Ciid Wanaagsan
September 29th, 2008 10 Comments »

Somaliland.Org waxay hambalyo ciideed u diraysaa dhamaan shucuubta Muslinka ah iyo dadweynaha reer Somaliland, waxaan leenahay nala wadaaga faraxadda Ciidda.
Waxaad halkan ku soo qori kartaan hambalyooyinka aad diraysaan
Waxaan marka hore halkan hambalyo iyo bogaadin diiran uga dirayaa dhamaan caalamka muslimiinta meelkastooy joogaan. Mar labaadna waxaan hamblyo u dirayaa munaasibada ciidul fitriga dhamaan umada reer somaliland meelkasta oo ay joogaan anoo u rajaynaya inay nabad ku waaraan Ilaahna gaasiiyo himolooyinka ay ku hamminayaa bishan bisheeda. Waxaan kaloo aad u salaamayaa bahda warbaahinta Somaliland siiba Somaliland.org, Hadhwanaagnews.com iyo Oodweynenews. Waxaan kaloo hambalyo diiran u dirayaa Xisbiyada Qaranka Somaliland oon u rajaynayo inay doorashada soo socota ay dalka ka badbaadiyaan dagaal sokeeye iyo isqab-qabsi.
Waa Shueb A. Gabose
Ciid Mubaarik Dhamaantiin and Kulu caan Wa Anthum Bikhayr.
Aniga oo ku hadlaya magaca Maamulka Shirkadda Dahabshiil
Waxaan Hambalyadda Ciidal Fidriga u dirayaa;
Dhammaan Macaamiisha Shirkadda, Maamulka, Wakiillada iyo hawlwadeenadda Shirkadda Dahabshiil, meel kasta oo ay joogaanba,
Waxa aan idiin rajaynayaa Insha Allahu in Ciidan Ciideeda ku gaadhan; barwaaqo, nabad-gelyo, caafimaad qab iyo cibaado suuban
Ilaahayna (SWT) ha idinka abaalmariyo Acmaashii Saalixa ahayd ee aad soo gudateen Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Cabdirashiid Maxamed Siciid
CEO, Dahabshiil
Ciid Wanaagsan bahda shaqaalaha shabakadan Somaliland.Org iyo muwaadiniinta reer SOmaliland meelkasta oo aydun joogtaanba. Kuna ciida farxda iyo nabad qab. Ilaahayna waxa aynu ka baryaynaa in wadankeena inooga dhigo mid sanadkan kiisa kale hela himladii uu inbadan ku taamayay, oo ah Aqoonsi buuxa iyo dawlad karaamadii ummada sooo celisa Aamiin.
Dr Ismail Aadan
Tansania
Ciid Mubaarik Dhamaan ummda Somaliyeed, gaar ahaan mujtamaca reer Somaliland, ilaahay bishaa ramadaan khayrkeeda iyo wanaageeda ha ina wadasiiyo. Aamiin
Ciid Mubarak Guudahaan Muslimiiinta dunida gaarahaana reer Somaliland. Insha Allaah next Eid better for Somaliland and we must not forget other somalis who missing the peace we adore. Fii Kuli caam wa antum bikheyr.
Many Thanks
Waxaan halkan hambalyada ciida uga dirayaa dhamaan shacbiweynaha Somaliland gudo iyo dibadba, waxaan leeyahay ku ciida caafimaad iyo barwaaqo ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu Subxanahu watacala ciidan ciideda nabad qab iyo barwaaqo inagu wada gaadhsiiyo bi-idmilahi kariim.
Waxaan marka hore halkan habalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhamaan umadda muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan
mar labaadka waxaan hablyo u dira yaa munaasibada ciidul fidriga dhamaan umada reer somaliland meelkasta oo ay joogaan.
waxa kale oo aan halkan hambalyo uga diraa munaasibada ciida darteed dhamaan saaxiibadayda xubnaha golaha dhexe ee xisbi qaranka kulmiye ee aan ka midka ahay iyo hogaanka xisbiga kulmiye.
waxaan leeyahay sanadkaa sanadkiisa eebe bash bash iyo barwaaqo ha inagu gaadhsiiyo.aamiin aamiin
ciid wanaagsan meel kasta oo aad joogtaan dhamaan reer soomaliland iyo dadka islaamka ahba. waxaan ilaahay ilaahay ka baryaynaa inuu inagu gaadhsiiyo ciidan ciideeda nabad qab iyo caafimaad. Allahayoow basaastiyo
Boodhkiyo abaartiyo
Biyo waagan roobkii
Sanad bilo la kowsaday
Basanbaaska jaahweyn
Iyo belelka dhiilada
Buntukhiyo colaadaha
Adaa deeqda bixiyee
Bedelkooda nooyeel
Nabad lagu bariistiyo
Raxmad iyo barwaaqiyo
Bulsho wada islaamoo
Baqihii ku weynyoo
Balankii ilaahiyo
Fulinaysa baaqii
Nebigii bilaayoo
Buqdigiyo Xumantiyo
Boolida necbaatoo
Ka badheedha shaydaan
Inuu baadiyeeyoo
Baqalaha ibleyskiyo
Jinka siinin baadoo
Buro aan u goynoo
Bilo ugu kaltirinoo
Sida gaalka balata leh
Shirki aan ku baaweyn
Ubadkiyo barbaartoo
Boqornimada keligaa
Kugu baaqi yeeloo
Barashada quraankiyo
Xaqa baahintiiyo
Samaha u baqooloo
Ku baraarugaayoo
Bidhiidhyow ku weyn yahay.
Hambalyooyinka Ciidda