qoys uu dib uga soo noqday isagoo sheegay in aanu garanayn ilaa iyo hadda sababta loo soo celiyey.

Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad oo Telefishanka Horn Cable Tv telefoon kula xidhiidhay, waxna ka weydiiyey sababta ciidanka loo dhigay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gebiley iyo amarka lagu bixiyey inay dadka qaar soo celiyaan ayaa diidey inuu wax war ah bixiyo, isaga oo sheegay in arrintaas aanay ka hadlayn.

Warar aanu ka helay ilo ku dhowdhow hoggaanka xisbiga KULMIYE ayaa sheegaya in xubno ka tirsan xisbiga oo uu ka mid yahay Abiib Diiriye Nuur ay si shakhsi ah u soo hadalqaadeen hindise ah inay Ciidda tagaan Boorame oo ay halkaa ku soo qaataan farxadda ciidda. Waxaana la sheegay in ay xukuumaddu ay taas ka warheshay, isla markaana ay ka dhigtay wefti ballaadhan.

Magaalada Boorame ayaa xukuumadda Riyaale farta wadnaha kaga haysaa in kala qaybsanaanta siyaasadeed ee ka dhalatay taageerada qabaa’ilka ku salaysan ee dadku ku kala raacsan yihiin Musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Saylici iyo musharraxii hore, Cabdiraxmaan Aw Cali ay keeni karto xiisad kulul oo gacan ka hadal gaadhi karta.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra