Ururka TAF oo $37,000 guddoonsiiyey Guddida Horumarinta Gobolka Togdheer

Burco (Somaliland.org) – Ururka Dhallinyarada Qurbajoogga ah ee Gobolka Togdheer ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (TAF) ayaa Xalay Gudoonsiiyay 37 kun oo dolar Gudida Horumarinta gobolka Togdheer, taas oo ay ugu tala galeen in lagu dhamaystiro Cisbitaalka Dhimirka ama dadka maskaxda wax uga dhiman yihiin ee Magaalada Burco.

Xaflad Balaadhan oo loo sameeyay Gudoonsiintii lacagtaa ayaa lagu qabtay barxada weyn ee Masjidul Raxma, waxana ka soo qaybgalay xubno doora oo ka mida Dhalinyarada Ururka TAF, Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer, Aqoonyahano, Salaadiin iyo dadweyne aad u tira badan.

Ugu horayn waxa xafladaas ka hadlay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka mida Madaxdhaqameedyada Gobolka Togdheer. waxanu hadalkiisa ku bilaabay “waxaan halkan ugu mahadnaqaya ururka Dhalinyarada ee iskood isku xilqamay ee TAF oo ka yimi wadamo aad u fog kuwaas oo dadaal ugu jira horumarinta gobolkooda waxaan leeyahay jisaaukumulaa kheyr waxaanan leeyahay dhalinayrada Reer Burco ku dayda kuwaas oo kale, islamarkaasna waxaan leeyahay dhalinyarada Reer Somaliland kordhiya aqoontiina oo iska ilaaliiya dhaqamada xunxun ee yurub laga soo diraayo waxaanan ku boorinyaa dhalinayrada dhinacyada xiirta ka fogaaada dhaqan xumada oo ku dayda dhalinayrada TAF”.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Aadan Caydiid oo ahaa Gudoomiyahii hore ee Ururka TAF, imikana ka mida xubnaha ururkaas oo ka hadlaayay magaca ururka TAF waxaanu uu ka warbixiyey ujeeddooyinka ururka iyo kaalmada ay ugu tabaruceen horumarinta Burco.

“Ururkayagan waxa uu ka dhisan yahay oo aanu ka aasasnay sanadkii 2005 wadanka Ingriiska isagoo imikana laamo ku leh dhamaan gobolada dalka Ingriiska. Waxa kale oo aanu ururka gaadhsiinay Cariga Maraykanka oo aanu laamo ka furmay waxaanu ururarkani la jaanqaada Gudida Horumarinta gobolka Togdheer waxaanu fuliyaa mashaariicda kala duwan oo kala ah Waxbarashada, Caafimaadka, Isboorsiga,” ayuu yidhi Aadan. Waxana uu sheegay in dhallinyarada Qurbaha joogta ay isku duuban yihiin, dalkoodana ay jecel yihiin.
Aadan Caydiid waxa uu yidhi, isaga oo deeqdaas guddoonsiinaya Guddida Horumarinta Togdheer, “Waxaanu halkan Gudida ku gudoonsiinaynaa lacag dhan 14000 $ iyo 23000 kun oo hore aanu u soo dirnay markaas lacagta guud ahaan ilaa imika anau cisbitaalka soo gadhsiinay waa 37000 $ oo dolar. Waxa kale oo aanu halkan ku gudoonsinaynaa xulka kubada cagta ee gobolka Togdheer qalab Isboorti oo iskugu jira Dirays iyo kabo kuwaas aanu ugu talagalnay in ay sanadkan ku qaadaan koobka gobolada dalka ee dhawaan la qabandoono”.

Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer Maxamuud Aadan Dheri oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan usoo jeedyay kaalinta ururka TAf kaga jiro horumarinta gobolka Togdheer waxaanu sheegay hawlkasta oo ay qabteen gobolka in Ururka TAF uu ka qaatay qayb libaax.

Waxa kale oo xafladdaas ka hadlay Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Prof. Cabdirsalaan Yaasiin oo ah madaxa Jaamacadda Burco iyo xubno kale oo muhiim ah. Waxayna dhammaantood u mahadceliyeen ururka TAF iyo kaalinta waxqabad ee uu kaga jiro horumarinta gobolka, iyaga oo dhinaca kalena dhallinyarada reer Togdheer, uga digey, kana waaniyey Tahriibta ay naftooda biimaha ku gelinayaan.

Deeqdan ururka TAF gudoonsiiyay Gudida horumarinta gobolka Togdheer maaha markii ugu horaysya ee uu gudoonsiyo waxa hore ay uga qayb qaateen dhismayasha Biriijka iyo Jaamacada Burco iyo mashaaric kale oo kheyriya oo ay wadaan gudida horumarinta gobolku.

Somaliland.org, Burco.


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra